Tuesday, September 19, 2017

Nolosha U Daa.

Waa ay qaawantahay. Waxa ay dhextaallaa meel wada  xashiish ah. Oohin ayaa ay beercaddaatay, iyada oo ku qandhootay qabawga ba’an ee habeenka.  Maqaarkeeda dhaylada ahi ma xamilayo dabaylaha habeennimo ee qabow. Halkii ayay ka ooyaysay habeenkii oo dhan iyada oo rajaynaysa in qof uun codkeeda maqli doono oo uu badbaadin doono,  nasiib darro se qof na ma maqal oohinteedii.  U gu danbayn waxa ay si aayar aayar ah u joojisay oohintii iyo dhaqdhaqaaqii gacmaha iyo lugaha ba, waxa kale oo ay joojisay neefsigii. Bal is wayddii, yay ahayd?  Waa gabadh yar oo markaa dhalatay. Qoyskeeda ayaa tuuray, markii ay dhalatayba,  maxaa yeelay waa gabadh.!

Haa, gefka ay gashay waxa uu ahaa in ay ahayd gabadh. Sidee ayay waalidku ilmo ay dhaleen u gu quudheen in ay tuuraan? Miyaanay xaq u lahayn in ay aragto adduunkan quruxda badan?  Inkasta oo aynnu ku noollahay adduun horumaray oo casri ah, haddana faquuqa jinsigu (dhedignimadu) wali waxa uu ka jiraa meelo badan oo dunida ah. Dad badan ayaa aaminsan in wiilashu yihiin nasiib iyo badhaadhe.  Bal u fiirso, waxa ay doonayaa gabadh si ay hooyo u gu noqoto, lamaane ay la haasaawaan,  marwo ay guursadaan, mid ay dumaashi ka dhigtaan, laakiin ma jecla in ay gabadh dhalaan.  Waa maxay sababtu?

Waxa aynnu aragnaa dad badan oo aan waxbaran [jaahiliin] ah kuwaasi oo taageeraya, oo dhisay marxalad kasta oo nolosha gabdhahooda ah ah, waxa kale oo aan aragnaa dad aqoonyahan ah oo gabdhahooda dila marka ay dhashaan ama  inta ay uurka ku jiraan ba, xikmaddu ma aha aqoonta laakiin waxa ay u baahantahay in aynnu bedelno maskaxdeenna iyo habfikirkeenna ku aaddan jinsiga [labka iyo dhedigga].

Wakhtiga ayaa waxbadan bedelay.  Dumarkuna waxa ay samaynayaan horumar ballaadhan,  kuma na tiirsana ragga qaybo badan oo noloshooda ah.  balse illaa wakhtigan dad badan ayaa gabadha u arka inkaar iyo nasiib darro ku soo korodhay, iyaga oo aaminsan ama ka malaysanaya in aan gabadhu wax ba tarayn.  Waa ay ku xadgudbaan, dilaan oo  hoos u dhigaan, iyaga oo aaminsan in ay tahay abuur aan tamar lahayn.

Maya, ma aha abuur taagdaran.  Waxay leedahay qalbi xaadhan oo qurux badan, waa qof hal-adayg leh, kalideed halgami karta, kalideed na nolosha samaysan karta isla markaana guulo badan oo nololeed gaadhi karta.  Waxa kali ah ee aad u baahannahay waa in aad maskaxdaada ballaadhiso oo ka xorayso faquuqa jinsiga  adduunkan quruxda badanna u ogolaato gabdhaada [inantaada].   Wax bar,  rumayso iyada oo dhiiri gali, dhegayso oo warkeeda maqal, u ogolow nolosha, fakaag u sii fikirkeeda illaa halka u gu sarraysa.  Intaas  oo dhan ba xaq bay u leedahay waayo waa bini aadam. Waxa ay leedahay xaqa nolosha iyo ku noolaansha nolosheeda xorta ah.  


W/T: -  Maxamed M Jaaj. 

No comments:

Post a Comment