Wednesday, February 12, 2020

10 Dhaqan oo ay Leeyihiin Dadka Tijaarta ahi.


 Dadka kawnkan ku nooli dhamaantood waxa ay  socod joogto ah iyo dedaal joogta ah u gu jiraan sidii ay u noqon lahaayeen kuwo hantiileyaal ah, oo figta sare ka gaadhay maal adduun.  Darajadan dadka oo dhami ma wada gaadhaan balse waxa hela dad kooban oo sameeyay arrimo gaar ah , isla markaana maray dariiqooyin guul ku hoggaamiyay. Halkan maanta wxa ayu ku soo gudbin doonnaa toban dhaqan oo ay leeyihiin dadka qaniga ah. Dadka tijaarta ah marka aynu leenahay uma jeedno dadka hantida ku helay si lama filaan ah ama dhaxal ahaan ku helay, balse waa dadka dadaal iyo karti ay muujiyeen ku gaadhay heer miyaneernimo .



    1.  Waxa ay kacaan saddex saac ka hor xilliga shaqada.

Sida ay sheegeen cilmi-baadheyaashu, dadka tijaarta ahi waa kuwo goor hore kaca, isla markaana diyaar garaw fiican sameeya ka hor inta aanay tegin goobta shaqada. Taasina waxa ay ka dhigtay kuwo firfircoon. Qofka oo goor hore kacaa waxa uu helayaa firfircooni maskaxeed iyo mid jidheed taasina waxa ay u sahlaysaa in uu noqdo qof tamartiisa ka faa’iidaysta.  


2. Waxa ay ka Hadlaan Fikradaha, Laakiin kama Hadlaan Mushkiladaha.


Dadka gaadhay guulaha maaliyadeed waa dad awoodda saaraha soo shaacbixinta fikrado cusub oo xidhiidh la leh hadafyadooda dhaqaale iyo kuwooda qof ahaaneedba. Kuma mashquulaan wakthina kuma bixiyaan ka hadalka dhibaatooyinka, balse waxa ay awoodda saaraan xallinta dhibka taagaan. Waxaanay hal-abuuraan waddooyin cusub iyo fikrado cusub oo nolosha wax ka bedela.  Waa fikrad ka hadlayaal.

3.Hal Saac Wax Ka Badan Ma Daawadaan TV.

Sida uu xusay qoraaga Thomas Corley ku sheegay  buuggiisa “Rich Habits: The Daily Success Habits Of Wealthy Individuals,” 67% dadka tijaarta ahi ma daawadaan TV hal saac wax ka badan maalintii. Taa bedelkeedana waxby akhriyaan. Halkani waxa ay inna tusaysaa in aanay wakhti badan galinin daawashadii TV, haddii ay daawadaana ay saacado kooban horfadhiyaan muuq-baahiyaha hortiisa. 



     4.Waxa ay sameeyaan jimcsi maalin kasta haba yaraadee.

Inta badan dadka tijaarta ahi waxa ay leeyihiin hiwaayad jimicsi, waxa aanay sameeyaan jimicsiyo kala duwan si naftoodu u hesho deganaansho iyo tayo jidheedba. Jimicsiga waxa ay kaga baxsadaan in ay noqdaan balwadaystaal, dhanka kalena waa fursad ay jidhkooda kaga dhigayaan mid adkaysi u leh hawlah culus ee ay hayaan.

    5. Khatarta Ayaa ay Wajahaan si ay Natiijo u Gaadhaan.

Milyaneerada guulaystaa waa kuwo khatarta wajaha, Adduunkoodana ku aamina badeecado khataro badani ku lammaanyihiin. Tani waxay ka dhigtay kuwo guusha kala soo dhex baxa 50/50  strategy. Xeeladani waa midda ka dhigtay in ay noqdaan kuwa yoolalka nolosha tijaabiya dadkana u jeexa waddooyin ay u maraan guusha. 


6. 86% tijaartu waxa ay akhriyaan  ugu yaraan hal buug bil kasta.
Sida ay xuseen aqoonyahanada dabagalka ku sameeya dabeecadaha dadka guulaysta, 86% tijaartu waxbay akhriyaan. Waxa aanay leeyihiin mawduucyo u gaar ah oo hadafyadooda wax ka taraya ama ganacsiyadooda kaabaya. Sida la sheego ma akhriyaan buugaagta khiyaalka ku dhisan sida NOVELKA. Waxa ay u dhabbagalaan akhrinta buugta khusaysa xaqiiqooyinka nolosha iyo mawduucyada la xidhiidha horumarka. 


   
         7. Waxa ay ku Jiraan Aqoon Korodhsi Joogto ah.


Inkasta oo ay jirta xanta ah “in dadka dunida ugu taajirsan aanay aqoontooda hore wanaagsanayn”, haddana tijaartu waxa ay ku jiraan waxbarasho joogto ah. Tusaalaha nool ee qarnigani waa mulkiilaha Shirkadda Faysbuug oo qalinjabiyay sanadkii 2017 isaga oo markii hore kaga tegay waxbarashada fasalka labaad ee jaamacadda. Tan macnaheedu ma aha in aan dadka guulaha maaliyadeed gaadhay soo marin waxbarasho toos ah, balse waxa ay ku jiraan aqoon korodhsi joogto ah, iyaga oo mar walba isku daya in ay bartaan aqoon cusub.

   8. Waxa ay Leeyihiin Tusmo Hawleed Maalinle ah.

  
Sida ay sheegeen xeeldheerayaal aqoon u leh dhaqamada dadka guusha ka gaadhay dhinaca maaliyadda, dadka tijaarta ahi waxa ay leeyihiin tusmo qoran oo ay ku xardhaan hawlqabadkooda si maalinle ah ama todobaadle ah. tani waxa ay ka dhigtay kuwo tub ku joog ah oo garanaya maalin walba hawsha ay qabanayaan, isla markaasna si hormaysan u kala jajabinaya hawlqabadkooda. Tusmadaas oo ay ku sameeyaan dabadagal si ay u ogaadaan wixii u ga qabsoomay iyo waxa qabyoobay hawlihii ay ku xuseen buugga hawl-qabadka maalinlaha.  Meelahani waa meelaha ay kaga dheereeyeen dadka kale ee caadiga ah.

9. 70%  waxay sameeyaan xidhiidho fiican.


Dadka sameeyay guulaha sare waa kuwo leh xidhiidho fiican isla markaana sameeya shabako isku xidhan oo ay wadaagaan caqabadaha, fursadaha iyo aqoonta kaleba. Sida ay sheegaan culimada ku xeeldheer arrimahani "xidhiidhka fiicani waxa uunka qayb qaataa horumarka qofka iyo in uu helo cid uu wax ka barto isaguna wax baro."



10. Tijaartu waa kuwo Mashquul ah, oo Tub Ku-joog ah.


Tijaarta guulaha sare gaadhay waa kuwo mashquul badan oo mar walba ku hawlan horumarinta yoolashooda nololeed. Waxa ay khabiiradu sheegaan in  ay tobaadkii shaqeeyaan inta u dhaxaysa 65-80 saacadood.  Tani waxa ay sahashay in nay noqdaan kuwa waxsoosaar badan oo aan wakhtigu kaga lumin waxyaabo aan dantooda ahayn.






Haddaba daawade xogahan, ma kuula muuqdaan kuwa wax ka bedelaya noloshaada. Maanta same tallaabooyinkan, si aad noloshaada wax u ga bedesho.


Sources,
www.moneyunder30.com
Galleries. Google.

Qalinkii iyo soo naqlintii: Mohamed M Jaaj. 


No comments:

Post a Comment