Tuesday, February 26, 2019

Shaqo la’aantu ma qeexna.


Dadku waa shaqo-raadis firfircoon, laakiin markaa ma hayaan shaqo ay qabtaan, markaas ayaa  la odhanaya shaqo la’aan ayaa jirta. Marka dhanka kale laga soo istaago  tirada shaqo ee jirta waxa  ay calaamad lagu aqoonsan karo u noqonaysa tirada dadka ee shaqeeya, marka laga reebo shaqooyinka aanay dadku ku baraarugsanayn ama aan la daahfuran. Shaqo la’aantu waa dhibaato dunida oo dhami la tacaalayso, mana jirto kob adduunka ka mid ah oo aanay ka jirin. Kala duwanaantu se waxa ay noqonaysaa hadba heerka ay leegtahay iyo nooca shaqo la’aaneed ee ka jirta waddankaas. Dawlado dhan ayaa dadku kaga horyimaadaan camal la’aan soo foodsaartay, tusaalaha nool ee qarniganna waa dhacdadii Tuniisiya ka dhacday sanadkii 2010. Wiil dhalinyar ah oo jaamacad ka baxay, qorshe ganacsi oo uu samaystayna dawladdu ka burburisay ayaa isku gubay meel fagaare ah isaga oo naftiisa u halaagay shaqo la’aan. Dhimashadiisii waxa ay sabab u  noqotay in ay  dhacdo dawladdii waddankaa ka talinaysay, halkaana waxa ka bilaabmay  kacdoonka caanka noqday ee Gu’gii Carabta la magac baxay, kaas oo galaaftay boqorro iyo madaxweynayaal. Kacdoonkaas oo illaa maanta halkiisii ka sii socda –u fiiro Suudaan, oo ay wali wacdarihii kacdoonkaasi ka sii bidhaamayaan.  

Bulsho ahaan waxa aynu nahay dad kobocooda dhaqaaleh hooseeyo, kaabayaasha dhaqaalana aan wali sidii la rabay loo dardargalin. Sida oo  kale ma lihin wax soosaar khayraad sida macdan qodis, shidaal, beero iyo mashaariic waaywayn (heavy project) kuwaasi oo dhammaantood si toos ah u ga qayb qaadan lahaa yaraynta shaqo la’aanta.  Waxa aynu nahay bulsho ay ku yaryihiin xirfadaha lagu shaqaysto ee nolol maalmeedku lagu soo saarto. Taasina waxa ay sii kordhisay heerka shaqa la’aanta ee bulshada.  Walina inooma cadda heerka shaqo la’aanta bulshadu la nooshahay iyo waliba noocyada shaqo ee deegaankeenna yaalla. Mawdduucan dunidu aad ayay isaga xil saartaa, waxa aanay samaysaa baadhisyo qoto dheer oo lagu dersayo sababaha dhabta ah ee keena shaqo la’aanta iyo sidii loo dawayn lahaa.

Soomaalidu waa dad bulsho xigaalnimada iyo qaraabnimada aad u tixgalisa, is xidhiidhisa ama wax is tartaba marka qofka xaaladi ku soo baxsato. Ma  jiro wakhti qofku qoyskooda si toos ah uga xoroobo dhaqaale ahaan iyo talo ahaan ba inta aanu u banbixin nolol uu kalidii maamulkeeda leeyahay. Waxa jirta in qofka dhalinta ahi da’ sodon ka badan ku gaadho gurigooda, jeebkiisa maalinlaha ahna ka helo qoyskiisa, halkaasna ay ku lunto tamar iyo fikir badan oo uu galin lahaa in uu samaysto shaqo uu naftiisa ku dabbaro. Waxa uu noqonayaa qof caban oo in shaqo laani hayso aan dhaafin karin hadalkiisa iyo awooddiisa ba, maaddama oo aan qoyskooda dibadda u saarin.  kuwani waa dadka ugu badan ee shaqo laanta ka cawda.

Halkan waa ay inagaga duwan yihiin wadamo badan, kuwa reer galbeedku haba ugu badnaadaane, waayo qofku haddii uu qaangaadho ama uu noqdo qof jidh ahaan iyo maskax ahaan ba dhamaystiran waxa laga lagu dhiirigaliyaa in uu naftiisa bixiyo, oo uu noqdo qof  maaraynta noloshiisa u foof taga. Qofkuna waxa uu  si isku dirqiyid ah u bartaa xirfadaha nolosha taageera, waana sababta keentay in faca dadyawga horumaray wax ku soo kordhiyaan bulshooyinkooda.

Inta badan lama soo saaro xog sax oo ku saabsan heerka shaqo la’ aanta,  in la sameeyo tiro sax oo sheegaysa shaqo la’aanta markaa jirtaana waa ay adagtayahay.  Sababta  waxa aynu u aanayn karraa dadka shaqo la’aantu haysaa oo aan ahayn  kuwo warkooda soo gaadho cidda raadinsaya xogta camal la’aanta.  Dadka qaar ma jeclaba in ay sheegaan shaqo la’aantooda sababo dhaqan ama caadooyin bulsho darteed, kuwa kale waaba ay iska laasimeen shaqo la’aanta oo waxa ay noqdeen kuwa fadhiid ah.

Qodobadani waxa ay ku adkaynayaan  xogbaadhayaasha, dawladaha, ururada maxalliga iyo cid kasta oo ku hawlan in ay helaan xogta shaqo la’aanta gaar ahaan tirada rasmiga ah ee bulshadaas shaqo la’. Taa bedelkeeda  waxa ay qaataan cabbiro ( measurement) ay is diidi karaan xaqiiqada ku saabsan la’aanta jirta, iyaga oo aan samaynin  raadraacyo iyo xogbaadhis dhamaystiran. Natiijada soo baxaysaa waxa ay u dhawdahay mid aan si buuxda u meteli karin heerka shaqo la’aaneed ee wadanka.  Waxa kali ee ah aynu si marag ma doon ah u ognahay waa in shaqo la’aan baahsani jirto, cidda ugu badan ee aan shaqaynina ay dhalinyaro tahay. Taasi waa cabir qofka caadiga ah ee suuq joogga ahiba garan karo, laakiin ma aha  warmurtiyeed si aqoonaysan loo xaqiijiyay tiro ahaanna sugan.

Caqabadaha hortaagan in si dhab ah loo qeexo shaqo la’aanta waxa ka mid ah gorfeynta xalka shaqo la’aanta iyada oo aan awoodda la saarin sidii loo xaqiijin lahaa, loona qeexi lahaa heerka shaqo la’aaneed ee bulshada, cidda ugu badan ee aan shaqo haysan, deegaanada  ay ku badantahay iyo sababaha keenay. Tusaale ahaan; midkee ayay shaqo la’aantu ku badantahay dadka aqoonta leh iyo kuwa aan waxba baran. Halbeegyada aqoonta casriga ahi ku fuudhiso marka ay shaqo la’aanta dersayso waxa ka mid ah dadka waxbartay, oo ah kuwa inta badan ku dhawaaqa in ay shaqo la’ yihiin. Xogaha laga sameeyay  shaqo la’aantana intooda badani waxa ay ku dhisanyihiin  dadkaas wax bartay. Halkaas waxa ka muuqanaysa in cid kali ah xogtooda la darsay, oo xaglin (bias) lagu sameeyay dhammaan shaqodoonada kale ee aan lagu ogaan karin illlaa baadhis la sameeyo.

Dhaqaalaha iyo  khayraadka oo aan saamaxayn in la wada gaadho bulshada shaqo la’  waxa ay keentay in si sax ah loo sugi kari waayo  tirokoobka dalka ee shaqo la’aanta. Dhanka kale ma jiraan machaddo cilmi baadhiseed oo isku hawlay arrintan si loo helo daraasad lagu kalsoonaan karo oo laga tixraaco marka la qeexayo shaqo la’aanta. Sida aynu xusnayna “Dhalintaa waxbaratay” ayaa laga cabbir qaataa marka la dersayo arrintan. Cabir ahaan in dhalinta waxbaratay oo kaliya looga qiysaas qaato shaqo la’aanta jirta ma noqonayso dood sax, mana noqon karaan saami u taagan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee shaqo la’aantu hayso. Waayo nooc kasta oo bulshada ah waxa ay biyo dhigtay qayb shaqo la’aanta ka mid ah, ha noqdaan kuwa aqoont leh, kuwa muqur maalka ah, kuwa guryaha  jooga, kuwa xirfadaha bartay iyo cid kasta oo si uun shaqo la’aani u hayso.

Laba Xogbaadhis oo uu sameeyay xafiiska dawlada Maraykanka u qaabilsan tirokoobka shaqaalaha ayaa qeexay in ay jiraan saddex nooc oo shaqo la’aan ah, kuwaasi oo haysta dhammaan noocyada kala duwan ee bulshada.  Shaqo la’aan kala-guur (Frictional unemployment), taasi oo ah shaqo la’aanta ka timaadda marka shaqaaluhu ka tago shaqadiisa hore si uu u raadsado shaqo kale oo ka fiican tan uu ka tegay.  Shaqo la’aan xirfadeed (Structural unemployment), taasi oo ah marka xirfadda ama aqoonta shaqaaluhu noqon waydo mid ku haboon shaqada markaa jirta. Tusaale ahaan; warshadda roodhida oo marka hore gacanta ku samayn jirtay noocyada kala duwan ee roodhida ayaa soo iibsatay Mishiin roodhida sameeya.  Shaqaalaha markaa joogaa malaha xirfaddii iyo aqoontii mishiinka, markaa waa in ay shaqada ka tagaan si loo helo shaqaale leh aqoonta iyo xirfadaha mishiinkan. Tan waxa keena  tiknoolajiga casriga sida ROBOTS (mishiino sida aadamaha u shaqeeya). Halkaana waxa ka soo baxaysa nooc shaqo la’aan ah.

Tan saddexaad waa    shaqo la’aan ka timaada dhinaca hoos u dhacyada ganacsiyada (cyclical unemployment),  taasi oo ay sababayso marka baahida alaabta iyo adeegyada suuqyadu hoos uu dhacaan, isla markaana shirkadaha ama loo shaqeeyayaashau yareeyaan ama dhimaan shaqaalaha.  Xogtan oo ku timi xog baadhis iyo raadraacyo lagu sameeyay dhammaan suuqyada shaqooyinka waxa aad arkaysaa in ay saamaynayaan noocyo kala duwan oo dad ah, kuwaasi oo kala xirfad ah, kala aqoon ah, kala nolol ah, balse intuba waa shaqo la’aan.

Marka aynu cabirkan ku fuudhino bulshadeena  nooca shaqo la’aaneed ee bulshadeenna ku badani waa midda labaad (structural unemployement). Aqoonta aynnu barannaa inta badan kuma jaan go’na nooca shaqooyinka wadankeenna yaalla. Tusaale ahaa: Huteelada waawayn waxa ka shaqeeya boqolaal shaqaale ah oo la isla yaqaan. Boqolkaas inan ayaa ku dhex wareega. Ma jiraan ama waa ay yaryihiin machadado soo saara dhalinyar baratay xirfadaha hoteelada lagaga shaqeeyo, waxaaba laga yaabaa in ay tahay shaqada ugu badan ee cid loo naadiyo inta badan, cid ka shaqaysana lala baryo.

Su’aalaha aynnu is wayddiin karaaa waxa ka mid ah; inaga bulsho ahaan, shaqo la’aantu ma qeexantahay? Ma jirtaa xog rasmi ah oo lagu jaangoyn karo nooca shaqo la’aanta jirta?  Ma shaqaale la’aan baa jirta oo shaqo waa ay buuxdaa?. Dhammaan su’aalahan jawaabtoodu waxa ay u baahanyihiin xog rasmi ah iyo baadhid dhammaystiran si loo qeexo shaqo la’aanta rasmiga ah ee jirta.

Qalinkii: Maxamed M Jaaj.



No comments:

Post a Comment