Saturday, January 5, 2019

FURSAD WAXBARASHO ONLINE AH.


Alhuda CIBE waa machad ka shaqaynayay Bangiyada Islaamiga ah iyo dhaqaalaha in ka badan 12 sano, isla markaana qayb ka ah in ka badan 40 unug oo isugu jira ururo caalami ah iyo machado aqooneed oo caalamka ku yaalla, gaar ahaan wadamada Islaamka.  Ujeedooyinka u gu waawayn ee Machadkani u aasaasanyahay waa sidii loo heli lahaa nidaam maaliyadeed oo Islaami ah kaasi oo bedeli kara kan Ribada ku dhisan ee maanta dunidu adeegsato, kobcinta suuqyada maaliyadeed ee Islaamiga ah.

Waxa kale oo Machadka himilooyinkiisa ka mid ah dhisida xirfadda dadka ka hawl gala suuqyada maaliyadeed gaar ahaan Bangiyada Islaamiga ah. Dhanka kale Alhuda waxa ay u taagantahay sidii aqoonta Bangiyada Islaamiga ah loo ga dhigi lahaa mabda’ si aanay u noqon xirfad la gu ganacsado iyada oo ay aqoontan bixinaynaa aqoonyahano magac ku leh suuqyada maaliyada iyo Bangiyada Islaamiga ah. Alhuda waxa ay wada shaqayn iyo is-aqoonsi wada leeyihiin in ka badan 30 wadan oo dunida oo  dunida ku kala yaalla,  kuwaasi oo ay ka mid yihiin  Masar, Iswiiserlan, Malaysia, Maraykan, France, South Africa, Kuwait, Tunisia, Belgium, Italy, UAE, Gana, Moroco iyo Bahrain. Dhamaan wadamadani waa kuwo qaatay si caalami ahna u aqoonsan shahaadooyinka ay bixiso ALHUDA,halka in ka badan 40 machad oo dunida ahi ka qaataan aqoonta Bangiyada Islaamiga ah. Hadaba Alhuda CIBE hawlaha aqooneed ee ay dhinaca Bangiyada,  dhaqaalaha iyo suuqyada maaliyadeed ka qabato waxa u gu muhiimsan,
1.       Bixinta aqoonta iyo Koorsooyin wata shahaado caalami ah oo la xidhiidha Bangiyada islaamiga qaab ONLINE ah.

2.      La talinta maaliyada qaab ku dhisan Shareecada
3.      Horumarinta aqoonta Bangiyada Islaamiga ah
4.      Suuqgaynta iyo wacyigalinta suuqyada Islaamiga ah
5.      Tababarada
6.      Kor u qaadida aqoonta la xidhiidha bangiyada Islaamiga ah iyo Suuqyada Maaliyada ee Islaamiga ah
7.      Daabacadaha aqoonta la xidhiidha xogaha suuqyada iyo Bangiyada dhamaan daafaha dunida.

Aqoonta online-ka ah ee Alhuda bixinaysaa waa mid ku salaysan shareecada Islaamiga ah isla markaana ah tan maanta dunida maaliyaduhu aadku u majiiranayaan maaddaama oo nidaamka Bangiyada Islaamiga ahi jeexeen tub cusub oo aan lahayd burbur dhaqaale, kaasi oo soo jiitay indhaha dunida horumartay ee adeegsata Bangiyada Ribawiga ah.  Aqoontan waxa bixinaya aqoonyahanno ku xeeldheer Shareecada iyo xirfadyahanno aqoon buuxda u leh Bangiyada iyo suuqyada Maaliyadaha ee adduunka gaar ahaan kuwa Islaamiga ah.  Koorsooyinka ay bixinayso Alhuda waa kuwo caalami ah
Lixdan  Qaybood ayaa u gu muhiimsan aqoonta iyo adeegyada ay qabato Alhuda ee aad ku baran karto qaab online adiga oo gurigaaga jooga. Dhamaan Koorasyadani waxa aad ku qaadanaysaa shahaado (Certified) ah oo ay aqoonsanyihiin in ka badan 30 wadan oo aduunka ah.

1.       Post Graduate Diploma on Islamic Banking and Finance
2.      Certified Islamic Microfinance Manager
3.      Certified Takaful Professional
4.      Certified Islamic Funds Manager
5.      Certified Sukuk Professional
6.      Seminars and Conferences.

Si aynu fursadan   u ga faa’iidaysano Alhuda waxa ay idin  leedahay “waxa aanu idiin haynaa aqoon online oo aad muddo u qalanta ku dhisayso aqoontaada dhinaca Bangiyada Islaamiga ah. haddaba haddii aad tahay shaqaale Bangi, adeege machad maaliyadeed, arday ka baxay jaamacad oo raba in uu shahaado la aqoonsanyahay ka diyaariyo Bangiyada Islmaamiga ah gaar ahaa, Islamic Microfinance, Takaful professional, Funds manager, Sukuk professional iyo koorasyo kale oo si uun xidhiidh u la leh shaqadaada ama aqoontaada. Si aan aqoonteena maaliyadeed iyo tan guud ee dalkaba u horumarino kaalay oo ka faa’iidayso fursadaha dahabiga ah ee aad gurigaaga ku qaadanayso aqoonta adiga oo adeegsanay kaliya wakhtigaaga, Kombiyuutarkaaga iyo Internet-kaaga.  Dhamaan Koorasyadani waxa loo asteeyay in aanay noqon kuwo faa’iido kaliya la ga dhalinayo balse loo gu talagalay in aqoon wax bedesha la gu tebiyo.

Professional online Courses.
1.        Executive Diploma on Islamic Banking and Finance 
Duration
In Months
No. of Modules & Courses
Qualification
Assignments per Module
12
4 modules – 12 courses
Graduation
3
2.       Certified Takaful Professional
Duration In Months
No. of Modules & Courses
Qualification
Assignments per Module
6
2 modules – 6 courses
Graduation
3
3.       Certified Sukuk Professional
Duration
In Months
No. of Modules & Courses
Qualification
Assignments per Module
6
2 modules – 6 courses
Graduation
3
4.      Certified Islamic Fund Manager
Duration
In Months
No. of Modules & Courses
Qualification
Assignments per Module
4
2 modules – 6 courses
Graduation
3
5. Certified Islamic Microfinance Manager
Duration
In Months
No. of Modules & Courses
Qualification
Assignments per Module
4
2 modules – 6 courses
Graduation
3


Wixii faahfaahin iyo wixii su’aalo ah noogu soo dir ciwaankan.
0633347670 ama ciwaankan:  Alhudarepresentative@gmail.com
Mahadsanidiin.

No comments:

Post a Comment