Tuesday, December 18, 2018

Goormaa hawl la qabtaa?

Waxa la is wayddiin karaa goorma ayaa hawl la qabtaa si wakhtigeeda loo gu gabagabeeyo?  Inkasta oo hawli bilaabanto iyada oo aan la isba wayddiin su’aashan marka deegaankeenna iyo dadkeenna la gu saleeyo, qofkuna ka warqabka ah in hawli sugayso oo kali ah kaga maarmi karo in uu is wayddiiyo xiliga iyo sida uu u qaban doono, haddana waxa la ga ma maarmaan ah in la ga jawaabo goorma ayaa ay tahay in aad hawli muddo-dhamaad leh bilawdo fulinteeda?.  Fulinta hawlaheena waxa ay ku xidhan yihiin diyaar ahaanshaha maskaxeed iyo jidheed ee aynnu leenahay innagu iyo sida aynu u qaabaynno hawsha inna hortaalla inaga oo ka cararayna fashil ku yimaadda hawl-qabadka inna sugaya.  

Mararka qaar nafteena waxa aynu ku aragnaa dhammaadka fashilka iyo guuldarrada.  Markan waxa aynu xidhanaa muraayad ina tusaysa in aynaan waxba qaban karin, ama aad tahayba qof hawl waliba isaga ku adagtahay. Humaag-beenaadkaasina waxa uu ku gayaysiinayaa in aad khalad ka fahanto awooddaada qofeed, sidaana isku dhiibto.  Dadka ku takhasusay aqoonta xikmad-nafeeddu [psychology] waxa ay qabaan in qofka iyo habfikirkiisu qaybta koowaad ka yahay dib-u-dhaciisa, sida uu qaybta u  gu mudan  u ga yahay horumarkiisa, taasina ay ka imanayso kolba sida uu ka aaminsanyahay awooddiisa qofeed ee uu ku beegayo waajibadada ama hawlaha  horyaalla.   Hore-u-socodka qofka waxa door muhiim ah ka ciyaaraya kolba sida uu u falo hawlaha joogtaada ah ee horyaalla, kuwaasi oo uu fulintooda dhiirigalin ka helayo, fashilkoodana niyad jab ka soo gaadhi karo. labadaas dhexdooda ayaa ay ka soo baxaysaa hal-adagynimada ah in aad aqbasho kakanaanta hawlaha iskana reebto bahaqa aad ka qabto in aad hawl ku fashilanto ama fulinteedu ku gu adkaato.  Fahamkan tabani waxa  uu ka been abuuraa awooddeena kaydsan.

Markale waxa aynu isku aragnaa dhammaadka tabardaradda. Fikradani waxa ay ku tusaysaa in aad tahay qof ka u gu tamarta liita, ee aan hawl loo diray waligii ku guulaysanayn ama aan ku dhamaystirayn wakthigii loo qoondeeyay in ay ku dhammaato. Inta badan ma isku aragtaa adiga oo qawadaya wakhtiga la gu siiyay si aad hawl u soo dhamayso?, haddii ay tahay  waxa aad abuuraysaa boqolaal cudur daar oo aad kalidaa arkayso. Cudurdaarradani waxa ay kaa dhigayaan mid ka takhalusi kari waayay xujada hortaalla ee ah in uu hawl hortaalla wakhtigeedii ku qabto.  Marka aad aragtidan qabto waxa uu qofku ka  runsheegaysaa laba  arrimood midkood, in aanu lahayn xirfaddii hawsha hortaalla uu ku qaban lahaa, isla jeerkaasna uu ka cabsiqabo  in uu ku fashilmo ama in aanu lahayn awoodda wax abaabusha [inspiration] taasi oo qofka u sahli karta in xataa hawsha aanu xirfadeeda lahayn isku dayo isla jeerkaasna barto sidii uu u fulin lahaa, fashillo badan ka dib.

Mar kale waxa aynu istaagnaa fagaaraha hawl-adagynimada iyo hawlkarnimada, inaga oo arkayna guulo iyo barwaaqooyin ka dhalanaya fulinta joogtada ah ee hawl maalmeedkeeena iyo ku-dhiirashada fulinta hawlaha kakan ee nolosheenna qurxiya. Dhiirranaantan iyo ku dhaca waxa aynnu ku kasbannaa tijaabooyinka joogtada ah ee aynu nafteenna ku hoggaaminayno, inaga oo fulinta hawlaha inna horyaalla ku jeesjeesnnay, waliba si kalsooni leh oo wakhtiyaysan u fulinayna.  Awooddeenna iyo garashadeenna waxa aynu isugu gaynna gudashada hawl-qabadada nafteena horumarinaya, inaga oo laba shay aad u ilaalinayna; wakhtiga iyo si togan u-adeegsiga walxaha [Resource] aynu haysanno.  Tani waxa ay ka soo horjeeddaa ta hore ee aynnu xagga sare ka ga warrannay.  Waana labada arrimood ee qofka u sahla in uu shaqooyinkiisa u qabto si tayaysan.

Waajib ma aha in bini aadamku  markaliya ka wada fikiro mustaqbalka iyo waxa dhici doona, waayo mustaqbalku waxa uu ka samaysan yahay isugaynta waxqabado kala danbeeya , xilliyo kala danbeeya.  Dib-u-dhac, farxad, horuamar iyo fursado la mideeyay ayaa timaadadu ka unkantaa. Laakiin waxa inna horyaalla hawlo yaryar oo gudashadoodu sida jaajuurka u dhamaystirayso dhismaha guusha ee aynu rajaynayno.  hawsha u gu muhiimsan ee timaada kaa sugaysaa waa in aad rajayso qorshahaagana ku darto in aad waxa imika kuu yaala ku gaadho timaaddo wanagsan [macnaha in aad hawl walba wakhtigeeda ku dhammayso, adiga oo tashiilanaya walxaha [resource] aad haysato], hadda ha fikirn ma aha, se waa fikirkaaga ku xidh hawlqabadka maalinlaha iyo qorshayntooda. Markaas ayaa timaadadu noqonaysaa wax si togan loo ga fikiri karo.   tani waxa ay meesha ka saaraysaa in aad iska fadhiisato, ka dibna ku hammido in aad cirkaa gaadhayso, hawlina waa bartii aad dhigtay oo aanad wali ka qaadin. Waa waddo kale oo kuu sahlaysa in aad hawl walba isugu diyaariso aminta loo baahanyahay in la bilaabo.

Inta aynnaan ka jawaabin goorma ayaa hawl la qabtaa aynu hawlaha la qabanayo laba u kala qaadno,hawl waajib ah oo dib-u-dhaceeda iyo gudasha la’aanteedaba ciqaab ama abaalmarin tabani inaga soo gaadhi karto. Tusaale ahaan in aad maalintii shaqo tagto waa wajib, in aad xilliga la guu asteeayay shaqadaada ku gudato oo hawlaha aad u astaysantahay amintooda ku fuliso iyana waa waajib kale. fashilka shaqadaada waxa ka dhalanaya dhibaatooyin badan oo ay u gu horrayso in aad kasban waydo wixii aad u timi goobta shaqada oo ah “gunno” ama “mushahar.” Waxa kale oo ka mid ah in aad ciqaab kale la kulanto sida shaqo-ka-saarid, hoos-u –dhigid  ama niyad jab kale oo ku gu riixi kara in aad naftaada u aragto  qof aan haba yaraatee waxba qaban karin sida aynu qormada bilawgeeda ku sheegnay.

Dhanka kale hawsha la qabanayaa waxa aynu u qaadan karraa in ay tahay mid “tabarruc” ama qurxin ah. Waa hawl aan waajib ku gu ahayn, balse fulinteeda aad si uun dheef dadban u ga helayso, haddii aad qabanwaydo aanad kala kulmayn, arrimaha aynu qodobka hore ku xusnay.  Qabashada hawlaha qurxiya nolosha waxa ay dhisaan qofka iyo qofnimadiisa, aqoontiisa iyo fahamkiisa, waxa aanu dareemaa sarrayn iyo kalsooni uu ka qabo qofnimadiisa, taasi oo markalena ka caawinaysa in aanu biyo u kaban hawlihiisa waajibka ah, ee noloshiisa iyo hourmarkeedu ku dhisan yahay.  Tusaale ahaan in aad toban buug bishii akhridaa waa hawl ka baxsan kuwa waajibka ku gu ah. Kaliya waxa aad dhisaysaa maankaaga iyo fahamkaaga aqooneed ee dunida maskaxdaada ka baxsan. Inta badan dadka ka takhalusay hawlahaooda waajibka ah ayaa ku tookha ama gaadha heer ay kuwa tabaruc ahna qabtaan si naftooda u gu dhisaan, bulshadana u tusaan tayoooyinkooda qaybta togan. 

Haddaba Jawaabta su’aasha aynu maqaalka saarnay waa la gu kala duwanaan karaa.  Mayee waaba la gu kala duwanyahay oo  aqoonyahanno badan ayaa siyaabo kala duwan u ga hadlay ama u ga jawaabay.  Goorta  saxda ah ee hawl la qabto waxa maamula duruufo kala duwan balse aminta u gu habboon ee la bilaabayo hawl waxa qeexid maangal ah saaray  Alian Boton. Alian Boton waa   aqoonyahan Filasoofar ah oo reer Switzerlan ah. Waa qoraa qoray dhiganeyaal dhawr ah oo u gu caansanyihiin  Essays in Love and How Proust Can Change Your Life. Alian waxa isku hawlay in uu si la fahmi karo inoo baro wakhtiga qofku hawl wakhti-dhammaad leh bilaabi karo isaga oo qaadanaya laba shay “cabsida fallidda hawsha iyo si xun u falidda hawsha.” Waxa uu yidhi “hawshu waxa ay bilaabantaa marka cabsida aad ka qabto in aanad waxba qaban karin ka badato cabsidaada ah in aad six un wax u fasho/qabato.”  Waxa kale oo xog la xidhiidha kala duwanaansha hawl qabadashada iyo maskaxda dadka ka ga bogan karraa qormo luuqada Ingiriisida la ga soo haltebiyay oo loo bixiyay Maxay qoreyaashu noqdeen dadka u gu wahsiga badan. Qormadani waxa kala oo ina baraysaa sida ay isugu lammaanyihiin wahsiga, hawlqabadka iyo kala duwanaanshaha maskaxda dadka.

Fahamka weedhan uu ku qeexay Alian xiliga hawl fulinteeda qofku bilaabo waxa uu ka soo dhiraandihiriyay dhinaca dareenka nafsiga ah ee qofka oo ah “baqaha”, waliba baqaha fashilka hawl-fulinta.  Baqahaaga ayaa qayb wayn ka ah fulinta iyo fulin la’aanta hawl ku hortaalla.  Si aynu u fahanno tibaaxda Boton aynu soo qaadano tusaale nololeed.  Waxa aad tahay arday wax ka dhiganaya kuliyad jaamacadeed. Waxa la guu  dirya layli aqooneed heer jaamacadeed ah, oo la gaa rabo in aad ku soo fuliso 100 saacadood ka dib.  Nooca layligani waa mid isugu jira waxa aad soo dhigatay iyo wax u baahan in aad baadho, oo aad boqolka saacadood ku gaadhi karto wali ba si fiican.  Saacaduhu waa ay soconayaan adiguna waxa aad maanka ku haysaa in hawshaa qabashadeedu laba arrimood dhextaalo, cabsidaaad ah in aad laylilga garanwaydo  oo aanad qaban karin iyo cabsi la’aantaad ah in aad si aan la qaadan karin [qalad]  u qabato. Halkaana aad kala kula kulanto yasid aqoontaada la soo gudboonaata maaddaama oo aad layligii sida la rabay u ga soo shaqayn wayday.

Muddo marka aad labalabayntaas [hesitation] ku jirto waxa aad gaadhaysaa amin wakhti-dhammaadkii [deadline] hawshaba la gaadhay ama waxyari ka dhimanyihiin. Markan go’aanka ku horyaallaa waa in aad  wax qabato, haba qaldanaato hawsha aad qabanaysaa waayo, waxa aad ku qanacday in aad ka cabsanayso in aad waxba qaban kari waydo, adiga oo aan ka cabsanayn in aad layligan si aan sax ahayn u qabato.  Markan ayaad xaqiiqsatay xiliga aad hawl bilaabaysaa in ay tahay goorta aad labadan ammuuurooda kala dooratay. Cabsidaada ah in aad layligan qabankari waydo ayaa ka badatay in aad si aan sax ahayn u qabato.  Muhiimadda waxa aad saartay in aad wax qabato haba khaldanaadaane, si aad hawsha wakhtigeedii u gu dhammayso.

 “Waa in aad qabtaa wax aan suurto gal ahayn si aad u gaadho wax aan suurogal ahayn” odhaahdan sare oo aan ka soo dheegay afka Ingiriisida waxa ay inna baraysaa in isku dayga shayga ay adagtahay ama dabci ahaan loo yaqaan wax aan la gaadhi karin, qabashadiisa la gu gaadhi karo guul ay adagtahay in la ga fikiro, mayee  guul wayn.   Xikmadani waxa ay inaga saaraysaa in aynu adeegsanno weedha ah “suurogal ma ah ama lama samayn karo”.   Xikmadaha nafsiga ah ee halkan la ga dareemyo waxa  dhabarka kale ka ga gudban wahsi, caajis, iyo is-dhigasho taasi oo marka danbe ku baraysa in carrabkaagu laasimo halhayskan dib-u-dhaca ah ee aynu xagga sare ku xusnay.  Marka se aad weedha aynu soo turjunay dul istaagno waxa kaa baxaya khuraafaadka beenta ah iyo humaagga aad istusayso ee ah in hawl ku hortaaalla tahay ama u egtahay mid aan la qaban karin.  In aad hawl kasta oo ku horaalla bilawdo ayaad beegsanaysaa. 

Waxyaabo badan oo aad aragtay ayaa  kuu gu muuqanaya kuwo ay adagtahay in la qabto, taasina waxa ay inta badan abuurtaa baqe ah in aanad hawshaa ka soo bixi karin.  In hawli ku gu adkaagto macnaheedu ma aha in aanay suurogal ahayn in la qabto hawshaas, balse waxa ay u baahantahay kaliya isku day iyo joogtayn.

Badheedhaha ayaa qofka ka saara shakiga uu ka qabo awoodihiisa kaydsan, isla markaana u tababara hawlo aanu hore u gu dhiirran jirin. Markasta oo aad isku daydo in aad wax qabato, haba xumaadaan sida aad u qabanaysaaye waxa la ga yaabaa in aad iska jabiso quful adag oo aanay jirin cid ku gu xidhay. Mayee dabeecadda ayaa ku fartay in waxaasi adag yihiin ama ay ka awood sarreeyaan tamartaada kaydsan.  Si haddaba qofku u ga gudbo dayrka horyaalla ah ee ah cabsi beenaadda ku tidhi “waxaasi waa ay adagyihiin ama la ma fali karo” qofka waxa uu baahida koowaad qabaa in uu lahaado laba arrimood oo u baahan in uu is baro; badheedha  ama kudhac ah in uu hawl isku dayo  iyo dhisidda kalsoonida qofeed si amarku ruuxdaa u ga soo fulo oo naftaadu amar kama danbays ah kuu siin karto si aad hawl aanad hore u qaban jirin ama baqe kaaga jiray fulinteeda  culayskeeda naftu kuu dareensiisyo.

Guulaha ug u jiritaanka dheer iyo helidda walxaha kownka u gu qaalisan waxa dhammaantood ku gedaaman duruufo iyo darbiyo adag.  Xikmadda  ka danbeaysaana waa in dadku kala baxo oo u kala miirmo mid karti leh oo duruufahaas iyo dayrarkaas jabiya iyo  mid fadhiid ah oo ku cataaba in aan wax macquul ah oo la qaban karaaba jirin.  Maarkan ayaa dadka qaarna ka dhigay kuwo la gu cabbiro fuudhka guusha kuwana la gu cabbiro guuldarada.
“hadduu dhiciyo yoolkaad lahayd looma dhaco hoose
Dhexdaa loo xidhaa maalintuu dheelli kaa galo”

Labadan bayt oo uu leeyahay abwaan da’yar oo la yidhaa Kayse Galaydh waxa ay si wanaagsan inooga caawinayanaan in aynu sii joogtayno hawlaha aynu qabanayno oo aynnaan u isu dhiibin dheeliga iyo caqabadaha kolba wadada u sii galaya socdaalkeena aynu u gu jirro xaqiijinta yoolalka nolosha. Si aynaan dhibaneyaal u gu noqon jidgooyooyinka iyo istabaha xoogaga iskacaabinta ah ee ka hor imanaya halka aynu geediga ku nahay waxa aynu ku adkaysanaynaa in aynu sii wadno oo hawl kasta oo adkaata ku celcelinteeda la qabsanno si wakhtiyasanna u bilawno u na dhammayno oo aynu dheelitiro janheedh kasta oo  ku yimaado hawl-qabadada inna horyaalla.

Qofka soomaaliga waxa uu duruufta kala siman yahay dadkyawga kale ee dunida, kuwana wuu kaga duwan yahay. La ga yaabee in qofka Soomaalilga ah ee meeli u calaamadsantahay aanu helin fursado badan oo taageera si uu halkaa u gaadho taa bedelkeedana uu la kulmo duruufo jallaafeeya oo Soomaalida u gaar ah sida faqriga, dagaalada iyo dhaqaale xumaanta, hoosaynta tiknoolajiyadda. Sidaasi oo ay tahay haddana jidka  hawl qabadku waa waddo kurtimo badan una baahan in marwalba waxa suurto gal ah la qabto. Si aynu u rumaysano in aynaan caqabadaha hawlqabadka kalideed la noolayan waxa aynu u baahanahay in aynu derisno dunida inagu xeeran iyo sida ay u noolyihiin bulshooyinkoodu. Tani waxa ay innaga cawinaysaa in aynu fahamno kala duwanaanta duruufaha iyo halka aynu bulsho ahaan kaga jirro.  Waa tii Soomaalidu ku maahmaahday “ninba ceesaantii ceel keentay”, maahmaahdan meelo badan ayaa loo adeegsan karaa, laakin halka aynu ka qaadanynaa waa in qof waliba duruuftiisa, awooddiisa iyo waxa uu qabanayaa isku miisaamanyihiin.


Hawl wakhti-dhamaad leh waxa la gu qaban karaa u-diyaar garaw, jajabin, dhiiranaan iyo kala doorashada labada cabsiyood ee aynu kor ku xusnay. Qormadani waa aragti wadaag, balse ma aha qaacido xidhan, taas oo macnaheedu yahay jawaab kasta oo ka ga macquulsan su’aasha ay ka jawaabayso waa la qaadan karaa.

W/Q: Maxamed M Jaaj.

No comments:

Post a Comment