Monday, October 24, 2016

Masaladii Heesta “Allihii Joogay baa Jira.”

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, waxa uu ka mid yahay hal-abuurrada ugu xeesha dheer dhinaca suugaanyahanada iyo fan-abuurrada Soomaalida. Abwaanku waxa uu sameeyay heeso iyo ruwaayado aan tiro iyo caddad toona lahayn. Sida Abwaanno kale sheegeenna waxa loo caleemo saaray billadda ‘hal-abuurka ugu heesaha iyo ruwayaadahaba badan'.
Dhanka curinta heesaha iyo allifaaddiisaba waxa lagu calaamadsadaa  Abwaan suugaantiisu isla falgaliso waaqica markaa taagan iyo xanuunnada bulshada ku dhaca sida colaadaha, jacaylka iyo dabeecadaha kala duwan ee dadka. Waxa badan odhaaho iyo erayo hal-hays noqday dadkana carabkooda in badan ku soo noqnoqda oo ka buuxa heesaha Axmed. Hal-ku-dhegyadaa waxa ka mid ah; “ifka waxaad la joogtaa, Janaduu ku geeyaa, ama se naarta jahabo”.  “Haka dhicin sallaamada,qaar lagu sigtaa jira’e.” Waxa kale ka mid ah “Dadka waa isku muuq, haddana waa kala maan.” “Dul lahaw adduunyada, badan way danbaysaa”. “Alla aamin ma iisho”. Oo ka mid ahayd ruwaayadihii uu allifay. “Jacayl waa kane kaalay” oo iyana  ahayd ruwaayad kale.
Haddaba, heestani waxa ay ka mid tahay heesihii ku jiray ruwaayad la odhan jiray “Laaca aragtaye,laagga ma ogtahay." Tafsiirka heestan waxa loola jalbeebtay dhinacyo badan. Sida marar badan ku dhacda suugaan yahanada marka ay hees allifaan fasirkeeda waxa loo dhaafaa dadka oo kolba meel ula kaca. heestani waxa ay ka mid ahay heeso badan oo lagu  fasiray isdiiddooyin dhinaca siyaasadda ah, sida Abwaankuba sheegay, iyada oo lagu riixiyo in Abwaanku u gol lahaa taliskii macangaga ahaa ee  M.S.Barre. Heesta waxa codkiisa ku qaada Maxamed Mooge Liibaan AHN.
Haddaba, heestan waxa uu abwaanku curiyay marki laga soo noqday dagaalkii 1977-kii ay Soomalia la gashay  Ethiopia. Dagaalkaas oo  maxsuul aan la mahadini ka soo baxay dhammaadkiisii. Waxa kale uu Abwaanku xusay in heesta laba arrimoodba isugu lammaanayeen. Waa mid’e hubsiimo la’aan badan oo dagaalka lagu galay, waa midda labaad’e arrimo jacayl isaga u gaar ahaa markaa.  Abwaanku mar uu  waraysi siiyay TV-ga Qaran Soomaaliland  waxa uu  sheegay in heesta sababteedu timi markii laga soo noqday dagaalkii 1977-kii.  Nin la odhan jiray Caydiid Axmed Cabbeeye, oo ka mid ahaa saraakiishii dagaalka galay kana dagaalamay meesha la yidhaa Goray, ayay Xamar ku kulmeen isaga oo caguhu googo’een dhibaatadii dagaalka ka soo gaadhay awgii. Waxa Cayddiid uga waramay wixii dhib soo martay illaa ay ku kalliftay in ay kabo la’aan ku dagaal galaan kuna maraan dhulkii buuralayda ahaa ee dagaalka ka socday.  Dhibtaa uu ka sheekeeyay iyo arrimihii jacaylka ahaa isaga u gaar ka ahaa ayuu isla falgaliyay Abwaanku kaddibna waxa uu halkii ku curiyay heestan.
Erayada Heesta.

Jooflaha libaaxiyo,
Jaandheerta boooddiyo,
Waayeelka jaqafsada,
Jirridaha habeenkii,
Wixii jiidha waagaa,
Jeenigu xanuunaa,
Alleylehe jacaylkii,
Jid iyo ceel umaad bixin,
Anigana ka joog iyo,
Ha ku jabin imaad odhan,
Waxba se jeerba yaan hiban,
Jirrabaad aad i marisaye,
Ilaahii joogey baa jira.

Wadiiqada jirjiirsani,
Jid san bay ku geysaa,
Ama jar iyo buur dheer,
Khalqigana badh baa jira,
Intay ku hor jaflaystaan,
Waaqla kugu jarwiciyaan
Alleylehe sidii jagi
Dhalinni  isku jiidheen, 
Wacadkeennii jeexnaa,
Aduunbaa ku joogsaday.
Waxba se jeerba yaan hiban,
Jirrabkaad i marisaye,
Allahii joogay baa jira.

Ifka waxaad la joogtaa,
Jannaduu ku geeyaa,
Ama naarta Jahannama,
Jacaylkuna sidoo kale,
Nimcuu kuu jiheeyaa,
Ama laamo kula jaba,
Anna jamashadaydii,
Iyo jololo’daadii,
Sida rimayda jiilaal,
Jalwis baan ka qaadee
Waxba se jeerba yaan hiban,
Jiraabkaad i marisaye,
Allihii joogey baa jira,

W/Q:- Maxamed M jaaj
https://www.youtube.com/watch?v=Rrc9vUo6MUM 

No comments:

Post a Comment