Friday, May 12, 2017

GUDHNAANTA DAL-JIRNIMADA.

Xaddaaradihii hore ee Giriigga, xidhiidhka waddaninimo ee qofka iyo deegaankiisa dhexeeya waxa uu ahaa mid aasaaskiisa koowaad yahay ka gaashaamashada cabsida iyo dhawridda danaha ganacsi ee u dhexeeyay bulshooyinka ku kala dhaqan magaalooyinka. Qof wali ba magaalada uu ka soo jeedo ama deggan yahay ayaa u ahayd aqoonsigiisa koowaad iyo hoygiisa uu maanka ka jecel yahay, taasi oo lagu magacaabi jiray City-states. Sida la xusa na daljirnimadu/waddaniyaddu waxa ay bilaabantay facii hore ee dadyawgii Giriigga. Halka ilmaxnimooyinkii Roomniyiintu qabeen in qofka iyo waddankiisa uu isku xidhayo sharciyad la isla ogyahay oo ay ka dhalanayaan waajibaaddo qofeed/bulsheed iyo xuquuqo uu yeelanayo qofku.

Xilliyadii dhexe Yurub lafteeda waddaniyaddu waxa ay ku qeexnayd ama muhiimaddeedu ahayd ilaalinta ganacsiga iyo amniga nolosha guud ee magaalooyinka oo xiligaa ku jiray korriin joogto ah, qof waliba na waxa uu xaq u lahaa in uu helo bulsho ama magaalo maamulkeeda leh oo la gu aqoonsado. Halka xilliyadan mucasarka ah ee nidaamka dawladnimadu ka hanaqaadday dunida muhiimadda koowaad ee waddaniyadda la ga dhigay ilaalinta xorriyadda qofeed (liberal-individualism), taasi oo ah falsafad siyaaasadeed oo gundhiggeedu yahay in la ga fuuryeelo ilaalinta iyo dhawridda xuquuqaha shakhsiga ah, si loo helo bulsho nabadda iyo dal-jacaylnimadu agtooda taallo. Dhankan marka la joogo waxa daljirimada saldhiggeedu yahay in qofku helo damaanadaha nolosha aasaasiga ah iyo rabitaannada qofkeed. Waxa aanu ka mid yahay dawlad iyo deegaan la isla ogyahay oo uu ka helayo xuquuqdiisa waddaniyadeed isagu na fulinayo waajibaaddo daljirnimo oo la koryeelay. Taas ka soo horjeedkeeda haddii uu qofku waayo xuquuqdiisa waddaniyadeed, bedelkeeda na uu la kulmo amni darro, tagrifal nafeed ama hantiyeed waxa uu ka irdhoobayaa, ka qaxayaa deegaankiisa isaga oo dunida kale wayddiisanaya waxa loo yaqaan magan-galyo sida dunida maanta (qarniga 21 aad) ka taagan. 

Isla xilliyadan danbe ee dunidu  siyaasadda iyo dawladnimada casriga ah, ee ku dhisan demoqraadiyadda iyo aashaa-hadalka (freedom of expression) dhaqan-galisay; waddaniyadda waxa xeerarkeeda aasaasiga ah la gu suntay in qofku yeesho “ka qayb qaadasho siyaasadeed oo xor ah”, taas oo tilmaamaysa in qofku lahaado dawlad iyo cid uu doorto, isaga na la doorto. Xuquuqda ka-qayb-qaadasho ee kala xulashada cidda masiirka  u qabanaysa bulshadiisu waxa ay qayb muhiim ah ka tahay waddaniyadda iyo dal jacaylka qofka. Waana tudhaale  bulshadu ugu tudhayso deegaankooda iyo dalkooda ba marka ay xulashadooda ku dhisatahay wadan jacayl. Halkaas na waxa ka bilaabmaya fahmidda waajibaadada qofeed ee deegaanku ku leeyahay muwaaddinkiisa, iya ga oo ku dhisaya doorashadooda xulashada hoggaamiye u tudhaya dhulka, daaqa, dhirta badda iyo guud ahaan haybada guud ee deegaanka. Cutubkani waa meelaha Soomaalidu imtixaankiisa ku dhacdo inta badan, waana meelaha aasaaska u ah dawlad wanaagga iyo faya-dhawrka dhulka iyo hawada, ilaalin na kara sumcadda iyo sharafka dawladnimada.

Guud ahaan dhulka dawlad ama maamul ka jiro ee dad la isla yaqaan ku nool yihiin waxa lagu qeexay in uu yahay deegaan ka kooban bad, berri iyo biyo. Geyyi ama  Arli oo ah qaybta adag dhulka waa halka u gu muhiimsan ee ay tahay sharci ahaan iyo damiir ahaan ba in dhawro. Isku darka dhulka iyo biyaha ayaa iyaga na  la odhan karaa waa deegaan, kaas oo nololi ka suurta gali karto. Marka se la joogo dhanka geyiilanimada (daljirnimada) waa dhawridda dhulka, biyaha iyo hawada deegaan la isla ogyahay oo bulsho la isla yaqaan ku dhaqan tahay. Qayd la isla yaqaanna ka ga soocan dalal kale oo ummado kale danbaabaan. Deegaankaas waxa iska dhaxlay oo isu daba marayay qarniyo badan ummado kala duwan, oo Eebbe korreeye qolo walba meel ka ga uumay si ay u gu raaxaystaan nimcada oogadiisa taalla si ay baahiyahooda jidheed iyo kuwooda ruuxeed ba u ga helaan.

Umadahaas ku soo dhaqnaa dhulka, qolo wali ba aril go’an, oo ay u gu bahaysan yihiin qaab dhiig, wada dhalasho, jinsi, luuqad iyo dhaqan ayaa ay u gu kala noolaayeen oogo go’an oo dhulka korkiisa ah. Mar kalena kuwa aan inta sare mid na wadaagin ayaa wadaagi karayay oogo dhul ah oo cayiman. Ujeedka guud ee noolaanshaha bini-aadamka ee geyiga guudkiisu waa in ay ka dhaqmaan, ku dhalaan oo ku danaystaan. Su’aal baa se ka imanaysa haddii intaa ba dhulku diyaar innoo la yahay, ma jiraan waajibaad qofeed ama bulsheed oo inna ga saaran ilaalinta kawnka aynnu ku dhaqannahay bad, berri iyo hawo ba.? Jawaabta su’aashan waxa ka dhalanaysa fahamka dal-jirnimada, taasi oo bulshooyinka adduunku ku kala geddisan yihiin. Kol ba heerka daljirnimada bulshadaas ayaa waajibaadka deegaankeeda waddaniyadeed na leegyahay. Bulshooyin badan oo adduunka inna gu la nool ayaa aan dhugmo u lahayn in dhulku ku noolyahay ruuxiyadda  iyo gacan siinta bini-aadamka isla jeerkaas na ku dhinto falalka taban ee noolaha caqli ga lihi (bini-aadam) ku falo dhulka oogadiisa. kuwa kale na waxa ay horumarka ka sameeyeen dhulkii Eebbe ku uumay, iya ga oo gudanaya waajibaadkooda waddaniyadeed. iya ga oo gaadhay heer bulshooyinka kaleu soo hiloobaan ku noolaanshaha dalkooda. Marka aan geestan joogno, Soomaalidu waxa ay ka mid tahay bulshooyinka aan aqoon badani u ga baxsanayn ruuxda dhabta ee deegaanka iyo daboolidda baahiyaha deegaanka. Soomaalidu waa dad galoof ka ah daljirnimada iyo fayoobi-dhawirdda deegaanka.

Daljire ama geyiile (muwaadin) waa lahaanshaha dhul/dawlad oo la isla yaqaan, kaasi oo u dhashay, ku dhashay ama qaab kale oo muwaaddinimo la gu helo u ga mid noqday muwaadiniinta dalkaas. Marka la leeyahay “hebel waa waddani”, taasi macnaheedu waxa uu daaran yahay, waxa uu leeyahay xuquuqda ku noolaansha dhulkaas si xorriyad ah isa ga oo sida uu isagu jecel yahay u gu noolaan kara. Isla jeerkaas na  khayraadka deegaankaas mid badeed, cireed iyo mid biyood ba si la siman bulshadiisa u ga faa’iidaysanaya. Sida oo kale , waajibaadka geyiilnimo ee isa ga la ga raba na fulinaya. Waa fuliyaha  xaq kasta oo dalkiisa ama dawladdiisu ku leeyahay sida bixinta cashuurta, u dhego-nuglaanta sharciga wadanka, dhawridda deegaanka si guud, ka qayb qaadashada mashaariicda horumarineed ee bulshada iyo difaacidda xuduudihiisa marka ay laga ma maarmaan noqoto. Markan ayaa  uu ku sifoobayaa daljirnimo dhamaystiran, taasi oo ah halbeeg tilmaamaya heerka dal-jacaylnimada qofka/bulshada halkaas deggan.

Diinta islaamka gaar ahaa Qur’aanka iyo xadiiska ba waxa la innoogu sheegay waajibaadka innaga saaran ilaalinta dulka, is la markaana u gu  raaxaysanno korkiisa si togan,  inna ga oo aan ku kibrin. Waxa la inna faray in aynnu dhawrro quruxdiisa iyo muuqaalada dabiiciga ah ee Eebbe ku manaystay, ku na  cibro qaadanno la-yaabbada ku qotoma abuurka dhulka iyo oogadiisa. Nebi Ibraahim CS, ayaa Eebbe ka baryaya in uu dhulka u ga dhigo mid aamin ah isaga iyo ehelkiisaba, midho iyo risiq wanaagsanna ka siiyo. Ambiyo badani na waxa ay ku ducaysanayeen in aanay noqon kuwo ku kibra dhulka Eebbe ku uumay.

Noloshii reer guuraanimada, xidhiidhka danayneed ee bulshada Soomaalidu la lahaayeen deegaanka waxa  bud-dhig u ahaa daaqa iyo carra-samida dhulkaas. Muhiimadda  koowaad ee dhulku u gu fadhiyay na waxa ay ahayd kolba sida deegaankaasi ugu fiican yahay daaqa xoolahooda iyo wax-beerashada. Haddii deegaankaasi labadan qodob mid na buuxin waayo, waa ay ka guuri jireen oo meel tigaad iyo carro wacan ayaa ay u kaynaani jireen si maalkoodu u gu samaado. Xeer afeedka kaliya aan qorrayn, dhulka na la gu kala lahaa waxa uu ahaa ijaarka beerta iyo kambalka ku teedsan jabadka reerku degenyahay. Qof wali ba ijaarka beertiisa ayaa u ga dhignaa dayr ka xigta ta kale ee ku xigta, ee ay isku ood-qabsan yihiin. Haddii se dhulku abaaroobo, oo omos ka duulo waxa kaliya ee bulshadaasi ku tashanaysay in ay ka socdaalaan oo kaynaan dheer galaan si ay u gaadhaan tigaad iyo meel dhogorta xoolahoodu ku wacnaanayso. Deegaanka faca soomaalidu degaa ma uu ahayn mid kala sheegashadiisu ahayd  qaab xuduudo sharciyaysan ku dhisan oo la kala lahaa wixii ka horreeyay dawladnimad iyo xuduudihii gumaystaha reer galbeedku sameeyay xilligii uu yimi Afrika. Qofka Soomaaliga ah ee qof  kale oo Soomaali ah dhul ka sheeganayaa muu ahayn mid fulinaya shuruuc dawladeed ama diirnax daljirimo, balse waxa uu u inta kale uga eryayaa dano qoysnimo ama qabiileed oo ku dhisan lahaansho danahaas ku sar go’an. Waxa loo kala sheegaynayay sida dadkaasi u wada degan yihiin ee hantidooda sida baraagaha, ceelasha iyo beeruhu u gu yaallaan dhulkaas. Halkaas waxa ka muuqanaysa in daljirnimada Soomaalidu ahayd mid aan labadaa masalo dhaafsiisnayn. Habka ay u difaacdaan na uu ahaa mid ku dhisan beeralaynimo ,daaqsin wacnaan iyo qabiil, balse aanay jirin waddaniyad iyo dal jacayl.

Ma jirin ama waa ay yarayd dan waddaniyadeed  iyo ilaalin guud oo  bulshadu aragti isku mid ah ka lahayd in la dhawro ama si wadar ah loo ilaaliyo deegaanka ka dhexeeya bulshadaaas meesha wada degta. Xumaanta iyo fiicnaanta deegaannada beelaha kale degaan muhiim la ma ahayn,  ha ba ahaado dhul ka mid ah geyiga soomaalidu ku uuman tahay ee xuduud ahaan loo yaqaan dhulka soomaalida. Waxaaba jirtay oo taariikhda, suugaanta iyo sheeko tebinta dhacdooyinka soomaalida ku cad in marka qolo dhulkooda la ga kiciyo ee cid kale oo ay si hayaan ka qaaddo gabayo iyo digashooyin bulshadaas loo diri jiray.  Daljirnimada Soomaalidu waxa ay ahayd mid halka u gu hoosaysa ka sii hoosaysa wixii gumaystaha ka horreeyay marka la ga reebo danaynta arrimaha kor ku xusan.

Markii gumaystuhu yimi guud ahaan Afrika gaar ahaanna dhulka Soomaalida, waxa abuurmay dareen iyo ruxan nafsadeed oo qof waliba jidh diiday ninka cad ee dhulka Soomaalida yimi. Waxa ay arkeen dhulka oo illini ka timi, oo ku cataabaya “dadka igu dul nool ayaa cadawga cad ii jabiyay”. Waagaas waxa Soomaalidu noqotay dad maankooda ay  ka soo burqadaan wabiyo dal jacayl ah iyo faham ay fahmeen in dhulku u baahan yahay daryeel guud iyo difaac la ga ga hortaga ninka cad ee doonaya dhulkooda. Waxa ay fahmeen in waxa kaliya ee dunidu markaas isku haysay, xafiiltanku na ku dhisnaa yahay dhul la kala dhaco. Dhegahooda ayay ku maqleen dhul ummado la ga qaaday oo kuwa kale qaateen khayraadkiisa iyo lahaanshihiisa na la ga dhaxal-wareejiyay kuwii lahaa. Dabayl dal-jacyal oo ku dhacaysay Afrika inteeda badan ayaa dadka Afrika wada martay oo Soomaalidu na ka mid ahayd.

Hadda ba, markii gumaystihii ku guulaystay maamulka dhulka Soomaalida ee awooddii maamulka dhulka na uu la wareegay, waxa ay bilaabeen guubaabo iyo suugaan ay ku sheegayaan in ay dhulka leeyihiin iya ga oo ku jiibinayay “dhulka saw anigu ma lihi”. Wakhtiyadaas ayay Soomaalidu noqotay kuwo dareensan muhiimadda daljirnimada iyo lahaanshaha deegaanka. Waxa ay barteen in dhulka Eebbe ugu uumay in ay manaafacaadsadaan isaga na daryeelaan oo waajibkiisa mariyaan (dhawrid iyo difaacid). Markii damaca gumaystuhu soo tamar yaraaday shucuurta iyo hugunka daljirnimada Soomaalidu na xoogaystay ayaa ay kor iyo hoos ba u soo bandhigeen dal jacaylka iyo sida ay naf iyo maal ba ugu hurayaan babaadinta wadankooda. Waa kuwaa ballan ku qaaday in ay ilinta ka tiraan dhulka oo maryahooda ka ga bi’iyaan ilmada. Dhiiggooda na ku beeraan geedo cusub oo ubax xorriyadeed soo bixiya. Ballankaas ay galeen waxa ay u arkayeen in uu yahay xalka kaliya ee ay ugu gurmaan karaan dhulkooda. Suugaantaas waxa ka mid ahaa ‘qaniinyada gumaysiga, qoomkii xanuunsaday, waa kuwaa qabowgiyo, qaayo wacan ku wada nool”. Baytka ugu danbeeyay heestan waxa uu sheegayaa in gumaysigii dhulka cabudhiyay dabadii dadkii si nabad ku nool yihiin.

Markii gilgilashadii gumaysiga iyo gaylaankii xoriyad-doonku cirka isku shareeray ayaa hal-abuurka Soomaalid caroog qaylo dheer kor iyo hoos ba ugu dhawaaqeen gabayo iyo murti badan oo aan tiro iyo cadadtoona lahayn. Ruwaayado iyo fan-masraxiyadeed xeel dheer ayaa ay gumaystihii dabada u qabteen. Suugaanta xeesha dheer ee ka dhalatay oohintii arliga waxa ka mid ahaa suugaantii Cali sugulle, Timac-cadde, Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Keenadiid, Xaaji A. Af-qallooc iyo qaar kale oo badan. Markii 1954-kii hawd iyo Reserve area Ingiriisku ku wareejiyay ayaa Cali  Sugulle sameeyay ruwaayad la odhan jiray “ayaa ila gumaysiga”. Ruwaayaddaas oo ay ku jireen suugaan badan oo gumaysi diid ah waxa ka mid ahaa heesaha ku jiray.
Ganbo iyo dumarkaa garayska xidhee
guntiga raggu waa isku geedo hiddee
geyigan tagey gaalku maw hadhay?
Gadan tay oo carradeenii way gedmatee,
Aan gaadhnee ma loo gurmanayaa?
Geelii iyo adhigii gammaankii fardaha,
Gugoo da’ay geedihii hawd
Aan geynee ma loo gurmanayaa
Gaashaan-qaad xaqiisa lama gudbo
Garkiyo wadnahay na kala go’an
Guul-darro weynagaa gacmaha madhan
Garaad innama dheera gaaladu
Gugeennuna waa gudboon yahay
Guuldarro weynagaa gacmaha madhan
Godobtii nin qirtay oo ku gowracay
Gashigii diiddan aan wax kaaga gudbeyn
Gadaan-gadayaa gar-daranaa!
Ayaa guullaheen gargaaraa
ayaa garanaaya gobannimadoo
ayey la genbiya gumeystaha?!

Waxa isna door wayn ka ciyaaray Cismaan Yuusuf Keenadiid oo gabayo xeeldheer iyo dhawaaqyo dhuuxa iyo quluubta Soomaalida taabanaya tiriyay. Gabayadaas Keenadiid waxa ka mid ahaa:
Intii gibil madaw aduunyadan gooni laga yeelye
Gargaar kuma abaan uumiyaha gaaliyo islaame
Gaadiid in laga wada dhigtaa loo gol leeyahaye
Sida loo galaayiyo nabsiga yaw garniqi doona.

Qarniyadii danbe ee xaddaaradda reer galbeedka dunida wada gaadhay waxa soo ifbaxay xeerar iyo sharciyo loo abuuray deegaanka iyo dadka ba. Waxa ka mid ah xeerka ilaalinta deegaanka, xeerka xuquuqda aadamaha iyo kuwa kale. sharciyadaana waxa loo ga gol lahaa in xuquuda deegaanka iyo waxa ku dul nool ba la gu ilaaliyo. dawlad waliba na maanta waxa ay leedahay xeerar qeexan oo la gudhawro deegaanka. Dawladnimada casriga ah muwaadinmadu waxa ay yeelatay miisaan la gu cabiro iyo maar la gu ogaan karo heerka dal jacayl ee qofkaasi/bulshadaasi leedahay. Maarkaas la gu calaamadiyay  daljirnimada bulshada waxa loo  kala qaaday laba amuurood “xuquuq iyo waajibaaddo”. Qofkasta kasta waxa  uu yeeshay xuquuq uu isagu ku leeyahay  dalkiisa iyo waajibaad la ga rabo isaga.

Soomaalidu waxa ay caan ku tahay dhul-jacayl badan oo aad mooddo in iyagu yihiin kuwii iyaga dhulka la dhaxal siiyay. Jacaylkaasi ma ah mid daljirinimo iyo deegaan jacayl ah, balse waa danayn ku dhisan dano gaar ah.  Beerta ama baloodhka qofka soomaaliga ah waxa uu u hurayaa naftiisa iyada oo ujeedka koowaad yahay in uu difaacdo lahaanshihiisa ku dhisan dantiisa, marnaba iyada oo aanay jirin dan bulsheed ama daljirnimo guud. Waxa aad la kulmi dagaal iyo qori caaradii haddii aad qof soomaali ah nis-mitir uu danbaabo aad ka dhigto dan guud oo arrimo bulshada dan u ah laga fuliyo. Soomaalidu waa dad daljirnimada ka gudhan oo galoof ka ah taa bedelkeedana jecel deegaan qurux badan, nabdoon, oo ka badbaaday xagtimaha iyo nabadarada abaaraha iyo nabaad guurka.

Gudbinta waddaniyadda waxa loo tebin karaa qaabab kala duwan, oo waxbarashadu ka mid tahay. Dugsiyada hoose iyo dhexe ee carruurtu dhigato ayaa ah meelaha u gu habboon ee la gu abuuri karo ubax waddaniyadeed oo biqilkiisu noqdo mid midho fiican dhala. Markan waddaniyaddu waxa ay ku beermaysaa quluubta faca soo kacaya. Waana meelaha u gu mudan ee ay tahay in loo sameeyo siyaasad waddaniyadeed si loo helo fac mustaqbalka danbe waddaniyiin ah. waxbarashada waddaniyadda ee dugsiyada Soomaalidu ma badna, mana aha mid taabba gal ah, taasina waxa ay keentay in mar walba soo kacaan jiil waddaniyadda ka arradan. Sidaas oo tahay waxa loo baahan yahay in la abuuro  xiisaddo iyo maaddooyin waddaniyadda iyo deegaanka  la gu baranayo, oo iskuulada la ga dhigto. Qaar ka mid ah dawladaha kala duwan ee Soomaalidu ma laha waxbarasho waddaniyadeed/daljirinimo oo iskuulada ama jaamacadaha la gu qaato, haddii ay jirtana ma aha mid ka jawaabaysa baahida waddaniyadeed ee jirta.  

Doorashada hoggaamada soomaalidu waxa ay ka mid yihiin meelaha ay ku luntay ilaalinta deegaanka iyo waddaniyadda. Markasta oo xulasho masuul deegaan ama dawladeed timaado ma jirto meel ay ka soo gashso mawduucooda wax la yidhaa “waddaniyada ama daljinimo”. Daljiraha wax dooranayaa na marna ba kama fikiro sidii uu u dooran alahaa masuul waddani ah, oo ka shaqyanaya fayoobi-dhawridda deegaanka. Taas bedelkeeda waxa xulashadooda ka soo baxa hoggaamiye ku sifooba deegaan burbur iyo deegaan kharrib. Soomaalidu ma aha dad xulashadoodu madaxeed ku dhisan tahay daljirnimo.

Fulinta sharciga iyo dadka soomaalida ahi isku ma wanaagsana, sabab sax ah oo la oo aanayn karaana ma jirto. Haddii ay jirto jawaab kali ahi na, wali lama aan kulmin. deegaanka ilaalintiisa iyo fayoobi-dhawridda guud ee khayraadka dhulka sida kaymaha, dhirta, biyaha iyo macdahana waxa inta badan loo abuuray xeerar iyo qodobbo sharci oo difaacaya. Fulinta shuruucdan waxa dhabarka loo saaray dadka ku dhaqan deegaannadaas kala duwan (Shacabka), balse waxa ay ku wajahaan ad adkaan iyo diidmo ay ka dhega adaygaan fulinta qawaaniinta la gu ilaalinayo deegaanka si aan nabaad-guur iyo masiibooyin gacan-ku-rimis ahi uga dhalan. Halkaana waxa ku luma daryeelkii sharci ee loo fididayay deegaanka oo ugu danbayn noqda mid u dullooba dakharro iyo xagtimo badan oo ka soo gaadhay daljiraha ku dhaqan, sida dhuxulaysi iyo gubidda daaqa. Soomaalidu waa dad daljirnimada ka gudhan.

Dawlad wanaagga  iyo horumarka magaalooyinka waxa aasaas u ah cashuur bixinta, taasi oo ah siyaasad dakhli ururineed, oo dawladda markaa jirtaa ku soo rogto shacabkeeda. Marka cashuurtaa si fiican loo loo bixiyo, dawladdu na si togan u maamusho, waxa dhismaya kaabayaasha dhaqaale sida waddooyinka, dekada iyo warshada khayraadka maxalliga ah soo saara. Sidaas oo kale, waxa kor loogu qaadaa aqoonta bulshada iyada oo la abuurayo iskuullo, jaamacado iyo machaddo la gu sameeyo  cilmi-baadhsiyo deegaankuna ka mid yihiin. Hadda ba, waxa la odhan karaa Soomaalidu waa dad aan aad ugu dhega nuglayn bixinta cashuurta, si ay u helaan adeeg dawladeed oo baahiyaha guud iyo waddaniyadda ba la gu horumariyo. Soomaalidu waa dad aan ku fiicnayn cashuur bixinta, taana waxa ka ratibma lumid, ay lumaan bilicda magaalooyinka iyo nadiifinta deegaannada.

Fanka waddaniyadda  Soomaalidu waxa uu cirkaa gaadhay xilliyadii dawladdii dhexe Soomaaliya jirtay. Waayadaas waxa xukunka markaa jiray xidhnaa shaadh waddaniyadeed, dadka na waxa quluubtooda la galiyay canjalado ay ku duuban yihiin suugaan waddaniyadeed oo heerkeedu sarreeyo. Waxa la abuuray kooxo kala duwan oo qolo wali ba leedahay hees waddani ah. xilligaas dareenka waddan jacaylka Soomaalidu waxa uu gaadhay halka u gu sarraysa ee uu gaadhi karayay. Balse wixii ka danbeeyay burburkaas waxa hoos u dhacay suugaanta dal jacaylka ah. Inkasta oo ay jiraan suugaan badan oo dal ammaan iyo fayoobi-dhawirdda deegaanka ka warramaysaa, hadda na ma gaadhsiisana halkii loo baahnaa. Waayo suugaantu waxa ay ka mid tahay caroogyada u gu dhawaaqa iyo saamaynta badan ee bulshada laga ga dhaadhicin karo waddaniyadda. Hoos u dhaca ku yimi fanka daljirnimadu waa qodob kale oo ka mid ah hoos dhaca waddaniyadda. Soomaalidu waa dad suugaanta qani ku ah, balse aan sidii la rabay  isu la falgalin suugaantaas iyo deegaan jacaylka.

“Tol jacaylka iyo daljacaylka waxa horreeya toljacaylka”, odhaahdani waxa waafaqaysaa dhaqanka bulshada Soomaalida ee dhanka waddaniyadda. Taasi oo keentay in waajibaadka waddaniyaddu ku lunto xidhiidhada xun ama san ee ka dhexeeya qabiilooyinka Soomaalida. Fulinta shuruucda aan qorrayn ee qabiillada ayaa ka mudan fulinta shuruucda daljacaylka ee qoran. Soomaalidu waxa ay waajibaaddo badan oo waddaniyadeed ku lumisay qabiilka jacaylka iyo toljacaylka.

Xuquuqda waddaniyadeed ee qofku ku helay dhalasho, dhiig ama qaab kale oo sharciyadeed waxa uu looga baahanyahay in uu ku ilaaliyo maan fayow, oo uu u hoggaansamo dabarrada sharciyadeed ee ku dabbaalaya wajiabaadada la ga rabo isaga shakhsi ahaan. Marka waajibka waddaniyaddu ka soo dhaqan galo maanka iyo garashada qofkasta oo bulshada ka mid ah, waxa uu u soo gudbayaa damiirka bulshada. Sidaas ayaa bulshadu ku noqonaysaa mid ka warqabta daljirnimada iyo  qiimaha ay ugu fadhido noloshooda iyo nolosha xayawaanka ku la nool ba.

Qalinkii:-Maxamed M Jaaj


No comments:

Post a Comment