Tuesday, November 22, 2016

AKHRISTAHA IYO AF-QORAALKA HUFAN.

Qodobbo muhiim u ah curinta qormooyinka gaagaaban.

Curinta qoraalka iyo sida uu u kala cuddoon yahay ba waxa ay la xidhiidhaa hibo qofku gaar u leeyahay ama dedaal dheeri ah oo uu galiyay in uu barto Af-qoraalka. Labadaa masalo ayaa saldhig u ah in qoruhu soo bandhigo faaallo-qoraaleed soo jiidasho leh. Qore kastaa waxa uu awoodda saaraa sidii uu qalinkiisa ugu dhisi lahaa Bariij isku xidha isaga iyo akhristihiisa. Si uu yoolkaa u gaadho waxa uu degaal galiyaa sidii uu dhisi lahaa qoraal  si dhammaystiran u sawiraya  arrinta uu markaa  wax ka qorayo. Isla jeerkaasna akhristuhu ku qanco farshaxannimadeeda, waxa ay uga  waramayana si fiican u fahmi kara.

Qoraagu  waa akhriste wax qoraya. Marka uu ka faraxasho qoraalkiisa waxa uu u tafa-xaytaa sidii u dhadhamin lahaa erayada uu qalinkiisa ku fadhiisiyay. Markan waxa uu taagan yahay geesta akhristaha nooca dhadhanka uga soo baxaana waxa uu noqonayaa kii akhristuhu ka dhadhansan lahaa qormadaa iyada ah. Dib u akhrin iyo saxar-tirid kaddib, haddii uu si fiican ugu qanco waxa u soo baxaysa in uu curiyay qormadii ay ahayd in uu la wadaago akhristaha. Dhawrkan qodob ee hoose waxa ay qayb ka ciyaaraan sida loo curiyo qoraal cuddoon, si loo kasbado maanka akhristaha.

1.Si aanu kaaga baahin qalinku, qoraalkaaguna u noqon mid aan jiho lahayn; baro macmiilaaga qalinka (Cidda qoraalkaagu la hadlayo). Marka aad ogaato akhristaha kuu calaamadsan ayay kuu fududaanaysaa in aad ku koobnaato mawduuca, akhristahana  u xoqdo meelaha cuncunaya. Tusaale ahaan; haddii aad rabto in aad qalinka kula hadasho macaamiil ku xidhan dukaankaaga waxa mudan in aad ku koobnaato macmiilka iyo xidhiidhka ka dhexeeya dukaankaaga.  Haba ugu mudnaato  sidii ay u aamini lahaayeen alaabta aad gaddo una noqon lahaayeen qaar wakhti danbe ku sii xidhnaada meheraddaada.
2.Mawduuca aad ka waramaysaa in xiiso leeyahay iyo in aanu lahayn waxa ka mudan in hab qoraalkaagu waafaqsan qaacidooyinka naxweed ee la isla waafaqsan yahay, isla jeerkaasna la jaanqaadayo maskaxda akhristaha kuna khasbi karo in uu ku negaado sii akhriskiisa. Marar badan oo kalena uu u muraaqoon karo in uu dib akhriyo.

3.Qoraallada gaagaaban sida maqaallada, curisyada sheekooyinka gaagaaban, wararka iyo  warbixinnada laga curiyo arrimaha markaa taagan iyo fikradaha shakhsiga ah ee lagu bandhigo  fagaareyaasha qoraal-hadalka (qofku ku cabbiro aragtidiisa qofeed ee ku wajahan arrin),  dhammaantood waxa ay u baahan yihiin in qoraagu si miisaan leh uga baaraandego qoristooda iyo waafajinta heersanka qoraalka ee la isla ogyahay.

4.Faallo-qoraaleedkaagu waa in uu noqdaa mid ka turjumaya aragtidaada ku aaddan shay (fikirka aad ka qabto dhacdo,shay ama qof). Marka aad qoraal ka samaynayso arrin dhacday, taagan ama iman doonta waa in qoraalkaagu u taagan yahay fikirkaaga shakhsiga ah. Haddii aad kaga faallooto waxa dadka kale ka aaminsan yihiin arrintaa/shaygaas waxa meesha ka baxaya duxdii qoraalkaaga, waayo maad soo gudbin wixii garashadaada kaga aaddanaa falkaas. Haddii sidaas qoraagu sameeyo waxa uu noqonayaa soo tebiye dhacdo ama wariye. Dhib malaha sida arrintaas khatar  u leedahay ama xiiso u leedahay. Laakiin muhiimaddu waa in aad soo tebiso ogaalkaaga gudeed ee kaaga beegan dhacdadaas; mid togan iyo mid taban ka uu doono ha noqdo’e. Hadda ma aha ha soo xiganin aragtiyaha caalimaga ah ama qaacidooyinka  la isla qaatay ee hore loo jaangooyay. Laakiin  marka ay noqoto ogaal-hadalkaaga waa in uu noqdaa mid adiga kuu gaar ah.

5.Qaab dhismeedka caalamiga ah ee qoraal kooban, maqaal, curis ama war loo tebiyaa waa in la raaco qaabka saddexan ee la isla ogyahay kaasi oo ka kooban hordhac, muc iyo daba-dhac ama gunaanad. Qalfoofkani waxa uu kuu sahlayaa in aad samayso qoraal kala soocan. Waxa kale oo uu kuu sahlayaa dareerinta qoraalka aad doonayso in aad ka curiso dhacdo tagtay,taagan ama imandoonta. Waajibka koowaad ee ku saaran jeerka aad wax qorayso waa in qoraalkaagu ku fadhiyo qaab dhismeed kala hormaysan, haddii aanu ahayn qoraal iska caadi ah ama aanad ugu tala galin in aad u bandhigto hal qof wax ka badan.

6.Mawduuca aad wax ka qoraysaa waa in aanu adiga kugu cusbayn ama aanad waxba ka aqoon. Haddii aanad macluumaad dheeraad ah ka hayn ama uu kugu cusub yahay shayga aad ka faalloonaysaa, ha u soo gubin akhristahaaga. Aqoonta, shayga iyo dhacdada aad qoraalka ka curinaysaa waa in aad ugu yaraan wax ka taqaan ama aanay kugu cusbayn. Haddii aanu ahayn qoraal aad  ku raadinayso xog kaa maqan. Si aad akhrista u tusto wax ka maqan oo aanu ogayn ama se aad u gu sii iftimiiso aqoon uu hore u ogaa waa in aad adigu aqoon kugu filan ku haysataa mawduucaas aad qalinka u qaadatay.

7.Luuqada aad ku tebinayso qoraalku waa in aanay noqon mid dadka gaara hi uun fahmi karaan. Haddii taasi dhacdo waxa aad la hadlaysaa dad gaar, ujeedadaaduna ma dhaafsana intaa aad la hadlayso.  Si haddaba aad u wada gaadho bulshada aad  la hadlayso adeegso luuqad fudud oo la wada fahmi karo. Waa suuro gal in mararka qaar qoraalkaagu khuseeyo cid gaar ah ama koox gaar ah. Tusaale ahaan; waxa aad gorfeyn ku samaynaysaa suugaanta soomaalida. Jeerkan waxa aad u baahantahay in qoraalkaagu noqdo mid lagu nashqadeeyo luuqad suugaaneed iyo erayo dhaqan si aad u taabato dareenka dadka suugaan yahan ka ah. Balse mawduucyada bulshada intooda badani waxa ay u baahan yihiin luuqad fudud oo la wada dheehan karo.

8. Faallo-qoraaleedka aad samaynaysaa waa in uu noqdaa mid dhacdadaa sawir buuxa ka siin kara akhristaha dhacdo aanu goob joog ka ahayn. Markasta qoraagu waxa uu jecell yahay in uu hanto maskaxda akhiristaha, si haddaba uu u gaadho ujeedada aadka u culus, waa in uu qoraalkiisa ku muujiyaa sida ugu macquulsan ee akhristahiisu wax u fahmi karo, isaga oo ka duulaya luuqadda iyo qaababka ay suuro gal tahay in uu u fahmo arrinta uu ka hadlayo. Tusaale ahaan; marka aad doonayso in aad akhristahaaga u sheegto horumarka dhaqan dhaqaale iyo siyaabah kor loogu qaadi karo. Waa in qoraagu uu sameeyo hordhac iyo faahfaahin ku saabsan dhaqaalaha iyo dhaqank, sida oo kale waa in uu soo xigtaa tusaalayaal maxalli ah oo qofka akhristaha ahi soo arkay ama uu ka fikir karo.

9.Iska ilaali inaad xaddo maskaxda akhrista, oo aad uga faalloota waxyaabo aan ka mid ahayn ama aan sinaba ula xidhiidhin mawduuca aad ka hadlayso. Kana digtoonow in aad faalladadaada ka buuxiso waxyaabo maanka ka baxsan oo aan macquul ahayn. Halkan waxa ka baxsan qoraallada khiyaalka ah ee lagu sameeyo hummaag aan dhicin balse ay macquul tahay in ay dhaceen am dhaci karaan sida sheeko khiyaalka ah oo kale.

FG: Qormadani waxa ay la xidhiidhaa qoraallada kookooban. Waxa ka madax bannaan qoraallada lagu raadiyo xogta sida xog ururinta iyo qoraal kasta oo si uun uga duwan hab-qoraalka aynnu faallaynay.


Qalinkii:- Maxamed M. Jaaj
jaaj993@gmail.com 

No comments:

Post a Comment