Sunday, September 18, 2016

Aqoonta Sare iyo Shaqo Helidda.


In aad aqoon barato waa go’aanka ugu wanaagsan ee ay tahay in aad qaadato, haddii aad qaadatayna aad ku saxsanayd qaadashadiisa. Waayo; in aad aqoon hesho waxa ay kaa caawinaysaa dhawr arrimood, tan ugu horraysa waxa  aad noqonaysaa qof garaadkiisu korayo maalinba maalinta ka danbaysa, wacaal ahaanna wax badan ogaanaya, bulshadiisana ku celin kara aqoonta uu bartay,  kana saari kara jahliga iyo aqoon darrada. Markale aqoontu  waxa ay carisaa awoodahaha kaydsan iyo tamarta dahsoon ee aanu wali adeegsan qofku. Qofkuna waxa uu ogaadaa in uu leehayahay  awood-maskaxeed marka la dhaqaajiyo hore-u-socod keeni karta. Aqoonta aad baratay waxa ay kugu riixaysaa in aad ka dhaqaado halka aad taagan tahay uguna gudubto meel ka wanaagsan meesha aad joogto.  Markale waa fursad aad ku heli karto shaqo kuu qalanta illaa aad noqotaba hoggaanka ugu sarreeya ummadda aad la nooshahay. Darajooyin iyo horumarro dhinacyo badan la xidhiidha ayaad ku kasban kartaa aqoonta. Waa marka aad dhugato, weelayso isla markaana tijaabiso aqoonta aad heshay si aad u ogaato in garaadkaagu koray iyo inkale.

In badan ayaynu maqallaa “aqoontu waa furaha horumarka iyo badhaadhaha”. Waxa kale oo aynnu ka warqabnaa in dunidu ku horumartay aqoonta  casriga ah oo lala xidhiidhiyay ilbaxnimadii hore ee soo jireenka ahayd.  Bulshooyinka heerka gaadhayna waxa ay koriyeen garaadkooda aqooneed, xirfadeed iyo wacaal ahaaneedba. Waxa kale oo ay abuureen jiilal dhinaca xirfadaha ka dhisan oo wax badan hindisay. heerka aqoonta iyo xirfadaha ummadi le’eg yahay ayaa horumarka ay gaadhaanna le’ekaanayaa.

Aqoontu waxa ay ka caawisaa qofka in uu ogaado ama ku baraarugo fursado badan oo aanu ogayn markii hore. Waxa uu qofku ka helaa dhiirraanaan uu  ku wajaho fursadahaas kagana dhigo kuwo midha dhalla ugu yaraan. Barashada aqoon kaliya laguma nodo qof himilooyinkiisa gaadha, balse aqoontu waxa ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee kugu hoggaamin kara in ay kuu fududaato in aad shaqo hesho ama aad shaqo abuurato. Dad badan oo aan waxba baran ayaa sameeyay horumar la taaban karo. Kuwa kale oo aan ku wanaagsanayn aqoonta xilligii ay wax baranayeen ayaa iyaguna haysta shaqooyin ka wanaagsan kuwa ay haystaan dad aqoonta heer wanaagsan ka gaadhay.

Marka loo kuur galo sababtana wax la odhan karaa waxa ay ogaadeen in sirtu tahay in aad ogaato waxa aad ku fiican tahay, kaddibna aad si qoto dheer u daba gasho. Sida aqoon yahan badani qabaan qofku waxa uu ka midho dhalin karaa waxa uu ku fiican yahay ama uu xiisaynayo. Taasina waa xikmad kale oo u baahan in qofku marka horeba ku baraarugsanaado.

Waagii Ingiriisku innala joogay, ee aynnu maxmiyadda u ahayn, ninka dhawr wiil dhalay waxa uu odhan jiray “wiilka hebel waxa aan barayaa far-hunguri si uu Karraani u noqdo, oo uu ugu shaqeeyo xafiisyada dawladda Ingiriiska.”  Halkaas ayay ka soo unkantay aragtida ah “jaamacad gal si aad shaqo wanaagsan u hesho.” Sidaa iyo si la mid ah ayay dadkeennu u aaminsanyihiin in waxbarashadu tahay wadada kaliya ee shaqo lagu heli karo, haddii qofka wax bartay uu shaqo waayana waligii waxa uu ahaanayaa shaqa-doon. Marka aragtidan lagu saleeyo waddamada dunida koowaad waxa ay yeelanaysaa macno ka duwan marka lagu saleeyo waddamada soo koraya. Dunida koowaad (waddamada hore-u-maray), waxa wax loo bartaa in qofku wax soo kordhiyo (hal-abuur la yimaaddo), magac iyo mansab gaadho iyo in uu  shaqo wanaagsan helo. Laakiin innagu aqoonta aynnu baranno boqolkiiba inta ugu badan waxa ay u badan tahay mid aynnu damacsannahay in aynnu maruun ku shaqo tagno oo mushahar wanaagsan ku qaadanno. Ku-tala-galka ah in aad qalin jabinta kaddib shaqo wanaaagsan uun hesho waxa ay kaa oodaysaa dhammaan waddooyinka kale ee aad maskaxda uga shaqaysiin lahayd, fikir iyo hal-abuur cusubna u dhiraandhirin lahayd.

Barashada  aqoonta ku dhisan aragtida aan adeegsiga lahayn  (theoretical based learning), waa tan ugu badan ee lagu dhigto jaamacadaha wadanka. Tayo ahaan iyo horumar ahaanna waa ay ka hoosaysaa aqoonta xirfadda iyo adeegsiga (practice based learning) ku salaysan oo ah tan maanta dunida koowaad ku horumartay. Markasta oo barashada xirfaduhu bataan waa mar kasta oo bulshadu horumar samayso. Bulshada xirfadlaydu ku badan tahay waxa mar walba ku yar shaqo la’aanta. Bulshada shaqo la’aantu ku yartahayna waxa ku badan horumarka iyo dhaqaalahooda si joogta ah u kobca shakhsi, qoys illaa qaran.

Aqoonyahanka dunida saddexaad gaar ahaan da’ yarta waxa caqabadda ugu wayn ku ah shaqo la’aan aan la qiyaasi karin. Sababtana waxa door muhiim ah ka qaadanaya aqoonta ay qaadanayaan oo xirfadaha ama adeegsigu ku yaryahay. Si kale haddii loo dhigo waxa lagu harqiyaa maaddooyin aan baahidooda waxba ka tarayn.  xirfaduhu waxa ay yareeyaan shaqo la’aanta oo ah caqabadda ugu badan ee haysata dhallinta wax baratay. Tusaale ahaan; sanadka kasta waxa jaamacadaha dalka ka baxa arday ka badan kumanaan iyo kumanaan ka qalin jabiya kulliyadaha kala duwan ee waxbarashada sare. Aqoonyahankaa da’da yar ee sanad kasta ka soo baxaya jaamacaduhu boqolkiiba inta ugu badan waxa ay wajahaan shaqo la’aan iyo warwar mustaqbalka danbe ah.  Aqoonta aan deegaamaysnayn ee jaamacaduhu bixiyaan ayaa iyana door ku leh shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Dalkeenna oo curdin ah awgii ayaanay mudnay in aynnu baranno aqoon aan waaqiceenna la jaan qaadayn. Jaamacadaha dalku waxa ay ahayd in ay bixiyaan aqoon deegaamaysan  oo ku dhisan baahida dalka. Waxa habboon in jaamacaduhu daraasad ka sameeyaan baahida uu dalku u qabo aqoon xiffadaysan oo lagaga bixi koro faqriga iyo shaqo la’aanta,  wax soosaarkana kor loogu qaadi karo. Kaddibna manhajkooda ku daraan xirfado iyo kulliyado lagu barto baahiyaha waddanka ka jira si dadka qalin jabinayaa u noqdaan kuwa xirfadaha ay barteen shaqo ku abuurta, baahiyahoodana u daboolaan.

Haddii ay kala bataan shaqooyinka waddanka yaalla iyo dadka shaqo doonka ahi, waxa ay abuuri kartaa jawi qalalaase iyo boob ah. Jiilka danbena waxa ay galin kartaa rajo la’aan iyo majare habow aan laga soo waaqsan karin. Si haddaba looga hortago in dhallintu la timaaddo ficillo aan wanaagsanayn, waxa muhiim ah in si wada jir ah looga qayb qaato shaqo abuurkooda iyo in maskax dhis loo sameeyo, lana tuso in iyagu wax soo kordhin karaan.  Waa waajib saaran dawladda, ganacsatada iyo maaligaliyeyaasha kaleba in ay door ka ciyaaraan shaqo abuurka da’yarta. Waayo shaqo la’aantu waxa ay horseedi kartaa kharbudaad iyo dib u dhac bulsheed.

Haddaba su’aasha in mar hore ba la is wayddiiyo ay tahay ayaa ah “aqoonta jaamacaddu ma tahay waddada kaliya ee aad shaqo ku heli karto? Haddii se aad qalin jabinta ka dib shaqo waydo ma sidaas ayay ku dhammaatay fursaddii aad shaqo ku heli lahayd?.

Si aynnu uga jawaabno su’aasha kor ku xusan innaga oo ku salaynaya waaqici umaddeena iyo dhallinta sanad walba ka qalin jabisa jaamacadaha, waxa aynnu u baahannahay in aynnu ka jawaabno su’aal kale oo la xidhiidha ta hore. Waxa ay odhanaysaa “aqoonta ay bixiyaan jaamacadaheennu ma tahay tii qof walba u diyaarin lahayd shaqada uu ku habboon yahay?”. Boqolkiiba inta ugu badan jaamacadaheennu waxa ay bixiyaan aqoon aragti ah iyo casharro hadal-tiro ah oo  aan adeegsi la taaban karo lahayn.  Taasina waxa ay ka dhigtay in qofku qalin jabiyo isaga aan xataa qaban karin shaqooyinka la xidhiidha kulliyadda uu ka soo qalin jabiyay. Dhigashada Aqoonta sare ee jaamacadu  kaama dhigi karto qof shaqo hela ama  waaya. Kaliya waxa ay kuu xidhaysaa muraayad kuu soo dhawaysaa fursadaha shaqo ee jira. Waxa ay kuu iftiiminaysaa  albaabbo badan oo in aad furto u baahan, shaqo la'aantana kaga saarto naftaada iyo nafo kaleba. 

Dhanka kale,  dhallinta jaamacadaha ka baxay ayaa iyaguna qayb ka noqon kara shaqo la’aanta haysata. Waxa badan, oo aan  tiro iyo caddad toona lahayn qalinjabiyeyaal badan oo qalin jabiyay iyaga oo ka fara madhan aqoontii ay muddada 3 ilaa 4-ta sano ah  baranayeen. Iyada oo ay ugu wacan tahay laba ammuurood:

1.     Dayacaad dhinaca ardayga ka timaadda. Dayacaddaasi waxa ay u badan tahay in aanu masuuliyadba iska saarin waxa uu baranayo ama uu kaga mashquulo hawlo kale sida balwad.  Mararka qaar waxaaba dhacda in qofku yidhaa “warqadda shahaadada ah uun aan qaado.” Aragtidaasi waxa ay sii kordhinaysaa fursadda shaqo la’aanta.   

2.    Doorashada kulliyadda ama qaybta uu dhiganayo oo uu si qaldan u xusho: Waxa dhici karta in qofku sameeyo xulasho qaldan marka uu bilaabayo jaamacadda isaga oo aan haba yaraatee ka fikirin kulliyadda uu ku fiican yahay. Doorashada kulliyad aanad  fahmi karin waxa ay kugu dhalin kartaa  in aad ka niyad jabto gabi ahaanba, waxbana  ka weelayn waydo aqoonta lagu  qaadananayo qaybtaas. Maalinta aad soo dhammaysana aanad wax badan ka korodhsan kulliyaddii aad wakhtiga ku bixiyay. Taasina ay kuu horseeddo  jahawareer iyo in aad ku dawakhdo shaqada aad ku fiicantahay iyo halka doorkaagu ku beegan yahay.

Marka aad jaamacad ka baxdo waxa aad ogaataa in adiga lagaa doonayo in aad shaqo abuurto. Qorshe iyo fikir ganacsi la timaaddo. Waxa jaamacad laguu geeyay in la dardar galiyo  awoodahaaga qarsoon iyo in la shidaaliyo hal-abuurkaaga. Ugu horraynba waa in aad aamintaa in adiga lagaa dhigay kii wax abuuri lahaa, naftiisa u samayn lahaa fursad uu aqoontii uu bartay ugu beddelo mid la arki karo . Waxa lagaa sugayaa in aad jeexdo waddo cusub oo aad adigu la timaaddo hal-abuur. In adigu laguu raadiyo shaqo waa arrin fiican, laakiin haddiiba shaqadii laguu doonay laguu waayo, macnaheedu ma aha in wadda kasta  kaa soo xidhantay waxa la gaadhay wakhtigii aad soo banidhgi lahayd awooddaada iyo aqoontii lagu baray. Waa fursaddii aad kaga shaqaysiin lahayd garashada kuna noqon lahayd qof isagu iskii isu shaqaalaysiiya (self-employment).

Qofkasta oo wax bartay ama jaamacad ka baxay waa uu ka bixi karaa shaqo la’aanta. Taasi waa xaqiiqo marag ma doon ah. In aad shaqo la’aanta ka bixi kartana waxa aad ku garawsanaysaa dhacdadan yar oo ah tusaale nool. Waa dhacdo aan si toos ah ula kulmay waxbadanna ka bartay, qofkasta oo raba in halka uu taagan yahay ka dhaqaaqana cashar ugu filan. Waxa ay kugu amraysaa in aad maskaxda dhaqaajiso, awooddaadana si dhab ah u fiiriso.

Waa goor habeen ah, abbaaro 8:30-kii. Waxa aannu fadhinay xatabadda hore, goob maqaaxi ah oo laga shaaho. Aniga iyo nin aannu asxaab nahay ayaa shaah iyo sheeko isku dhex wadnay. Mashquul annaga ayaa iskugu fillayn, waxa hareerahayaga ka socdana aad ulama aannu socon.”

Markaliya ayuu kursi agtayda yaallay jiidhay. Markii aan kor u fiiriyayna waxa aan arkay nin khamiis iyo Muraayad madaw xidhan oo bokooradna kolba waxa ka horreeya ku taabanaya si uu uga baydho. Markiiba waxa aan yaqiinsaday in uu indha la' yahay waliba dam yahay. Lama aan yaaban waayo dad badan oo indha la' horeba waan u soo arkay in badan, balse waxa ila cajiib noqotay, markii aan dhacdo kale oo i soo jiidatay ku arkay. Waxa qoorta u sudhan alaab badan oo aan markaa ka gartay suuman iyo alaabo kale. Waxa kale oo uu sitaa bac wayn oo alaab kale ugu jirto. Waxa aan yaqiinsaday in uu yahay qof ganacsade ah oo shaqaysanaya. Markii kursigii la dhaafiyay ayuu dadkii la dhex istaagay si uu alaabta uu hayo ugu sheego dadka ciddii ka iibsanaysaana ka iibsato. Sidaa ayuu kolba meherad ugu gudbayaa isaga oo ganacsade indha la' ah, waliba ku qanacsan in uu shaqaysto isaga oo indha la' goor habeen ah.

Ninkaa laxaadka la waxa uu dhaqaajiyay awooddiisa maskaxeed,waxaanu ku qancay in uu shaqysan karo cidkalena wax tari karo. Waxaanu meesha ka saaray cudur daarka ah shaqo ma heli karo ama samaysan karo.

Ugu danbayn, mar walba maanka ku hay in aad tahay fannaanka naftiisa. Waxa aad aamintaa in aad tahay qofkii wax u soo bartay dadka iyo naftiisaba. Fursad kasta oo dahsoon adiga ayaa lagaa rabaa in aad daaha ka fayddo. Markastana ogow in fikirka iyo hal-abuurku ka qaalisan yahay lacagta. Iskaashi, dhiirranaan iyo wax isu gayn ayaa dhallinta maantu kaga bixi karaan shaqo la’aanta ka jirta waddanka.




W/Q:- Maxamed M Jaaj.


No comments:

Post a Comment