Friday, February 2, 2018

Afrika Weli Waa La Gumaystaa.

Afrika wali waa la gumaystaa, sababtuna waa doqonniimada madaxda Afrikaanka.  Ma lihin madax ku wanaagsan heshiisyada ganacsi, sidaa awgeed waxa aynnu u gu danbayn gallaa heshiisyo qaydhin. Maxa ay  Afrika u gu guuldaraysataa heshiisyada iskaashi ee China iyo Afrika u dhexeeya?  Maaddaama oo ay Afrika  leedahay alaab qaydhin oo wax kasta la ga farsamayn karo. Kaliya waxa aynnu u baahanahay khabiirro innaga caawiyo sidii loo samayn lahaa warshado ka sameeya  macdantaas alaab aynnu waddamada dibadda u dhoofino.  Waxa la heli karaa shaqaale jaban oo Jayniis ah, waxa kale oo aynnu  hawl-galin karraa khabiirarada Jaynaha ah una adeegsan karraa in ay innoo tababraan dadkeenna Afrikaanka ah, markaasna waxa aynnu fursad u heli lahayn in aynnu innagu la soo baxno macdanteena isla markaana qaabayno oo Afrikadeena ku dhisno.

Waxa aynnu u baahanahay in aynnu samayno Tiknoolaji iyo xarumo hal-abuur si aynnu u dhiiri galino koboca hal-abuurrada Afrikaanka ah,  u gu danbayn waxa ayn u gaadhi karraa madaxbannaani dhanka Tiknoolajiyadda ah.  Waa wakhtigii aynnu joojin lahayn macdanta iyo agabka qaydhin ee aynnu dibadda u dhoofino isla maakraana aynnu xoojinlayahayn Afkirkadeena.  Aynu bilawno  isticmaalka Kubarta, Birta, Dahabka iyo Sifarta si aynnu u ga samayno  alaab aynnu dhoofino taasi oo soo saari karta faa’iido ballaadhan. Waa maxay sababta aynnu khayraadkeena qaydhin u iibinaynaa isla markaana  aynnu u iibsanaa alaab laga soo farsameeyay qalabkeennii wali ba qiimo aad u sarreeya.   

Tani waxa ay ka dhigantahay uun sidii adiga oo jaajuurkaaga siiya qofkale, ka dibna markii uu aqal ka samaystay,  aad wali raadinayso hoy aad gasho adiga oo jaajuurkana sameeya.  Madaxda  Afrikaanka waa  doqmo aan shaki igaga jirin, balse kuwa caqliga u saaxiibka ahi waa in ay midoobaan oo Afrika ka xoreeyaan gumaysiga dhaqaale/ganacsi. Nagu soo biir si aan Afrika u ga dhigno mid wayn.
 

Qoraal aan ka soo qaatay wajahadda  Qaramada Midoobay ee Afrika. 
Turjumid.

No comments:

Post a Comment