Marka qaad la soo hadal qaado qof ba wax baa maskaxdiisa ku
soo dhaca. Qof baa ka fikira caleen cagaaran oo waliba qadhaadh, qof kale ayaa
ay ku soodhacdaa mirqaan iyo waalli, qof kale waxa uu sawirtaa nolol liidata
iyo dad qaadku noloshooda dulleeyay, mid baa ay ku soo dhacdaa shaqo iyo
ganacsi, mid baa ka fikira maqaaxi gabadhi haysato iyo rag qaad ruugaya,
mid baa sawirta qoysas qaadku baabi’iyay, mid maleeya sababta qaadka loo cuno
hadda na jawaab u waaya, mid kale ayaa is wayddiiyay sababta loogu mirqaamo,
mid kale waxa halxidhaale ku noqoto sababta caleentani u ga qaalisanaatay
haddana u ga dhib badatay caleemo badan oo Ilaahay abuurtay, mid kale
waxa uu ku dhaafaa in uu daroogo yahay, mid na kama fikiro, in uu ka fikirana
ma jecla, mid mid iyo mid.. Qof ba inta uu ka yaqaan ama ka maqlay ayaa
garashadiisuna sawir ka bixin kartaa qaadka. Waxa se jirta male guud oo
dadka intooda badan maskaxdooda marka ba ku soo dhaca, kaasi oo ah mirqaan.
Mirqaankaas ayaa u ah astaanta guud ee qof wali ba ka malaysto qaadka: qof cuna
iyo qof aan cuninba.
Shayga la cunayaa waa in uu qofka jidh ahaan iyo dareen
ahaan ba faa’iido u leeyahay. Walaxda cunisteeda wax la ga dheefayo waa daruuri
in la quuto, walaxda aan cunisteeda wax ba la ga dheefayn, maqnaanshaheedana
aan loo dhibtoonayna waa doorasho fudud in la iska daayo ama la cuno.
Qaadku waxa uu labadaa ba ka ga duwan yahay waa walax quudashadeeda dhibaato
jidheed, maskaxeed iyo mid nafsiyadeedba leh, balse la laasimay. Qofaf badan oo
qaliyaya ayaa mujtamaca ka mid ah, bulshada badankeeda qaadka cuntaana
waxa ay yeelanaysaa duruufaha uu leeyahay qofka qaad cunka ahi. Si
kastaba ha ahaatee waxa qofku qaad u cunayaa in uu ka helo raaxo-beenaad naftu
u gu sheegtay in la gu liibaanayo, ka dibna dareen ahaan ayaa uu ula qabsanayaa
isaga oo garawsan in aanu dhib mooyee dheef lahayn, inkasta oo tiro dad ahi
aaminsanyihiin in qaadku quud barakaysan yahay. Sidaas ayaa uu maalkiisa
iyo maanksiisaba u gu maddiidaynayaa darooga qaadka. Dhibta ugu yar ee uu qofka
ku keenayaa waa hurdo la’aan (insomnia) iyo khalkhal maskaxeed wakhti
kooban ah [mirqaan]. Waxaana u gu wayn in ummad dhammi garaadkeeda iyo
fikirkeedu u dumo, oo la ga awdo horumarka iyo waxqabsiga.
Nolosheenna oo dhan haddii waynayso la gu eego waxa la ga
helayaa saamayn qaadku ku leeyahay. Dhankasta oo la ga fiiriyo waxa soo baxaysa
in qaadku meel uun ka soo galayo habnololeedkeenna dhaqan, dhaqaale,
dabeecadeed, caafimaad, siyaasadeed iyo heerka nololeed ee bulshadaba.
Waxa la ga yaabaa in qofka aan cunin ama ehelkiisuba cunin uu is
wayddiiyo sababta qaadku saamayn u gu yeeshay ama uu diidaba in qaadku
noloshiisa meel uun ka soo galo, kol haddii aanu isaga, ehelkiisa iyo
asxaabtiisa midna cunin. Waa dood mar ahaan sax ah, markale na jaban.
Tusaale ahaan; adigu ma cuntid qaad, aabahaa iyo walaalladaana ma cunaan,
asxaabtaada iyo inta aad isku gole tihiinna ma cunaan. Sideed u aqbali kartaa
in qaadk noloshaada taabanayo? Waa su’aal ay tahay in qofku is wayddiiyo, in uu
jawaab u helana darruuri ah.
Ka soo qaad waxa qaadka cuna darawalka gaadhiga shaqada ku
geeya. Miyay ku taabataa? Waxa qaadka cuna macalinkaaga. Miyuu ku dhibaa?
Waxa qaadka cuna maamulahaaga shaqada. Ma dhibsataa? Waxa qaadka cuna wasiir ka
mid ah wasiiradaha dawladaada, wali ba duhurka ayaad aragtay isaga oo madal
qaadka la ga qaato oo lagu buuqsanyahay kuyuu ku jira. Ma yaxyaxdaa? Mayee waxa
aad aragtay bulshada oo badankeedu qaad cunaysa. Ma diiqadootaa? Intaas oo
dhammiba waa ay ka baxsan yihiin noloshaada iyo tan qoyskaagaba, dooddaaddiina
waa ay jabtay haddii aad ammuurahan ka biyo diidday. Markan ayaad
ogaanaysaa in bulshada oo dhammi qoys tahay, qoyskaasina wanaaggiisu ku
yididiilo galinayo, dib u dhiciisa iyo maangeddoonkiisuna ku
dhibayo. Meel ka sii hooseysana ma ka eegnaa? Waxa aad la jaar tahay qoys
danyar ah, oo carruur laba ama saddex ah haysta. Waa jaarkaaga oo waad ogtahay
in noloshoodu ku dhisantahay shilimaadka yoomihhaha ah ee aabbuhu maalinkaas
soo shaqaysto. Haku fillaato ama yay ku fillaane waa nolol ku dhisan
kallahaadda aabaha qoyska iyo wixii uu soo xoogsado maalintaas.
Waa aabbe qaad cun ah, shilinka gacantiisa soo galana
boqolkiiba saamiga u gu badan waxa uu siistaa qaad inta ka soo hadhana waxa uu
goor habeenka badhkiisii hore dumay u keenaa qoyskii oo gaajo maalinimo la
tacdaraysan. Noloshaas ayaa iska socota. Maalin walba waa sidaas, isna maalin
walba wau uu qayilaa. Isagu isuma roona. Ubadkiisa maalin noloshooda lama
qaato. Daryeel aabbonima kuma qabaan. Maalmaha aanu camalka haynna hurdo ayaa
uu ku gaadhaa habeenka. Reerkiisana gacmo kale ayaa loo soo taaga ama jaarka
ayaa carruurtaas dhuuniga ku kaalmeeya marka diifta gaajadu ka soo ifbaxdo
muuqaalkooda. Hooyadaas warwar ayaa ka haysta qaab nololeedkeeda. Waxa ay
wayday daryeel qoysnimo, mid ubad iyo mid nololeedba. Adiga waa
jaarkaaga, oo waanigii ku idhi oodda ayaa isugu kiin qabsan. Waxa aan hubaa in
ay ku dhibayso, oo imika ba tusaalahan mala awaalka ah ayaa run kuugu muuqday,
waanad dhibstay. Bal xaaladdaas oo run ah ka waran. Xaaladdaas oo qoysas badani
ku noolyihiin ka waran? Mayee boqolkiiba badh ka mid ah bulshada in
sidaas noloshooda dhabta ah tahay ka waran? Hadddii aad dhibsan
waydo adigu na qaad qamax kale oo caleenta ku walfay ayaa tahay.!
Si guud haddii aynnu u eegno, waxa ugu badan ee qofka
maankiisa iska wayddinayaa waxa ay tahay “sida ay u ekaanayso timaada mustaqbal
ee bulsho yarkeeda iyo waynkeeduba qaad cunayaan.” Waa timaada toban sano,
konton sano, ama boqollaal sanoba. Taasaa ah fogaanta u gu fog ee qofka ama
bulshada soo jeedda ka hilaadiso dhibaato maanta taagan iyo inta ay sii jiri
doonto. Markalena waa taa kuu caddaatay in qaadku nolosheenna dhan walba
ka soo galo, cun ama ha cunin.
Haddii hoos loo sii socda waxa aynnu u galaynnaa boqollaal
duruufood oo foolxumada aad yaabto, kuwaas oo la ga dhaxlay caleenta qaadka ee
lagu fooganyahay. Marka se aad shay dhibtsato ama bulshada oo dhammi
dareento darayooyinkiisa ama is wayddiini ka timaaddo, waxa la
aamisanyahay in arrintaa lagu baraarugay, oo bilawgii dhammaadkeeda la gaadhay.
Marka aad aragto duruufahaas qaadka laga dheefay ee aynnu xusnay, waxa
maskaxdaada ku soo dhacaya wayddiimo dhawr ah; sidee qaadka loo joojin karaa?
yaa awood u leh in ay joojiso? Adigu kalidaa ma joojin kartaa? Dawladdu maxay u
joojin wayday? Kuwa cunayaa maxay isaga dayn waayeen? Dadka cunayaa miyaa la
sixray oo waa ay fooroaan? Imisa qof oo kale ayaa kula arkay mise waa
kelidaa? Su’aalaha badannkooda jawaab ku filan iyo xal kaliya u
heli maayo qofku, laakiin waddooyin lagaga raysan karo iyo mawduucyo wakhti
dheer qaata ayaa ku furmaya. Warka u gu danbeeyaa waxa uu noqonayaa ‘waa
in maalin uu qaadka la wajahaa, adiga oo rumaysan in loo baahanyahay qorshe
fulintiisu suurogal tahay.’
Badhtamihii 2015-kii ayaa dawladda ingiriisku soo saartay
go’aan ay ku joojinayso qaadka soo gala dalkeeda, iyada oo u cuskanaysa in uu
yahayd daroogo aan u wanaagsanayn horumarka qofka iyo kan bulshadaba. Golaha
qaabilsan kala talinta ku xadgudubka iyo si xun u adeegsiga daroogada ee
Ingiriisku (ACMD), waxa yidhaahdeen “inkasta oo aannu hellay caddaymo aan
nagu fillayn oo ku saabsan dhibaatooyinka caafimaad iyo bulsho ee qaadka,
haddana waxa aannu u aragnay in aannu joojinno.” Dawladda Ingiriisku kama ay
joojinayn muwaadiniin Ingiriis ah oo qaad-cun ah, balse waxa ay baadhid
qaydhin ku heshay dhibaatooyinka kaga iman kara ajaanibka qaadka cuna, iyaga oo
wali ba ka baqe qaba in bulshadoodu ka mid noqoto dadka qaadka quuta. Waa
tallaabo cilmibaadhis iyo raadraac ka dib la fuliyay, iyaga oo
waliba dakhli cashuureed ka soo gali jiray. Waa sida u gu habboon
ee loo wajihi karo ma-guuraanka qaadka haddiiba la joojinayo.
Marka shay la doonayo in wax laga qabto ama la wajaho si loo
joojiyo waxa ay u baahantahay in la indha indheeyo, la gorfeeyo, aqoon-baadhis
la gu sameeyo si loo ogaado dhibtiisa iyo dheeftiisa kii badan. Bulshada iyo
heerka uu ka joogana mar walba cabir rasmi ah la ga qaato. Waa in si madax
banaan loo baadho dhan walba si jawaab la gu qanci karaa uga soo baxdo,
joojinta dooddiisana looga guulaysto cidda markaa dhankiisa fadhida ee
difaacaysa. Marka dhuuxid iyo dabagal cilmiyaysan la gu sameeyo waxa soo
baxaysa xog daahfuran oo lagu kalsoonyahay, joojinta qaadkana ama shayga
markaa la joojinayana waajib ka dhigaysa dagaalka la la galayo. Sidaa si
la mid ah ayaa ay mudan tahay in hadimada qaadka la abla ableeyo cidda rasmiga
ah ee ay ka go’do in ay iska daysana [quutayaasha qaadka] si toos ah loo
abbaaro. Tusaale ahaan, haddii aynnu doonayno in sigaarka la joojiyo waa
in la abbaaraa (target audiences) cidda sigaarka cabta, si aqoonaysanna loogu
bandhigaa dhibaatada caafimaad ee sigaarka, inta aan tallaabo khasab ah oo
markaliya dusha la ga keenay la qaadin. Marka sigaaryacabka la
tusto in dhibtiisu, dheeftiisa ka badantahay waxa suurogal ah in boqolkiiba
saami ka mid ahi iska joojinaan, inta kalena waddooyin sharci
iyo xannibaado ganacsi lagaga joojiyo.
Kala doorashada labadan su’aalood qaadka miyaa la joojin
karaa? mise waa la cidhibtiri karaa? ayaa qayb ka noqonysa qorshaha
bulsheed ama qaran ee la gu wajahayo qaadka. Ma odhan karo waxa la
cidhibtiri karaa, waayo waa ma-guuraan nolosheenna si ruuxi ah u gu nool. Cidda
qaadata halbeegga ah “cidhib-tirna” waxa ay ka qaadi doontaa “daal iyo
naiyad jab” aan ka soo waaqsi lahayn. Mar walba halbeegga aad u cabirayso
hawl qabadkaaga aad shay joojintiisu ku wajahaysaa waxa ay u baahantahay
halbeeg-odhaaheed ku habboon qorshahaaga. Ciwaanka aad u samaysay
ama odhaahda aad ku suntayso hawlqabadkaagu waxa uu qayb ka yahay ku guulaysiga
iyo ku fashilidda hawshaas. Haddii in uun la doonayo in qaadka wax la ga qabto
waa in la adeegsada erayo muujinaya la dagaalan, wacyigalin awoodaysan,
joojin, yarayn iyo kuwa la mid ah sababtu tahay heerka uu bulshadeenna ka
joogo. Haddii qorshaha koowaad ba la gu bilaabo dabargoyn ama tirtirid
waxa suurto gal in la gu daalo.
Siyaasi Cabdikariim Axmed mooge iyo koox kale oo aqoonyahan
da’ yar ah ayaa 2015-kii sameeyay urur/ barnaamij ay u bixiyeen “OLOLAHA
CIDHIB-TIRKA QABYAALADDA”, waxa uu ahaa fikir togan iyo dareen qofnimo/qofaf oo
ka dhashay mushkilad bulshad bulshada ragaadisay. Barnaamijkaasi muddo
ayaa uu socday, goobo badan iyo gobollana waxa la ga sameeyay fagaare-ka-hadal
dhawr ah oo dhibta qabyaaladda lagaga hadlayay. Anigu se waxa aan u arkayay qorshe
hirgalintiisu qabyo gali doonto oo aan gaadhayn halka loo calaamadiyay laba
sababood awgeed. Marka koowaad waxa la qaatay erayga “cidhib-tir” oo aan
waaqaca ku jaango’nayn, himilo ahaanna ay adagtahay in la gaadho. Waxa la heli
karayay hal-ku-dhegyo ka fudud oo sifaynaya yarayn ama la dagaallan. Uga
horrayn ba waxa hawshaa buur adag ka dhigay ciwaanka la saaray hawlgalka.
Waayo waxa aynnu ognahay in qabyaaladu tahay shay aan marqudha iyo boqol sano
toona xididka loo siibi karin, erayga cidhibtirra waxa uu sheegayaa shay la
suulinayo markaliye oo aan waligii dib u soo laabanayn iyada oo
awooddeedii la haysta, sida Cudurka dabaysha oo meelo badan adduunka la ga
dabarjaray.
Markale waxa caqabad noqday cidda la wajahay ee lagu
aaddiyay nuxurka barnaamijka. Waxa la abbaaray tiro dad ah oo isku mid ah, oo u
badan dhallinyar aqoonyahan ah, halka ay ahayd in la abbaaro dadka
qabyaaladda abuura ee bulshada habqabiillo u kala qaybiyay si ay dano
gaar ah u gaadhaan. Kuwaas oo ay u gu horreeyaan Suldaannada, cuqaasha, oday
dhaqameedka guud ahaan iyo siyaasiga reeraha abaabulaha. Kuwaas ayaa ay ahayd
in la ga dhigo beegsiga koowaad iyada oo dadkana la gu guubaabinayo
aamminaadda sharciga iyo dawladnimada. Ka dibna dhalinta aqoonta bartay la ga
dhigo qaadayaasha farriimaha barnaajimka. Halkan waxa laga baran karaa in
qaadku la mid yahay. qorshe kaste oo qaadku la gu waajahayaana uu noqonayo mid
ka turjumaya la dagaalan iyo yarayn, balse aan ay suuro gal ahayn in la
yidhaa “qaadka waa la dabargoynayaa ama la cidhib-tirayaa” Maaddaama oo uu
noqday ma-guuraan nolosheenna degay.
Waaqaca nololeed ka jira waddankeenna ayaa ka dhigaya qaadka
walax aan markaliya laga guulaysan karin. Yarayntiisa iyo waajihiiddiisa
waxa la ga duulayaa in bedelkiisa la abuuro, bulshada dhaqaale ahaan u gu
noolna qorshe ay noloshooda ku dabari karaan loo abuuro. Qofka iibiya
qaadku, waxa khasab ah in uu cuno, marka laga reebo haweenka ka ganacsada. Waxa
uu noqonayaa qof qaadkii noloshiisa dhex degay, wakhtigiisana ku qaadanaya
muqawadnimo iyo feenashada caleentaas, halkaana waxa ku lumaya waajibaadkii ka
saarraa naftiisa, Eebbe, ubadkiisa iyo qoyskiisaba illaa ay ta qaranka soo
gaadho. Si nafahaas loo bixiyo waxa mudan in la abuuro qorsheyaal ganacsi
oo dadka lagaga bedelanayo ka bixidda ka ganacsiga qaadka iyo cunistiisaba. Si
loo yareeyo ma-guuraanka maskaxdeenna dabray.
Dad badan balwadda qaadka waxa galiyay maararraw iyo in ay
madaddaalo wakhti lumin ah ka helaan. Tani waxa ay inna tusaysaa in ay jirto
fursad la gu abuuri karo barnaamijyo madaddaalo iyo goleyaal
masraxiyadeed dadku ka helaan maaweelo ay wakhtigooda ku qaataan si ay u
ga mashquulaan balwadaha qaadku ka mid yahay. fanka, suugaanta, ciyaaraha
kubadda iyo bandhigyada la gu soo bandhigo hibooyinka ayaa ka mid noqon kara hubabka
dahsoon ee la gu la diriri karo si loo yareeyo, maaddaama oo aan la dabargoyn
karin ma-guuraankan nolosheenna ka mid noqday. Halkaas waxa ku jirta fursad
tiro dad ah lagaga soo saari karo badwaynta balwadda qaadka kuwa kalena lagaga
baajin karo.
Nebiyada ayaa la soo dejiyaa si ay u baabi’iyaan xumaan
ummadda dhexdeeda iyo dhulka guudkiisaba ku fidday. Ciidamo Eebbe iyo
Nebiyo qaadka loo dirayo mid na ma jiri doonaan. Marka se garaadku tooso,
dadka ayaa garasho feejigan [garaad is diraya, oo iskii u gu tabarucaya in uu
dadkiisa ka saaro muskhilad] yeelanaya. Si mushkiladda qaadka loo yareeyo, ama
loola dagaaloo waa in la helaa dad si mutadawacnimo iyo naf hur ah u gu taagan
soo bandhigidda dhibaatooyinka qaadka. Kuwaas oo wacyi galintoodu abbaarayso
kuwa cuna. Waxa u gu horrayn kara inta aqooonta leh iyo qalinlayda
oo kaashanaya bahda caafimaadka, waxgaradka, suugaanyahanka iyo dadka bulshadu
u soo istaagto.
Ugu danbayn; Joojinta, xanibidda, la dagaalanka iyo yaraynta
qaadkaba waxa si wax ku ool ah door u ga ciyaari karta dawladda. Mayee aan
nidhaanho iyada ayaa masuuliyadi ka saaratnay wax kasta oo dhibaataynaya
bulshada. Si kaleba aynnu u gu sheegno dawladda in uu daroogo yahay,
daroogadana sharciga iyo diintu ba diideen, oo ay waajib dawladeed tahay in wax
la ga qabto. Laakiin aynu u gu darro in silsilado taxan iyo tallaabooyin kala
danbeeya la qaaddo iyada oo la kaashanayo ururada bulshada iyo waxgaradka.
Tallaabooyin isugu jira sharciyo, wacyi galin, mashaariic shaqo abuur,
aqoonbaadhis la xidhiidha dhibtiisa iyo goleyaal maaweelo sida aynu kor ku
xusnay.
Qalinkii: Maxamed M Jaaj.
No comments:
Post a Comment