Waxa
jira habab guud oo koox dad ah loo
maamulo, qaababkaas waxa ka mid ka mid
waddaniyad, balanqaad maaliyadeed ama dhaqaale, saamayn ruuxiyadeed iyo mid
diineedba.
Marka
ay waddaniyad tahay waxa jiraya xuduudo qeexan, calan iyo dad; taasi oo dadka
la gu soo jiidanayo in ku biiraan iyada oo sababtu tahay in xuduudda la
balaadhiyo ama kuwa kale oo aan ku qanacsanayn gudaha deegaanka la gu ilaaliyo isla xuduudaas. Dhaqdhaaqa wadaniyeed inta
badan waxa uu balanqaadayaa barwaaqo
dhaale oo waara sida oo kale. laakiin
tani waa arrin kharash badan marka la ga eego dhinaca dhaqaalaha iyo riiqda
dadka ka soo gaadhaysa, sida oo kale taariikhdu waxa ay ina tusaysaa in aanay
inta badan guulaysan. Tusaalaha nool ee
aynu soo qaadan karraa waa dhaqdhaaqii wadaniyeed ka hanaqaaday Jarmalka, kaasi Naasigii Hitlar istaadhay sanadihii 1930-kii
ilaa 1940-kii, u gu danbayn se markii danbe
fashil ku danbeeyay.
Habka u gu jaban u guna hawl yar ee umad badan la gu
xakamayn/maamuli karaa waa saamayn ruuxiyadeed iyo mid diineed. Maxa
yeelay 1) malaha wax-isdhaafsi la taaban
karo oo aad dadka siinayso, ama ba ma aha maxsuulku mid la la taaban karo; 2) uma
baahna in ay keenaan caddaymo iyo wakhti dhammaad kama danbaysa ah si look ala ogaado
runta iyo khuraafaadka; macnaha waa ay maamuli karaan dadka maskax ahaan
kumanaan sanadood; 3) Sayiddadooduna malaha dhudhumiye ay ku cabiraan heerka ay
taagan yihiin, mana laha jaantusyo iyo garaafyo sheegaya heerka guushooda,
kaliya waxa ay ku garan karaan hoos-u-dhaca iyo korodhka tirada dadka raacsan,
oo ay u gu yeedhaan “Ido.”
Marka ay noqoto farsamooyinka maamul ee dhanka ruuxiyadeed iyo
diineed ee bulsho ama koox dad ah la gu maamulayo, hoggaamiyeyaashu waxa ay
dadka ku haddidaan ama u gu gooddiyaan haddii ay samayn waayaan waxa ay
yidhaahdaan, raaci waayaan ama caabudi waayaan asnaamoontooda in ay ku sallidi
doonaan belaayooyin afkalaqaad ah, nasiib xumo iyo karaamo darro aan ahayn
maalin iyo maalmo balse waligoodba ah oo aanay ka soo waaqsan. Marka ay hal
talaabo hore u qaadaan ba waxa ay u sheegaan dadka in dariiqadooda,
asnaamtooda, fikradahooda/diintooda iyo caqiiqadoodu tahay ta runta ah, sidaa
awgeed aanay aaminin ama raacin cidkale haddii ay sidaa yeelaana noloshooda oo
idil loo cadhoon doono.
Dadka kaliya qarniyaba
laguma qaabanynayn mashaariicdan,
laakiin waxa sida oo kale la gu beerayay nafahooda, la bararayay caruurtooda
waxaana si joogta ah loo gu caawinayay in la gu shaqaalaysiiyo, si si fudud loo
gu hantiyo quluubtooda oo maskax ahaan loo qabsado.
Maxaad u gu fikirtaa in isla-weynidu xuntahay?
Si qorshaha maamulidda diineed iyo ruuxiyadeedba si wax ku-ool ah
u gu shaqeeyaan waxa muhiim in kooxdani (maamuleyaashu) burburiyaan
rabitaankaaga, sababahaaga iyo caqiidadaa isla markaana ay ku gu shubaan
isku-dhaf ka kooban farsamooyin isugu jira abaalmarin iyo ciqaab. Maamuuska iyo
hababka ciqaabeed ee wax la gu maamulayaa waxa si wakhtiyaysan loogu falayaa
xawayaannada rabbada ah, carruurta iyada oo la gu riixayo in ay ku tibaaxaan
ama muujiyaan in nidaamku guulaystay. Kaliya waa si loo muujiyo saamaynta
fikradaha. Asal ahaan waxa lagugu abaalmarinayaa dhaqan loo arko mid la qaadan
karo wadar ahaan, waxaana la gu ciqaabayaa qofka ilaalin waaya caqiiqada
wadarta.
Kooxahani inta badan waxa ay ka dalbadaan taageerayaashooda (kuwa
rumaysan ama xukunkooda hoos jooga) in isu dhiibaan Sayidkooda una oggolaadaan in uu maamulkooda
la wareego. Haddaba si loo burburiyo
rabitaanka loona abuuro taageereyaal daacad ah oo badhaxtiran, kooxdani
(maamuleyaasha) waxa ay yareeyaan korriinka garashada isla jeerkaasna la
dagaalamaan maangalnimada iyo sababaynta garashada. Inta waxa dheer in ay
faafiyaan farriimo been abuur ah iyo in
islawaynidu xuntahay. Hoggaamiyeyaashan
cadawga u gu wayni waa fahamka muhiimadda qofeed ama qabka taageerayaashooda,
sababta oo ah fahamka muhiimadda garashada
iyo qofnimadu waxa ay xidhiidh la leedahay shay kasta oo ay soo
dejiyaan maamuleyaashu, waxaanay xidhiidh la leedahay qofnimada kaliyaysan,
sababaynta iyo ilaalinta nafeed ee dadka.
Maxay Islawaynidu U Wanaagsantahay?
Islawaynida (hadda ma aha kibirka) waa nolol, dabacsanaan, farxad,
horumar horusocod, hal-abuurnimo, kalinimo qofaysan, gaarnimo shakhsiyadeed iyo
sababayn maangal ah.
In la yidhaa isla-waynidu (muhiimada qofeed) waa xuntahay, waa
sidii qof yidhi biyuhu waa xunyihiin waayo waa ay ku halligi/liqi karaan, ama dabku
waa masiibo waayo waa uu ku gubi karaa. Haddaba islawaynida, biyaha iyo dabku intuba
waa caawiyeyaasha nolosha ama waaba nolosha gebi ahaanteedba, waxa ay ku
halaagayaan marka aad si khaldan u adeegsato. Dhammaantood u adeegso sida ay
tahay in loo adeegsado, hana badsan haddii kale waa ay ku bi’in.
Ku mitid muhiimaddaada qofeed (qabka togan) si aad u hesho
shakhiyadaada runta ah iyo mucda ay leegtahay qofnimadaada gaarka ahi. Habka loo
daahfuro naftaado iyo koriinka ruuxiyadaada waxa la gu magacaabaa is-aqoonsi
qofeed, maxaayeelay waxa ay saldhig u tahay qaannuunka ah “in aad tahay furaha
horumarka shakhsiyaddiisa”, sida oo kale deganaanta qalbigaa, xikmadda, iyo dedidda
sababaysan ee sirta hore-u-socdkaaga qofeed. Hawsha sidan u mudan (daahfurka
nafta) la gu ma guulaysan karo iyada oo aan la isku duubin isla qabka nafta oo aan la ixtiraamin muhiimadda
qofnimada.
islawaynidu ma aha kaliya saaxiibkaaga u gu mudan iyo
ilaaliyahaaga qofeed ee nolosha, balse waa wax ku la jiraya illaa mustaqbalkaaga
nolol-dhammaad ee timaadadaada. Islwaynidu
waa dhimbiilahaaga tamareed, oogtaada dabeed, hal-abuurnimadaada, kalinimadaada
shakhsiyadeed iyo badinta naftaada. Farshaxanku
waxba abuuri karo haddii aanu isku
lammaanayn qabkiisa awoodeed iyo muhiimaddiisa qofeed. Waa shayga kaa dhigaya
qof gaar ah. Waligaa ha sii dayn ee ku dhegganow qabkaaga.
W/Q: Shahram S.
W/T: Maxamed M Jaaj.
No comments:
Post a Comment