Sunday, February 17, 2019

Dib u cusboonaysiinta Nafta iyo Baacsiga Riyooyinka.


Tom Clancy oo ah nin dhalinyar ah, waxa uu 1965 kii ka qalinjabiyay Koolaj sare oo uu ka qaatay shahaadada koowaad ee tacliinta sare, kuliyadda luuqadaha.   In yar ka dib na waxa uu shaqo ka bilaabay shirkad caymis ah oo ku taalla gobolka Connecticut ee dalka Maraykanka. Todoba sano markii uu shaqadaa hayay, waxa uu uga digarogtay shaqo kale oo isla shirkadaha caymiska ah. waxa aanu shaqo ka bilaabo shirkad wakiil ah oo isla suuqyada caymiska ka hawlgasha. halkaana waxa uu ka sii shaqaynayay sideedii sano ee ku xigay.

Sanadkii 1980 kii waxa uu go’aansaday in uu iibsado shirkad yar oo caymis oo isagu leeyahay.  Halkan marka uu xaalku marayo, Tom waxa uu suuqyada Caymiska ku jiraa muddo 15 sanadood ah, laakiin markan waxa uu bilaabay in uu dareemo xanshaashaq  hoose oo ku riixaya in uu ka shaqeeyo shaqo isaga farxad galisa.  Waxa aanu inta badan jeclaa in uu qoro buug  sheeko faneed ah (novel).
Waxa uu bilaabay in uu wax qoro wakhtigiisa firqaaqada. Ka dibna waxa uu bilaabay in uu shaqadiisa wakhti ka jaro si uu wakhti dheeraad ah ugu helo qoraalka. Ugu danbayna waxa uu qori jiray buuggiisa sheeko faneedka ah markasta oo uu wakhti helo.

Gabadhiisu, Marwo Wanda waxa ay ku odhan jirtay wakhtiyadii ugu horeeyay ee uu qoraalka bilaabay “wax uun buu ku qorayaa guriga dhexdiisa. Mar walba wax aaan u sheegaa in uu shaqada ku noqdo oo uu iibiyo caymiska.”Markii uu ku dhexjiray suuqayda caymiska muddo 20 sano ah,  ugu danbayn sanadkii 1984 kii Tom Clancy waxa uu daabacay buuggiisii ugu horreeyay oo watay magacan “The Hunt of Red October”.  Tom waxa uu rajaynayay in uu iibin doono 5000 oo buug,  laakiin dhamaadka maalin toban sano ka dib ah, waxa uu iibiyay Laba milyan oo buuggiisii koowaad ah.  Taasi waa sheekada Tom Clancy.
Wali waxa aad haysataa fursad aad naftaada dib ugu cusboonaysiiso.
Tom Clancy waxa uu ka mid ahaa qoraayada ugu caansan qoreyaasha guulaystay ee jiilkiisa.  Isaga oo wax ka qori jiray sheekooyinka ciidamada Milatariga ah, waxa aanu qoray 17 dhigane oo Noofal ah kuwaasi oo ku guulaystay darajada koowaad ee buuggta ugu iibisiga badan “new York times best-sellers.”  Guud ahaana buuggtiisa waxa la iibiyay in ka badan boqol milyan oo nuqul.  Qaar badan oo ka mid ah buugtiisa sida The Hunt of Red October, Patriot Games iyo The Sum of All Fears waxa ay noqdeen kuwa ugu foolaadsan.  Kuwa kalena waxa ay noqdeen kuwa ugu caansan muuqaalada ciyaaraha sida Rainbow Six, Ghost Recon iyo Splinter  Cell.  Ugu danbayn Tom waxa  macaamiil u noqday in ka badan boqolaal Milyan oo akhrise, taasi oo ka dhigtay qof caan ah, oo looga danbeeyo shaqadaas qoraanimada.
Marka laga yimaado guulahaa ashqaraarka ah ee uu gaadhay  Tom, arinta cajiibka ah ee aan ka helay waa rabitaankiisa iyo sida uu ugu dhiiraday in uu naftiisa dib u cusboonaysiiyo ama dib u jiheeyo.
Dhamaanteen waxa aynu  leenahay yoolal muhiim  ah-  qaabaynta muuqaalkeena jidheed,  samaynta ganacsi, qoridda buugaag iyo qaar kale- laakiin dhamaanteen waxa dib u inoo dhigaya wahsiga iyo caqabadaha nolosha.  Gaar ahaan arrintani waa run marka aynu ku noolahay  nolol dheelitiran. Dadka intooda badan ee ku sugan xaalada Tom, waxa ay sii wadeen xirfadadoodii shaqada caymiska, halkii ay baacsan lahaayeen riyadooda ay ku gaadhi lahaayeen qoraa (Noofalyahan) sida Tom.
Way fududahay in la fiiriyo qof sida Tom u guulaystay, kuna andacoonaya in uu lahaa jidka guusha.  Marka 100 Milyan la iibiyay buuggan, taa macnaheedu waa in uu u dhashay in uu qoraa noqdo. Laakiin haddii aad u fiirsato noloshiisa labaatankii sano ee xirfaddiisa ugu horreeyay, ma arki doontid qoraa haba yaraatee.  Macnaha Tom u arki maysid qof qoraa ah.  Taasna waxa ka dhalanaysa su’aal xiise badan…
Maxaa sameeyay farqigaas wayn nee nolosha Clan, waa Tom Clan’e.  ma waxa ay ahayd heerka hibadiisa? Mise waa hal-adaygnimadiisa iyo rabitaankiisa uu ku doortay in uu naftiisa bedelo, tallaabana qaado?
Waxa jira boqolaal qof oo hibo  leh, balse aan waligood samayn doorasho si ay u sameeyaan wax ka duwan waxa ay qabanayaan, si ay nafahooda u cusboonaysiiyaan isla markaana u baacsadaan riyooyinkooda.  Way adagtahay in aad joojiso shaqadaada oo aad wax cusub oo kale samayso. Macnaha ma jiro qof nacas ah oo doonaya in uu mar walba dib u bilaabo wax cusub.
Laakiin hibadu qiimo malaha haddii aanay wadan dhiiranaan iyo rabitaan ah in qofku tallaabo qaado. Waa ay fiicantahay in qofku riyo iyo hadaf  yeesho laakiin waxa ka sii fiican in baacsado, oo taageere u noqdo riyadiisa si u gaadho.  Imis qof oo sida Tom Clancy ah baa wakhtigan jooga, kuwaas oo riyooyinkooda laabta ku haysta, ka dibna wahsiga iyo cadaadiska noloshu dib u celiyay,  ugu danbayna dhanka dabaysha nolosha u socoto uun u raacay.
Talada Tom Clancy ee qoraayada.
Waxa aad u baratay wax qoridda si la mid ah sida aad u baratay ciyaarta Golofka ama kubada cagtaba. Waad ciyaartay, waanad sii joogtaysay illaa aad siday ay tahay u baratay.  Dad badan ayaa markaa moodaya in waxani si ruuxi ah kuugu soo degeen, iyaga oo u malaynaya in dhegtaba laguu saaray xirfaddaada. Laakiin qoraalku ma aha waxyi qofka ku soo dega- waa shaqo adag.
Ma jiro wax gaar ah oo ku soo dega dadka doorta in ay nafahooda dib u helaan  (dadka dib u qaabeeya naftooda, ee dib u doorta waxa ay ku wanaagsanyihiin) si ay riyooyinkooda u gaadhaan.  Uma fududa sida ay kuugu fududahay arrintani.   Waxa ay doorteen in ay shaqo qabtaan, oo ay tallaabo qaadaan. Naftooda ayay doorteen.
In aad naftaada dib u qaabayso/dib u cusboonaysiiso oo aad barato xirfado horumarsan waa shaqo adag.  In aad ka soo bilawdo qaabaynta noloshaada qaab la’aan una farsamayso qaab togan waa shaqo adag.  In aad ka dalacdo shaqaale kursi (xafiis) una dallacdo hal-abuure ganacsi waa shaqo adag. In aad noqoto Noofalyahanka ugu fiican, adiga oo ahaa iibiye –caymis shirkdadeed waa shaqo adag.  Markaa waa wax qurxoon oo qiimo badan in aad hadaf walba ku dagaalanto sidii aad u gaadahi lahayd.

Sida Tom yidhi ma jiro wax ruuxi ah oo qofka ku soo degaa.  Ma jiro waxyi aad dareemayso oo kugu soo degayaa. Tallaabada ugu horaysa ee riyooyinka lagu xaqiijiyaana waa mid aad u gaabisa, oo aan qurxoonayn isla markaana ah mid qallafsan-waa sida adiga oo qoraya buug sheeko  ah (novel) dhamaadka todobaadka, isla markaana maamulaya shirkad yar oo caymis ah. waaba sidaas rumaynta riyadaadu.

Arrinta ugu adag  ayaa ah,  in dib u qaabaynta noloshaadu tahay shaqo adag oo aan qofna kugu ammaani doonin-waliba marka hore ee aad bilaabayso. Waayo Tom ba xaaskiisu waxa ay ku odhan jirtay “orod oo shaqadaada caymiska dib ugu noqo, marka ay aragto isaga oo wax qoraya.”
Warka fiicani waa in aan wadada aad u marayso shaqada aad jeceshay iyo filashadeedu isku mid ahayn, laakiin waa ay ku gayn kartaa halka aad hiigsanayaso haddii aad doorato in aad wax cusub qabato.  Wali wakhti baad haysataa aad naftaada dib ugu hagaajiso si aad yoolashaada iyo riyooyinkaaga u gaadho. Taasina waa taladii Tom.
FG: Qormadan oo aan ka soo hal-tebiyay luuqada Ingiriisida waxa qoray James Clear.  Dulucda qormadu waa dhiirigalin ku socota dadka aanay islahayn shaqada ay hayaan iyo waxa ay ku wanaagsanyihiin ama ay noqon lahaayeen. Nuxurkeeduna waa in qofku abbaaro waxa uu jecelyahay qabashadiisa, oo uu is waafajiyo hibadiisa iyo falkiisa.
W/T: Maxamed M Jaaj.

No comments:

Post a Comment