Monday, March 28, 2016

Rooxaantii Mirqaanka.

W/Q:-Maxamed M. Jaaj                                                           
Saddexda cisho ee aan masaajidka geeyo isaga ayaan dadka ugu jeclahay. Wali maan arag nin ka wanaagsan marka aanu qayilin. Waxa uu noqdaa qof nadiif ah. Bashaashnimada iyo sheeka wanaagga adigaaba u hollanaya marka aad meel la fadhiisato. Xaqiiqooyin badan iyo dhibaatooyin badan oo uu kala kulmo qaadka ayuu kula wadaagayaa. Waa markii aan xaqiiqsaday in qaadku yahay waali qofku lacagtiisa ku iibsanayo, isaga oo miyir qabana waalanayo. Kolba barnaamij iyo yidiidlo kale oo uu qaadka ku doorsado ayaan daaqad in leeg ka tusaa. Talo kasta oo aan u soo bandhigo in uu diido ha joogtee waa uu iiga mahad celiyaa. Maalmaha aan soo xero galiyo waxa aan dareemaa rajo dhaw iyo xal waara oo uu kaga tegayo masiibadan dadka ka dhexsaartay. Diifta iyo daandaanka qaadku gaadhsiiyay ayaa korkiisa qof waliba ka garanayaa. Waa qof noloshiisa ku duulay oo qaad iyo meel xun laasimay. Markii aan guriga la soo degay, waxa aan la yaabi jiray sida qof waliba u neceb yahay. Haddana markii aan muddo la deganaa ayaan ogaaday halka dhibta iyo nacaybka dadka guriga la degani ka bilaabmay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan isku dayay in aan u kuur galo xaaladdiisa nololeed ee gaarka ah , aniga oo ka duulaya in aan wax ka bedelo noloshiisa. Waraysi ka dib waxa uu ii sheegay in uu ka warqabo dhibaatada haysata, marwalbana isku dayo in uu noloshiisa waxka bedelo oo qaadka iska daayo. Laakiin uu ku guulaysan waayay in uu gaadho go’aano uu noloshiisa ku bedelayo.

Gurigu, waa guriga ay degan yihiin dad kala duwan oo rag u badan. Sheekh Faarax, aniga iyo saddex inan oo dhallin yar ah, dhinacna arday ka ah ayaa degan. Isaguna waxa uu ka deggan yahay qol. Saddexda dhallinyarta ah mooyee intayada kale qof waliba waxa uu deggan yahay qol gaar ah. Si fiican isuma wada naqaan laakiin waxa laga midaysan yahay nacaybka loo qabo ninkan muqayilka ah. Waxa ay u bixiyeen Khasaare. Khasaaraha naftiisa gaadhaya qofna kama xuma laakiin qof waliba waxa uu sidan xad-dhaafka ah ugu nacay mushkiladda uu ku hayo nafahooda. Qaylo joogto iyo hurdo la’aan ayay ka qaadeen, iyagiina waxay noqdeen qaylo u joog. 

Marka aan waaniyo ee aan ka tago ayay balaayo kale oo halkan u taagnayd jaanis u heshaa. Taladaydii iyo qorshahii aan u dejiyayna waxa ay noqdaan biyo coldhaanshay. Kuwa qaad sita, qaar kale majlis geeya iyo qaar qaad ku lahaa aya guriga isa soo tuba. Waa nin maqaamo waawayn madax ka ahaaye, waxa guriga isa soo buux dhaafiya dadkii uu calanka u siday. Waxa ka xoogbata boqortooyadii muqayiliinta ee uu saddexda ciso kasoo maqnaa. Iyagoo sidii qof danbi galay u baadi goobaya ayay guriga isa soo tubaan. Isaguna inta uu dharka dirqi ku haleelo ayuu hore ka raaca. Halkaas ayay haddana uga bilaabantaa noloshii uu magaca Khasaare kula baxay.

Aniga iyo inta guriga la deganba dhibbuu nagu hayaa. Habeenkii goordanbe ayuu sidii qof waalan albaabka u soo garaacaa. Markaasuu qof waliba hurdada ka boodaa sidii bahal qaniinay. Marka laga furo ee uu gudaha soo galo ayuu haddana hadal iyo tororog aan xad iyo xuduud toona lahayn halkan ka bilaabaa. Baaldi biyo ah inta uu ku maydho misna daaradda guriga saacad kale ku sii laydhsadaa. Ka dibna qolkiisa oo aniga igu xiga galaa. Hurdo ha joogtee sida Aarka yuu haddana ka asii qurxamaa qolkii. Anigu waxa aan u arkayay qof dhibaatadan haysata iibsaday oo la bedeli karo haddii la isku dayo. Xumaan shakhsi ah kama muuqato laakiin waxa bedelay oo inta guriga la gasha ku diray qaadka. Waan necebahay. Isaga ayaan dadka ugu necebahay. Oo ma kaligaybaa dhammaan dadka guriga nala degan sidan iyo si ka daran ayay u neceb yihiin. Nactooyada iyo hiifka dadku ku hayaan miyuu se u jeedaabaa. Waxa uu haystaa waali aanu haysan marka uu miyarka qabo ee aanu qayilin. Aniga iyo inta guriga la deganina waxa aanu haysanaa miyir qab aanan ku doorsaneen waali. Haddana waxa uu nagu yeeshay saamayn. Sidii bido reer u hoyatay ayaa la hiifaa marka uu habeenkii soo hoydo iyo marka uu subaxii baxayo labadaba. Waa qof dibadda iyo eriga la qabsaday.

Goordanbe ayuu isagoo aan dheg la qabto lahayn mirqaankiisuna cirka laba mayl ka sarayo soo abbaaray albaabkii. Dhibbay isku qabaan albaabkan iyo ninkan mirqaanku majaraha u hayaa. Sidii caadada iyo dhaqanka u ahayd ayuu albaabka u soo garaacay, isaga oo aad mooddo in uu dube dhagax ku garaacayo. Waayo wuu ogyahay in aan si kale cidi ugu kacayn, ilaa uu qof walba jiifka ka toosiyo. Jugta ka yeedha albaabka ayuu qof waliba hurdada ka selalaa. Qof waliba wuu is gamaariyay oo qofka jiifka ugama kicin. Anna furaashka ayaan ku sii dhegay sidii qof dhaxamoonaya. “Waligiiba ha garaaco, bal muu soo jabiyo hadduu doono, ma waajib gaar ah ayaa kaa saaran” ayaan isku qanciyay. Muddo markii uu garaacayay ee cidi u bixi wayday , ayay rooxaantii mirqaanku tustay dayrka guriga nagu xiga. Markiiba waa nin diyaarad jin saaran oo mirqaan hagayee sida daayeerka ayuu gurigii dhakada uga baxay. Tamarta iyo awoodda ku jirta waxa aad mooddaa labaatan jir caano geel dhan ah oo geed ka boodaya. Waxoogaa ayuu jiingaddii guriga kaga sanqadhiyay. Daaradda guriga, meel ku beegan foosto biyo ah ayuu labada lugood ku soo hagaajiyay. Dhererka daaradda iyo khatarta meesha uu saaran yahay midna uma muuqdo. Sidii qof sees ka boodaya ayuu qunyar isa soo daayay. Jabba waa ka danbeeyee. Isagoo aad mooddo sidii Baylood diyaarad kasoo booday ayuu foostadii biyaha ahayd oo daaradda taalay badhtanka jaray. Bawda ka yeedhay waxa aad moodaysay in Miino ka qaraxday guriga. Qof waliba wuu booday. Sheekh Faarax oo marka horeba mushaki ahaa ayaa daaradda guriga u soo booday. markii uu arkay ninkan foostada dhex dabaalayanaya, waxa ku soo dhacday waa tuug kaa dhuumanaya. “Tuugga qabo,inta aanu ku dilin dil, feedhka kaga horee” ayaa ku borogaraamsan. Goor horeba Faarax dagaal ayuu laabta soo gashaday. Kama qasna Khasaare oo mirqaansankiisaa majaraha u hayee, waxoogaa ayuu ku haftay biyihii. Isaga oo Neeftuuraya ayuu ka soo baxay foostadii. Sheekh faarax oo dhinacna ka baqaya ayaa sida haadka dusha kaga yimi. Isla markiiba feedh ayuu ku miisay oo tuugga dhulka ugu tuur mooyee u naxariiso kumuu talo galin. Ma feedhbaa karaya!. Faarax oo Bisinka iyo baababka quraanku lammaan yihiin iyo Khasaare oo rooxaantii qaadku ku lammaantahay ayaa daaraddii guriga isku baxsaday. Gawda iyo feedhka dhacaya qof waliba waxa uu hoosta ka sii xidhay qolkii uu ku jiray. “balaayo buulkaagaa laga galaa” ayaan hoosta ka idhi intaan daaqadda meel daloosha ka eegay. Sheekhii oo dhulka yaalla iyo Khasaare oo ku miisaya ayaan meel ka halacsaday. Waan ka naxay Sheekha. Waxa aan ka jeclaa iyadoo khasaare dusha looga baxo, oo caawa nala dhaafiyo. Nin balaayo ku lammaantahay weeyee sheekhii ayuu gawda ka saaray. Muddo markii dagaalkii socday ayuu Faarax soo rogaal celiyay oo dhulka ogolaysiiyay. Inyar ka dibna waxa uu gartay in uu Khasaare yahay qofkan uu mayd ahaanta uga tegay.

Isaga oo aad moodo in sida shalmada la laalaabay oo jactatka iyo feedhka ka muuqda aad yaabto ayuu sida maydka ugu soo dhacay qolkii yaraa ee uu hurday. Qolkii ayuu sidii Aar gantaal qaba habeenkii oo dhan ka jibaaday. Cid u tagtay, iyo cid ka wardoontay midna ma jirin. Faarax ilaahay ayaa ka furdaamiyay balaayadan meesha baas kaga timiye, isna qolkii ayuu hoosta ka xidhay isagoo gadhka dhiiggu hoorayo. Subaxii qof waliba waxa uu jeclaa in uu ogaado wixii xalay meesha ka dhacay. Waxa aanu kala boobnay albaabkii Sheekh Faarax. Muddo markii aanu garaacnay ayaanu albaabkii jabinay aniga iyo saddexdii dhallinyarta ahaa. Waa Sheekh Faarax oo tawafay”Ilaahay ha u naxariisto” ayaanu nidhi intaanu albaabka kala boobnay. Oo ma Khasaare ayaa nool, oo nafi ku jirtaa saw isba xalay galin hore muu naf bixin. “Acuudi bilaah waar meesha inagga saara” ayaa hadal ugu danbeeyay.
                                                                        DHAMMAAD
Maxamed M. Jaaj

No comments:

Post a Comment