Friday, March 24, 2017

KULANKII ARLIYO.

Waxa ay ahayd goor fiid ah. Waxa aan fadhiyay xatabada hore ee kuraasta maqaaxida aan ka shaahaynayay markaa. Hortayda ayay ka soo muuqataa. Qurux badani kama muuqato haddana dadka inta markaa arkaysay si ayay ula dhaceen muuqaalkeeda. Markii ay soo dhawaatay ayaan arkay midabka maryaha  ay xidhantahay oo markaa casaan ahaa. Waa casaan maryaheedu, waliba aad u cas. Shay kasta oo korkeeda sudhani waa casaan, illaa masarka madaxeeda ku dedan. Waxoogaa ayaan isha ku daaliyay si aan muuqaalkeeda u wada dhugto. Waa gabadh dhexaad firfircooni ka muuqato, oo aan habacsanaan iyo hoosayni ka muuqan. Aniga oo hoosta ka doonaya in aan maruun kelmad ku idhaa ayay xaggayga u soo laafyootay. Nasiib wanaag waxa ay soo fadhiisatay miiskii aan fadhiyay kursiga ka soo horjeeda. Waa sidii aan niyadda ka doonayay’e, way soo fadhiisatayba. Kursiga iga soo horjeeday, ee waliba igu beegnaa ayay dabada la heshay.  Daqiiqad ayaan haddana fiirinayay aniga oo aan wali la hadal iyaduna aanay ila hadal.
“waran mudane” ayay iga ga horraysay.
“wanaag iyo wacnaane, soo dhawaw”.
“saw shaqadii sidii uma waddid”
“shaqadee”?
“Tii  dadka oo dhammi hayeen"
“ma shaqo aad adigu shaqaalaysiisay”
“haa”
“mayee een,een, een” aniga o aan ka wada jawaabin ayay hadalka markale afkayga ka boobtay iyada oo aad mooddo in gabal u dhacay oo waajibkii ay i kor yeesha aaan gabay siina raacisay.
“dadka inta aan la kulmo ee aan is waraysanno waxa aan ka jecelahay inta aan amarka siiyo,waxa aan doonayana sida aan u doonayo u fuliya”
“Amar aa!, malaha qolo kale ayaad baddooda gashay oo halkii aad koobka shaaha ah ku dalbatayba ma joogtid” ayaan hoos isugu idhi. Haddana waxa aan arkay in wax waliba sidoodii yihiin, meesha aan fadhiyaana maqaaxidii tahay. Shaahii sidii ii horyaallo. Inankii biilkuna warqad I hordhigay waliba sii raaciyay “maxaan idiinku soo daraa?”
“Ma amarkaaga ayay dadka oo dhammi maqlaan” ayaan wayddiiyay aniga oo dhinac aan u qaado sheekadan socota garan la’a, dhanka kalena iska wayddiinaya nooca shaqada naga dhxaysay gabadhan aanan waligay maanta ka horow arag lana kulmin ee iila dhaqmaysa sidii qof maal adduun ka baylihiyo oo doorkiisii gabay.
“Haa. Dadka inyar mooyee dhammaantood aniga ayaa u madax ah, wali cid iga hortimina ma aan arag. Haddiiba ay jiraan cid xukunkayga ka ka madax bannaani waa inyar” ayay si kalsooni leh iigu sheegtay. inta ay dib kursiga ugu fadhiisatay gacmahana is dhaafisay. Ka sii darane kalsoonida nafteeda ka muuqata malayn maysid waxa aad mooddaa boqoradda qarniga 21 aad dadka loogu deeqay.

Astaamo boqortooyo iyo mid jin midna kuma arko. Hub iyo qoryaha wax gumaada oo ay sidataana ma jiro, haddana waa taa igu qancinaysa in aan maamulkeeda laga baxsan, umadda oo dhammina iyada u heellan tahay. Haddanna waxa aan la yaabanaa sheekadan ay ii soo hormarisay iyo awoodaheeda dahsoon ee aan indhahayga Ilaahay marqudha tusin. Waxa kaliya ee ii muuqday waa ruux dhedig ah, oo aan ciidan iyo col toona wadan haddana igu qancinaysa in dadka oo dhammi xukunkeeda iyo boqortooyadeeda hoos joogo. in aan aqbalo warkeedo oo aan u qaato in sida ay ii sheegtay wax u jiraan ayaan qaatay balse aan tijaabo mariyo kana war sugo inta aan maamulkeeda iyo boqortooyadeedaba arkayo. Xiiso gaar ah ayaabay ii yeelatay in aan arko dadka oo ka amar qaadanaya, weedheedana dhegta u raaricinaya in Eebbe ila kulan siiyo. Damacii iga hayay marna wuu sii labin-laabmay oo boqorad oodaheeda wadata ayaa Eebbe kula soo doontay ayaan niyadda u sheegay. Mar kalena baqe ayaaba iga galay qoftan dumarka ah ee awooddeedu  iga buruud waynaatay. Toyasho iyo in aan awooddeeda iga qarsoon arko ayaan u  horu ugu soo fadhiistay. Inta aan koob kale ka dalbaday wiilkii kabayeeriga ahaa. 

“Inkastoonan warkaaga iyo magacaaga toona hore u maqal, aan kaa codsadee isu kay sheeg” ayaan ku idhi boqorraddii maryaha casayd.
“Magacaygu waa Arliyo. Waxa aan tobannaan iyo boqollaal sanadood ka shaqaynayay arrimaha dadkayga. Waxa aan garab iyo gaadiidba siiyaa kuwa markaa laga sed-bursado. Maalinta kuwaasi qadeeyaanna kuwa kale ayaan dirirta galiyaa. Aqoonyahan iyo ardaalba aniga ayay I mahadiyeen. Waligayna way I mahadin doonaan illaa ay isku qasmaan oo aan xeradooda cirka ka oodo. Midabkan cas ee guudkayga ku shaqlanina waa astaan belaayo, dadkaygu se waxa ay yidhaahdaan waa astaan barwaaqo maaddaama ay ii jecel yihiin si aanan anigu u jeclayn, daacadna iigu yihiin si aanan anigu ba daacad ugu ahayn.” ayay warkiiba ku soo koobtay.

Aniga waa taa dhegba jaan I le’ekaatay. Ma kacdaa iyo ma is adkaysaa ayaan isku qabtay. Waa tan Arraweelo soo noolaatay ee hawsheedii wadata mooyaane war kaleba waa igu yaryahay. Waxa aan se isku qanciyay “belaayo nin ah la garaye, ma belaayo dumar ah ayaad ka carari? taasi waa fulaynimo heerkeedu sarreeyo. Waar mayee ninkii belaayada la kulmay noqo, oo rikoodhkaa adigu qaado.” Beladan dadka xeradooda cirkaa ka oodaysaa ee magaca darani bal warkeeda hel ayaan talo ku goostay. Waxa aan is wayddiiyay waa maxay danta ay ka leedahay in ay dadka oo dhan qoorta isu galiso? kuwa se shaqaalaheeda ah haddii aanay iyaduba jeclayn sidee ayay shaqadeed u aqbaleen? waxa se ii caddaatay in meesha awood dheeraad ah i jirto dadka ku hoos nool, waliba ku u shaqeeyaana cabsi badan la jaal yihiin. Waxa aan ka maskaxda ka sawirayay hummaag beenaad aan ku daalacdo sida dhismaha xukunkeedu u kala sarreeyo iyo qalcadaha boqortooyadeedu sida ay u eg yihiin. 

Halkaa markii sheekadu noo maraysay ayay dad badani isa soo tubeen meel agtayada ah. qiyaastii iyada ayay sugayaan. Sida ka muuqata kuma dhacaan in ay halkaa soo dhaafaan, haddana baahi ayay u qabaan araggeeda iyo la hadalkeeda ba. Si kale haddii loo dhigo ballan ayay la lahaayeen. Malaha waa qaar ka mid ah dadkii xukunkeeda ka hoos shaqaynayay ayaan is idhi. Inyar markii ay taagnaayeen ayay xaggooda u jeesatay. Soo socda iyo fadhiista ayay u sii raacisay. Sheekadii labadayda u dhaxaysay tan ayaa igala qurux iyo qiimo badan. Waxa aan doonayaa in aan jawaab u helo su’aashii aan xagga hore ku wayddiiyay. Waxa aan danaynayaa sida qoftan amarkeedu uu geed ka go’an u yahay ee qofna hadal uga soo celinayn iyo waliba qaabka ay ula macaamisho hawl-wadeenadeeda sida maalin laha ah shaqada u haya.

Miiskii aannu fadhinay ba kamay fogaanin, oo bartii ayaa la isku warsaday. Dadka meesha socdaa waa nooc walba, wadaad iyo waranle, dumar iyo carruur, yaryar iyo waawayn, culimo iyo caammo, hablo iyo innamo. Waxa aad mooddaa muunad bulshada oo dhan metelaysa. Waa markan markii aan rumaystay in Arliyo amarkeedu sarreeyo, cid walibana xukunkeeda hoos tagto. Waxa aan se markiiba is wayddiyay oo adigu haddiiba aad bulshada ka mid tahay xaggeed kaga jirtaa shaqaalahan? Mise tolow imika ayaa lagu shaqaalaysiinayaa? haddii shaqo lagu diro saw diidi maysid ma sidan ayaad u dulloobi karaysaa? Su’aalahaas oo dhammi way igu taagnaayeen cid iga furfurtana meesha kuma arkoo. Qof xaggayga soo eegay ma jiro, hadal na ha ba sheegin. Qoladan meesha tubani waxa ay sida ardayda u dhuganayaan beleeyadan  marada cas ee sida taxliisha ugu akhriyay awaamiirteeda.

Markale xisaab ayaan isku fadhisistay oo damacii baasaa ayaa ila hadlay. Sawtan nimco cagalihi kuu soo gashay. Gabadhan arliga waxa joogaba maamushaa ma wax la daayaaba. Saw adna waxaas oo adduun ah iyo dad ah xukumi maysid?. Meher ku dhagsii, oo habeenkaa caawa ah arrinteed meel dhig. Berrina geeliinii soo tub golaha. Xisaab qurux badan ayaa ii soo baxday. Boqoraddan arliga maamushana marwadaydii ayaan ka dhigtay, aniga oo aan cidna wayddiisan. Waa sidii rag yeeli lahaaye. Haddana xaalladii caadiga ahayd ayaan ku soo noqday oo hawshii socotay ayaan iska dhegaystay.

Wax lagu mashquulay Arliyo. Warka iyo wacaasha ayay sida roobka ugu casharriyeen. Anigu sida amarkeedu u jiro ee loo wada hoos yaacayo ayaan la dhacsanahay. Waa boqorad aan sida loo mahadiyay wali la arag. Mid suudh xidhan iyo mid surwaal jeexaniba meesha wuu taagan yahay. warkeeduna waa amarka aan midi ka danbayn  midina ka horrayn.
“Arliyooy arrintii sideedii ayaa aannu u qabannay, waliba hawluhu maanta ayay ugu wanaagsan yihiin” ayuu ku yidhi mid madaxa duub ku sitay oo aan u malaynayay in uu qaar kale uga sii wakiil yahay, haddii aanu Suldaan ba ahayn.

“sax, iyo shaqo wacan. Ma fogaysay nimankii oo aabahood fuudka ma la cabsiisay mise halkiibay wali hadal la soo taagan yihiin.” Ayay waddiisay Arliyo.
“Nimankaa baddaan ku daray. Intii meesha la deganaydna waan ka horkeenay si ay arliga uga baxsadaan, tolkiina madaxaan isu wada galiyay, kol haddaan run iyo beenba duubkooda ugu dhiibay.”

Markii uu kaasi warkii dhammeeyay ayuu mid kale soo kacay. Waa nin dhexaad dheer. Waa mid daacadnimada shaqadu ka muuqato. Naftiisa iyo nafo kaleba wuu illaaway oo dushiisa ayaad ka arkaysaa in uu shaqadan ku nool yahay. warkii ayuu isna qadar miridho ah sii daayay wixii su’aalo loo hayayna la wayddiiyay. waxa aan ka xasuusta hadalkiisii wax qabadka u badnaa. “maalin kasta malyan weedhood oo aan xeradooda cirka kaga oodayo ayaan qoraa.  Subaxii  haddii aanay ku quraacin warkaa runta iyo beentaba ah ee wargayskayga ku soo baxa waa uma baryo. Halkaas ayaan kaga shidaa dabka si ay jees jees u noqdaan.” Markiiba waxa aan gartay in kani yahay ka ugu shaqo adag ugu na mushaharka badan. Mayee labadan aan warkooda soo qaatayba waa labada ugu sarreeya xaga shaqada boqortooyada Arliyo. Waliba kan danbe waa suxufiga war galeenka ah ee hawlaha qoridda wararka qaabbilsan.

Waa mid yar oo aan is idhi hadduu aqoonta ka qalin jabiyay.  Lama waraysan isaga ee awaamiir ciiddaa iyo camaadhkaa ka badan ayay dhegaha kaga shubaysaa, isna sida macallin quraanka ayuu u dhegaysanayaa. “Ma I maqlaysaa”. Haa Arliyo. “Berri subaxa duubkaagii/suldaankaagii u tag adiga oo wata boqol da’daada ah, si uu sadburisgiinnii gacanta idiinku saaro. Waagu yuu kuu baryin adiga oo aan arrintaa meel saarin. Hal ku dheggaagu ma aha kii hore ee ahaa “aqoon yahan da’yar” imika waxa aad tahay ‘aqoon yahan qoys oo da’yar”. Halkaa markii sheekadii Arliyo iyo kooxdeedii maraysay ayaa masaajid igu dhawaa eedaanka ka dhawaajiyay anna hore ayaaban ka waso qaatay. Arliyo maxa ay belo iyo baas ku haysaa ummadda oo ay qoys iyo qof qof u kala gurtay.

Dhammaad

 Qalinkii:Maxamed M Jaaj.


No comments:

Post a Comment