Saturday, November 19, 2016

DHALLAANKEENNA.


Carruurtu waa ubaxa bulsho kasta. Ubaxaas haddii aan si fiican loo barbaarin ma soo saaro midho wanaagsan. Dhaqaalaynta iyo barbaarinta ubadku waa waajib saaran qof kasta oo bulshada ka tirsan gaar ahaan hooyooyinka. Toosnaanta iyo qaloocnaanta jiilka danbe waxa uu ku xidhan yahay barbaarinta iyo barbaarin la’aanta ubadka markaa jooga. Ubadka oo ah biqilka dhallinta bulshadu waxa ay  marwalba u baahan yihiin in laga ilaaliyo wax kasta oo qallooc ah kana leexinaya wadada wanaagsan.

Carruur badan oo kuwa Soomaalidu ka mid tahay ayaa ku tacdarraysan waddooyinka, habeenkiina qabawga jiilaalku gidaarada ku haleelaa iyaga oo bilaa hu' ah. Kuwaasi oo waayay dhammaan ba daryeelkii ay xaqa u lahaayeen. Halka, taa beddelkeeda ay wajahaan xaalado qalafsan oo ka dhan ah xuquuqdooda aasaasiga ah sida jidh-dil, kufsi, fogayn, aflagaaddo iyo shaqooyin ka awood badan xammilkooda. Dhibaatooyinkan ay la jaalka noqdeen carruurtu waxa ay isugu jiraan kuwo dabiici ah sida faqriga iyo qaar aynnu gacanteenna ku abuurnay sida dagaallada.

Waa waajibka hooyo kasta in ay daryeesho ilmaha inta uu yaryahay. Si ilmuhu korriin jidheed iyo mid maskaxeed oo wanaagsan labadaba u helo waa in la siiyaa cunto dheelitiran. Waxbarasho tayo leh iyo iskuullo qalabaysan ayaa ilmuhu ku noqon karaa mid mustaqbalka awood u yeesha in uu wax soo kordhiyo. Sida aynnu u qaabaynno ubadkeenna ayaa hoggaanka mustaqbalkeennuna u ekaanayaa. Dhallaanku waxa ay marwalba u baahan yihiin in la dhiirigaliyo, dhinaca wanaagsanna wax laga tuso, lagana ilaaliyo wax kasta oo niyad jab ku keenaya, si aanu nolosha uga dhicin.

Carruurtu waxa ay xaq u leeyhiin in ay xor ka ahaadaan nooc kasta oo xad-gudub ah sida habaarka, kufsiga, canaanta, gudniinka fircooniga ah, dilka,xero-ka-saaridda, hanjabaadda iyo dirashada xoogga ah. Waxa kale oo ay u baahan yihiin in laga dhegaysto arrimaha la xidhiidha noloshooda iyo in laga qayb galiyo go'aammada noloshooda saameeya. Si ay u dareemaan xorriyad iyo in ay haystaan deegaan furfuran waa in loo dhugyeesho sheekooyinka carruurta. Markasta oo la cidhiidhi galiyo ubadka, xoog iyo awoodo dheeraad ahna loo adeegsado waxa ay noqdaan kuwo iyaguna dadka muquuniyo marka ay koraan.

Laba masalo labaduba waxa ay ku badan yihiin Soomaalida; habaarka carruurta iyo la tashi la'aanta carruurta (ka qayb galinta go'aamada noloshooda saameeya). Habaarku waa caado aan wanaagsanayn ilmahana wax u dhimi kara. Inkasta oo habaarka hooyada/aabuhu aanu inta badan ahayn nacayb ay u qabaan carruurta haddana waa dhib aan la yaraysan karin. Hab-dhaqamadaasi waxa ay qayb ka yihiin maxsuulo badan oo aynnu maanta dhallinteenna ku aragno. Ilmo qalafsan, fahan hooseeya, naxariistu ku yartahay iyo waxyaabo badan oo kaleba waa maxsuulkii ka soo baxay habaarka aynnu carruurta madaxooda  ka buuxinnay.

Dhanka kale la tashiga carruurtu waxa uu dhisaa kalsoonidu ilmuhu ku qabo waalidka iyo qoyskiisa, waxaanay ka hortagtaa in ilmuhu ka fidmoobo qoyska ama dibadda uga baxo. Waraysiga iyo la sheekaysiga carruurtu waa meelaha bulshooyinku isku dhaafaan. Si haddaba carruurteennu u noqoto kuwa maskax ahaan iyo jidh ahaanba caafimaad qaba waxa in laga ilaaliyo habaarka iyo weedhaha taban ee hammigooda dib u celinaya.  

Cilmi-baadhisyo badan oo lagu sameeyay carruurta iyo qaababka loo la macaamilo gaar ahaan tashiga iyo kala sheekaysiga arrimahaooda waxa lagu ogaaday in carruurta hesha maskax dhis wanaagsan iyo masuuliyad daadejin ay noqdaan kuwo furfuran mustaqbalkana wax soo kordhiya. Tusaale ahaan; carruurta Shiinaha waxa ay noqdeen kuwa ugu maskax-furnaanta badan. Sababtuna ay tahay oo kaliya barbarian maskaxeed oo ay heleen, korriinkeeda oo la ilaaliyay,   aqoontooda oo la dhisay iyo masuuliyad daaddejin lagu abuuray marka ay hana-qaadaanba.

Carruur firfircoon, niyad wanaagsan, jidh ahaan iyo maskax ahaanba fayow, nabad jecel, horumar jecel, hiigsi fog, waalid jecel, dhibyar, iskuul jecel, aqoon jecel, bulsho jecel, iyagu isjecel oo aragti togan ayaa lagu gaadhi karaa mustaqbal wanaagsan iyo horumar bulsheed. Bulshada dhallaankeeda daryeesha waxa ay mustaqbalka noqotaa mid ay u kacaan jiil ka caafimaad qaba dhibaatooyin badan oo qaska iyo amni daradu ka mid tahay.

Qalinkii: Maxamed M jaaj.
jaaj993@gmail.com

No comments:

Post a Comment