Saturday, April 4, 2020

COVID 19 IYO FURSADAHA KARANTIINKA.


“Sideen uga faa’iidaysan karaa maalmaha karantiinka”.

Marka masiibo dhacdo, ee khasaaro nafeed iyo mid maalba yimaaddo waxa dedaal loo galayaa in  marka hore nafta la badbaadiyo, ka dibna maalka la badbaadiyo. Tani waa dariiqa kaliya ee adduunku maanta ku hawlan yahay, markii sadhada caalamiga ah ee Covid-19 dunida ku baahay. Waxa awooddii oo dhan la isugu geeyay in nafta la bixiyo. Haddii marka xanuun darani yimaado dadka cusbitaalada lagula cararayay hadda waxa la soo rogay in qof waliba gurigiisa joogo, si masiibadan looga gaashaanto. Sababtuna waa caabuqa oo noday mid caalamka oo dhan gaadhay. Waxa uu simay dawladihii quwadaha iyo Teknoolajiyadda baarka sare ka gaadhay iyo kuwii xariiqda faqriga ka hooseeyay. Waxaabu si daran u gumaaday dadyawgii dawladaha dunida koowaad. “Waa masiibo caalami” ayay tidhi hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO.

Malaayiin shaqaale ah ayaa shaqadii joojiyay, iskuuladii waa la fasaxay, jaamacadihii waa joojiyay, suuqyada saamiyadu waxay wajahayaan hoos u dhac. Dunidu waxay gashay xaalad aan la saadalin karin. Wadamada qaar isu imaatinku lama ogola. Talyaaniga milatarigii dagaalka loo carbinayay ayaa suuqyada lagu sii dayay si ay dadka ugu khasbaan in aanay kaabada guryahooda ka soo bixin. Dadka waa la karantiimeeyay. Dhakhtaradu waxay astaan ka dhigteen odhaahda ah “waxaanu halkan u joognaa in aanu idin badbaadino, idinkuna waxa guriyihiina u joogtaan in aad na badbaadisaan”. Waa masiibo keentay in guri-joognimada dan la moodo oo xalka laga baadho.

Masiiba kasta oo dunida soo foodsaarta ,  waxa garab socda fursado qofku hadaf u bedeli karo. Maalmaha karantiinka, ee dadka guryahooda lagu xareeyay, waxa nolosha ku soo kordhay waji cusub iyo hab fikir cusub. Waayo dadku waa hal abuure joogta ah maskaxdiisuna ma fadhiisan karto ee waa in ay wax qabata. Fikrado badan ayaa dadku dhaliyeen intii ay guryaha ku jireen. Tiknoolajigu waxa uu curiyay adeegyo caawinaya shaqaalaha si ay guryaha ugu shaqeeyaan. Ardayda waxa loo abuuray adeegyo u sahlaya in ay online casharada ku bartaan. Wali fursadi way jirtaa. Su’aasha ugu badani waxay ka timi wixii qofku qaban lahaa saacadaha badan ee uu guriga ku xaraysanyahay. Kuwani waa habab aynu uga faaiidaysan karo maalmaha karantiinka.

1.     RAAC TILMAAMAHA BADBAADADA IYO KA HORTAGA EE COVID 19.

Dunidu waxa y gashay xaalado adag oo aan la saadaalin Karin waxa dhici kara saacadaha soo socda. Caaqubu waxa uu awoodda bini aadamka ka dhigay mid liidata oo aan awoodin in ay caabido sida xawliga ah ee uu u fidayo iyo dhibkiisa. Kaliya waa lala tacaalayaa in laga guulaysto ha joogtee. Sidaas oo ay tahay hadana aadamuhu waxa uu jeexayaa waddooyin lagu yarayn karo ama lagaga hortagi karo. Dawladaha, ururada maxalliga ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee qaabislan caafimaadku waxay soo saareen tilmaamo la raacyao si qofku uga gaashaanto sadhada Covid-19. Haddaba, waajibka kowaad ee qof walba  saaran waa in aad fuliyo amaradaas oo si fiican u raaco marka  uu gurigiisa joogo iyo marka kaleba.

Waxa lagu faray in aad ku faraxalato Jeermis-ile ama saabuun. Waxa lagu sheegay in aanad guriga ka soo bixin ama aanad booqan qof caabuqa qaba. Raac tallaabooyinka waliba sida ay yihiin. Waa naf badbaadin. Haddii aad u hogaansanto baaqyada hay’ada caalamiga ah ee caafimaadka aduunka iyo amarada wasaaradaha ku shaqo leh waxa aad samaysay wixii loo baahnaa. Waxa aad ka qayb qaadatay in dadka iyo naftaadaba la badbaadiyo.

2.     BILOW KOORASYO ONLINE AH.

Wakhtiga badan ee aad ku xayirantahay meel isku mid ah, ee aanad gurigaaga dhaafi Karin, waxa aad haysataa fursado badan oo aad wax ku qabsan karto. Isku day in aad xayiraada fursad u bedesho oo aad is diwaangaliso fasalo online ah. Waxa aad heli kartaa boqolaal kun oo galaasyo online ah kuwaasi oo lacag iyo bilaash labadaba ah.  Arintan waa soo jeedinta ugu badan ee la sameeyay intii xayiraadaa guryuhu soo baxday ama Covid-19 dadka guryahooda ku ooday. Maalmahan waxaynu haysanaa fursad aynu isku diwaan galin karo koorasyadaas, isla markaana aynu samayn lahayn shahaadooyin aan tiro lahayn. Booqo Coursera, Udemy, Edx, Khan academy iyo emarketinginstutite, oo ka qaado fasalo online ah si aad saacadahan badan ugu bedesho fursad. Wax baro maalmaha karantiinka.
3.     XIDHIIDHI ASXAABTII HORE.

Nolosha quruxdeeda wax aka mid ah asxaabta iyo dadka noloshu idin kulmiso. Dib u baadh kaydka asxaabta oo xidhiidhi asxaabtii hore ee aad wakhtiga soo wada qaadateen, wakhtigana isu waydeen. Xidhiidhi macnaheedu ma aha booqo, oo waadigan qolalka dhexdooda ku xayiran, balse waa uga baaq baraha bulshada adiga oo fariimo ama waraaqo u qoraya ama taleefan ka wacaya. Asxaabii waxbarashada dib ula xidhiidh waayo waxay qayb ka qaateen samaysanka qofka aad imika tahay. Xidhiidhka dadka muhiimka ah waxa ka mid ehelka iyo dadka kale ee muhiimka u ah jiritaanka noloshaada. La sheekaysiga asxaabtii hore waa nolol la dareemo oo qofka galisa in uu bartay dadkii ay ahayd in uu barto. Xaq bay u leeyihiin in aad la xidhiidho. Maalmaha karantiinka xidhiidh dadki hore ee noloshu ku bartay.


4.      BARO XIRDADAHA GURYAHA.

Raggu kuma badna gurijoognimada, waanay ku adkaataa in ay saacado badan ku negaadaan guriga. Waayo nolosha raggu inta badan waa mid dibadda u badan, oo hawlaha adduun raga ayaa kala wadidooda u badan. Mayee dumarkuna hadda nolosha qaybtooda waa ay haystaan oo karantiinkka waa ay dareemayaan. Mayee cabsida Covid-19 ayaa keentay in rag iyo dumar, carruur iyo cirroolaba guryaha naf la moodo, oo la wada xaroodo. Si kastaba ha ahaatee, qof waliba maalmaha karantiinka ee aan la ogayn dhamaadkooda waa dareemay.  Maalmahan ku qaado aqoon korodhsi la xidhiidha xirfdaha guryaha yaal. Maalmahan waa fursad aad ku baran karto xirfdaha kala duwan ee guryaha sida samaynta qalabka cuntada ee guriga, dayactirka alaabta qalabka kala farnijarka iyo cusboonaysiinta guriga haddii uu duugoobay.

Saacadahan badan ee aynu guryaheena joogno waxaynu ku qaadan karnaa samaynta laydhka guryaheena, iyo barbaarinta ubadka oo ah xirfado muhiim ah. Gabadh ka waramaysay joogidda raga ee guriga ayaa tidhi “joogidda ninkayga guriga waxaan ka helay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin caawinta shaqada guriga, barbaarinta ubadka, hagaajinta qalabka guriga. Caruurtii ayuu wakhti la qaatay, isaga oo wax baraya, la ciyaaraya. Anaga oo hada 10 sano is qabna waxaan u isu helay fursad balaadhan oo aanu kaga sheekaysanyo noloshayada iyo xasuusiihii na soo maray. Waxaanu galay nolol farxad iyo cabsiba leh. Waa nolol cajiib ah.” Maalaha karantiinka waxa la baran karaa xirfadaha guryaha yaal.

5.      AKHRI BUUG.

Wax akhrintu in ay faa’iido iyo aqoon korodhsi tahay waxa u dheer in qofku wehel ka helo. Maalmaha Karantiinka waxa habboon in aad buugta dhaska ka tunto oo aad akhrido dhiganeyaal badan. Ha noqdaan kuwo aad wakhti u wayday oo kaydkaaga ku jiray ama kuwo ccusub oo aad hadda bilaabayso. Akhrisku buugta oo kaliya maha balse waxa muhiim ah in qofku la socdo xogaha darayga ama cusub ee maalin walba ka soo kordhay caabuqan dunida kaga qaylisiiyay si wacyigiisu ugu xidhnaado kolba halka xaalku marayo. Tani waxay u sahlaysaa in qofku noqdo mid wacyi gashan oo naftiisa iyo bulshadiisaba la socodsiin kara hadba waxa socda. Maalmaha karantiinka akhrisku waxaad ka helaysaa wehel iyo kumaanaan dhacdo oo jilayaal kala duwani metelayaan. Marnaba laguma cidloodo akhriska.

Inkasta oo nafta ku badantahay cabsida Covid-19 mararka qaarna naftu maqlayso dhawaaqyo deganaanta ka luminaya hadana akhrisku waa hab qofku fursad ugu bedeli karo maalmaha uu gurigiisa u xeraysan yahay. Cilmibaadheyaashu waxay sheegeen in qofku akhriska kaga baxsan karo warwarka isla markaana uu ka heli karo nolol kale oo xarfo ku qoran. Akhriska buugaagta taariikhaha hoogga ah ee adduunku soo maray iyo sheeko faneeda ayaa aqoonyahanku ku taliyaan in la akkhriyo xiliyada sidan oo kale u adag. Tusaale ahaan; qofka sheeko faneeda akhriyaa waxa uu awoodi karaa in uu saacodo badan akhriyo isla markaana ka mid noqdo nolsoha buugga uu akhriyayo. Buug badan akhri maalmaha karantiinka, waxa aad ka helaysaa wehel iyo wakhtigaaga oo wax macno leh aad ku qaadato.

6.      QOR XASUUS REEB.

Nolosha waa dugsi cajiib ah. Maalmo badan oo kala jawi duwan ayaa ka buuxa. Waxaaba tusaale u ah maalmahan cabsida badan ee dunidu wajahday sadhada Covid-19. Waynagaa guryahay ku xeraysan inaga oo aan saadalin Karin waxa dhici kara 24 saacadood ee soo socda. Maalmahan adag waxa habboon in aad sida filimka dib u daawato noloshaada ka dibna xaashida xasuus reebka ku xariiqdo maalmihii qadhaadhaa, macaanaa iyo dhacdooyinkii noloshaada sameeyey. Waa fursad aynu dhacdooyinka nolosheena ugu bedeli karo xarfo si aad akhrintooda ugu raaxaysato maalinta aad da ahaan waynaato. Xasuus qorku waa waxyaabaha qurxiya nolosha. Sawir iyo hubaag qoran ayaynu nolosheena ka reebaynaa, si aynu maalin uun dib ugu qosolo wixii waayo ina soo maray. Maalmaha karantiinka ayaa ugu fiican in dib loo kaydiyo xasuusaha nolosha.

Xasuus qorku wa muraayad aad nolsohaada ka daawanayso. Qalinka ku kaydi maalmihii caruurnimada, maalmihii iskuulka, maalmihii jaamacada, dhacdooyinkii noloshaada bedelay, shakhsiyaadkii noloshaada saamaynta taban iyo ta togan ba ku lahaa. Joog, xasuus qorka waxa ku jira qaybaha taban ee nolsohaada iyo maalmaha qadhaadh eek u soo maray, kaliya qaybaha quruxda badan ha qorin. Waayo waxa aad ka samaysantahay maalmaha macaan oo lagu daray maalimihii qadhaadhaa ee aad soo martay. Maalmaha karantiinka xasuus badan kaydi oo qalinka buugu isku daali.

7.     U SAFAR MEEL WALBA ADIGA OO AAN GURIGA DHAAFIN.

Dunida isku socodkii waa la xanibay sadhadan Covid 19 awgeed. Wali se xuduuduhu way furan yihiin. Adiga oo aan basaboor qaadan fiisana lagu saarin ayaad u socdaalli kartaa meel walba. Si aad socodkaalkaa u gasho ku xidhnow socdaalayaasha barta Youtube. Waxa aad ka helaysaa boqolaal Youtuber oo dunida ku socdaalay wadan walbna ka soo diyaariyay muuqaalo xiiso badan oo aad  u dareemayso sidii qof isaagu booqday meesan. La safar socdaalayaasha barta youbube. Waa safar aan Basabor lahayn. Maalmaha karantiinka waxa aad ku xidhnaataa socdaalayaasha barta Youtube ka buuxa.  Kuwan Ayaan kugu boorrin lahaa in aad raacdo: Cool vision, Drew Binskey, Vagabrothers, Yes Theory, Nass Daily, Indigo Traveler, PP Peter, Kara and Nate iyo qaar kalel.

8.     BARO LUUQAD QALAAD.

Barashada luuqad qalaad waa fursadaha laga faa’iidaysan karo maalmaha karantiinka. Waxa jira boqolaal degel oo laga heli karo koorsooyin dhinaca luuqadaha kala duwan ah kaasi oo qofku iska diwaan galin karo luuqadda uu rabo in uu barta. Barashada luuqad kale waa badhaadhe wayn, qofka oo luuqado badan bartaana waa qofka oo dunida wacaalkeeda ka war hela. Hadaba maalmaha karantiinka samayso saacado aad barato luuqad kale. Soo dejiso adeega Duolingo adiga oo ku kabaya barta Youtube si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan luuqadda aad baranayso.

Barashada luuqad aan ahayn tan aad u dhalatay waxay kordhinaysaa fursadaada shaqo. Waxa kale oo aad ku xidhmaysaa dadyaw kale oo aad ka korodhsanayso aqoon iyo taariikh. Luuqada cusubi waxay kuu sahlaysaa in aad barato dhaqanno iyo madadaaloooyinka bulshooyinka kale ee dunida. Luuqadaha qalaad barashadooda waxa laga helaa maaweelo iyo ku raaxayso haddii qofku hoos u sii galo. Baro luuqad qalaad maalmaha karantiinka si aad u weelayso saacadaha badan ee aad xaraysantahay.

Qalinkii: Maxamed Jaaj

No comments:

Post a Comment