Thursday, February 14, 2019

GORFEYN: BUUGGA XERUDHALAN -SOOYAALKA IYO SUUGAANTA GEELA.


Nolosha Soomaalida iyo geelu waa laba isku sidkan oo aan la kala fujin karin. Waxa ay ka soo muuqanayaan laba bog oo ka mid ah taariikhda isirka Soomaalida. Marka bogga hore lagaga warramo qofka Soomaaliga ah, waxa bogga labaad ee isla taariikhdaas ku xusan xoolaha Soomaalidu dhaqato gaar ahaan meesiga geela oo ah halbeegga ugu mudan, uguna qiimo sarreeya ee  Soomaaligu noloshiisa ku waayi karo, mid ku baxdayna ku gudi karo. Waa foolaadka mayeedhaanka carbisan, Soomaalida dhexdeedana waa lama-taabtaan barakaysan geelu. Sidaas awgeed baahida loo qabo in la helo dhigane ama dhiganeyaal ka warramaya nolosha asalka ah, taariikhda geela iyo sida uu nolosha qofka Soomaaliga ah raad ugu leeyahay waa mid baahideedu ka ballaadhantahay badka dhulka. Dhiganahanina waa mid saldhig u noqon kara aqoonta ballaadhan ee ku dhereran nolosha geella iyo asalkiisaba, kuwii hore u jirayna ka xogogaalsan inta aan arkay. Waa dhigaal hor leh oo dibaadda soo dhigaya sarraynta geela iyo sida ay Soomaalidu u gu darbantahay dhaqashadiisa, iyaga oo gaadhsiiyay darajada xalaalnimada kana koryeelay xaaraannimada, ee  kolba xeradii uu ku jiro uu xalaal ku yahay. 

Buuggu waxa u u muuqanayaa mid si farsahxanimo leh loo qaabeeyay oo wakhti badan la galiyay. Waxa qoray qoraa da’ yar oo magaciisa la yidhaa Maxamed Saleebaan Axmed (Tixmage).  Sida qoraagu afkiisa iiga sheegayna sanado badan ayaa ay ku qaadatay in uu  Xerudhalan ka dhigo dhigane lagu kalsoonaan karo oo u hagarbaxaya mawduuca geela ee uu doortay in uu wax ka qoro inta aanu dadka horkeenin. Taasana keentay in buuggu wakhti badan oo sanado ah ku soo baxo. Qoraha waa buuggiisii koowaad. Buugga Xerudhalan waxa gacantayda  soo galiyay isla qoraaga oo ii hadyeeyay. Akhris ka dibna waxa aan isku dayi doonaa in aan falanqayn ku sameeyo, aragtidayna ku biiriyo.

Xerudhalan waa mid magaciisa iyo muuqiisaba aad loo ga fikiray, tayadiisuna aad u sarrayso. Jaldiga buuggu waa mid ku soo dhawanaya, muuqaalkiisuna bilacsanyahay. Midabkiisu waa midabka ciid-caska hawdka oo kale ah. Bogga horena waxa ka muuqda sawirka tuldo geel ah si madax siman ah ugu cabbaya gal biyo ah. Waxa uu wataa ladh-hoosaad ‘Sooyaalka iyo Suugaanta Geela’, waana halkan meesha aad ka sii daalacanayso xogta uu buuggu ka warrami doono.

Dhiganahani  waxa uu si xeel-fog u iftiiminayaa nolosha meesiga geela oo uu taariikh ahaan manfac ahaan, fac ahaan iyo farsamo ahaanba aad ugu fogaanayo. Dhanka kale waxa uu awoodda saarayaa suugaanta geela taasi oo laga dheehan karo taariikhda iyo qiimaha uu ku dhexleeyahay Soomaalida kala deegaanka ah iyo sida ay uga midaysnaayeen dhaqashada, ku-dhaadashada iyo u dhimashada geela. Sida qoraagu ku xusayo ararta buugga; Xerudhalan waa laba qaybood oo kala ah: Sooyaalka iyo Suugaanta Geela. labada qaybood middiiba waxa ay ka koobantahay shan cutub.

Ugu horrayn qoraagu waxa uu sababaynayaa ujeedada uu qoray dhiganahan, waxa aanu si cad inoogu sheegayaa in buugani yahay aqoon ka maqan jiilka danbe isaga ku canaanayana in aanay facan danbe dhiggooda (jiilalka qoomamka kale) uga warrami karin taariikhda maal-adduun ee geelu hormuudka u yahay.  Si aynaan ugu horaynba u fahmi waayin magaca buugga oo aynaan akhriskiisa uga didin, waxa uu u si la wada fahmikaro u qeexayaa erayga “Xerudhalan” oo uu ku macneeyay “xerudhalan waa geela aad asalkiisa iyo isirkiisa garanayso ee xeradaada ku dhashay”.   Qoraagu waxa kale oo uu iftiiminayaa heerarka kala duwan ee magaca buuggu soo maray, inta magac ee uu ka soo gudbay, ciddii bixisay iyo sababah uu magaciisu isu bedbedalay. Ugu danbayn waxa tibaaxayaa cidda Xerudhalan u bixisay dhiganahan iyo wakthigii buugga si kamadanbays ah u qaatay magacan.

Buuggu waxa uu farta ku fiiqayaa taariikhda geela, faciisa iyo abtirka lagu xidhiidhiyay in uu la bahyahay kuwaasi oo uu qoraagu inagu barayo in geelu la bahyahay xayawaano ku nool koonfurta ameerika, sida Llama, Guanaco, Vicuna iyo Alpaca. Inkasta oo aynu ognahay in geelu ka tirsanyahay bahda naaslayda, buuguna xusayo hadana waxa aynu naqaanaa in geelu yahay meesiga dhaqasho ahaan ugu adkaysiga iyo faa’iidada badan, balse aynaan aqoon buuxda u lahayn halka uu inaga soo galay iyo halka taariikhdiisu ku aroorto.  Intaas ka dib qoraagu waxa uu u soo durkayaa halkii uu doonayay in uu xoqo oo ah goorta iyo meesha uu Soomaalida ka soo galay meesiga geelu. Marka uu buuggu ka waramayo arrintan waxa uu tixraacayaa aqoonyanano iyo taariikhyahano cilmibaadhis ka sameeyay taariikhda geela ee geeska afrika, si gaar ah Soomaalida. Dadka ugu mudan ee qoruhu xiganayo waxa ka mid ah Buliet, K.O.Farah iyo Axmed Ibrahim Cawale oo wax ka qoray goortii geelu soo galay dhulka Soomaalida. Waxa aanu sheegayaa in geelu taariikh kuu siman 2000 sano ka hor soo galay dhulka soomaalida isaga oo ka soo doolay jasiirada carabta una gudbay lama degaanka Suudaan iyo woqooyiga Afrika.

Dhanka kale Xerudhalan waxa uu ina horkeenayaa tirokoobyo cadcad oo tibaaxayaa tirada geela dunida ku nool iyo kan Soomaalida ku noolba, isaga oo tixraacayaa qoraal-baadhisyeedyo ay samaysay hayada Qaramada mibooay u qaablisan cuntada iyo beeraha ee FAO. Waxa uu si gaar ah u dul istaagayaa tirada geela ku nool Soomaaliya iyo Somaliland laga soo bilaabo  sanadkii 1961.  Shaxaha buuggu soo tebinayo waxa ay inna barayaan in geyiga Soomaalidu degtaa yahay kan majaraha u haya dunida geelayda, kaalinta koowaadna ka ah wadamada geela lagu dhaqdo dunida. Taas oo ku xaqiijinayo tirakoobkii u danbeeyay ee la sameeyay sanadkii 2016, oo sheegaya in dhulka Soomaalida ku noolyahay geel ka badan  todoba milyan. Intaa ka dib buuggu waxa uu masaafo geel daaq ah farta inoogu fiiqayaa jacaylka Soomaalidu geela u qabtay iyo sida ay naftooda uga horraysiin jireen xanaanayntiisa.  Maragyo cadcad  ayaa uu inna horkeenayaa si aynu u fahanno in geelu ahaa nafta nafteeda oo ninka geel lihi u ahaa qof mudan, kana aan geel u dareerinna  u ahaa gun aan la martiyin. Arrintana waxa uu ku xoojinayaa suugaan gabayo u badan iyo sheekada caanka noqotay ee aaskii hashii Garawo oo ka mid ah sheekooyin ka ugu cajiibsan ee la xidhiidha jacaylka geela iyo Soomaalida.

Xerudhalan ma aha dhigane xog soo ururiyay oo kaliya balse waa cilmi-baadhis si hufan, oo la fahmi karo u iftiiminaysa meesiga geela Bayoolaji ahaan, dabeecad ahaan, nolol ahaan, dareen ahaan iyo jiritaan ahaanba. Si gaar ahna waxa uu ugu  dheeraanayaa astaamaha iyo abuurka geela, isaga oo soo guurinaya quraanka iyo suugaanta Soomaalida oo marag buuxa u noqon kara qeexidda nolosha geela iyo sifooyinka uu kaga gaar yahay noolaha kale.  Suugaanta uu buuggu soo xulanayaa waa mid laga dhex fahmi karo adkaysiga geela, tayooyinkiisa iyo sida uu noolaha uga fadlilanyahay. Bogagga 32 ilaa 38 buuggu waxa uu is mucjiso leh ugaga warramayaa abuurka geela isaga oo si cilmiyaysan inoo barayaa qaabdhismeedka gudeed, dibadeed, jidheed, dherer, dhumuc, maqaar iyo mucjisooyin kale oo qaab nololeedkiisa ku lammaan. Waana meelaha ugu shilis buugga ee qofka akhristaha ah macno gaar ah u samaynaysa. Qoraagu mar uu sifaynayay geela waxa uu bogga 32 aad ku qoray sidan “qaabdhismeedka iyo abuurka noolahani waa mid la yaab leh. Marka aad u kuurgashana aad wax ku qaadanayso. Kor iyo hoos neefka geela ahi waa mid la yaab leh oo u fiirsasho kaaga baahan.”

Qoraha buuggu waxa uu isla qaybtan kaga warramayaa midabada kala duwan ee geela isaga oo mid walba magaciisa iyo qaybaha uu kala baxo sharraxaya. Intaas ka dib waxa uu ku sii xidhiidhinayaa isfahamka luuqadeed ee ka dhexeeya geeljiraha iyo geeliisa. Halkan oo uu aynu ka baranayno in aan cid waliba la xidhiidhin xoolaha iyo xayaanka kaleba balse geeljiruhu yahay ninka isagu fahmaya, isla markaana leh luuqada gaar ah ee lagu la xidhiidhayo geela. waxa uu soo gudbinayaa luuqadaha iyo dhawaaqyada geelu ka falceliyo kuwaasi oo la adeegsnayo marka la rarayo, la maalayo, la aroorinayo, la ragaadinayo, la waraabinayo iyo marka la foofinayo.

Si aynu xerudhalan u sii dhex galo waxa aynu tegaynaa miyiga kaynta ah iyo xerada geela.  akhristuhu waxa uu bilaabayaa casharo uu ku noqonayo geeljire geel xerinaya, mar gaawaha u culaya marna aroorinaya. Qaabka hormaysan  ee geeddiyada buugga ee mawduucyadu u kala  horreeyaan waxa ay inaga dhigayaan qof geela iyo noloshiisa marka hore ku cusub marka uu sii dhex galo xerudhalana u dallacaya geeljire sida askarigu uga dallaco dable illaa sarreeya gaas ama korneyl. Waxa aad ku dhex daawanaysaa inta aad akhriyayso nolosha ka socota xerada geela oo aad ka daalacanayso geeljirihii oo macawis gaaban iyo uldheer sita, garabka bidixna gudin iyo hadhuub ku sita, midigtana qori sodon qaad ku jeeniqaaran.

Isku dubaridka iyo islahaanshaha mawduucyada buuggu ka warramayo waa kuwo aad looga fiirsaday sida ay isu qabanayaanna la isugu rakibay. Qoruhu waxa uu isku sidkaya sida ay isu qaban karaan ama isugu shaqo dhawyihiin qayb kasta oo uu nolosha geela kaga hadlayo iyo halka ay nolosha geel dhaqatada ka soo galayso isaga oo qayb kasta ka warramaya faa’iidadeeda. Inta aad qaybta koowaad ee buugga ku dhexjirto  waxa  aad ugu tegaysaa aqoon balaadhan oo lagaga waramayo caanaha, hilibka  iyo kaadida geela.  Aadna waxa uu uga faallonayaa cajaa’ibka ku sugan meertada caanaha iyo samayskoodaba. Danbar ilaa waraab –qandhis waa meertada uu buuggu faaqidayo isaga oo si cilmiyaysan u sharaxaya nolosha caanaha ilaa ay darajada u danbaysa isu dhalan rogayaan.  Mucjisada kale ee cajiibka ahi waa in caanaha geelu ka samaysn yihiin dhiig, uus iyo dhecaano kale sida quraankuba sheegay. Maaddooyinkaas aynaan iskood u cuni/cabi karinna Eebbe ugu bedelay caanah macaan aynu u muhanno marka aynu aragooda indhaha qac ku siino.  Arintan qoruhu si wayn ayaa uu isaga xilsaaray isaga oo sharaxaya samaysanka Baayoolaji ahaaneed ee caanaha isla markaana xusaya in caanuhu ka kooban yihiin dux, borotiino, macdano iyo biro kale oo jidhkeenu u baahnayahay. 

Waktiyadan danbe ee adduunku u xuubsiibtay Teknoolojiga casriga ah, aqoon-baadhistuna heerka marayso waxa soo ifbaxday in kaadida geelu tahay dawo lagu dabiibo cuduro badan oo ay ugu caansanyihiin kansarka, Aidiska, Asaasaqa iyo jooniska nooca C-da la yidhaa sida buugu qorayo.  Dhaqanka Soomaalidana qabyta dawo dhaqameedka waxa aynu haynaa in kaadida geela loo adeegsan jiray daawaynta xanuuno ay ka mid yihiin kuwa sare ku xusan. Aqoonyahanada ciilmigan dabagalka iyo xaqiijinta ku hayaa waxa ay falkinayaan oo ay raadraacayaan dhaqamada dadka geelayda ahi sameeyaan, kaasi oo ay ka amid tahay in kaadida geelu tahay daawo dhaqameed cuduro badan ku daweeyaan Soomaalidu iyo dadka kale geelayda ahi ba.  Intaas oo kali ah kuma koobna curiyeyaasha qiimaha badan ee geela ee buuggu ka waramaya. Waxa uu iyana wax ka odhanayaa hilibka geela oo ah kan Soomaalidu u taqaan boqorka hilibka xoolaha iyo faa’iidooyinka uu jidhka, caafimaadka iyo nolosheenaba u leeyahay.

Qoraaga buuggu si uu inoo fahamsiiyo qaabdhismeedka geela iyo abuurta uu kaga gedisanyahay xoolaha kale waxa uu soo ergaysanayaa suugaan. Inaga oo og Abwaanada Soomaalida ah ee geela ka maansooday in aanay marnaba wax xun ka sheegin, oo aay amaanta geela ku talaxtageen. Haddana gabayga hoose oo buugga ka jiraa waa uu ka duwanyahay suugaanta ammaanta  u badan ee geela. Waxa uu si ka duwan sida aynu amaanta geela ee suugaanyahanku geela uga maansooday u sharaxayaa  jaaha iyo gaar-ahaanshaha samays ee geela Eebbe u uumay.

Abwaanku isaga oo aad mooddo in wax uga baxsanyihiin aqoonta Sayniska ayuu gabay ku sheegaya sida neef geela oo dheddig ah Eebbe u uumay isaga oo dareenkiisa ku xidhaya  marka ay hashu socoto.  Inkasta oo qaybta hore ee buugga ka waramayso sooyaal iyo saynis wada socda isla markaana ku foogantahay aqoonsiga geela iyo dhanka ahaanshana geelnimo hadana markan waxa uu qaab-samayska geela ku adkaynayaa suugaan uu tiriyay awaan Yuusuf Cabaade.  Sababtana waxa aan u fahmay  qofka Soomaaliga ah  oo marwalba fahmi og suugaanta marka la barbardhigo aqoonta casriga ah ee sayniska. Baytatka cajiibka ee aan waxba ka tegin marka la barbar dhigo samayska Baylooji-muuqaal ee geela. Maqaarka adag ee ku dahaadhan, kala shubnaanta jidhkiisa iyo sida qayb waliba u tahay layaab fiiro gaar ah u baahan. Waxa uu yidhi abwaanku:

Cagta saafan suulkiyo dhegtiyo, sibirta loo yeelay
Bawdyaha sallaanka u noqdiyo, saydhtankaa dabada
Maraqsaarka kala soocan iyo, kuruska loo saaray
Mudka siman sakaarkiyo, candhada laga salaaxaayo
Saablayda iyo feedhihiyo, samayadaa duudka
Sadexdaa farood ee duudka iyo sumadda loo yeelay
Qoor samaya dhego soogan iyo, madaxa loo saaray
Sanqaroorka dheer iyo dibnaha, saanta laga yeelay
Haddaan gawsku saafi u ahayn, saac ma gurateene
Sayruuq la tuuriyo indhuhu, waa siraad shidane
Seedaha adkaadiyo mergiga, sarada loo taagay
Sancadaa Ilaahbaa baxshiyo, sulub abuurkeede
Kolkay socoto laafyaha surdhooy, saarku ii qabaye.

Inkasta oo aanu buugani ka tegin halbeegyada iyo doorarka nololeed ee geelu Soomaalida ugu jiro, waxa uu soo qaadanayaa kuwooda ugu muhiimsan ee aan noole kale u buuxinayan. Halbeegyada geelu nolosha Soomaalida kalidii buuxiyay waxa uu qoraagu ka xusayaa yaradka iyo magta oo ah labada ugu muhiiimsan marka ay noqoto in hal dhogor ah ama qaalin/qaalmo xerada la ga saarayo ee xerudhalinamdii, dool uga digaroganayo.  Guurka oo ah sunnaha nolosha waxa saldhig u ahaa in gabadha yaradkeeda laga dhigo geel, buugguna arinta yaradka iyo doorku geela kaga beegnaa ninka gabadh wacan doonaya in uu gaato si fiicanbaa uu u kala dhigdhigayaa.  Taariikh aan fogayn gabadha dhamayska ah ee qurux iyo dhabeelnimo isku darsata waxa kali ah ee ay gacantaada ku soo galaysay waxa uu ahaa boqol halaad iyo faras. Nin aan dheeho geel lahaynina waxa uu halis ugu jiray in uu guur beelo ama mid niqaafo ah oo heerin ah Eebbe ka duraanto.

Marka la ga waramayo arinta yaradka iyo geela Soomaalida waxa la helayaa boqolaal sheeko oo la xidhiidha gabadh boqolaal halaad la isugu hibeeyay, mid laysku diiday iyo mid lagu caydhoobayba. Sheekada ugu caansan inta aan maqlayna waxa ka mid ah “saddexdii maanlaawe” . Nasiib darro  mawduucan oo xiiso gaar ah leh buuggu ma soo tebinayo sheekooyinka ku duugan. Waayo waa melaha faca danbe ka arki karaan sida jaahilnimada lahayd ee baahida naageed loogu xidhay xoolo ma yeedhaan ah, rag badanina kaga guur habsaameen maaddaama oo aanay geel dhaqan. Magta iyo sida geel u gudana waxa uu kaga waramaya qoraagu isla bogagaas.

Geeljiruhu waxa qofka ugu naf adag xoola dhaqato. Noloshiisana waxa uu u hibeeyay geela isaga ka raba manfac iyo magac ba. Waa qof nolosha geela qabatimay oo dhibaatooyin badan ka mara dhaqashadiisa. Taa bedelkeeda waa qofka ugu badhaadhaha badan marka ay manfac geel noqoto.  Habdhaqanka geela waxa fahmi kara oo qudha geeljiraha raacatada ah ee noloshiisu ku xidhantahay tan hasha dhalaysa, hashuna ku xidhantahay geeljiraha foofinaya marka xaabku idlaadana xergaynaya. Marka hashu dhasho ama hebed sakhiran ayay noqotaa ama toojo u baahan farsamo geeljire.

Haddiiba ay dhacdo in hashu diiddo ilmaha ay dhashay ama midkale oo lagu sidkayo waxa uu geeljiruhu la yimaaddaa xirfado u badan cabudhin iyo tababar hasha lagu ogolaysiinayo ilmaha ay diidday una sahli kara geeljiraha in uu si fudud u maalo. Xirfadahaas waxa ka mid ah Qallax, tolliin, maqaar saar, toorrin iyo kuwa kale. Qoruhu kuwan si wanaagsan ayaa uu sharaxayaa, waana meelaha u baahan in faca danbe ee bandarka ku dhashay ama ku barbaaray in ay u fiirsadaan marka ay dhiganahan akhriyayaan. Sababta aynu sidan u lenahay waxa ay tahay iyada oo ah aqoon iyo xirfado dhaqan oo nolosha baahideeda lagu sigibtiray iyada oo aan geeljiruhu macallin ka qaadan casharadan, kaliya nolosha iyo duruufuhu ka soo tuujiyeen maankiisa.  Dhalintana tusi kara in ay hal-abuuri karaan xirfado ay noloshooda ku baahi-tiraan.

Wali qaybta hore ee  dhiganahan Xerudhalan ayaynu ku dhex jirraaye, waxa uu qoruhu bogog  dhawr ah; 88 ilaa 93 kaga waramayaa manfaca geela gaar ahaan ratiga gaadiid ahaan loo rarto. Gaadiidnimada doonta saxaraha “geela gaar ahaan awrta” waa mid ka mid ah doorarka aan cidi bedeli karin ee geelu kaga jiray noloshii miyiga ee aynu bandarka uga soo suudallay.  Awr cadaysimo, mid layli ah oo agabka fudud “surad” lagu raro iyo gurgurshaa reerku maalinta uu geeddi dheer galayo rarto waxa ay muhiim u ahayd qoyska reerguuraaga ah ee maalinta abaar ama colaadi dhacdo xoolaha iyo naftoodaba meel naqleh ama nabadi taallo ugu hayaamo. Nimcadan ma haysto ninka aan geellay ahayn waana ta keentay in geellaydu reer guuraa noqoto, kuwa aan awr lahaynina ay beeralay noqdaan.

Buuggu waxa uu si farshaxanimo leh uga waramaya raridda awrka oo ah meelaha kale ee iyaguna  xiisaha leh, aqoonta iyo farsamada Soomaaliyaysanina ka muuqato. Marka awrka la rarayo waxa la raacayaa qaacidooyin aad mooddo in xaglaha shaxanada ee Xisaabt iyo aqoonta Fisikiska laga soo dheegay. Qofka awrka rarayaa waxa uu isku dheelitirayaa culaysyada uu qaadayo awrku, isaga oo  adeegsanaya xadhkaha iyo agabka caymin ee loogu talagalay raridda awrka sida caynka, baydda, keenada, dabagaliska, kabaallada, heeryada guud, dhigaha, karbaashka iyo faruur-xidhka. Qaybtani waa meelaha aad ii soo jiitay intii aan xerudhalan akhriyayay, waana mid ka mid ah aqoonta reer guuraaga ee tan casriga xidhiidhka la leh.

In noole Eebbe uumay hal buug noloshiisa oo dhan lagaga warramo si dhamaystiran waa arrin adag. Maxamed waxa uu isku dayay in uu dhankasta ka iftiimiyo nolosha balaadhan ee geela isaga oo u abla-ableeyay cutubyo. Waxa aanu u muuqdaa in uu leeyahay abtir iyo aqoon la xidhiidha dhaqashada geela, haddii aanu ahaynba bahda geel-dhaqatada. Marka aad aragto ciwaanka “Xerudhalan” waxa kuu baxaya in meesiga geela laga waramayo, balse marka aad isha ku dhufato ladh-hoosaadka “Sooyaalka iyo suugaanta geela” waxa wax kaaga sii binniixayaan in labadaas mawduuc aad loo falkinayo, oo sida budada iyo jidhiidha loo sii kala hufayo. Inkasta oo malahaasi run noqonaya marka aad buugga guda gasho, haddana wax badan ayaa iska bedelaysa arintaas, waxaana kuu soo baxaysa in buuggu ka koobanyahay buugaag badan oo la isugu keenay hal buug, kana ballaadhan ladh-hoosaadka buugga.

Kaydkan Xerudhalan waxa uu ku dheeraanayaa cudurada geela iyo daawayntooda oo uu cutub dhan kaga sheekaynayo. Noole kasta oo nooli waxa ku gedaaman xaalado iyo curiyeyaal fayoobaantiisa lid ku ah, kuwaasi oo u baahan in  lala tacaalo. Soomaalidu waxa ay leedahay xirfado caafimaad iyo dawooyin dhaqameed oo u dhiganta tan dunida horumartay kuwaasi oo ay ku dabiibaan marka neefka mayeedhaanka ahi xanuunsado. “Faraadinka” oo ah qofka yaqaana xanuunada xoolaha ku dhaca ayaa dabiiba marka neefku bukoodo, ama geeljiraha ayaa inta badan yaqaana xanuunada guud ee geela ku dhici kara sida Caalka, Shinbirta, Sangaalle, Dhugato, Ragaadka, Dhandheerada, Tarraafka, Dhicinta iyo Mandheer-noqoshada. Si hufan ayaa uu cuduradan saamayntoodaba u kala dhigdhigayaa isaga oo raacinayaa dawaynta dhaqan iyo tan casriga ah ee cudurradaas.

Qaybta hore “sooyaal” oo ah tan ugu muhiimsan xog ahaanna ah tan ugu ballaadhan, waxa uu qoruhu ku gebogabaynayaa gaadhka, golaha, agabka iyo sumaddaha kala duwan ee geela.  si heer sare ahna waxa uu u tebinayaa geeljiraha oo ah qofkan ugu samirka iyo adkaysiga badan dhamaan xoolalayda. Ka dib qoruhu waxa uu qaybtan  ku gunaanadayaa koorta oo ah agabka geeljiraha ka caawiya ilaalintiisa si aanu uga lumin.
Si faahfaahsan ayaa uu diiradda u saarayaa noocyada koorta iyo xirfadaha koor-qoriddaba, maaddaama oo ay ka mid tahay farsamooyinka Soomaalidu caanka ku tahay ee ku sugaan/ogaadaan hadba kobta geelu daaqayo. Isu-ekaanta Tiknoolajiga casriga ah iyo farsmaooyinka noloshii baadiyaha ee Soomaalida waxa aad mooddaa in xidhiidh toos ahi ka dhexeeyo.  Koorta waa agabka geeljiruhu ku ogaanayo halka rasmiga ah ee geeliisu daaqo, sida oo kale geeljiruhu waxa uu si sax u aqoonsanayaa fogaanta hashu jirto isaga oo ka qiyaas qaaadanaya hadba dhawaqa koorta ee dhegtiisa ku soo dhacaya. Marka curiyahan “koorta” la waafajiyo aqoonta casriga ah ee dhinaca Tiknloojiga kaasi oo qiyaas ahaan u dhigmaya Google GPRS oo maanta dunidu u adeegsato in ay ku aqoonsato halka uu joogo qofka ama walaxda markaas la raadinayaa. Sida oo kale sumadaha geelu waxa ay si toos ah u la midoobayaan aqoonta sumadaynta “coding” oo geelaydu u adeegsato kala aqoonsiga xoolaha, si loo aqoonsado reer walba geelooda ama lagu raadiyo marka ay tulduhu lumaan. 

Geelu waxa uu kaga sii gedisanyahay meesiyada kale ee xoolaha ‘kala dhicidda’ iyo damaca ku xeeran ninka horwaynta dhaqday oo rag jeedaalinayaan in ay maalin uun ka qaadaan isagana xawda jaraan.   Buuggu qaybtan labaad “Suugaanta geela” waxa uu ku soo qaadanyaa suugaan kasta oo si uun ula xidhiidha geela.  Hees hawleedyada ayaa ka mid ah qurubada uu dhiganahu sida ballaadhan u sharraxayo. Maxamed “qoraagu” waxa horteena soo dhigayaa  badwayn suugaan hees-hawleed ah oo uu  geeljiruhu nolsoha geela ku qaabeeyo dhibtiisana kaga raysto ama iskaga yareeyo xiliga rakaadka geela, fulinta, aroorinta, daajinta, raridda, milxinta geediga iyo marka uu damco in uu gaawaha la dhexgalo. Hees hawleedadu waa midho suugaan ah oo geel jiruhu isku dhaafinayo hawsha geelisana ku dareensiiynayo hawtal-hamagga uu ugu dhexjiro si uu noloshiisa u daranyeelo. Suugaantan waxa aynu ka fahmaynaa in geeljiraha iyo geelisu ay leeyihinn  luuqada ay isku fahmaan iyo erayo u gaar ah geellayda si ay xidhiidh toos ah ula sameeyaan tuldaha ay dhaqanayaan.  Sida qoruhu buuggiisa ku sheegayana waa meesiga ugu heeso-hawleedka badan geelu.

Xasan Tarabi oo inna tusaya qiimaha geela waxa uu yidhi “Baxsanaa adduunyada muxuu barako dheeraaday”, isaga oo ka fadilay shanta maal-adduunba. Waxa aynu faham ka haysanaa in suugaanta geela la xidhiidhaa ammaan iyo koryeelid tahay, abwaanada afka u kala qaadayna si aan hagarlahayn inoogu soo bandhigeen dhammaan tayooyinka geela iyo barakooyinkiisa. Qoraagu markale waxa uu xulayanaa suugaanta ammaanta ah ee geela.  Si gaar ah qoraagu waxa uu usoo hormaynayaa abwaanada safka hore kaga jira amaanta geela isaga oo ka soo qaadanaya mid walba tixda foolaadka u ah ee uu geela ka yidhi.  Waa tii soomaalidu hore u tidhi “geel nimaan lahaynbaa futo-cirro yidhaahda”. Abwaanada uu soo xushay waa kuwo suugaantooda geel-muunaynta ahi gaadhay gayiga Soomaalida oo dhan waxaana foolaad u ah Cumar Ustareeliye, Xasan Tarrabi, Cabdi Gahayr, Cabdi Galayax, Cali Afyare, Xaya Galaydh, Cabdi Gorod iyo qaar kale.  Suugaanta  Xerudhalan soo ergaystayna  waa baydad suugaan ah oo si xeeldheer u sharaxayaa foolaadnimada geela iyo inta Eebbe bare dheeraysiisay geela mayeedhaanka kale. Bal aynu baydad ka mid suugaanta buugga ku jira tusaale ahaan u soo  qaadnao.

-Adhi waa dhallaan iyo haween, dhimaradiisiiye
Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa, dhoolka karameede
Dhaqaalaha haweenkiyo guryaha, siima dhaafsana’e
Raga laxaha sii dhawrayoow, dhaqasho waa geel. ---Cumar Ustareeliya

-Suldaan gabadha sawjada gobta ah, saxarladaad dooni
Sabcataa cashar inantii jirtee, timaha saydhaysa
Waxa sahal isaga qaadan kara, suubeey adigaa leh. -- Cabdi Galayax

-Haddii qolo badraano ah hawadu, buurahaa noqoto
Dar kaloo kasii ba’an hadday, belo ka duulduusho
Bunduq dhiciyo baaruud haddii, la is bilaash qaato
Dharaartaa dilkuu baajiyaam baarmadoobuhiye
Baxsanaa aduunyada, muxuu barkao dheeraaday. --  Xasan Tarabbi.

Udgoonaa ma xashbaa
Amranaa ma Nebaa
Aadanaa ma ninbaa
Awranaa ma sengaa
Adagaa ma birbaa
Ildheeraa ma jinbaa ---Xaye galaydh.

Xikmada Soomaaliyeed ee ah “geel baan doonayaa, geeso dhiig leh bay dhashaa” ayaynu ka arki karnaa in geel-dhaqashadu tahay faran colaadeed oo ninka dhaqdayna hashiisa rag ka hortaaganyahay kana an dhaqana tuldo qoryo lagu maalayo dusha ka jeedaalinayo si uu u xeradiisa ugu hubsado. Haddaba buugga “Xerudhalan” qaybaha ugu danbeeya ee qurubka  suugaanta waxa uu kaga sheekeeyanayaa mid ka mid ah dhacdooyinka ugu yaabka badan marka nolosha meesiga geela laga waramayo. Waa arrinta geel-qaadka. Waa tii Soomaalidu ku maahmaahday “Aydin geel waa kolba xeradii ay ku jirto” iyaga oo xalaashanaya geela la kala dhaco.  Markale Soomaalidu iyada oo dhiirigalinaysa ninka geeliisa la dhacay si uu u soo ceshado tuldihiisa waa tii ku maahmaahday “nin geeliisii la dhacay, waad orodyaraatay mooyee waad ayaan xumaatay lama yidhaa.”

Arrintan oo aan filashadayda ku sii darsaday intii aanan buugga bilaabin, xiise gaar ahna u qabay waxaan ugu tegay buugga. Dhacdooyinka uu qoruhu soo qaatay waa kuwa ugu sheeggan ama ugu caansan taariikhda geelqaadka ee Soomaalida dhexdeeda. Geelasha la kala dhacay kuwa ugu caanbaxsan,  wakhtigii  la kala dhacay, deegaanada iyo qabiiladii kala dhacay ayuu buuggu qaar ka mid ah soo qaadanayaa. Dhacdooyinkani waxa ay ka dhacayaan deegaamada ay wadaagaan qabiilada Isaaq iyo Daarood, amaba waa horwaynno ay kala dhaceen labadan qolo. Marka si kale loo dhigana geelashan kuwa ugu badan waxa dhacay colkii Ina Cabdile Xasan oo beelo ka mid ah labadan beelood ka dhacay. Balse waxa uu akhristuhu is wayddiin karaa geelasha la kala dhacay ma Isaaq iyo Daarood uun baa ay u dhexeeyeen? Miyaanu jirin geel kale oo carriga Soomaalida lagu kala dhacay?. Dhactooyada geela ee u dhaxaysay deegaanadan iyo qabiiladani waxa ay si gaar ah u iftiiminaysaa in geel-dhaqashadu ku badnayd deegaanada labadan reer qabiil ku dhaqanyihiin, qoruhuna muunad ahaan u soo qaatay dhacdooyinkooda. Jawaabaha waxa aan u dhaafayaa akhtisteyaasha kale ee  iiga xogogaalsan geela.

Intaa ka dib waxaan isku dayayaa in aan iftiimiyo meelo buugga ka mid ah oo aan  u arkay in ay  toosin iyo talo u baahan yihiin. Buuggu waxa uu leeyahay sumadda lagu kala baadi sooco buugta ee ISBN. Su’aashu se waxa ay tahay ma loo raacay nidaamka sharci ee loogu qoro buugta sumaddan? Buugu qodobkan waa uu ku dhaliilanyahay, oo ma raacin qaaccidada sumadaas. Waxa ay ahay id in sumada lagu qoro bogga danbe ee jaldiga, cidhifka hoose ee midig ee jaldig.  waxa ay noqonkartaa khalad ka dhacay xaga farsamada buugga, balse qoraagu waa uu ku mahadsanyahay in uu buugga u sameeyaya sumadaas oo qoraayo badani fudaydsadeen, buugtoodana aanay u samayn.

Sida qoraagu buuggiisa ku xusay geela ugu badan dunidu waa kan Soomaalidu dhaqato. Tirada ugu badan ayaanay  haystaan Soomaalidu guud ahaan tirada guud ee geela dunida oo lagu sheegay in ka badan 28 milyan. Faraha geela Soomaaliduna waxa uu ku dhereranyanay inta u dhaxaysa jigjiga oo ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya illaa gobolka Jarar, Mudug, Galguduud, beriga Soomaalilaand (Sool iyo sanag) illaa laga soo gaadhayo ceelka Hargaysa iyo hawdkeeda. Tan macnaheedu ma aha in aan gobolada kale lagu dhaqan, balse waxa jira meelo si xeel dheer looga dhaqdo sida Hiiraan oo ka tirsan  Soomaaliya. Geela kale waxa uu u noqon karaa muunaad inta lagu dhaqdo deegaanadaas sare ku xusan oo ah kuwa tirada geelaasi ku dhaqanyahay.

Su’ waxa ay tahay buuggu ma wada meteli karaa nolosha geel-dhaqashada dhammaan deegaanka Soomaalida ee geela lagu dhaqdo? Xogta geel-dhaqasho ee buuggan ku duugani waa mid la odhan karo waxa ay ku koobantahay deegaanada aynu soo xusnay aragtidayda. Jawaabta su’aasha se waa mid qoraaga mar walba hortaala, in uu buugga kaga jawaabana ay ahayd. Fikir ahaan iigama muuqato in qoraagu si filiqsan u soo tebiyay habdhaqashada geellayda ku dhereran dhamaan deegaanada Soomaalida geel dhaqatada ah. waana muhiim in qoruhu ku biiriyo xogta geel-dhaqasho iyo xirfadaha kala gedisan Soomaalida kala deegaanka ah ee siyaabaha kala duwan geela u carbisa iyo heerarka halbeeg ee ay ku kala duwanyihiin.  Tusaale ahaan waxa jira deegaano ninka geel wax ka duwan dhaqdan ama sameeya la habaaro oo geeluu yahay sharafta qofka, sidoo kale waxa jira meelo geelu manfac oo kali ah yahay. Mar walba dhaadashada geelu waa kala gedisantahay deegaano kala duwan, Soomaali kala duwan.

Ugu danbayn Xerudhalan waa aqoon iyo dhiganeyaal badan oo isku dhex jira, una baahan in si dhug leh loo akhriyo aqoonta ku jirtana la dhuuxo. Buuggu xaga habqoraalka iyo naxwahaba waxa aad mooddaa in aad loo saxartiray, indhaygana ma qaban gefaf waawayn oo aan hortiina keeno. Qoraagana waa u faa’iido qofka qaladaad buuggu leeyahay la wadaaga si uu daabacaadda danbe uga faa’iidaysto. Markale waxa aan aad u bogaadinayaa qoraaga da’da yar ee kaydkan isku hawlay, bulshadana dhaxalkan u reebay. Si gaar ah buuggu waxa uu u beegsanayaa faca danbe ee Bandar-ku-dhaladka ah si ay u bartaan halbeegga ugu qiimaha badan ee awooyadoodoodii xoolo-dhaqatada ahaan iyo sooyaalka geela.

W/Q: Maxamed M Jaaj.


No comments:

Post a Comment