W/Q:
- Maxamed M Jaaj.
Muddooyinka danbe waxa soo
ifbaxayay baraarug qoraal oo ku wajahan dhibaatooyinka bulsheed ee aynnu la noollahay
haddii aynnu soomaali nahay. Waxa baryay waa cusub iyo cadceed lagu diirsado oo
qalinlayda u sahashay in ay indhaha ku kala qaadaan, si dhiiranna farta ku fiiqaan dhibaatooyinka nololeed ee
innagu gaar ah iyo kuwa aynnu dunida kale la wadaagnaba. Waa rajo cusub oo lagu gaadhi karo xalka kol
haddiiba dhibta la aqoonsado. Mushkiladaha bulsho ahaan inna ragaadiyay waxa ka
mid ah qaadka oo buugganna si xeel dheer
dibadda u soo dhigayo hagardaamooyinka uu innagu hayo.
Mawduuc ahaan buuggu waxa uu la safanayaa kuwa hore oo
si guud iyo si gaar ahba uga warramay masiibooyinka qaadka. Waxa uu se ku
aroorayaa oo ku kaliyaysanayaa soo bandhigidda mid ka mid ah dhalanteedka
nololeed (mirqaan) ee qofku ka dhaxlo cunista qaadka kaas oo aayihiisa danbe
aan la mahadin. Waa arrin la gu farxo in aynnu haysanno qoraayo sidan ugu dhiirran
in ay qalinka ku tilmaamaan mushkiladaha qaadka iyo kuwa la mid ahba. Waxa
aan ku bogaadinayaa qoraagga dhiganahan, Maxamed-haykal sida uu isugu hawlay ee
muruqiisa iyo maankiisaba ugu hagar baxay in uu ka qayb qaato ololeyaasha ka
dhanka ah qaadka.
Markii uu isoo gaadhay buuggani waxa aanu fahmay in aanu haba
yaraatee ka hadlayn wanaaag qaadka leeyahay,
balse uu u ban baxayo sidii uu u soo bandhigi lahaa kharbudaada joogtada ah ee uu
inna dhaxalsiiyay qaadku. Arrintaasna waxa aan ugu tegay gudaha dhigaalka.
Buuggan uu inna horkeenay
Maxamed waxa uu ka kooban yahay laba boqol iyo lixiyo siddeetan xaashadood, oo
u qaabaysan cutubyo kala horreeya. Sida magaca buuggaba ka muuqata midabkiisu
waa cagaar. Labada wajahadood ee jaldiga kan hore waxa ku dhex sawiran qof qaad
afka galinaya iyo geed qaadkii oo sii fiican u muuqanaya. Dushana waxa kaga
qoran magaca dhigaalka “Masiibada cagaaran (maandooriyaha qaadka)” iyo magaca
qoraaga dhiganaha. Wajahadda kale ee
jaldiga waxa ku xardhan afar meeris oo si kooban uga hadlaya nuxurka buugga iyo
hadimada qaadka, SBN-ka iyo cidda
fududaysay.
Qaadku waxa uu ka mid
yahay maandooriyeyaasha dadka soomaalida ahi caanka ku yihiin, dadyow badan oo
dunida innagula noolina innagu aqoonsadaan. Waa maaddo aynnaan ceebsan cunisteeda, meelaha qaarna lagaga
faano, oo qofka qaadka ruugaa ka yahay
qof mudan. Masiibadan cagaaran waa dhib inta quudataa ee ku mamtay badantahay
balse inta ka digaysaa yar tahay, saamayntooduna aanay badnayn. Waa aafo
nusqaaminaysa garashada qofkana gayaysiinaysa liidnimo iyo horusocod la’aan. Waayadan
danbe mar waan farxaa marna waa ka qiirooda qaadka iyo arrimihiisa. Mar waan
farxaa: marka aan arko dadka oo dacwad, dood, suugaan iyo qalinba ku
deedifanaya qaadka ummaddana uga nasteexaynaya dhibtiisa. Markalena waan
qiiroodaa: marka aan arko qaadkii oo albaabka ugu galay maxastii (haweenkii iyo
carruurtii). Waxa se yididiilo wanaagsan ku galinaysa xooga iyo garashada fayow
ee mar walba u taagan in ay la dagaalanto qaadka oo ay ka mid yihiin
dhiganayaasha qaad-diidka ah iska soo daba dhacaya.
Sida qoraaga buugguba ka
afeeftay dhiganahani ma aha mid ka wada jawaabaya dhammaan dhibaatooyinka
qaadka, laakiin waxa uu jawaab waafi ah iyo caddayn marag ma doon ah ka
bixinayaa dhanka uu ka istaagay oo ah maandooriyanimada qaadka isaga oo daliil
uga dhigaya maxsuulka kasoo baxa cunidda qaadka oo ah waxa aynnu u naqaanno
mirqaanka. Mirqaanka oo ah in qofku
maandoorsoomo, isla markaana ka baxo xaaladda caadiga. Muqayilku waxa u
xuubsiibtaa marxalad la mid ah marka qofku
isticmaalo maandooriyeyaasha kale. Taasina waxa uu qoraagu ku
iftiiminayaa dhacdooyinka iyo ficiladda ka soo fulaya qofka marka uu mirqaamo.
Buuggu waxa uu si xog ogaalnimo leh u soo gudbinayaa dhanka uu xoogga saaray0o, oo ah jiritaanka mirqaanka iyo darayooyinka
nafsadeed iyo sharafeed ee muqayiliiinta ku. Waxa uu si deden iyo si daalacanbba farta ugu fiiqaya hoos
ahaanshaha qofkasta oo qaad ku mirqaamay.
Masiibada cagaaran waxa kale oo uu si guud u dulmaryaa noocyada
qaadka, cidda iibisa,cidda cunta, halbeegyada kala duwan ee loo iibiyo iyo inta
si dadban iyo toos ahba ugu xidhan. Waxa
kale oo uu wax ka odhanayaa dariiqa ganacsi ee uu soo maro (distribution
channel) illaa uu soo gaadhayo qofka
cuna. Nidaamka ganacsi ee qofba qof uga sii iibiyo iyo dhaqamada uu kaga duwan
yahay ganacsiyada kale ee bulshada u dhexeeya. Xidhiidhka qalafsan ee qofba, qof u ugu gudbinayo isaga oo aad
mooddo in uu ku daagaalayo, Kasakaw waxa uu qoruhu inna tusayaa in aanu ahayn
ganacsi ku dhisan ixtiraam iyo maamuus dhexmara labada qof ee kala gadanaya.
Ninkii arkaybaa arkaye,
dhaqamada qaadku ma aha kuwa caadi ah. waa caadooyin ka baxsan nooc kasta oo
ganacsi. Qaylo, buuq sawaxan, is eryasho, is jiidh, foodhi, is riix, iyo waxyaabo aad damiir diiddo ayaad ku arkaysaa haddii aad in uun aragtay
goob qaad la sugayay soo gaadhay. Markiiba garashadu waxa ay ku odhanaysaa
tolow meesha miyaan dad fayoobi joogin.? Marka uu soo dhacana waa taa la kala
boobay. Hadda boob, boob ah. Dhaygag ayaad dhabanada qabsanaysaa sida loo kala
baacsanayo geed baaska isaga oon dhulkaba gaadhin.! Caleentaa cagaaran ee
qaylada lagu soo kala jiitay ayaa gaadhaysa kii cuni lahaa, halkaana waxa ka
muuqanaysa in aanu shay baraka leh ahayn sida qoruhu ku xusayo.
Haddaba, haddii aynnu is
yar dultaagno mahadhooyinka iyo waxyaabaha yaabka leh uu qorayo buuggu
dhammaantood waxa ay inna siinayaan sheekooyin waaqic ah oo inna dul gaynaya
nolosha been abuurka ah ee mirqaanka iyo sida loo caadaystay wax ay ahayd in
aan la qariibsado. Waxa uu qoraaggu daaha uga faydayaa xaqiiqooyinka ku duugan
mirqaanka. Si gaar ahna waxa uu innoo dul istaajinayaa hagardaamooyinka soo
gaadha qofku marka uu xaaladda mirqaanka u banbaxo ee uu ka tago noloshii
degenaanta ahayd. Riyo maalmeed aan raagin, qorsheyaal aan goobta lagala kicin,
qaraw habeenkii ah, dayacaad nafeed iyo mid qoys ayuu inna horkeenayaa. Marka
uu muqayilku mirqaamo waxa uu samayn karaa falal uu qawadi lahaa amma aanu ku
kaceen marka uu maankiisa qabo iyada
aanay muhiim ahayn nooca falka uu
samaynayo iyo cidda uu ka hor samaynayo.
Haddii midkeen isaga oo
maankiisa qaba is qaawiyo waynnu la
yaabnaa inta aynnu yaabi karno, qofkuna waxa uu dareemaa hoos ahaansho iyo
khajilaad aan xad lahayn. Xaalad qofku
dharkiisa xoorayo, isagga oo miyir qabana huga tuuri karo waxa la hayaa xaalad mirqaan, sida ku cad
dhacdooyinka oo qoraagu innoogu soo min guuriyay buuggiisa iyo kuwa kale oo
aynnu bulshaddeenna kala kulanno in badan. Halkaasi waxa aynnu ka qaadanaynnaa
in qoruhu ka guulaysanayo doodaha hadal
tirada u badan ee lagu difaaco in mirqaanku yahay firfircooni iyo nashaad qof
ahaaneed oo qofka hawl kar ka dhigi kara.
Dhinaca kale, dhiganahani
waxa uu sii xoojinayaa dagaalada adag iyo doodaha hufan ee lagula jiro qaadka
iyo muqayiliintaba. Waxa uu guluf iyo
garnaqsiba kaga adkaanayaa cid kasta oo kool koolisa korna ka yeesha mirqaanka, isaga oo daliishanaya tusaalayaal
iyo dhacdooyin nool oo uu ka xiganayo dadka ku bahaloobay qaadka isla markaana
lumiyay maankoodii, miyirkoodii, xusuustoodii iyo sharaftoodii ay bulshada ku
dhex joogeenba.
Sida
aynnu inta badan aragno, dadka mirqaamaa waxa ay ku tookhaan in ay gaadheen
marxalad ay nolosha mahadiyaan, kuna raaxaystaan, balse qoraagu waxa uu kala
hor imanayaa dood ku lid ah, oo odhanaysa “ma gaadhin qofku raynrayn nololeed iyo
mid nafsadeed toona, waxa uu dhex
dabbaalanayaa badwaynta darxumada iyo mala awaalka nololeed. Hadhawna waxa uu u qoolanyahay saxariir iyo waalli
maskaxeed. Waxa uu iibsanayaa waalli isaga, oo miyirqabana wuu miyir qasmayaa.
Mararka qaarna waxa uu xoorayaa sharaftiisa.” fahamkayga, akhriste ahaan waxa
aan kula saftay qoraaga sida uu ugu
qancinayo darafka kale ee doodda ( macnaha cid kasta oo mirqaanka
korraysiinaysa amma difaacaysa) cadaymo muuqaal iyo mid dareenba kuwaasi oo naftooda kasoo fulay qayilaad ka dib, isaga
oon meel kalaba ka doonin.
Si jiritaanka mirqaanka iyo
maandooriyanimada masiibadan cagaaran dooddeeda loogu wada qanco, qoruhu waxa
uu markhaati gashanayaa tiro dad ah oo ajaanib ah. Waxa uu innoo soo naqlinayaa sida ay uga dareen
celiyeen mushkiladda qaadka. Ma aha dad soomaali ah, mana aha dad qaad-cuna ah, balse waa dad damiir ahaan,
akhlaaq ahaan, caafimaad ahaan iyo nadaafad ahaanba u qawaday dadka qaadka cuna
iyo meelaha lagu cunaba markii ay yimaaddeen dhulka soomaalida. Dadkan uu
qoraagu sida tooska uga warsaday dhacdooyinka ay la kulmeen intii ay ku
sugnaayeen gayiga soomaalida waxa ay dhammaantood ku kala baydhi waayeen sida
ay uga argagaxeen ummaddan sida xoolaha u cunaysa caleenta, haba cunaane aan
hammi kale ku darayn. Dadkaasi waxa kale oo ay dareem yididiilo xumo ka bixinayaan
halka uu ku danbayn doono hammiga dadka sidan ugu foogan hadh iyo habeenba
cunidda qaadka. Halkaana waxa innoogu caddaatay in qaadku yahay ceeb, dad
aynnaan isir iyo abtoona wadaagin innagu ceebsadeen, innagu dhaliileen innaguna
liideen, heer ay qaarkood ducooyin innoogu yabooheen. Hafid, oo ah shakhsiga saddexaad ee uu qoruhu sida tooska ah
ula kulamayo, ayaa ku daray hadalkiisa duco uu ilaahay uga
tuugayo dadka soomaalida in mar uun Rabbi
ka samata bixiyo geedkan dullaystay.
Mirqaanka iyo riyo
maalmeedka ka dhasha cunidda qaadka marka laga yimaaddo, waxa kale oo jira
dagaallo ba’an oo habeenka lagu qaado
qaar ka mid ah dadka qaadka cuna. Dubaab, waa arrimaha kale ee aadka u
la yaabka badan uguna cajiibsan mushkiladaha qaadka. Dubaabka iyo dagaalada uu
ku hayo marka ay muqayiliintu hurdo dhabanka dhigaan waxa uu qoraagu ku
ururiyay cutub ka mid ah buugga, kaas oo
qaab qisooyin ah u taxaya. Waa mahadhooyin aynnu ka dheehan karo in
muqayiliintu gabi ahaanba nolosha ku dhibban yihiin. Haddii ay hurdaan dubaabbaa
baacsanaya, haddii aysoo jeedaanna mirqaanbaa meel baas kala dhacaya oo
maandoorinaya.
Markale qoruhu waxa uu
masaafo geel daaq ah innaga tusayaa in aan qaadku ku koobnayn dalka iyo
deegaanka ay soomaalidu degto balse uu ka tallaabay xuduudaha. Waxa uu si
maraakhtiyaysan innoo horkeenayaa in qaadku gaadhay meel kasta oo Soomaali
joogto gaar ahaan waddamada Yurub, Ameerika iyo waddama Carabta. Tusaale ahaan,
wadanka Ingiiriska oo ah wadamada aadka looga dareemay cunista qaadka waxa
dhawaan si tooska looga joojiyay in qaadku soo galo inkasta oo uu marka horeba
ka ahaa maandooriye aan laga ogolayn cunistiisa. qoruhu waxa kale oo uu innoo caddaynayaa in dunida intooda badani isku raaceen
maandooriyanimada qaadka, shuruuc adagna ka leeyihiin. Qofka lagu arkana uu ku
mutaysanayo xadhig, mustaafurin iyo ciqaabo kala duwan.
Qaybaha ugu muhiimsan
dhiganahan waxa ka mid ah cutubka suugaanta ka waramaysa qaadka. Hal abuurku
waa seef afwayn, bulshadana wax wayn u
goyn kara. Ammaan iyo dhaliilba waxa ay
qaab murtiyeed ugu soo bandhigi karaan abwaanadu shayga ay markaa ka
hadlayaan. Quluubta dadkana waxa
ay ku abuuri karaa in shaygaa la naco
amma la jeclaado marka uu ka maansoodo. Dhammaan
suugaan yahanka buuggu inala wadaagayaa
waxa ay ku cabbireen suugaan meel dhaw iyo meel dheerba ku dhacaysa oo ka dhan
ah qaadka iyo darxumadiisa nafeed. Waxa aanay si hagar la’aan ah bulshada uga
digayaan qaadka iyo quudashadiisa iyaga oo taxaya duruufaha iyo dib u dhaca uu
qofka gayaysiinayo. Waa waajib ka saaran ummadda in ay uga digaan dhibaatooyinka
uu qaadku ka mid yahay. Haddaba inta
aynnaan abbaarin googoos ka mid ah suugaanta uu buuggu inala wadaagayo, bal
aynnu inyar dhanka kale ka istaagno sida mararka qaar abwaanno soomaaliyeed u
ammaaneen qaadka ugana dhigeen quud sharfan.
Qaar ka mid ahi waxa
ay bogaadiyaan qaadka iyaga oo af
suugaaneed ku sarraysiinaya. Tusaale ahaan waa kii abwaanku lahaa “Qayilaaddu
waa raaxo uu qabo nin haystaaye”. Markale abwaan ka mid ah dadka gar iyo
gardaraba difaacaya qaadka, ayaa ku muusoonaya in aan guuli dhawayn inta qaadku
innagu gabaabsi yahay. waxa uu yidhi:
Gindhigiyo illaa aan u
tago Adari guudkeeda
Oo geedka laantiisa wayn
aniga lay gooyo
Beeruhuu kasoo go’ay illaa
aniga lay geeyo
Intuu haatan dabagoosi
yahay guuli waa maqan.!
Bal aynnu soo qaadano
googoos ka mid ah gabayada buugga ku xusan. Waxa aan ka soo qaaday baydad ka
mid ah suugaanta ridada dheer ee lagu ganayo qaadka. Inkasta oo gabi ahaanba
suugaanta uu qoraagu soo xushay tahay labeentii hubka abwaananada kula dirireen
qaadka, haddana waxa aan kasoo dheegtay meelaha aan u arkay in ay tahay wad-suugaaneedkii
dilili lahaa qaadka. Waa kuwan iyaga oo kookooban:
Maanigaa
intaan qaadka cuno, qaaxo lacag siista.
Maanigaa
shaxaad qabatimoo, ceebta qurux mooda.
Maanigaa
is wada qaawiyoo, quba xishoodkoo dhan.
Maanigaa
marwada aan qabiyo qadiya xaaskayga
Qoraxdii
dhacdaba maanigaa, qaan ka bixi waaya.
Abwaan cabdi waaxid.
Haw
qaadan quud awliyoo, qaadir soo rogaye
Wa
quud iblaysiyo sun aan, laga qaraarayne
Qamro
iyo in uu sida xashiish, qaranka aafeeyay
Waa
waxa ay qolyaha iibiyaa, qaaqda la hayaan.
Abwaan Axmed Qorane.
Qamrigiyo
barjuhu waysku nooc, qudhun xashiishkiiye
Qalbigay
dhammaan dooriyaan,oo qayirayaane
Isla
qaala waynaan riyaad, qiira dhama’daaye
Qalcad
baad dhisaysaa, dhulaan qoriba taagnayne
Qubashada
nimcadu kaaga daran, taad qajililayde
Ee
ay qadiijina ninkow quusta la hogoogan
Intuu
reero geedkaasi qubay, qalin ma koobeene.
Abwaan
Faysal Canbalaash.
Dubaab
aan la aragiyo dhiqlaa, diirka kaa xuliye
Balo
aan la daalacan ayaad, dila tidhaahdaayee
Waar
duqii ma waashay ku odhan, dariska kuu dhaw’e
Jin
intaan dagaalami lahayn, maan iskaba daayo.
si gaar ah abwaan Maxamed Dagaafe Cilmi waxa uu uga
warramayaa inta uu hadimo qaadku leeyahay. Waxa uu naftiisa ugu sheegayaa
tixdan gabayga ah inta uu qaad iyo meel xun u dulloobi lahaa in uu iska daayo
sida gabaygiisa ka muuqata. Waxa uu naftiisa u huga tusaalaynayaa intii qaadku
liidasho iyo quudhsi u loogi lahaa in uu iska daaya. Ugu danbayn waxa uu ku soo
afmeerayaa “maan iskaba daayo."
Qorshe
iyo dedaal uma hirgalo, ruux qayilayaaye
Qabyo
kama baxoo talada waa, lagu qalloocshaaye
Qiimaha
naftaadu dilaa, qaabka nololeede
Qalcad
baad dhistaa meel cidla ah, qaarad aan jirine
Qardaas adiga oon haynin baad, qani si
moddaaye.
Abwaan Jaamac F.N.
Intuu
qoys waxyeelaa ka badan, qudhacda waawayne
Qoonsimaadku
wuu badan yihiyo, qaadiga I geeye
Qorraxdii
dhacdaba waxa ku duma, qoysas fara wayne
Quluub
nolol wadaagtaaba way, kala qatoobeene
Qofkastoo
bartaba waxa la yidhi, qoomama u taale
Qasaaraha
uu qaadku leeyahaan, qalin dhammaynayne.
Abwaanad Ifraax Maxamed C/laahi Ciro.
Wax sheeg iyo waano la is
yidhaa waxa ugu mudan, ugu dhega nuglaan badan, ugu raagi og, uguna dhawaaq
dheer mid sugaaneed gabay iyo geeraarba. Qoruhu waxa uu soo naqeeyay suugaan
sida duufaanta u xaaqaysa qaadka, dadkana si dareen iyo lexejeclo ku jirto ugu
digaysa lurtiisa.
Cutubka ugu danbeeya waxa
uu qoruhu ku soo bandhigayaa xukunka shareecada iyo qaadka. Waxa uu si qoto
dheer uga warramayaa xaaladaha kala duwan ee ay soo mareen doodaha diineed
ee lagu faaqiday xaaraantinimada dhinaca
shareecada ah ee geedka, isaga oo soo naqlinaya fatwooyinkii ugu danbeeyay ee
culimada islaamku isku raaceen in aanu xalaal ahayn quudashadiisuna bannaanayn.
Waxa kale uu inala wadaagayaa qodobada loo cuskaday masalada
xaaraantinimayntiisa. Si faahfaasan waxa uu u mid mid u tafniidayaa meelaha
islaamku ilaaliyay ee geedku sida tooska ah u dhooqaynayo isaga oo daliishanaya
nusuus diineed iyo masalooyin fiqi ah oo looga xukun qaadanayo.
Sida aynnu ognahay shaqo
kasta oo la qabanayaa waxa ay yeelan kartaa dhalliil iyo qallooc gadaal kasoo
bixi kara. Markasta oo dhalliili timaaddana in dib loo saxo ayay hawshaasi ku
sii qurux badataa. Ka akhriste ahaan intii aan buuggan iyo akhriskiisa dhex
mushaaxayay maan arag wax gal daloolooyin ah oo dhanka gef qoraalka, naxwaha,
dhigaalka erayada iyo astaamaynta hadalkaba ah oo aan halka idinkula wadaago.
balse haddiiba ay I hoos martay waxa aan u dhaafayaa akhristeyaasha kale ee ila
akhriyi doona in ay qoraaga usoo bandhigaan wixii ay ku arkaan. Waxa aad moodda
in buugga aad loo saxar tiray, qoraaga iyo inta kala qayb qaadatayna ay masuuliyad
farabadan iska saareen xeersanka afsoomaaliga iyo farshaxanimadiisaba.
Ugu danbayn dhiganahan iyo
inta ku abtirsataaba waxa ay u taagan yihiin caroogyada isa soo taraya ee
dhawaaqyada digniinta ah bulshada loogu gudbinayo. waa fagaarayaal lagala
hadlaya inta qaadka cunta, inta aan cuninna looga digayo dhibteeda iyada sawir
buuxa laga siinayo nolosha muqayiliinta iyo waxa mashaqo ku ururtay.
Abril 23, 2016
No comments:
Post a Comment