Monday, March 28, 2016

Casriyaynta Bulshada.

W/Q: Maxamed M jaaj

Is beddelada ku yimaadda bulshooyinku waa kuwa joogto ah. Ha doorato amma yaanay dooran’e koritaanka fikirka iyo nidaamka hab nololeed ee u ummadi leedahay waxa la arkaa in uu koro ama hoos u dhaco wakhtiyo kala duwan. Hab dhaqanka  bulshada waxa saamayn toos ah  ku leh aragtiyaha iyo aqoonta la isu gudbiyo, kuwaasi oo  qurxiya ama foolxumeeya muuqaalka bulshadaasi leedahay. Geedi socodka wakhtiga waxa ku lammaan casriyaynta bulshooyinku qurxinayaan jiritaankooda iyo fikirkooda si ay u gaadhsiiyaan inta ilbaxnimo ahaan ka liidata. Casriyayn  bulsho, oo ku dhisan doorasho ay bulshadu dooranayso qaabka ay ekaan doonto mustaqbalka iyada oo ku salaynaysa dhaqankeeda iyo  waxyaabaha ay rumaysantahay waxa uu ku hagi karaa qaab nololeed anfaca wakhtiga danbe. Bulshada aan ka baaraan degin ee si fudud ula jaanqaadda casriyawga ka socda adduunka waxa dhaawacma jiritaankeeda waxa aanay si fudud uga tagtaa dhaqankeeda. Soomaaliduna waxa ay ka mid tahay bulshooyinka isla beddelay marxaladaha xaddaaradeed ee is daba socda. Bulshooyinka qaar waxa ay si khasab ah u aqbalaan is beddel nololeed oo ay u soo gudbiyeen dadyawga kale ee casri ahaan uga horumaray. Taasina waxa ay dhaxalsiisaa in ay ku kedmaan, si fududna uga arradmaan dhaqamadoodii.

Si guud marka loo qeexo casriyaynta bulshada (Community Modernization)  waxa lagu tibaaxi karaa “in nidaam qadiim ah looga guuro mid cusub, oo la  filayo in uu ka wanaaagsan yahay ka hore”. Marka sidaa loo qeexo waxa ay meel iskaga e’kaan karaan  erayga ‘horumar’. Inkasta oo ay labada eray isku dhaw yihiin,  si guudna macno isku dhaw xanbaarsanyihiin, haddana waxa jira farqi ay ku kala geddisan yihiin. Marka la istaago dhinaca horumarka waxa ay bulshadu horumar ka samayn kartaa dhinacyo badan oo nolosheeda ah sida dhaqaalaha, waxbarasha iyo waxsoo saarka, iyada oo aan beddelin dhaqanka, diinta iyo caadooyinka ay rumaysantahay. Balse casriyayntu waa in laba marxaladood la isaga gudbo iyada oo aanay muhiim ahayn in dhaqanku doorsoomo iyo inkale.

Dhanka kale, masiibooyinka Bini aadamku gacantiisa ku samaysto sida dagaalada, waxa ay qarribaan qaabka ay bulshadu u nooshahay. Waxa ay abuuraan dad bahalooba oo aan dhaqanka iyo caqiidada bulshadu macno badan ugu fadhiyin. Markasta oo is muquuninta iyo awood sheegashadu badatana waxa bulshada lagu dhex arkaa dhaqamo qalafsan oo ummadda qarriba.  Sidaa si la mid ah marka bulsho lagu duulo maskax ahaan iyo jidh haanba waxa laga weeraraa xagga dhaqanka iyo waxyaabaha ay aamminsanyihiin. Taasina waxa ay ummadda ku khasabtaa in ay ka tanaasusho waxa ay rumaysan tahay oo si aan xoriyad ahayn u aqbasho dhaqamada kale dusha lagaga keenay. Casriyaynta bulshaduna waxa ay noqon kartaa laba mid uun: mid ku dhisan dhaqanka iyo caqiidada ummadaas; Iyo mid ka arradan dhaqanka bulshadaasi leedahay kaasi oo keena in gabi ahaanba bulshadu doorsoonto oo ay aqbasho qaabka lagu khasbay in ay u fikirto.

Sida la sheego casriyaynta bulshadu waxa ay bilaabantay dhammaadkii qarnigii 18aad. Xiligii  kacaanka warshaduhu ka bilaabmay Yurub.  Taasina waxa ay dhalisay in reer Yurub sheegtaan xaddaaradaynta bulshooyinka intooda badan. Halka dadyow kale oo caalamka ahi,  indha fayow ku naqdiyeen iyaga oo ku doodaya in ay jireen xaddaarado kale oo bulshooyinka horumar dhaxalsiiyay. ‘EUROCENTRIC’ waa eray-aqooneed ay  adeegsadaan dadka dhaleeceeya sheegashada reer Yubub ee casriyaynta bulshooyinka.  Waxa aanay ku cilladeeyaan in ay tahay wax reer Yurub kaligood isku mahadiyeen. Inkasta oo ay sal dhig u ahaayeen casriyaynta bulshooyinka ee wakhtiyadaas, haddana waxa jiray xaddaarado kale oo ka horreeyay sida kuwii Islaamka iyo Giriigga.

Casriyawga Soomaalidu waxa uu soo maray marxalado kala danbeeyay. Laga soo bilaabo xiligii reer guuraanimada oo ay soomaalida caqliga iyo diintaba uga danbayn jireen Carabta. Wakhtiyadii gumaystuhu joogay gayiga Soomaalida oo la odhan karo waa xiligii soomaalidu u hanqal taagtay in ay wax ka ogaato aqoonta sayniska, markii Maxamud Axmed Cali iyo kooxdiisii Suudaan loo diray. Taasi oo noqonaysa xilliyadii aynnu ku baraarugnay  aqoonta maadiga ah. waxa kale door muhiim ah ka ciyaaray isbedelka bulshada Soomaalida ah xiligii ay magaalooyinka soo galeen. Magaalooyinku waxa ay ka caawiyeen in ay la macaamilaan bulshooyinka kale oo ay halkaa ugaga xidhmaan badaha. Taasina waa bilawgii casriyaynta bulshada Soomaalida. Wakhtigani waxa uu bud dhig u ahaa la jaanqadkii dadka soomaalida ah ay si toos ah ugu xidhmeen aduunka kele. Waxa aanay qurxin iyo horumar ku sameeyeen qaabkii ay u noolaayeen  iyo habkii ay u  fikirayeenba.

Bulshada aan ku salayn  casriyaynta ay samaynayso dhaqanka ay gaarka u leedahay, waxa ay u dhawdahay in ay mar labaad dib u dhalato, maaddaama ay caydh ka noqotay dhaqankeedii. Marka aynnu ku dabbaqno aragtidan bulshada soomaalida, waxa lagu tirin karaa ummadaha dib u dhalan doona qarniyada soo socda. Sababta taa loo leeyahayna waxa ay tahay, markii ay Soomaalidu bilowday soo galidda magaalayooyinka  ilaa maanta oo ay  la qabsatay  Tiknoolajiga casriga ah waxa ay ka soo guuraysay oo ay kasoo fogaanaysay nidaamkeedii nololeed una digo roganaysay sidii ay ula qabsan lahayd xaddaaradda cusub ee reer galbeedku majaraha u hayo. Taasi oo soomaalida ku riixaysa in wakhti aan fogayn ay magaan ka noqon doonto noloshoodii ku dhisnaydn dhaqanka diintu saldhig u ahayd. 

Haddaba su’aasha mudan in la is waydiiyo,  idinkuna aan filayo in aad is waydiin kartaan waxa ay tahay “ma jiraa xidhiidh ka dhexeeya casriyaynta bulshada iy o dhaqankeeda (diinta iyo caadooyinka)”. Inta aynnaan ‘HAA’ kaga jawaabin bal aynnu iftiiminno sida ay isu saamaynayaan. Bulsho kasta waxa ay ku foogan tahay sidii ay horumar u gaadhi lahayd ee ay faceed uga hor mari lahayd, isla markaana ay u dhawri lahayd curfigooda. Haddaba waxa la ogyahay in bulshadu dhawran karto dhaqankeeda iyo caadooyinkeeda isla markaana ay casriyayn karto qaabka ay u  nooshahay iyo sida ay u  fikirto labadaba. Jawaabta su’aashaasina waxa ay noqonaysaa ‘Haa’ waxa jira xidhiidh ka dhexeeya labadooda.

Dadka ka faallooda caqabadaha ku lammaan horusocodka bulshooyinka waxa ay tilmaamaan in casriyaynta bulshadu (Community modernization) burburiso dhaqamada soo jireenka ah ee dadkaasi leeyahay. Taasina waxa marag ka noqon kara sida soomaalidu muddo kooban isugu gaddiday reerguuraanimo ilaa magaalo, maantana la odhan karo jiilalka danbe ee soomaalidu waa kuwo ka qatan dhaqankii awawyaashood. Labaatan jirka soomaaliyeed ee magaalo ku dhashay kuna barbaaray haddii wax laga waydiiyo sida uu arko noloshii awawyaashii waxa la arkaa in uu dhaliilo oo u yidhaahdo “waxa ay ahaayeen dad badaw ah oo  aan nolosha u bislayn.” Waxa hubaal ah in aanu wax badan ka ogaan karin qaab nololeedkii iyo sidii bulshada soomaalidu  ahayd intii aan dawladnimadu soo gaadhin. Haa dabcan, waxa ay ahaayeen dad badaw ah, balse waxa ay ahaayeen badaw isku filan oo aan baahi nololeed qabin, kuna adag dhaqankooda.

Ugu danbayn casriyaynta bulshadu waxa ay muhiim u tahay iskaashiga bulshooyinka kale iyo wax wada qabsiga, ummadduna waxa ay noqotaa mid isu kaashata kooxo ku dhisan afkaar iyo aqoon. Aakhirkana waxa abuurma kooxo Edeg wadaag, aqoon wadaag, xirfad wadaag iyo arrin wadaag ah oo aan dhalasho midaynin, Waana habka qudha ee lagaga  maarmi karo qaybaaladda ragaadisay bulshadeenna.

Ujeedada qormadan kooban ma aha in aan dhaliilsanahay casriyaynta iyo hurumarka, balse waa in aynnu samaynno horumar ku dhisan dhaqankeenna si aanu u lumin jiritaankeenna ummadnimo iyo aasaaskeenii hore. Taasna waxa laga dhex arki karaa oo kali ah dhaqankeenna.

Maxamed M. Jaaj
Jaaj993@gmail.com.
www.fb.com/jaaj120



No comments:

Post a Comment