W/Q:-Maxamed M jaaj.
Berigii aad ku cusbayd ama aad markaas uun baratay, maad aqoon, balse waxa aad aaminsanayd in sawirro lagu muujiyo. ma xasuusataa.? Adiga ayaaba ugu wacnaa kol haddaad hadallo qoran iyo sawirro aad u qurxoon ku gudbiso sida laguu dardaray. waxa aad ahayd qof noloshaa qaybtiisa ka soo ciyaaray.
Si aad u soo tebiso dareenkaaga hoose una gaadhsiiso cidda ay khusayso,ma soo qaadatay warqad bayaad ah, qalin Beensal iyo qalin midabeeye isugu jira ugu yaraan illaa lix midab oo casaan ku jiro. Kaligaa meel bannaan malla tagtay kaddibna, wixii qurux maankaagu qiyaasi karayay iyo wixii qaab ogaalkaagu sawiri karayay maku sawirtay warqaddii.
Wadnayaal isku maran, dhexdana laba indhood oo ilmadu ka qubanayso ma ku fara yaraystay. Ubaxyo kala rogan, shinbiro dhambaallo afka ku qaadaya iyo erayo macaankooda la yaabay oo ku dhex qoran warqadda shinbirtu afka ku siddo maku xaradhay. Wadneyaal dacalka isla galay iyo Leeb badhtanka kaga ganan maku sii muujisay.
Wixii odhaah carabkaagu tufi karayay, wixii eray suugaaneed iyo muusannow jacayl afkaagu sheegi karayay meel ma isugu tuujisay inta aad warqadda ku dul xaradhay. Adiga oo ka yar dabin dhawraya in aad magceeda qorto maku sheegtay boqol magac oo wada qurux iyo qiimo lagu dhammeeyay. Gabi ahaanba dareenkaagii oo dhan inta aad qalbiga kasoo waarriday maku sawirtay warqad aad ula niyootay qof aad isleedahay waxa aad dareesantahay ha kula dareemo.
Markii aad dhammaysay gal caddaan ah ma soo iibsatay, oo warqaddii inta aad saddex jeer isku laabtay maku hubsatay. Haddii aad xariif tahayna, sawir yar, oo aad sawirle ka soo gashay adiga oo faraawil ag taagan maku lammaanaysay warqaddii.
Ugu danbayn qof yar oo aan waynayn, mawduucana fahansanayn ma u dhiibtay warqaddii. Markii ay farahaaga ka baxday ee aad dirtay ma kugu bilaabmay dareen shidan iyo inaad naawisho jawaabta kasoo bixi doonta marka ay akhrido warqaddaas inantii aad jamatay.
Balo kale oo dhici karta ma ka fikirtay. Armay hooyadeed qabataa? Armuu mid baas dhexda kaga qaada wiilka yar warqadda? Bilay gaadhiba waydaa? Waxa kaaga sii daran haddii ay diidmo kaga soo jawaabto. Haddana ma is tustay yidiilo kale iyo jawaab gacaltooyo togan, dhambaal malab jacayl da’ayo iyo weedho gacaltooyo ku soo qortay warqad kale oo jawaab ah.
xasuustaada ku yar celi noloshii khiyaalka ahayd ee kuraynimada iyo waagii waraaqaha la isu diri jiray.
Maxamed M jaaj.
jaaj993@gmail.com
No comments:
Post a Comment