Sunday, October 2, 2016

Wahsi iyo waxtar yaraan.

Bini aadamku waa noole aad u raaxo jecel, sida oo kalena aad u horumar jecel. Waa laba ammuurood oo aad u kala taggan. Labadaa falsafadood ee aan barkulanka lahayn ayuu ku dhex wareegayaa horumarka iyo horumar la’aanta qofku. Wahsiga, is dhigashada iyo caajisnimada ayaa ka mid ah ammuuraha keena in qofku ku guuldaraysto fulinta hawlihiisa. Sida aad ugu dhego nugushahay hawl-maalmeedkaaga waajibka ah iyo kuwa aan waajibka ahayn ee taageera horumarka nafta sida akhriska iyo qoraalka ayaa horumarkaaguna ku jaan go’an yahay. Dadka intooda badani waxa ay  dagaal kula jiraan wahsiga nafahooda la jaalka ah iyo in meel la iska kuududsado sabab la’aan. Qolo waa ay ka guulaystaan  ka wahsiga hawlaha daruuriga ama waajibka ah ee waliba wakhti kama danbaysa (deadline) ah ku dhammaada. Qolo kalena waa ay ku dhex asqoobaan dib-u-dhigashada waxqabadooda, illaa ay culays nafsi ah iyo maskax-daalba ka qaadaan. Haddaba, qormadan koobani waxa ay ku dhex wareegaysaa wahsiga iyo saamayntiisa. Waxa kale oo ay qormadu xidhiidh ka dhaxaysiinaysaa Soomaalida iyo wahsiga, waxna ka odhanaysaa xalalka la isku waafaqsan yahay ee lagu maareeyo.

Horusocodkasta iyo falkasta oo qofku samaynayo waxa ka horyimaadda caqabado kallifa dib-u-dhac. Caqabadahaa keena in aad dib-u-dhigato barnaamijyada ku horyaalla ayaa wahsiguna ka mid yahay. Haddaba, wahsigu waa dib-u-dhigasho hawl wakhtigeedii joogta, ama ku hortaalla ammintaa. Waxa qofku qabanayaa hawl kale oo ka darajo  hoosaysa ama ka dhib yar, balse laga yaabo in uu ka helayo raaxo nafsadeed ama hiwaayad. Halka uu qofku dib u dhiganayo hawlaha culculus,  xiisaha nafsadeedna ku yaryahay. Hawl kasta oo dib uga dhacda wakhtigeedu waxa ay noqotaa mid caqabad abuurta marka danbe, Wakhigana kugu cidhiidhida qofka, ama ka  lumisa wakhtiyo kale oo uu hawlo muhiim ah ku qabsanlahaa. Mararka qaar waxa dhacda in ay noqoto mid muddo dhaafta ama dib u xallinnteedu lunto.

Qofna afka kama yidhaa “waan wahsanayaa” iyada oo hawl daruuri ahi hortaallo sida ay u badantahay. Waxa uu si jidh ahaana ama maskax ahaan ah ugu jawaabaa qaab cudurdaar ah. Marka aad doonayso in aad ka wahsato shaqo aad qaban lahayd waxa aad bilaabaysaa cudurdaarro iyo cilladdo aad gacanta ku samaysay si aad u-dib-dhigto falkii aad markaa fulin lahayd adiga oo ka dooranaya hawlo yaryar oo naftu maaweelo iyo madadaalo ka helayso. Tusaale ahaan; waxa tahay macallin suugaaneed. 24-ka saacadood ee soo socdana waxa lagaa doonayaa cashar-diyaarin fasal jaamacadeed. Adiga oo aan nafta si dhab ah ugu sheegayn ayaad si hoose ugu xanshaashaqaysaa in aad haysato saacado badan oo aad hawshan iyo kuwa kaleba ku fulin karto. Si aanad u dareemin go’aankaaga dib-u-dhigashada ah waxa aad samaysanaysaa hiwaayad aad culayska barnaamijkan kaga mashquusho sida sheeko, muuqaal daawasho iyo wax la mid ah. Ugu danbayn waxa aad arkaysaa adiga oo illaa daqiiqadda ugu danbaysa ka wahsanaysa hawshaa ama si gab gab ah u bilaabaya una dhamaynaya.  

Wahsiga iyo riyo maalmeedku waxa ay leeyihiin bar kulmisa. Markasta oo aad ka wahsato hawl kuu taallay waxa aad u sii dhawanaysaa furaashka hurdada aan indhaha la iskku qaban. Halkaana waxa kuugu bilaabmaya riyo maalmeed run iyo been ba ka dheer oo aan meel salkeedu yahay la aqoon. Wahsigu waxa ugu badan ee uu keenaa waa riyo aan la rumayn karin. shaqo kasta oo aad qaban lahaydna waxa ay nqotoaa mid aad riyo ku maamusho, riyana ku dhamayso, maxsuullkeeduna riyo ku danbeeyo.

Waxa kale oo jira isku ekaan dhanka fahamka ah oo ka dhaxeeya Wahsiga iyo caajisnimada. Isku ekaantaasi ma aha mid macno ahaan wadaajinaysa nuxurka labada eray mid ba gaarkiisa u leeyahay. Caajisnimadu darajo ahaan waa ay ka hoosaysaa wahsiga. Waxa qofku ka caajisayaa qabashada wax kasta. Waa tamar darro ruuxi ah oo ku dhacda awoodda qofka. Sida oo kale caajisnimadu waxa ay ka soo unkantaa ruuxda iyo nafsiyadda hoose, kaddibna waxa ay u gudubtaa awoodda muuqaalka ah (physical body), ugu danbaynna qofku waxa uu ka caajisaa qabashada waxkasta.  Halka xaaladda Wahsigu kaga duwan tahay caajisnimada; wahsiga waxa aad qabanaysaa hawl ama dhaqdhaqaaq ka fudud kana macno liita hawsha aad dib dhiganayso ama aad wakhtigeeda waydaarinayso, si aad uga mashquusho maqalkeeda iyo qabashadeeda labadaba. 

Culimada cilmi nafsiga ku xeel dheeri waxa ay qabaan, talona ku bixiyaan in wahsigu mararka qaar u fiican yahay nafta iyo jiritaanka aadamahaba. Tusaale ahaan; waa in qofku ka wahsan karaa wax cunidda faraha badan, dagaalka badan, iyo fikirka xad dhaafka ah, kuwaas oo dhammaantood sababa dhibaatooyiin caafimaad iyo jidheedba.  Dhanka kale waxay aqoonyahanka cilmi nafsigu tibaaxaan in dadka wahsadaa (procrastinators) yihiin kuwo aan deganayn, oo warwar  iyo walaac  u saaxiib ah, neecawda raaxada nafsaaniyadduna ku yartahay. Badh ka mid ah xeerka farxad galinta nafta  iyo ka hortagga walaacu waxa uu ka soo unkamaa ka wahsiga falalka keena dareennada taban iyo hawlaha culayska maskaxeed ku lammaanyihiin.

Dadku waxa ay xidhiidh daciif ah, oo raad gadasho ah ka dhaxaysiiyaan wahsiga iyo samirka. Iyaga oo u maraya odhaahaha ay ka mid yihiin “things come to those who wait” oo ah “fursaduhu waxa ay u yimaaddaan kuwa suga”. Xikmaddan waxa ku cudurdaarta dadka jecel in ay ka wahsadaan fursadahooda iyo hawlahooda daruuriga ah. Odhaahduna macno ahaan waa ay ka xeel dheertahay sida loo adeegsaday markan. Waxa ku qarsoon ‘samir’, taasi oo macnaheedu yahay qofka dedaala laakiin aan niyad jebin, fursaddana wakhtigeeda ku sima ayaa fursadaha wanaagsani u yimaaddan. Samirka iyo wahsigu waa laba kala taggan oo aan la isla xidhiidhin karin. Waana sababta samirku guul ugu hoggaamiyo qofka, wahsiguna dib-u-noqosho u hor seedo. Farqiga intaas le’eg ma noqon karo mid la wadaajiyo oo barkulan leh.

Diinta samaawiga ah iyo axaadiista sugan ee Nebiga CW, waxa in badan lagaga hadlay caajiska iyo dib-u-dhiga badan faraha badan. Culimada islaamkuna waxa ay qabaan in caajiska iyo wahsiguba door wayn ka ciyaaraan cibaada la’aanta bini’aadamka. Diintuna waxa ay uga digtay addoomaha in aanay dib-u-dhigan tawbadda markasta oo ay danbi galaan. Waxa kale oo ay dhiiri galisay u degdegidda khayrka iyo shaqooyinka wanaagsan ee Alle loogu dhawaanayo. Halkaa waxa laga garan karaa in aan wahsigu nolosheenna aduun iyo ta aakhiro midn ku habboonayn. Qur’aan, axaadiis iyo ducooyin badan ayaa lagu soo arooriyay wahsiga, dib-u-dhigidda cibaada iyo caajisnimada xad dhaafka ah.  Aayadaha ka warramaya caajisnimada waa ay badan yihiin, bal aynnu ka soo qaadanno mid ama laba. Eebbe korreeye waxa uu yidhi “ وَإِذَا قَامُوا إِلَى الصَّلَاةِ قَامُوا كُسَالَ”.  Macne “marka ay salaadda u kacayaan waxa ay u kacayaan iyaga oo wahsanaya”.
Markale Eebe korreeye waxa uu ku yidhi suuradda Kahaf “ وَلَا تَقُولَنَّ لِشَيْءٍ إِنِّي فَاعِلٌ ذَٰلِكَ غَدًا”. Macne; “ha odhan hawshaa waxa aan qaban doonaa berri”. Waxa kale oo axaadiis badani innooga warrantay wahsiga iyo caajiska,  iyo sida u saameeyaan nolosheenna adduunyo iyo tan aakhiraba. Imaamul Baaqir Wayne haka raalli noqde’e waxa uuyidhi “ إيّاكَ والتَّسويفَ ؛ فإنّهُ بَحرٌ يَغرَقُ فيهِ الهَلْكى‏ ;الإمامُ الباقرُ عليه السلامmacne; “waxa aan kaaga digayaa wahsiga, waayo waa badwayn ay ku halaagmaan kuwa guuldaraystay”.

Soomaalidu waxa ay ku jirtaa bulshooyinka maskax ahaan iyo awood ahaanba aadka u furfuran. Waa bulsho aan la yaraysan karin oo aad u shaqo badan. Waa bulsho duruufo badan oo jira awgeed noqtay socoto-aan nasan. Sidaa awgeed ma fududa in lagu calaamadiyo bulshooyinka wahsiga. Deegaanka ay ku dhaqan yihiinna waa mid  ku habboon nolosha caadiga. Waa deegaan aan kulayl iyo qabawtoona ahayn. Duruufo cimilo oo  jidhka iyo caafimaadka waxyeeli karaana aanay ku badnay. Sidaas oo ay tahay haddana waxa ay ka mid yihiin dadyawoga dunida ee la jaalka ah xanuunka aan loo jifsan ee wahsiga. Sababta ugu wayn ee keenta in qofka Soomaaliga ahi ka wahsado hawl wakhtigeedii joogta waxa la odhan karaa waa muhiimad la’aan (lack of priorities) taasi oo macno ahaan daaran, shaqooyinka qofka horyaalla ee waxa uu u qabanayaa qaab aan ku dhisan muhiimadda ay kala leeyihiin iyo wakhtiga ay mid waliba ku dhammaanayso.  In aad qabato Shaqo balaadhan oo aan muhiim ahayn isla amrkaana wakhti badani ku baxayo, waxa ka muhiimsan in aad fuliso shaqo yar oo muhiim ah isla markaana wakhti kama danbays  (deadline)ah loo qabtay.

Nooca wahsiga ee qofkuna  waxa uu ku xidhan yahay nooca hawsha uu  qabanayo . Hawlaha markasta ku horyaalla waxa ay u qaybsamaan laba;
1.     Shaqooyin waajib ah sida ‘hawl qoys, mid cibaado, shaqo mushahar aad ku qaadato iyo wixii la mid ah. hawlahan ka wahsigooodu waxa uu qofku ka dhaxlaa ciqaabo iyo dib u dhacyo, waayo waajib. In la dib dhigaana adiga ayay ku dib dhigaysaa ama culays kugu raraysa ammin danbe.
2.    Waxqabaddo horumarineed, sida cilmi korodhsi, akhris, qoraal, cilmi baadhis, socdaal ama dalxiis. Dhammaan waxqabadadani waa kuwa dheeraad ah oo ka baxsan waajibaadka daruuriga ah ee  asalka u ah nolosha. Ka wahsigooduna lama mid ah marka aad ka wahsato kuwo waajib ah sida kuwa ku xusan qodobka (1)aad.

Kala hormaynta shaqooyinka ku horyaallaa haddii ay ku dhisnaan waayaan laba arrimood ‘muhiimad ay kala leeyihiin iyo qorshaynta wakhti aad haysato’, waxa aad galaysaa jawi is dhexyaac ah, kaasi oo keeni kara in aad ka wahsato hawlihii u baahnaa in aad wakhtigood ku dhammayso. waxa aad luminaysaa wakhtiga oo ah kan ugu mudan ee ay tahay in aad shaqo kasta iyo fal kasta oo aad qabanayso ku salayso. Waxa suuro gal ah in aad shaqo kaliya ku mashquusho halkaana aad ku lumiso kuwa kale. Maxsuulka arrimahan aynnu kor ku soo xusnay oo dhammi wax ay keenaan wahsi aan ku tala-gal ahayn iyo jiitan ku yimaadda habsami u socodka jidwal hawleedkaaga maalinlaha ah.

Waxa aynnu nidhi “Soomaalidu wa dad maskax ahaan iyo jidh ahaan ba furfuran” haddaba sidee ayay suuro gal u tahay in ay la jaallaan wahsi. Waa laba aragtiyood oo u baahan in la mideeyo ama meel lagu kulmiy. Wahsigu waa mushkilad caalami ah oo si isku mid ah u saamaysa bulshooyinka adduunku laakiin waxa ay ku kala duwan yihiin xalka iyo sida ay u wajahaan. Dadyawga xalka waara u hela wahsiga boqolkiiba saamiga ugu badan  waxa ay kaga guulaystaan maamulidda tayaysan ee waktiga (Effective time management). Midha aan ku badnayn Soomaalida waa midha ah ‘qorshaynta hawlaha iyo maamulidda wakhiga.’  Shaqooyinka is dabataxan ee qofku samaynayaa waxa ay u baahan yihiin hormayn  ku dhisan wakhti, ammin go’anna dhammaanaya. Waxa kale oo mar walba muhiim ah in aad qorshe lahaato si aanad ula kulmin wahsiga oo marwalba kugu sugaya afkaafka hore ee qorsha la’aanta. Inta aad u jirto qorshe la’aan ayuu wahsiguna kuu soo jiraa.

Soomaalidu waa bulsho dad isku xidhan bulsho ahaan. Dhaqnkeeda iyo diinteedubu waa ay isku jaan go’an yihiin inta badan. Waa bulsho qaraabo iyo qoysba aad isu xidhiidhisa. Xidhiidhkaa joogta ah ee wada dhalashada ku dhisan waxa uu sal dhig u ah wax isa siin iyo iska taageeridda baahiya qofka soo wajaha. Isku tiirsanaantaasi waxa ay qayb ka tahay in shakhsigu helo fursado badan oo aanu heleen marka uu yahay qof iskii meel u taagan. Tusaale ahaan; qofka Soomaaliga ah ee dalka jooga ayaa ka wahsi badan kan Soomaaliga ah ee qurbaha ku nool. Kan dalka jooga waxa uu haystaa dad garab taagan oo uu ku tiirsan yahay haddii uu shaqo beelo, xanuunsado ama duruufo kaleba soo wajahaan. Haddii uu bilaa shaqo noqdo shaxaad ayuu baahi maalmeedkiisa ku helayaa. Haddii culayso kale soo wajahaan waxa lagu xallinayaa qaab reereed. Laakin kan qurb-joogga ahi waa mid iskii u diran (Self drive). Hawl kasta iyo horumarkastaba naftiisa ayuu ku xidhan yahay. Halkaa waxa ka soo baxaysa in aanu noqon mid wahsada ama hawlihiisa dib u dhigta, sababtuna ay tahay uun garab la’aan iyo baqe uu ka qabo in habsami u socodka noloshiisa dheeli soo gaadho.

Faqriga iyo saboolnimadu waa masiibo sida diintu innoo sheegtay. Dunidda saddexaad ee aynnu ka mid nahay waxa ay la jaal tahay faqri. Qofk faqiirka ahi ma aha  mid fursad fiican u hela qaabaynta noloshiisa, waayo waxa uu la halgamayaa baahidiisa aas aasiga ah. Waxa uu muruq iyo maskaxba ku idlaynayaa kaliya daboolidda baahidiisa joogtada ah ee ugu horrayso saddexdiisa wakhti. Culayskaas saarani fursad uma siinayo  uu hawlihiisa u kala hormeeyo ama ugu qaabeeyo sida u kala mudan yihiin. Taasina waxa ay ku riixaysaa in uu ka daallo ama ka wahsadaba wax kabadan barnaamijkiisaas.  

Waxa kale oo iyana ka gaabin iyo wahsiba keeni karta in qofku ka dardaar wariyo awoodda iyo  aqoonta uu u leeyahay hawl loo xilsaaray. Tusaale ahaan;  waxa laguu xil saaray hawsha BTJ. Waad ogtahay, oo waliba waad ka dheregsan tahay in aanad hawshaa sidii ay ahayd uga soo baxayn awooddaada oo ay ka baxsantahay ama aqoonteedii oo aanad lahayn awgeed. Waxa aad isku qancinaysaa in aad dib dhigto adiga oo ka cabsi qaba in aad ku fashilanto. In kartidaada  shaqo la saluugo awgeed ayaad dib ugu riixaysa illaa ay gaadho wakhtigii kama danbaysta ahaa. “Hadhaw si uun baa loo xallin” ayaad isugu sheekaynaysaa kalidaa. Arrintani waxa ay keentaa wahsi maskaxeed.

Qorshe la’aanta iyo hormo xumida jidwalka waxqabadada aad fulinayso iyaguna waa qodobka ugu wayn ee sababa in qofku ka wahsado falka horyaalla. Sida aynnu soo xusnay xalka ugu habboon ee la isla waafaqsan yahay laguna xallin karo ama laguba yarayn karo ka wahsiga barnaamijyada ku horyaala waa; in qofku samaysto qorshe nololeed wakhtiyaysan si uu u maareeyo shaqo kasta iyo wakhtigeeda. Waxa kale oo sida diintu innoo sheegtay lagaga hortagaa wahsiga nafsiga ah cibaadada badan, gaar ahaan ducada iyo salaadaha.

W/Q:- Maxamed  M. Jaaj

Jaaj993@gmail.com

2 comments:

  1. Fadlan nagu ku biiri fikirkaaga, haddii aad akhrido. Waa muhiim is dhaafsiga afkaarta iyo warcelintuba.

    ReplyDelete
  2. Mashaallah brother waxaad kahadashay was arimo aad u qiimo badan. Allah ajar hakaasiiyo.mahadsanid

    ReplyDelete