Goobtu waa dugsiga
sare ee Maxamud Axmed Cali. Waxa aannu fadhinay xatabada hore ee iskuulka. Waa
maalintii noogu danbaysay waxbarashada dugsiga sare. Barrina waxa nagu soo fool
leh imtixaanka aannu kaga gudbaynno waxbarashada dugsiga sare. Dhammaan ardayda
fasalada afraad ee Sayniska iyo fankuba (arts) waxa aannu soo buux dhaafinay
madasha. Maamule Cali, waxa uu noo soo horjoogsaday si niyad wanaag
iyo ku dhac leh. Maanta oo iskuulka noogu danbaysa waxa uu doonayaa
in uu hadal sagootin iyo dhiiri galin ah na siiyo. Maamule cali, sida uu
hadalka noogu soo gudbinayaa waa si ka duwan maalmo badan oo uu nasoo hor
istaagay.
Soomaalidu horey u
tidhi “Allana la kala baryi og, hadalna la kala odhan og” Marka uu hadalka qabsado way adagtahay in aad
ka jeesato. Qaab odhaaheedka iyo xubinka
hadalkaba ilaahay ayaa u fududeeyay. Muddo markii uu sida dhibica roobka nagu
cashariyay waano, waxsheeg, talooyin iyo
tusaaleyaal noolba waxa uu hadalka ku daray kelmedda xagga sare ku qoran. Waxa
uu yidhi “raggu waa moral iyo yool. Waxa la idinka doonayaa in aad aragtidiinna
fogaysaan oo aqoonta iyo dedaalkaba sii kordhisaan” Waa kelmedda dad badan oo
maalintaa goobta fadhiyay illaa hadda si fiican u wada xasuusan yihiin. Qof
waliba waxa uu ka kacay goobtii isaga oo aad mooddo gaadhi la shidaalayay oo
afarta taayirna loo buuxiyay.
Lahaanshaha yoolku
waxa uu ka caawiyaa qofka in uu noqdo qof hal abuur leh oo mar walba u taagan
in uu ka faa’iideeyo awooddiisa maskaxeed ee kaydsan. Khubarada ka faallooda
qofka iyo firaaqadiisa waxa ay tilmaameen “qofba qofka uu ka firaaqo yar yahay
amma ka hiigsi iyo hawl karsan yahay ayuu ka farxad iyo rayn rayn badan yahay”
sababta ay isugu lifaaqeen farxadda iyo firaaqo yaraantu waxa ay u
daliishadeen, markasta oo qofku firaaqadiisa yareeyo, waa markasta oo qofku gaadho ahdaaftiisa mid ka
mid ah. Markasta oo uu ahdaaftiisa gaadhana waa markasta uu farxad helo kuna
raaxaysto hawsha uu markaa dhammeeyay.
Way badan yihiin
faa’iidooyinka laga dhaxli karo in qofku yeesho yool joogto ah. bal aynnu soo
qaadano qaar ka mid ah, haddiiba qofku leeyahay yool iyo hiigsi.
·
Waxa uu aqoonsadaa qofku awoodda
shakhsiga ee uu leeyahay.
·
Waxa uu noqdaa qof ku hannuunsan jidka
guusha.
·
Waxa uu helaa deggenaan shakhsi ah.
·
Waxa uu yeeshaa bulsho jecel iyo dad
isaga taageero.
·
Waxa uu noqdaa xubin muhiim ah oo la tabo hadii uu maqan yahay, haddii uu
joogana la tala gashado.
·
Waxa uu qofku noqdaa mid ku dhac leh oo
isku daygiisu badan yahay.
Dhinaca kale haddii
aynnu ka istaagno, tamarta qofka ku kaydsani waa ay ku dhex dhimataa haddii ay
waydo hagid iyo hiigsi. Haddii aanu qofku
lahayn qorsheyaal kala horreeya oo uu ku gaadhayo barta u xarriiqan waa
markasta oo uu u dhaw yahay in fashilmo. Qof waliba waxa uu laabta ka jecel
yahay in uu sidaa iyo sidaa noqdo. In uu sidaa iyo si kasii fiicanba noqdo waxa
ay u baahantahay in uu sii sawiro waddooyinka uu u mari doono halka uu doonayo
in uu gaadho. Ujeedada ay daarrayd kelmeddan macallinkuna waxa ay koobsanaysay in qofku nooleeyo mar
walba niyadda iyo hanka.
W/Q:- Maxamed M. Jaaj
No comments:
Post a Comment