Tuesday, March 27, 2018

Doorka Jannaaleyaasha Iyo Horumarka Dalka.

Wixii ka danbeeyay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya dadka Soomaalidu waxa ay u  barakaceen daafaha dunida. Dadkaa dalka dibadda u ga baxay waxa ka mid ahaa aqoonyahankii iyo kuwii dhaqaalaha wadanka doorka muhiimka ah kaga jiray. Si habqan ah ayay dariiqyo adag u gu  mareen sidii ay u gaadhi lahaayeen wadamada shisheeye,  iyaga oo ka cararaya dhibaatooyinkii burburka iyo dagaalada la ga dhaxlay. Qurbaha ayay qaxoontinimo ka bilaabeen, iyaga oo la kulmay duruufo nololeed oo kala duwan.  Nolol adag, duudsi, shaqo la’aan, sharci la’aan, dawlad la’aan, adeeg la’aan,  kala-lun iyo dhibaatooyin farabadan ayay wajaheen dadkeenii qurbaha ku fogaaday. Waxa ay ku filqameen Yurub iyo Maraykan, Wadama Khaliijka iyo Bariga Afrika. Wadamadii ay tageen halka u gu horaysa ee ay nolosha ka galeen waxa ay noqotay qaxoontinimo heerkoodu kala duwanaa. Kuwo helay wadamo qaxoontiga taageera oo soo dhawayn kala kulmay  iyo kuwo kaleba waa ay isugu jireen. Sidaana waxa ku samaysay jaaliyado Soomaaliyeed oo nolol wajiyo cusub le ka bilaabay qurbaha.

Dhaqanka Soomaalida ee diinta ku fadhiya waxa uu ina baray in ehelka iyo dadka is xigaa isku xidhmaan, is raadiyaan, is taakuleeyaan, taasna dadka  u gu badan u ku sifoobay waxa ay noqdeen qurba joogta iyo dadkeena miyiga deganaa oo iyaguna dadkii Bandarrada ka qaxay xoolo iyo oomataba ku taageeray. Mayee Soomaalidu dhaqamada ay u gu wanaagsan ee ay bulshooyinka kale ka ga duwantahay waa wax-isa-siinta iyo marti-soorka.  Waa tii aynu ogayn xaaladihii adkaa ee aynu soo maray. Reerka qof dibada u gu maqnaa waa uu ka nolol duwanaa kan aan cidi qurbaha u joogin. Taageero adduun iyo mid gacmeedba waa la gu qabay Soomaalida wadamada shisheeye inaga aadday nus qarnigii u danbeeyay.  Waxa ay mawjado dad ah  u daadgureeyeen wadamada Yurub iyo Maraykanka  iyaga oo ku  kexeeyay codsiyo  ehelnimo oo ay u gudbiyeen safaaradii wadamada ay shisheeyinimada ku joogeen si ehelkooda loogu keeno. Halka kuwii ay soo kaxayn kari waayeena u fidiyeen taageero dhaqaale inta ay karaan.  Il dhaqaale oo nolosha Soomaalida wax ka bedeshay ayay noqdeen qurbjoogtii dalka ka maqanyd.

Waayadii hore waxa la odhan jiray “hebel waa Jannaale ama cadmaawi.”  Marka qof jannaale ahi reerka u soo dego waxa loo soo dhawayn jiray si heersare ahi, isagana waxa la ga filan jiray in uu keeno hadyado isugu jira dhar, kabo, lacag iyo waxyaabo kale oo aan markaa wadanka la ga helayn. Jannaalenimadu waxa ay ahayd darajo sheeggan wakhtiyadii dhexe.  Guryo ay soo dhistaan iyo xoolo ay iibsadaanba waxa ay dalka ku soo celin jireen horumar.  Qurbajoogta ammintan joogtaana waa kuwo dariiqii mid la mid ah oo casriyaysan haya.  

Sidaas uun baa loogu tiirsanaa qurba joogta, iyaga oo qayb ka ahaa dib-u-dhiskii dalka iyo hourmarka hadda jiraba. Soomaalilaand oo ka mid ah wadamada dadkoodu qurbaha ku badanyihiin waxa ay fursad u siiyeen qurbjoogtu in ay ka caawiyaan dib u gu soo noqoshadii, dibu-dhiskii, iyo dayactirkii wadanka intaba. Waxa kale oo ay qayb wayn ka yihiin ilaa maantana door libaax ka ga jiraan nidaamka doorasho ee wadanka ka jira iyaga oo lacago ku soo taageera xisbiyada iyo dawaladaba.  Si marka loo eegana tobanlaydii qarnigii tegay u danbyeey iyo horraanta qarnigan hadda la gu jiraba waxa ay si toos ah u ga qayb noqdeen siyaasada dalka ilaa ay gaadheen kuraasta u gu saraysa wadanka sida wasiiro, safiiro iyo xilal kale oo muhiim ah.

Xilalkan waxa ay u soo mareen iyaga oo ah jaaliyadaha kala duwan ee qurba joogta dalka isla markaana magacooda iyo murqoodaba midaynaya si ay saamayn u gu yeeshaan doorka siyaasiga ah ee wadanka. Taasna waxa marag ka ah sida ay u ga dhex muuqdaan xiliyada xaaladaha siyaasadeed wadanku kacsan yihiin gaar ahaan xiliga doorashooyinka.  Doorashadii  madaxtooyada ee sanadkii 2010-kii waxa la sheegaa in tiro u dhaxaysa 350-500 oo qurbajoog ahi si toos ah u ga qayb qaateen hawlihii doorashada iyaga oo ka soo kicitimay wadamadii ay deganaayeen ee qurbaha.taasina waxa ay ka muuqatay dhismihii dawladdii Axmed M Siilaanyo oo jannaaleyaal badani ku taxnaayeen xukuumaddiisa.  Sidaa si la mid ah  ayay doorashadii sanadkii ina dhaafayna door libaax u ga ciyaareen.

Waxa la tilmaamaaba in ay yihiin dadka u gu xamaasada badan xiliyada doorashooyinka ama xaalado siyaasadeed jiraan iyaga oo u kala baxa xisbiyo, magaalooyin iyo mararka qaar reeraba.  Wax bixintoodun waxa ay ku fadhidaa kuwan aynu sare ku xusnay.  Sidaas ayaa wajigii qurbjoogu  labaatankii sano  ee u danbeeyay u noqdeen mid nolosha soomaalida ee maxaliga ah dhan walba ka soo gala dhanka siyaasada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo go’aaminta mustaqablkaba. Waxa kale oo aan indhaha la ga qarsan karin in Qurbajoogtu door mhiim ah ka ciyaarto caawimada dadka tabaalaysan gaar ahaan xiliayda abaaraha ama masiibooyinka dabiiciga ahi dhacaan. Qurba joogto door muhiim ah ayay ka ciyaartaa nolosha qolqol joogta.

Afartii tobanlay uu danbeeyay qarnigii tegay Soomaalida qurbaha joogtaa waxa ay soo diri jireen lacago toos ah oo ay eheladood kau caawin jireen si ay u ga saaraan nolosha adag ee ka dhalatay xaaladiihii kala duwanaa ee wadanku soo maray ee ka dhashay dagaaladii dawladii kacaanka ahayd iyo kuwii qabiilooyinka ku galeen wadanka gudahiisa kuwaasi oo sababay barakac, bayhoof nafeed iyo mid maaliyadeedba. Si dhexdhexaad ah marka loo fiiriyo qurbajoogtu waxa ay ku lahaayeen door koboc ah soo xeragalintii dadka iyo isbedelka maaliyadeed ee nolosha qoysaska Soomaalida meel kasta oo ay joogto. 

Markii dib-u-dhiskii wadanku hanaqaaday ee degaansho nabadeed iyo mid siyaasadeed ba la helay waxa abuurmay jawi qurba joogta ku dhiiri galinaya in ay wadankii soo booqdaan oo xaalkiisa ka warhelaan si iyaguna u arkaan eheladood iyo dadkii ay kala baadeen. Soo bqooqashaddaasi waxa ay indhaha u ga fayday xaalado badan oo ay sheeko ku hayeen, iyaga oo arkay in wadanka nabadi taalo xaaladiihii adkaana la ga gudbay.  Fursadani waa ta keentay ka qayb galka dhan walba ah ee qurbajoogtu kaga mid noqdeen nolosha qolqoljoogta.  Doorka u gu balaadhan ee ay wakhtigan ka ga jiraana waa ka siyaaasiga ah iyo  mid dhaqaale iyaga oo abuuray ganacsiyo wadanka waji kale u bedelay.

Inta aynaan galin doorka dhaqaale iyo hababka qurbjoogtu wadanka u maalgashadeen, waxa aynu ognahay in xaaladaha qurbaha laftoodu is bedeleen oo wadamada reer galbeedku xaalado kala duwan galeen. Kuwo dhaqalaahoodu kordhay oo fursado kale la ga helay. Kuwo dagaalo toos ah iyo kuwa dadbanba galay sida Maraykanka iyo Ingiirsiska oo ay yaraadeen fursadihii , kuwo ajaanib nacayb  ka abuurmay iyo kwuo dhaqaalahoodu hoos u dhacay oo ay adagtahay in lagu noolaadaba. Duruufahan kala duwan ee wadamada reer galbeedku galeen waxa ay abuureen jawiyo kala duwan oo Soomaalida ku riixay in ay wadankii ka wardoonaan.  Halkaaasna waxa ka saoo baxay kooxo kala duwan oo qurba joogah oo wadanka danaynaya.

Qolo wadan-jacayl soo celiyay, maadamaa oo ay muddo dheer wadanka maqnaayeen isla maraana muqstaqbalkooda  iyo kan ubadookaadab u qorsheeyay in ay dalkaii ku laabtaan.  Kooxdan waxa ku jira kuwo rajo wayn ka qaba in wadankii fursado badani ka jiraan oo maanta nabad iyo nolol tii ay kaga yaaceen ka duwani taalo.

Kuwo dhaqamo iyo caqiidooyin qalafsan la kulmay oo u baqay ubadkooda sidaana u jeclaaday in ay wadankii tagaan, ama u gu yaraan ubabadkooda keenaan si u gu barbaariyaan dhqanka soomalida iyo diinta ay ku dhasheen.

Kuwo u soo raaxa taga wadanka oo xiliyada fasaxood yimaada si ay naftooda jawi-bedel ugu sameeyaan, wadanka iyo xaaladihiisa na ka warhelaan.  Qoladani waa kuwo lacago badan wadanka soo galiya isla jeerkaasna abuura jawi la dareemo in xiliyada xagaaga oo kale dhaqaalaha iyo wax iibsiguba kordho.  

Koox qorshe la soo laabatay isla markaana xog-doon ah oo damacsna in ay maalgashadaan wadanka islamaraana raba in ay lacagtooda kala soo wareegaan wadamada ay joogaan si ay wadankii u keenaan fikrado cusub oo lacag badan la ga dhalin karo. Kooxdani  waa kuwo qayb wayn ka ah dhaqaalaha wadanka, dawladana saamayn ku leh.  Waa kuwo keena fikrado wadanka ku cusub , isla markaana  abuura Jawi shaqo abuur ah oo ay dad badan ka daba dheefaan. Huteelo heersare ah, ganacsiyo tayaysan iyo farsamooyin casri ah ayay lacago badan galiyaan kuwaasi oo bilicda iyo heerka xirfadaha bulshadaba wax ka bedelay.

Bilawga qarnigan bulshadii qurbajoogga ahayd ee aynu kor ku sheegnay waxa ay  bilaabeen waji cusub oo ay dalka ku la macaamilayaan. Waxa ay noqdeen maalgashadeyaal lacago badan ku kharashgareeyay ganacsiyo iyo mashaariic waawayn oo lacago badan soo saaray. Maalgashiga qurba joogtu waxa uu qayb ka noqday horumarka dhaqaaale ee dalka isaga oo kor u qaaday dakhliga dawladda iyo kan shacabkaba. Marka aynu leenahay waxa la ga faa’iiday lacago macnaheedu ma aha in lacag qurbajoognimo la ga qaaday balse waxa ay kor u qaadeen heerka shaqada iyo shaqaalenimada bulshada taasi wax ka tartay koboco dhaqaalaha qoysas badan.  Dhanka dawladana waxa ay soo kordhiyeen cashuuro ganacsiyadooda la saaray maaddaama oo ay keeneen ganacsiyo lacago badan ku fadhiyo, lacago badana soo saara.  Dhanka kale waxa la odhan karaa waxaabay noqdeen il ka mid ah ilaha dakhliyada ee dawladda.

Dawladdu markii ay aragtay doorka qurbajoogta waxa ay samaysay wakaalada qurbajoogta Soomaalilaand oo hoos tagta wasaaradda arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga. Wakaaladani waa buundada isku xidha qurbajoogta iyo dalka  iyaga oo hoos imanaya wasaarada arimaha dibadda. Tallaabadani waxa ay ka caawisay in si nidaamsan la isugu xidho qurbajoogta iyo dalka. 

Dhawaan ayaan ka qayb galay shir la gu lafagurayay caqabadaha qurba joogta ka haysta maalgashiga dalka oo ay soo qabanqaabisay wasaarada Arimaha dibadda. Shirkan waxa aan ka fahmay in door muhiim ah qurbajoogtu kaga jirto dalka islmarkaana u baahanyihiin in loo fududeeyo shuruucda maalgashiga ee dalka si ka duwan sida loola dhaqmo maalgashadeyaasha shisheeyo. Cabashada qurbajoogtu ku soo tabiyeen shirkaasi waxa u gu mudnaa in aan la siin doorkii ay ahayd in loogu abaaliyo  lacagaha faraha badan ee wadanka gashadaan. Caqabadaha ay hoosta ka xariiqeen waxa u gu mudnaa xaga dhulka oo ay sheegeen in aany helin dhul ay mashaariicdaas ka fuliyaan. Haddii ay helaana kharash badani ka ga baxo oo mararka qaar keena in ay ka niyadjabaan mashaariicdii ay  doonayeen in ay ka fuliyaan wadanka. Dhanka kale waxa ay ku andacoodeen in aanay helin cashuur dhaaf.

Wasiirka ganacsiga iyo maalgashigu oo dooddaas dhanka kale ka joogay ayaa u gu halceliyay in qurbajoogta loo sameeyo cashuur dhaaf aan wakhti lahayn  (tax holidays), halka wadamada kale mudo kooban uun la sameeyo cashuur dhaafka.

Isku soo xooriyoo, qurba joogtu waxa ay wadanka galiyaan mashaariic  maalgashi oo ku  kacaya lacago aad u badan. Si loo dhiirigaliyo mashaariicdaas iyo maalgashiga qurbajoogtaba waxa loo baahanyahay in loo fududeeyo dabarada sharaci oo aanay la kulmin xeerar didinaya. Sida oo kale arrinta u gu muhiimsan ee ay qurba joogtu diirada saaraan waxa ay tahay amniga xoolahadooda, taasi oo ay waajibka koowaad leedahay dawladu. Ilaalinta maalka qofkasta oo muwaadin ah waxa waajib ka saaranyahay dawlada. Helidda iyo kor-u-qaadista amniga maaliyada iyo hantida qofka/bulshadu  waxa ay dhiirigalinaysaa in maal badan dalka la gu aamino.  


Qalinkii: Maxamed M Jaaj. 

No comments:

Post a Comment