Saturday, November 19, 2016

TAARIIKH WERINTA TOOLMOON.

Sida shay kastaa u leeyahay laba waji ama laba xaaladood; mid qurxoon iyo mid foolxun ayaa taariikhduna u leedahay laba bog. Bog qurxoon oo ka warramaya qaybtii wanaagsanayd ee ay lahayd dhacdadaasi iyo qayb iftiiminaysa dhinaca madaw/taban ee fal-taariikheedkaasi lahaa. Labadaa maxsuul ayay ka koobantahay taariikh kasta oo dhacdo tagtay laga reebaa.

Marka laga sheekaynayo ama la qorayo taariikhda ammintaa tagtay iyo wixii ay sumado lahayd waxa si miisaaman ama isle'eg loo soo guuriyaa labada dhinacba; ka togan iyo ka tabanba si sawir buuxa iyo wacaal innagu filan aynnu uga helno dhacdadaas aynnaan goob joogga ka ahayn.


Sababta ugu wayn ee ay daruuriga u tahay in la soo wada tebiyo labada waji ee wakhtigaa ama dhacdaasi lahayd waa in jiilalka danbe la tuso qadhaadhka iyo macaanka waayahaasi lahaa, si ay qaybteeda wanaagsan ugu faanaan, wajigeeda qadhaadhna uga murugoodaan casharana uga bartaan.


Dhanka kale, soo gudbinta miisaaman ama dhammayska tiran ee la soo wada tebinayo taariikhdu waxa ay macaan iyo dhadhan u samaysaa nolosha markaa taagan. Waxa ay akhristaha ama dhegaystaha u sheegaysaa in uu leeyahay fac soo-jireen ah iyo dhaxal hore oo uu ku faani karo.


Xaaladaha qoraaga ama soo-tebiyaha afeed ku kallifi kara in uu ka tago qaybta xun ee dhacdadaas taariikhdeed ku lammaanaa waxa ay noqon kartaa laba mid uun; in ay daruuri u tahay jiritaanka iyo wada noolaanshaha bulsheed ee jiilka loo gudinayo,iyada oo laga cabsi qabo in ay waxyeesho nabaddooda iyo isirkooda ama nacayb-bulsheed ku abuurto. Iyo in uu si badheedh ah uga tago, isaga oo ujeedkiisu yahay in uu qaybta wanaagsan oo kaliya ku soo jiito maskaxda akhristeyaashiisa ama dhegaysteyaashiisa.


Ta hore, oo ah tan ugu habboon haddiiba la hilmaamayo ama la dafirayo dhinaca taban ee taariikhdaasi lahayd waa ta loo baahan yahay marka ay daruuri noqoto. Balse ta danbe, waa tan ugu badan ee innaga haysata qoreyaal badan iyo ab-ogaayo badan oo laga warsado taariikhda ummada ee soo jireenka ah.


Waa suuro gal in ay jirto taariikh salkeeda ama run ahaanteeda lagu muransanyahay ama lagu kala aragti duwan yahay. Haddii sidaasi jirto qoruhu ama soo-tebiyaha afeed ee dhacdadaasi waxa uu fursad u haystaa in uu qaato aragti-wadareedka laga qabo dhacdadaasi ama in uu sheego sida aan la isugu waafaqsanayn warka dhacdadaas, se uu qaatay tan xoogga badan.

Waxa inta badan dhacda, oo soo noqnoqota in wacaalyahannadu taariikhda uga warramaan sida ay iyagu jecel yihiin ama magacooda, magaca abkiisa iyo magaca haybtiisa kor u qaadaysa. Qoreyaal badan ayay la fududahay in uu been caddaan ah ka sheego taariikh isaga oo ujeedkiisu yahay in uu ku wanaajisto magaciisa iyo magaca inta uu la abyahay.

Majara habaabinta taariikhdu waxa ay qayb ka noqotaa wadda ka leexinta jiilka danbe. Dhab ka sheegidda taariikhduna waxa ay door muhiim ah ka ciyaartaa toosinta iyo dab ka baydhidda jiilka danbe. Qoraaga ama tebiyaha afeedna waxa ay ka dhigta mid lagu kalsoonaado oo marjac laga dhigto.


W/Q:-Maxamed M Jaaj.

No comments:

Post a Comment