W/Q:- Maxamed M Jaaj.
Asad waa nin aan
da’diisu waynayn gu’ ahaanna 16 jir ah. Waxa
uu la nool yahay hooyadii iyo walaashii oo isaga ka yar hal sano. Muddo
ka hor waxa dhintay aabbahood iyaga oo aan waawaynayn. Waxa kafaalo qaadday oo
si fiican u korisay hooyadood. Waxa ay ku dartay iskuul labadoodaba. Sannad kaddib,
waxa si lama filaan ah u allaysatay/dhimatay hooyadood oo ahayd isha kali ah ee
ay ku noolaayeen maaddaama oo aanay
da’doodu waynayn aabahoodna hore u dhintay. Waxa labadii caruurta ahaa soo wajahay
waayo adag iyo agoonnimo.
Agoonnimo iyo rajaynimo aan ehel lahayn waa dhib qofka ay ku dhacday oo kali ahi uu dareemi karo. Qaraabo iyo ehel ka agdhow midna malaha labadan yaraanta ku agoomoobay. Cid kaalmaysana ma filayaan. Dhimashada labadooda waalid waxa kaga sii daran ma aha dad nolosha u bisil oo xilasaamad ah. Waa caruur gosha hooyadood ku jirtay, oo hadda uun qaangaadhay. Qadar waa lama baaje’e waxa khasab noqotay in ay wajahaan waayaha noocaas ah.
Agoonnimo iyo rajaynimo aan ehel lahayn waa dhib qofka ay ku dhacday oo kali ahi uu dareemi karo. Qaraabo iyo ehel ka agdhow midna malaha labadan yaraanta ku agoomoobay. Cid kaalmaysana ma filayaan. Dhimashada labadooda waalid waxa kaga sii daran ma aha dad nolosha u bisil oo xilasaamad ah. Waa caruur gosha hooyadood ku jirtay, oo hadda uun qaangaadhay. Qadar waa lama baaje’e waxa khasab noqotay in ay wajahaan waayaha noocaas ah.
Dhaqanka bini aadamka
qaybtiisa isu naxariisashada iyo u gargaaridda qofka dhibaatadu ku dhacday waxa
ka mid ah in la garab galo inta dhibtaasi cusub tahay; balse gargaarkaasi ma
noqdo mid waara oo la sii joogteeyo. Muddo bilo ah waxa hiil iyo hooba la garab
istaagay jaarkii iyo intii ay ood wadaagta ahaayeen. Balse aakhirkii qof waliba
bara-baraha ayuu ka baxay, oo waxa ay is arkeen iyaga oo gurigii ay waalidkood
kaga tegeen kalidood jooga. Taasina waxa ay keentay in Asad fikir iyo faallo
iskula hollado. Noloshiisa iyo tan walaashiina u meel dayo.
Haddii Asad talo ku
caddaatay, sidanna wax u dhaceen waxa uu aad uga fikiray mustaqbalka walaashii
oo isaga ka yar. Waxa uu xoog iyo xiniinba isugu geeyay mustaqbalkeeda, kiisiina waxa uu ku laalmay
geed dheer. Maskax waliba inta la adeegsado ayuun baa ay kaalin gashaaye,
dhibaatadan yaraanta ku heshay waxa ay
galisay ku dhac iyo dhiirrasho nololeed oo ah sidii uu hooyo iyo aabbo ugu noqon lahaa walaashi oo aanay marnaba u dareemin
hooyo la’aanta, ugana mid noqon lahayd bulshada caadiga ah ee ay la nooshahay.
Balan Alle ayaa uu ku galay in ay sii wadato waxbarashadeeda. Si aanay u
noqonin mid qayrkeed ka hadha oo waalid la’aantu ka muuqato ayaa uu guntiga u
gaabsaday.
Markii muddo koobani
kasoo wareegtay geeridii hooyadood; Asadna uu go’aan ku gaadhay in uu shaqo
tago, waxa uu shaqadii koowaad ka bilaabay Hudheel wayn oo ku yaalay magaalada.
Bilowgiiba, maaddaama oo aanu ahayn qof shaqo yaqaan ah, oo xirfad iyo aqoon
lagu tixgaliyo haysta, waxa uu noqday weel xale. Inkasta oo aanay ahayn shaqo
fiican amma ku filan baahiyaha aasaasiga ah ee
Asad iyo walaashii, balse waxa ay ahayd dani ku badday si uu u daboolo quutal-daruurigooda
iyo rabitaanka walaashii.
Berigii uu yaraa,
marka uu carruurta dhiggiisa ah wada ciyaarayaan waxa uu ku suntaa nin ad adayg
ah, ciyaartana ma uu badsan jirin. Taa bedelkeeda waxa ku mashquuli jiray in uu
wax sameeyo oo caruurta dhiggiisa ah baro sida loo sameeyo guryaha iyo
baabuurta. Hooyadii ayaa marwalba ku canaanan jirtay in isaga oo yar uu u ban
baxayo in uu shaqo gacmeed qabto. Alaabta guriga ka burburta iyo wixii shaqo
farsamo u baahan isaga ayaa hooyadii u samayn jiray. Waxa uu ahaa nin
yaraantiisiiba jeclaa shaqada iyo waxqabadaka gacanta.
Asad waxaa uu qaataa
mushahar kooban oo aan dhaafin in uu ku
bixiyo iskuulka iyo waxyaabaha ay walashii u baahantahay sida adeeg bas,
nusasaace iyo waxyaabo ay isku qurxiso. Waxa gabi ahaanba meesha in uu ka fikiro mustaqbalkiisa, naftiisiina
waxa ay la daristay dayow. Ma helo cunto
ku filan. Waxa uu cunaa hadhaaga kasoo
hadha Hudheelka uu ka shaqeeyo. Ma
iibsado dhar/hu’ fiican oo uu bulshada ku dhex galo. Ma helo wakhti uu
asxaabtiisa la qaato. Intaasi oo dhan waxa kaga daran ma kordho mushaharkiisu,
mana dallaco xaga shaqada. Waxa uu kallahaa
salaadda subax, waxa aanu soo hoydaa goor
habeen ah. Hal maalin oo fasax ayuu helaa, oo uu uga faa’iidaysto sidii u walaashii ula
kulmi lahaa. Maalintaas ayuu kala sheekaystaa halka ay marinayso hawlaheeda
waxbarasho iyo nolosheeda caadiga ah.
Haddii muddo sanado ah
sidaas ahayd nolosha Asad, waxaa uu ku guulastay inuu walaashii gaaadhsiiyo
meel fiican. Shan sano ka dib, Bilan oo
ah Asad walaashii waxay ka qalin jabisay dugsiga sare iyadoo ku baastay darajo
fiican. Waa farxad gaar ah oo u soo hoyatay Asad oo muddo badan u soo dhabar
adaygay in uu arko walaashii oo ka dhex muuqata bulshada gaar ahaan inta
aqoonta baratay. Waa maalin ka mid ah maalmahiisa ugu farxada badan.
Subaxiiba waxa uu
galay suuqa si uu u soo gaddo hadyado uu
kaga farxiyo walaashii kolba waxa uu awoodo. Faraawillo iyo bushqado yaryar oo
hadyado u badan ayuu labada gacmood ku soo kala qaaday. Isaga oo aad u faraxsan
ayuu isa soo taagay madasha ay walaashii ku qalin
jabinaysay, si uu uga qayb qaato farxada walaashii oo isaga u ahayd maalin
qiimo gaar ah u leh.
Waa madal la qurxiyay,
dadka joogaana waa ay wada labbisan yihiin. Ardayda shucuur iyo farxad gaar ah
ayaa ka wada muuqata. Meel waalidiinta iyo dadka ardayga qalin jabinaysa la
socota ayuu fadhiistay. Halkaa ayuu kala socdaa dhammaan dhaqdhaqaaqa
munaasibadda qalin jabinta oo markaa bilaabantay.
Bilan waxa ay kasoo
muuqatay madasha ardaydu ku qalin jabinaysay iyada oo ku labbisan dharkii
ardaydu xidhnayd ee qalin jabinta. Hareeraha ayay eegaytay, kaddibna waxa ay
indhaheedu qabteen Asad oo faraawil cas kor u taagay, gacanta kalena kamarad
sawir ku haya si uu muuqaal fiican uga qaado marka ay guddoonto shahaadada.
Salaan dhoollacadayni ku lammaantay ayay gaadhsiisay iyada oo barxadda sare
taagan. Markii ay guddoontay shahaadada dugsiga sare Asad oo ilmo isku soo
taagtay farxad awgeed ayaa sacabka u tumay walaashii. Mar wuu farxay, oo waxa
uu arkay midhihii uu gacantiisa ku beeray oo maanta u muuqda. Markalen waa uu
yar murugooday; waxa uu isku arkay shucuur iyo xanuun hoose oo ku leh “haddii
aad fursad aqooneed heli lahayd maanta oo kale halkan ayaad ku qalin jabin
lahayd adiga oo faraxsan”. Waxa is arkay in uu nasiib u yeelan waayay oo uu
waayay xaq u lahaa in uu wax barto.
Xafladdii waa ay soo
gobogabawday. Maalintaasna farxad iyo raynrayn ayuu kula qaatay Bilan, kuna hanbalyeeyay guusha ay gaadhay. Waa maalin
Asad iyo Bilan ba qiimo gaar ah u leh. Saacadihii
maalintaasi waxa ay ku dhaafeen qosol iyo dareen farxadeed.
Bilan way qalin
jabisay. Hadda waa ardayad ka baxday dugsiga sare. May arag dhib farabadan oo la mid ah ta uu la kulmay
walaalkeed. Hammigeeda ugu wayni waa sidii ay sanadka soo socda isugu diyaarin
lahayd jaamacad, una sii wadi lahayd waxbarashada sare oo ay uga sii mid ahaan
layd ardaydii iyo asxaabtii ay wax la soo baratay. Bisha lixaad ee sanadka waa
wakhtiga ay bilaabmaan jaamacadaha, ardayduna iska diwaangaliso si ay bisha ku xigtaba u bilaabaan waxbarashada
jaamacadda. Asad oo og kana war qaba in Bilan doonayso in ay waxbarasho sare tagto ayaa
bilaabay sidii uu arinkaas u gali lahaa. Laakiin su’aashu waxay tahay ma
awoodaa Asad inuu walaashii jaamad ku daro dhaqaale ahaan? JAWAABTA OO KOOBANI
WAA ‘MAYA.’
Haa waa nin karti
badan, oo raganimo leh laakin miyuu haystaa aduun?. Waa nin ka shaqeeya shaqo
hoose. Hudheel ayuu weel xale ka yahay. Ma qaato mushahar ku filan, balse wuu
ku guulaystay in uu walaashii heerkan soo gaadhsiiyo. Labadaa arrimood ee inta
cirka iyo dhulka isu jira ayuu doonayaa in uu hal mid ka wada dhigo.
Maalin Sabti ah, oo uu
shaqadana fasax kaga maqnaa 8:00 subax
nimo ayay Bilan u timi walaalkeed Asad, si ay ugu sheegto arrimaheeda iyo
rabitaankeeda ah in ay jaamacad gasho.
“Walaal adiga ayaa u
sabab ahaa in aan gaadho heerkan aan maanta taaganahay, waan kaaga mahad
celinayaa marwalba sida fiican ee aad i garab taagantahay.”
“Waad mahadsantahay
wallaal, aniga wanaaggaygu waa wanaaggaaga waan ku faraxsanahay in aad wax
barato, oo aad noqoto gabadh aqoon leh.”
“Walaal waxaa la
gaadhay xiligii jaamacadaha la gali lahaa, waxa aan doonayaa jaamacad asxaabtaydu
ku badantahay inaan galo.” Ayay si ku tidhi Asad.
Bilan dalabkeeda ah in
ay jaamacad gasho kama muuqdo doonitaan kali ah, laakiin waxa ku jira rabitaan
ay rabto jaamacad asxaabteedu dhigato iyo kala doorasho qof ahaaneed. Taasina
waxa ay caddaynaysaa in aanay wax badan kala socon waayaha iyo duruufaha dhabta
ah ee ay ku noolyihiin iyada iyo Asad.
“Waa arrin fiican,
waad dhiganaysaa jaamacad walaal sida ugu macquulsan.” Ayuu ku celiyay isaga oo
u muujinaya rajo wanaagsan balse, balse waayihiisa laabta ku haysta, markalena
is waydiinaya sababta aanay u dareensanayn xaalkooda nololeed iyo duruufaha
adag ee kaga soo saaray waxbarashada dugsiga sare.
Asad marnaba iskumuu
dayin in uu niyad jabiyo oo uu runta u sheego walaashii. Waa arrin ku adag xaggiisa balse walaashii ma
dhaaddana halka uu hawshaas ka taaganyahay. Waxa uu is waydiinayaa “haddii ay Bilan
jaamacad waydo maxaa dhici kara? Siday macquul u tahay in aad jaamacad gayso? Ma haysid aduun mana
awoodid in aad jaamacad ka bixiso? Laakin sidee ayaanay walaashaa u dareensanayn
xaalkaaga iyo duruufta dhaqaale?”. Waa su’aalaha uu Asad hoos ahaan isu waydiinayo
isaga oo maskaxdiisa la kaashanaya. Balse waxa uu arkayay in aanay walaashii
khalad lahayn maaddaama oo aanay arag nolol adag oo uu isagu halkii hooyadeed
iyo aabaheedba ugu jiro. Waxa maskaxdiisa kusoo dhacday heestan uu ku luuqeeyo
Maxamed Mooge AHN “DUMAR BAAD KA TAHAYOO WAXBA DUNIDA KAMA ODIG.”
Asad waxa hadal kusoo
gaba-gabeeyey in ay Bilan jaamacad dhigan doonto. Bilan na waxa ay laabta
gashatay in ay sida ugu macquulsan u gali doonto jaamacad oo ay halkii kasii wadandoonto
waxbarashadeedii iyo nolosheedii caadiga ahayd.
Fikir iyo dedaal walba
oo uu sameeyey Asad waxa uu ku guuldaraystay in uu helo dhaqaale uu Bilan jaamacad
kaga bixiyo. Farsamo kasta oo uu sameeyey way ku adkaatay in uu gaadho xal. Muddo
kooban ayaa ka hadhay wakhtigii uu walaashii kula ballamay in uu jaamacad
geeyo. Maskaxda ayuu tuujiyay waxa aanu
ka fikiray hal qorshe oo adag, balse uu u arkayay xalka kaliya ee uu gaadhi karo si walaashii jaamacadeeda u
dhammaystiro. Haddaba waa maxay qorshahaasi?.
City Hotel, waa
Hudheelka uu Asad ka shaqeeyo. Sanad kasta bisha sagaalaad waxa lagu qabtaa xaflad aad u ballaadhan oo la
isaga yimaado waddamo badan oo dunida ah iyo
kuwa jaarka ahba. Shirar iyo xaflado socda maalin iyo habeen is xiga oo
aan kala go lahayn ayaa lagu qabtaa. Waxaana Hudheelka soo gala habeenkaas
Lacag ka badan ta uu helo sanadka oo dhan. Asad, fikir dheer ka dib ayuu go’aan
ku gaadhay sidii uu lacagtaas gacanta ugu dhigi lahaa isaga oo aan eegayn
khatarta ka iman karta, balse ka fikiraya inanta ay walaalaha yihiin
mustaqablkeesda. Kana baqaya haddii haddii ay jaamacad waydo in mustaqbalkeeda
oo dhami lumo ama niyad xumo ku dhacdo.
Haddii la gaadhay goordanbe habeenkii xafladdu
ka dhacaysay, abbaaro 3:45 habeennimo, xafladihii Hudheelka loo qorsheeyeyna ay
gabogabo ku dhaw yihiin, waxa uu
bilaabay sidii uu u gali lahaa qorshihiisa. waxa uu beegsaday qasnada lacagtu
ku dhacday habeenkaas oo uu kawar qabay
halka ay taalo. Saacado ayay ku qaadatay in uu gaadho halka ay taalo qasnada
lacagtu ku jirtay oo taalay mid ka mid ah meelaha ugu ammaanka adag, balse
aakhirkii waa uu gaadhay, waxaana u
suurto gashay in uu gacanta kusoo dhigo dhammaan lacagtii ku jirtay qasnadaas. Isaga
oo ku jira xaalad dhuumasho ah ayuu ka
baxay Hudheelkii. Guul ayuu ugu dhammaaday hawl galkiisii, cawaaqib
xumada arrintan iyo khataraha ku gedaaman oo dhanna madaxa ayuu u dhigtay.
Subaxiiba waxa lagu war helay in la dhacay qasnadii Hudheelka
ugu caansan magaalada oo ay ku jirtay lacagtii ugu badnayd ee soo gasha Hudheelka
abid. Waxa hal-xidhaale noqotay Hudheelkii
ugu waynaa oo laga dhacay lacagtii ugu badnayd abid, isla markaana aan ilaa hadda
la aqoonsan cida dhacday. Talaabo kasta
oo macquul ayaa la qaaday si loo ogaado cidda gaysatay xatooyada intan le’eg.
Muddo ku siman todobaaddo ayaa kasoo
wareegtay dhacdadii. Maamulkii Hudheelka
iyo ciddii ay khusaysay hawshani waxa ay go’aan ku gaadheen in arinta loo
bandhigo hay’adaha ammaanka iyo cida ku shaqo leh. Maamulkii Hudheelkuna waxa
uu soo bandhigay abaal marin ah in la siiyo kala badh lacagtii la dhacay qofka
sheega ama keena ciddii gaysatay dhactooyada intan le’eg. Isla markaana
ammaankiisa la dammaanad qaadi doono.
Asad oo aan ilaa hada
la ogayn in uu yahay qofka Hudheelka dhacay waxa uu iska sii wataa shaqadiisii
waxaanu subax walba iska xaadiriyaa Hudheelka oo kasii wataa shaqadiisa
maalinlaha ahayd, ma jirto cid ilaa hada ku tuhunsan Asad inuu yahay qofka Hodheelka
dhacay maaddaama uu yahay shaqaale meel hoose ka shaqeeya isla markaana aan
lahayn xirfad aqooneed iyo mid tuugannimo oo heerkaa gaadhsiisan.
Maalin walba waxa uu la socdaa halka uu xaal marayo, isagoo ka war qaba in
madaxiisa lacag la dul dhigay, balse waa nin go’aan adag waxaa uu ku adkaystay
inaanu marnaba Hodheelka ka tagin si aan loo tuhmin.
Markii ay gaadhay
balantii uu la galay Bilan ayuu u soo bandhigay walaashii in uu maanta diyaar u
yahay in uu geeyo jaammacad isla markaana ay is diyaariso berry. Waa farxad gaar ah oo ay heshay Bilan. Waxa ay
u ahayd maalin xageeda qiimo u leh maaddaama ay bilaabayso waxbarasho sare oo
ay halkaa ka sii wadanayso nolosheedii waxbarasho iyo asxaabtii ay lasoo
kifaaxday, waxaanay bilawday sidii ay berri isugu diyaarin lahayd jaamacada. Waxa
ay lasii balantay qaar ka mid ah asxaabteedii oo ay u sheegtay in ay berri ku
kulmaan qaybta diwaan galinta ee jaamacada.
Waxa la gaadhay
maalintii loo balansanaa in Bilan jaamacadda. bilawdo sidii ayaanay kaga mid
noqotay ardaydii sanadkan fadhiisatay jaamacadaha ee bilawday waxbarasho sare. Bilan
waa farxadeeda mana dareensana sida wax u jiraan iyo khatarta uu walaalkeed
madaxa kula jiro isaga oo ka fuuryeelay jiritaankeeda iyo rabitaankeeda, mana
dareensana walwelka iyo walaaca ku abuuran walaalkeed oo ah ninka dhacay Hudheelka
iyo in madaxiisa oo la dul dhigay lacag
cida soo sheegta.
Asad waxaa u bilaabmay
maalmo aan wanaagsanayn maaddaama uu ka warwarsanyahay dhibka ku iman kara
hadii la ogaado arrinkiisa. Ugu danbaynna waxa uu Bilan u sheegay arrinta uu
madaxa kula jiro iyo in uu iyada darteed u sameeyey dhacdadan iyada ah. Bilan
oo aad uga xun dhibta la soo daristay walaalkeed ayaa aad uga murugootay
arintan kusoo biirtay noloshooda isla markaana garawsatay in walaalkeed waxan
oo dhan u sameeyey iyada darteed. Waxa kale oo ay ogaatay sida mar walba
walaalkeed ugu warwararayo. Nolosheeda iyo farxaddeedana uga dedaalayo.
Sannad ayaa laga
joogaa markii Bilan jaamacadda bilawday. Waxay hada dhamaysay sanadkii koowaad
ee waxbarashada sare ee jaamacadda. Waa gabadh dhaliyar ah oo ka mid ah hablaha
dhigta jaamacada. Waa inan aan quruxi ku yarayn oo u dhalatay muuq iyo jaah ay
kaga dhex muuqato hablaha dhiggeeda ah. waxay muddo wada socdeen ama sheeko ka
dhaxaysay wiil ay waxbarasho soo wada qaateen oo ay wada dhigan jireen dugsigii
sare ilaa haddana ay isku jaamacad yihiin, laguna magacaabo Kamaal. Kamal oo ah
nin caqli badan, aqoontana ku fiican. Waxa ay Bilan wada sheekaysanayeen muddo
ku siman saddex sano. Waxa ay ku heshiiyeen in ay meel arrin wada dhigtaan oo
ay nolol wada samaystaan marka ay dhameeyaan waxbarashada sare ee ay hada
bilaabeen.
Goobtu waa barxada
hore ee jaamacadda, waxa ay fadhiyaan laba kursi oo isku xiga. Iyaga oo wada qaadanaya wakhti ka mid ah
wakhtiyada ugu fiican ama dadku iskugu farxada badan yihiin. Buug ay siteen
ayay hortooda meel doog cagaarani ku yaal dhigeen. falanqaynta arimaha jacayl ee ka dhexeeya ayaa
la fogaaday maalintaasna may qaadan xiisadahii danbe. Waxa ay u ahayd jaanis ay
ku wadaagaan waayahooda gaarka ah. Sidii
laba aan is waayi doonin ayay isu warsadeen.
“wali maka fikirtay
inaynu iswaayi karo”? ayay wayddiisay Kamaal iyada oo la kaftamaysa.
“Haa dabcan, waayo wax
waliba gacantayda kuma jiraan. kkkkk, laakinse maxaad ii waydiisay su’aashaa?”.
“Kaliya waxa aan
ogaanayay in aad ila qabto dareenka aan qabo iyo sida aan u jeclahay, waxa aan se
ogaaday in aanad marnaba garabkayga ka tagayn? Saw ma saxsani hada?”
“Haa gacaliso, waad
saxsantay, marnaba kala tagi mayno innagu. Waxa tahay qofka aan u qorsheeyey
mustaqbalkayga iyo aayahayga danbe, sideen kuu tuuri karaa marnaba haku fikirin
taas.”
“Kamaalow muddo ayaa
laga joogaa wakhtigii aynnu wada soconnay, ilaa haddana waxa tahay qofka kaliya
ee aan ku wada qancay, balse su’aal maku waydiin karaa?”
“Haa ,dabcan soo
dhawaw walaalo?”
“Waxa aan doonayaa in
aynu is guursano”
“Guur aa? Walaal waa arrin
fiican, laakin saw ma ogid in aynu nahay
arday hadda dhigata jaammacad. Horena waxa aynnu ugu ballanay in aynu arintaas
dhamayno marka jaammacaddu dhammaato ee
aynu noqono dad isku filan. Saw ma ogid in hadda gacanta la innagu hayo oo aynu
nahay dad waxbarta”. Ayuu si dhiirran ugu tiraabay Kamaal.
Bilan oo aan soo
dhawayn hadalada ka soo yeedhay kamaal, ayaa ku celisay “waa run laakiin waxa aan rabaa in aynu is
guursano sida ugu dhakhsaha badan, taasna waxaan kaa sugayaa in aad go’aan
kasoo gaadho wakhtiga ugu dhaw uguna macquulsan”.
Arrintoodu waxa ay
abuurtay kala durugsanaan xagga guurka ah. Mid waliba waxa uu la yimi qorshe ka
kale ku adag. Kamaal oo ku adkaysanaya go’aankiisii hore ayaa ku celiyay:
“isku day in aad I
fahanto Bilaneey, waad ogtahay in ay adagtahay in aynu is guursanno wakhtigan
markaa arrinkaas dib innoogu dhig fadlan. Ma joogno wakhtigii aynu ka hadli
lahayn arintaas, taas ogow”.Sidaas ayay
ku dhammaatay maalintaasi Kamaalna ku adkaystay go’aankiisii.
Muddo kib waxa ay Bilan
sidii si la mid ah ugu soo celisay arrintii guurka. Waxa ay ugu celisay in ay
is guursadaan, balse taa bedelkeeda waxaa markale ka hor yimi Kamaal oo u
sheegay in aanu wakhtigan diyaar u ahayn guur, arrimo dhaqaale iyo ardaynimo
awgeed balse mar walba uu ilaalinayo jacaylka iyo kalsoonida u dhaxaysa isaga
iyo Bilan. Bilan waxa ay markale ku guuldaraysatay in ay ku qanciso guurkooda.
Balse waxa ay ka fikirtay sidii ay u
xallin lahayd arrimaha dhaqaale ee uu Kamaal u diiddan yahay guurkooda
maaddaama Kamaal shuruud uga dhigay dhaqaale inay is guursadaan.
Todobaad kaddib ayay
iskula soo noqdeen talo. Bilan iyo Kamaal
waxa ay ku sugnaayeen Star Night Club,
si ay isaga waraystaan arrinkii guurka ee ay isku diidnaayeen. Markan Bilan
waxa ay u muuqataa qof haysa qorshe fudud oo ay lacag ku heli lahaayeen isla
markaana ay si fudud isugu guursan lahaayeen.
Oo xaggee ayay ka keeni kartaa dhaqaalaha ay isku guursanayaan iyada iyo
Kamal? Suuro gal ma tahayse inay idil keento qorshe ay lacag ku heli lahayd si
ay isu guursadaan Kamaal?. Si kastaba ha ahaatee waa in ay soo bandhigtaa
maanta qorshaha ay hayso ee ay damacday inay u sheegto Kamaal kaasi oo ah in ay
hayso qorshe ay lacag ku filan ku heli karaan taasina, si guurkoodu u suurta
galo iyaga oo waxbaranaya.
Sheeko iyo haasaawe
dheer oo qaatay saacado ayay maalintaas inteeda badan ku qaateen waa wakhti
danbe waxaa lasoo gaadhay xiligii ay Bilan u soo bandhigi lahayd qorshaheeda.
Waatan iyada oo u sheegaysa qorshaheeda.
“Kamaalow waad ogtahay
in guurkeena aad shardi uga dhigtay dhaqaale.
Waxa aan in badan ka fikirayay in aan sameeyo sidii aynu dhaqaale ku
heli lahayn, ugu danbayn waxaa ii fududaatay arintaas, balse waxay ku
xidhantahay kolba sidaa aad iila qaadato?”
“Waa run walaal,
laakiin ma ii sheegi kartaa qorshahaas?. Kamal oo ka fikiraya sida ay Bilan ku keeni
karto qorshe fudud oo dhaqaale lagu heli karo ayaa iswaydiiyay; suurto
galnimada ah in ay keeni karto qorshe
fudud oo hal mar lacag lagu helo karo si arrinkoodu u dhamaado.
“Kamalow waxa aad ogtahay in sanad ka hor la DHACAY
Hudheelka magaalada ugu wayn, lagana dhacay lacag aad u badan. arrintaasi oo
aan ilaa hadda cid loo hayn. waxa intaas dheer in lasoo shaaciyay in cida soo
sheegta budhcaddaa tuugada ah, laguna abaal marin doono lacagtaas kala
badh. Markaa waxa aan doonayaa in aad
hawshaas gasho. Taasi waa qorshaha kaliya ee aynu lacag ku heli karo” ayay
hadalka ku dheeraysay.
“Oo walaal maxa inaga
galay Hudheelkaas iyo arintiisa? Ta labaad waa arrin aan inaga inoo ool maaddaama
aynaan garanayn dadka Hudheelka dhacay”, ayuu ugu halceliyay.
“Isku day in aad I
fahanto, arintaas anigaa fududaynaya, talaabo kasta oo la qaadayo aniga ayaa masuul
ka ah, markaas go’aanku adiga ayuu kugu xidhan yahay.”
Kamaal soo dabcay ayaa
ku celiyay “waa si fiican haddii ay macquul tahay in lacagtaasi gacanteena soo
galayso dhib la’aan”. Ugu danbayn waxa ay u sheegtay warbixin ku saabsan hawsha
iyo tallaabooyinka uu qaadayo Kamaal si uu hawshaas u galo”.
Subaxnimo hore maalin
Axad ah ayuu Kamaal diyaarsaday dhammaan
cadaymaha muujinaya qofka dhacay Hudheelka, iyo meesha laga helo. waxa uu
gacanta ku dhigay dhammaan maclumaad kasta oo fududaynayaa hawshaas. Waxa uu
aaday goobtii uu ku sugnaa mulkiilaha Hudheelku si ay arrinta uga wada hadlaan.
Saacad kadib Kamal waxaa u suurto gashay in uu
mulkiilaha ku booqdo xafiiskiisa oo ku yaala Hudheelka, maaddaama ay arintani
tahay arrin xasaasi ah oo aan la doonayn in cid kale ogaato. Waxa uu u gudbiyay dhammaan macluumaadkii uu
hayay isaga oo ka jawaabayay dhammaan su’aalaha laga waydiinayo arintan. Balan
iyo heshiis kaddib waxa ay ku kala
tageen in maalin iyaga u gaar ah ay galaan hawshan Kamaalna uu qayb ka ahaado
qorshe kasta oo lagu soo qabanayo danbiilahan dhacay Hudheelka sida ugu fududna
sharciga/Maxkamad loo horgeeyo.
Todobaad ayay si wada
jir ah u wada shaqaynayeen Mulkiilaha Hudheelka, kamal iyo hay’adaha amaanka ee
hawshan baadhayay, aakhirkiina waxa lagu guulaystay in lasoo qabto Tuuga dhacay Hudheelka.
Su’aasha is waydiinta
mudan baa ah, Waa kuma tuuga lasoo qabtay? Kamaal aqoon ma u leeyahay qofka uu
gacantiisa kusoo qabtay? Bilan warbixin ma ka siisay qof ka ay u dirtay in uu
soo qabto? Dhammaan su’aalahan maha kuwo uu jawaab u hayo Kamaal. Kaliya waxa
uu ogyahay in uu Tuug soo qabtay, diyaarna u yahay in uu helo lacagta abaal
marinta ah marka maxakamadda horteeda laga cadeeyo in uu tuuggani yahay kii
Hudheelka dhacay.
Maalintii ballantu
ahayd ayuu Kamaal ku wargaliyay Bilan in gabi ahaanba arintii suurto gashay oo
ku guulaystay in lasoo qabto tuugii.
Waxa aanu ku yidhi
“Bilaneey walaal hawl
dheer iyo baadhid kaddib waxa sabtida loo balansanyah sidii loo maxkamadayn
lahaa tuugga aynu soo qabanay innagana waxaa inoo fududaanaysa hawsheenii waxa
aynu si fudud u helaynaa lacag badan oo ku filan dhammaan hawlaheena, waa inaad
isku diyaarisaa sidii aad maxkamadda horteeda uga cadayn lahayd.” Ayuu ugu
bushaareeyay isaga oo aad u faraxsan.
“Maya, maya anigu diyaar uma ihi in aan maxkamadda tago,
adiga ayaa arintaas soo dhamaynayaa.” Ayay iyada aad u naxsan oo neeftuuraysa
ku celisay.
Bilan waxa ku
bilaabmay wallaac iyo xaalad aan deganay. Yaab badanaa, illayn bidaari sibiq
bay kugu gashaa ayay hoosta ka leedahay. Ma ay filayn in ay tanoo kale dhici
doonto. Naxdin badanaa ma walaalkeed ayay soo xero galisay, oo ma waxay u
quudhay in la keeno maxakamad, oo waliba ay iyadu markhaatiga ku furto. Xaaladdu
ku adakaa, sideen ugu sheegaa arintan kamaal, maya taas daruuri maaha hada, wax
kasta way dhaceen waa in aan ka badheedhaa oo aan ku adkaystaa go’aankaygii hore ayay idil talo ku dhamaysatay. Ugu
danbayn waxa ay isla qaateen in Bilan maxkamadda hortimaaddo maalinta loo
balansan yahay kiiskan.
Sabtida 8:00 subaxnimo,
waa maalinta loo balansanyahay in maxkamadda la horkeeno tuugga si loogu caddeeyo
dhacdadan ah in uu yahay qofka hudheelka dhacay loona mariyo waajibaadka sharci
ee uu xaq u leeyahay. Waxa la diyaariyay hoolka dacwada oo ay ku sugnaayeen dad
badan oo jaar la ahaa Asad balse aan filayn marnaba in qofka danbiilaha ahi uu
yahay Asad. Waxa ay u dhegtaagayeen cidda uu noqon doono tuuggan ka yaabiyay cid
kasta oo wax ka ogayd dhacdada.
Gaadhiga Booliska nooca
shabagga leh ayaa laga soo istaajiyay. Waxa qafiska ku jira Asad, oo silsilado
badan meel kasta lagag xidhay. Sawirro badan ayaa laga qaaday intii la soo
dejinayay ee aan qolka dacwadda la keenin. waxa lasoo galiyay hoolka dacawada.
Fikir ayuu iskula noqday. Ma qiyaasi karo cidda arrintiisa fashilisay. Waxa
kaliya ee filayaa in uu yahay qof ka fog. Waxa uu noqon karaa dadka aad
Hudheelka ka wada shaqaysaan ayaa u badan malihiisa. Ilaahow nimaan waxba ogayn
ha caddaabin.Su’aalo badan oo tuhun u badan ayaa maskaxdiisa ku soo
faruurmay. Ugu danbayn ILAAHAY AYUU TALO
SAARTAY isagoo og inuu yahay danbiile.
Kursiga hore ee Hoolka
dacwadda waxa kasoo muuqda Bilan iyo Kamaal
oo marag-furayaal ah. isla markaana haya cadaymaha la xidhiidha arintan.
Dhinaca kale waxa soo fadhiya mulkiilaha Hudheelka la dhacay. Gees kale waxa ku
sugan hay’adaha nabad sugidda. Wajahadda hore meel inyar ka sarraysa kuraasta
kale ee hoolkana waxa fadhiya garsoorayaasha qaadaya kiiska iyo kaaliyahoodii.
Waxa la soo galiyay
Hoolka dacwadda. Markalilya ayay sawaxan iyo xanshaashaq isla kaceen dadkii
dacwadda dhegaysanaya. Qof wal oo Asad hore u yaqaanay waxa ay ku noqotay u
qaadan waa. Ma Asad baa qofka ah tuuga
ahi? waa yarkii jaarkeena, Allahu Akbar iyo erayo kale oo dayro iyo amakaag ah
ayay ku tiraabayaan.
Kamaal oo yaabban ayaa
dareemay in ay wax jiraan maaddaama ay Bilan
marnaba indha siin wayday tuuga. Bilan oo mudo foorartay ayuu kamaal waydiiyay
waxa ku dhacay ee ay la murugaysan tahay? Waxba iyo maxkamada ayaan ka baqayaa
ayay ku jawaabtay iyadoon marnaba xaga eedaysanaha (walalkeed) eegi karayn.
Hadii dacwadii
bilaabantay waxa markhaatiyo loo soo kiciyay Bilan iyo Kamaal si ay u ugu
caddeeyaan dambiilaha. Asad ayaa markaliya Naxay oo isla kacay isaga oo ku jira
shabagga maxbuuska ee hoolka dhexdiisa.
“Walaal ma adigaa
qofka isoo galiyay halkan” ayuu isaga xabeebsan hoos u yidhi. Af kala qaad ayay ku noqotay. Waxa uu liqi
kari waayay oo ku adkaatay in walaashii soo dacwaysay oo arrintiisa fashilisay.
Siduu u aqbali karaa qoftii uu soo koriyay ee uu iyada darteed u noqday tuug,
isla markaana naftiisa u ilaaway ayaa sidan samaysay oo maantana maxkamadda
horteeda kaga caddaynaysa kiiska.
Halkaasi waa meesha
ay Kamaal ugu caddaatay in Bilan iy Asad ay walaalo yihiin. Waxa uu
maqlayay hadalkii Asad ee ahaa “Walaal ma adigaa qofka isoo galiyay halkan”.
Waxa kale oo uu ka dheregsanaa xanuunkii iyo werwerkii Bilan ku abuurmay markii
Asad maxkamadda soo galay. Yaab badana! waa side xaalku? ma adigaa waalan mise
cadanbaa laga heesayaa? waa maxay masiibadani? waa su’aalaha kamaal
maskaxdiisa ku soo noqnoqonayay?.
“YAA ! OO Asad ma
walaalkaabaa, haddaan gartay, walalkaa ayaad gacanaada ku soo xidhay
walow danbiileba ha noqdee? Anigana waxa aad i galisay godobta intaa
le’eg. Sideed ugu fikirtay in aad walaalkaa madaxiisa lacag ku hesho”
ayuu si cadho leh ugu yidhi Bilan oo dhinaciisa fadhiday.
Hadii maxkamadaynta
Asad ay socotay muddo saacado ah waxa la gaadhay xiligii la soo afmeerilahaa
dacwadda. Maxkamaddu waxa ay ku qanacday dhammaan cadaymihii la horkeenay,
Asadna waxa uu noqday danbiile xaq u leh in la ciqaabo. Garsoorihii ayaa
ku dhawaaqay XUKUNKII,waxa aanu markii hore akhriyay xaashida eedda iyo ta
go’aanka oo isku lifaaqan, iyada oo loo dhegtaagayo go’aanka ayuu ku dhawaaqay
xaakimku go'aankan:
Markii ay noo
cadaatay in Asad uu yahay qofka danbiilaha ah laguna cadeeyey , waxa ay
maxkamaddu ku xukuntay 30 sano oo xadhig ah. Maxkamaduna way xidhantahay.
Buuq iyo sawaxan
ayay meeshii isla kacday. Kamaal ayay talo ku caddaatay. Asadna waxa hadda lagu
wareejiyay lacagta uu abaalmarinta u helay. Lacag iyo adduun midna uma
dhadhamayo Kamaal. Kaliya waxa uu ka fikirayaa wiilka maskiinka ah ee uu
xabsiga galiyay iyo godobta uu qaatay. Waxa kale oo uu la yaabban yahay gabadha
Bilan ah ee arrintan faraha u galisay iyo caqligeeda siiyay in ay walaalkeed
lacag dhaafsato. Waxa go’aansaday in uu qoro warqad uu ku codsanayo inuu u
iibiyo xadhiga Asad si uu uga fardaamiyo xadhiga mudDada dheer ah ee lagu
xukumay, maaddaama uu khalad ka galay ninkaa maskiinka ah ee uu soo xareeyey
inkasta oo uu tuug ahaa laakiin aanu ahayn mid si shakhsiyan ah ugu badheedhay
tuugannimo.
Ugu danbayn waxa la
aqbalay codsigiisii, waxa aanu ku guulaystay in uu furto oo uu xoriyadiisii
usoo celiyo. Asad waxa noqday xor oo waxa uu ka badbaaday xabsi dheer oo
noloshiisa ah.
Kamaal waxa uu cashar
ka bartay waxa meesha ka dhacay. Waxa uu garawsaday garashada hoosaysa ee Bilan
isaga oo yaqiinsaaday in ay isagana berri sidaan ku samayn doonto. waxa aanu go’aansaday in uu xadhiga u jaro Bilan oo ah qofta samaysay dhacdadan ee
walaakeed soo galisay xadhiga.
Sideen
u aamina karaa qofkan oo kale hadiisa aan aamino suuro gal ma tahay inaan ka
sideen u aamin karaa
qofkan oo kale. Haddii se aan aamino ma tahay qof u qalanta in la aamino,
maaddaama oo ay walaalkeed sidan u gashay. Jawaabtu waa maya. Waxa uu hadal ku
gabogabeeyey WARAABAHA HOOYADII CUNAY, HABARYARTII MA UGA RAYN. waar illayn dumar waa dhallaan raad wayn. Ugu danbayn waxa uu Bilan ku yidhi “walaal
waan ka xumay waxa aad samaysa, aniguna kuuma
hayo meel aan kaasiiyo noloshayda maaddaama aad sidaa samaysay ADIGIYO
NASIIBKAA”.
Dhammaad.
31.07.2016.
Jaaj993@gmail.com
No comments:
Post a Comment