Monday, April 4, 2016

Hal aan ka idhi buugga ‘Boqol Tallaabo Hore U Qaad’.


W/Q: Maxamed M. jaaj.
HORDHAC.
Mahad oo dhammi  waxa ay u sugnaatay Eebbe korreeye. Allaha inna siiyay maskax iyo garasho aynnu kaga duwannahay noolaha kale ee rabbi uumay. Rabbiga innoogu deeqay nabadda aynnu ku xaraggoonaynno, taas oo bulshooyin badan oo dunida ka jiraa wali raadinayaan. Rabiga inoo sakhiray qalinka ayaa mahad oo dhan iska leh. Mar labaadka waxa aan ku bogaadinayaa qoraaga dhiganahan Maxamed Cali Bile, sida uu isugu hawlay in uu khibraddiisa iyo aqoontiisa innoo soo gudbiyo iyada oo buug ah.  Inta aan ka ogahay Maxamed Cali waa shakhsi ku sifoobay horumar jecayl iyo in uu marwalba bulshadiisa la wadaago waxa uu is leeyahay  waad ku dhaantaa. Waa waajib ay ahayd in uu goor hore guto, oo looga fadhiyay isaga iyo inta la aqoonta ahba.  waxa aanan rajaynayaa in intaa iyo in kasii badanba uu ku hawlan yahay sidii uu bulshadiisa ugu hiilin lahaa gaar ahaan bahda akhriska oo maanta ah kuwa ugu baahida badan. Ma arag aqoonyahanku buug kale oo uu qoray, oo aan kan ahayn, balse waa buuggii ay ahayd in uu qoro haddiiba uu qoraa yahay.

Muuqaalka Buugga.
Marka ay indhahaagu qabtaan jaldiga sare ee dhiganahan “100 tallaabo hore u qaad”  oo midabkiisu yahay caddaan, waxa ku soo jiidanaya  sawirka qoraaga buugga oo magaca buugguna ku dhex qoran yahay,  isaga oo far cad ku qoran. Midabka jaldiga sare ee buuggu waa caddaan, ay xagga sare, meel dhinaca bidix ah kaga xardhan tahay odhaah ka turjumaysa nuxurka uu xanbaarsanyahay dhiganuhu. Aragtida koobaadba waxa  aad arkaysaa in uu yahay nooc daabacaaddiisu innagu yartahay. Waa qaab ku cusub qaababka kala duwan ee aynnu buugta u daabacanno, balse waa nooc ka mid ah qaababka loo daabaco buugta caalamka aynnu ka mid nahay gaar ahaan kuwa loo yaqaan Novel. Dhinaca danbe ee jaldiga waa buluug midab ahaan, waxaana ku qoran saddex odhaahood, magaca qoraaga, calaamadda shirkadda daabacday iyo ISBN-ka buugga. Koobnaanta iyo qabashada koobaadba waxa ay ku dareensiinaysaa saaxiibtinimo iyo in uu dhiganahani ku leehayay "soo dhawaw waxa aan ahay mid aad si fudud u qabsan karta una qaadan karta markasta  iyo meel kasta." Casharro aan lagu baran jaamacadda, waa odhaahda kaga xardhan jaldiga sare, gaar ahaan dhinaca bidix. Marka ay indhahaagu qabtaan  odhaahdan waxa durba ku galaya xiise iyo boholyow gaar ah oo kuu jiidanaya xaggaa iyo gudaha buugga. Waxa kugu abuurmaya degdeg iyo danayn aad danaynayso in aad ogaato nooca casharada aan jaamacadda lagu baran ee uu soo gudbinayo dhiganahani. Waxa ay ila tahay in idinkuna markii aad aragteen odhaahdan sidaa si la mid ah aad ugu  degdegteen guda-galidda akhriska buuggan.

Markii uu gacantayda soo galayba waxa aan ka fikiray “waa buug jeexaya waddo cusub oo ogaal dheeraad ah ku soo kordhinaya inta akhriska iyo horumarka shakhsiga ku hawlan.”

Dulucda buugga.
Marka aad hoos u dhugato dhammaan tallaabooyinka ku qoran dhiganahan, waa kuwo waajib ku ah noole kasta oo raba  in uu guul waarta helo. Waa dhigane  kuu  qaabaynayaa nolol  ka madax banaan mala-awaal iyo sawir beenaad, isla markaana ku dhisan xaqiiqooyin u baahan in aad wajahdo si aad horumar uga samayso dhinacyo badan oo noloshaada ah, sida aqoonta, dabeecadda suubban, maaraynta wakhtiga,  xidhiidhka dadka iyo kalsoonida shakhsiga ah. Dhammaan  tallaabooyinka  ku xusan buuggu waxa ay kuu sahlayaan in aad hesho nolol ku jaan go’an horusocod  joogto ah oo ka dhalanaya soo celcelinta tallaabooyinkan. Qof waliba waxa uu jecel yahay in uu ku noolaado nolol qurux badan, taasina waxa ay u baahantahay qaabayn iyo tallaabooyin kala danbeeya oo u baahan in aad dedaal galiso. Qoraaga buuggu waxa uu soo xulay tallaabooyin qurxinaya noloshaada. Sida ka muuqatana waxa uu galiyay dedaal iyo wakhti dheeraad ah.

Ma ihiye, haddii aan ahaan lahaa qoraaga dhiganahan ‘100 TALLAABO HORE U QAAD’ waxa aan u bixin lahaa Dastuurka Nolosha. Haa waan u bixin lahaa. Lama jeclaan balse waa sida uu ii saameeyey markii aan akhriyay.  Waxa uu carinayaa kaydka maskaxda iyo awoodaha qaabilsan hore u socodka. Tallaabo kasta waxa ay ku gallinaysaa rabitaan, dhaqdhaqaaq iyo damac ah sidii aad tallaabo kasta ugu beddeli lahayd ficil. Adiga oo aan is ogayn ayay naftu kugu odhanaysaa “noqo qofka ugu horreeya ee fuliya dhammaan tallaabooyinkan ama ka qaado inta aad awoooddo”.

Dhiganahani waxa uu ku baaqayaa in muhiimadda koowaad naftaadu leedahay marka aad doonayso in aad guulaysato si aanad xabsi ugu galin fikir ama hab-nololeed koox gaar ahi dejisatay. Haddii taasi dhacdana waxa aad noqonaysaa qof koobigaraynayaa tallaabo kasta oo uu qaadayo. “Haku habsaamin kuwa dayrada badan ee dib kuu dhigaya” waa meelaha aan hoosta ka xarriiqay akhris ka dib. Waxa uu kaa maydhayaa caajiska iyo culayska ka dhasha yidiilo xumada iyo in aad ka rajo dhigto awaaddaha iyo aqoonta kugu kaydsan. Warka fiican ee uu sidaa buuggani waa sidii aad u noqon lahayd  boqorka horumarka naftiisa iyo inta ku xeeranba, haddii aad si joogto ah u adeegsato 100 tallaabo kolba inta kuugu muhiimsan ama aad ka gaadhi karto, adiga oo ka duulaya inta xidhiidh toos ah la leh naftaada, qoyskaaga iyo deegaankaagaba.

Tallaabooyinka ku xusan dhiganahani waxa ay isugu jiraan farriimo lagu farayo in aad sidaa iyo sidaa  samayso, haddii aad samayn waydana waxa aad luminaysaa fursado aad rabitaankaaga ugu bedeli lahayd run. Aniga iyo bahda jecel akhriska  waxa uu ku baraarujinayaa in aynnu xirfado ku lammaanayno aqoonteenna si fursadaheenna shaqo u bataan. In aad raadiso dadka haya xirfadaha aad baratay iyo meelaha laga helo waxa ay kaa caawinaysaa in aad si fudud shaqo u hesho. Dhammaan farriimahan iyo kuwa kaleba waxa innagu hagaya dhiganahan. Waana meelaha ugu mudan ee qofka ka caawin kara in uu si fudud u shaqo tago marka uu aqoon dhammaysto. 

Aniga iyo inta akhriyi doontaba, waxa uu buuggani inna leeyahay “edebta, doqonniimada iyo ixtiraamku meel ayay iskaga eg yihiin. Haka tanaasulin in aad doqon ama nin jilicsan u noqoto hadafkaaga, waayo hadafkaagu waa noloshaadii”. Waxa laga yaabaa in dadka badhkood doqonniimo u fahmaan is dhul-dhigidda aad u isu dhul dhigayso sidii aad u xaqiijin lahayd hadafkaaga.  Ka akhriste ahaan waa meelaha aadka ii soo jiitay ama aan u akray in ay muhiim u tahay horumarka shakhsiga ah.

“ha noqon hugun raac, noqo mid kaligii gaadhi kara horumar” waa farriimaha kale oo uu inna farayo dhiganahani. Qoraagu waxa uu adeegsanayaa luuqad kooban, fudud oo dadka badankoodu fahmi karaan; taasina waa fursad kale oo uu dheeryahay dhiganayaasha  kale ee la mid ka ah, kuwaas oo ku qoran erayo inta aqoonta fog leh oo kaliyi fahmi karto.

Naqdin kooban.
Eebe SW ayuunbaa qummanaan ku sifoobay korreeye. Markasta oo hawl la qabanayana waxa ay yeelan kartaa daloollo u baahan in la gufeeyo si ay u sii qurux badnaato. Aan afar qodob ku soo koobo meelaha aan is leeyahay waxa ay u baahanyihiin kordhin iyo kaabid.
1.     Tusmo. Dhiganahani malaha tusmo la raaco marka la doonayo in la ogaado sida ay tallaabooyinka u kala horreeyaan qoraal ahaan iyo boggaga ay ku yaallaan tallaabooyinka aad markaa danaynaysaa. Tusmadu waxa ay muhiim u tahay akhristaha, si uu si fudud u abbaari karo kolba halka uu doonayo ama xiisaynayo in uu akhriyo. Haddaba waxa aan u soo jeedin lahaa qoraaga  in uu  tusmo u sameeyo dhiganahan daabacaadda danbe.

2.    Koobnaan ka muuqata tallaabooyinka uu buuggu soo gudbinayo: dadka inta wax akhrida ee fahankoodu ka sokeeyo in ay si duuduub ah u qaataan tallaabooyinka uu soo gudbinayo dhiganahani waxa ay qawadi karaan koobnaanta ay soo urursantahay tallaabo kasta. Waa hubaal in inta aqoon sare leh ama ku wanaagsan akhriska ay tallaabo kasta gudaha u sii gali karaan oo ay iskood u tafsiiran  karaan una fahmi karaan tallaabo kasta iyo nuxurka ay siddo. Haddaba maaddaama oo dhiganahani taabanayo dhammaan dadka si isku mid ah, waxa uu aad  ugaga sii fiicnaan lahaa in qoraagu ku naaxiyo/lammaaneeyo tallaabo kasta tusaale nololeed, si dadka oo dhammi u wada kasban  karraan ahmiyadda ay leedahay tallaabo kasta iyo halka ay noloshiisa kaga xidhmayso. Sababta aan taas u leeyahay waxa ay tahay:
·         Bulshadeenna oo ah bulsho hadda uun  ku soo biiraysa dunida akhriska. 
·         Tallaabooyinka ku xusan buugga oo ah kuwa la xidhiidha sii sawiridda iyo hummaag ka bixinta mustaqbalka. Taasina waxa ay u baahantahay in dadka aan foraag aragga iyo fikirka fog lahayn si fudud oo tusaalayaal ku lammaan yihiin loo tuso mustaqbalka uu buuggani u qaabaynayo.

3.    Dhammaystirka erayada: inkasta oo farta iyo erayada uu qoraagu adeegsadayba ay yihiin kuwii ku habboonaa ee uu ku soo gudbin lahaa buuggiisa iyo macnaha uu xanbaarsan yahayba. Inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho lagu kala duwan yahay dhigaalka iyo adeegsiga xuruurfa, haddana waxa jira meelo yaryar oo ay ka muuqdaan qaladaad xagga qoraalka ah iyo dhammaystir la’aan dhinaca xarfaha ah. tusaale ahaan:
Xifaddaada=xirfaddaada iyo kuwa la la mid ah.

4.    Kala qoridda erayada. Waxa kale oo meelaha qaar ka muuqda erayo u baahan in la kala qoro haddii aan macnuhu is bedelayn. Sida ‘Haddaad’ oo loo kala qori karo. ‘Haddii aad’ iyo kuwa la mid ah.

GABO GABO.
“Hadalna sii dhehbaa dilaye” haddii aan soo gunaanado qormadan kooban, Maxamed ahaan waxa ay ila tahay in dhiganahan iyo nuxurka uu sidaaba yahay mid dhif iyo naadir ku ah madalo badan oo lagu daahfuray buug kala duwan, kuwaas oo mawduucyo kala duwan lagu qoray. Mawduuca uu inala wadaagayaa waa mid mudan in hoos loo dhugto oo u baahan in lagu gufeeyo baahiyaha  aynnu u qabno horumarka shakhsiga. Qoraaga buuggani waxa uu farta ku fiiqayaa kayd cusub oo qoraaga maanta la gudboon in uu qalinka ku leexiyo. Waxa uu innoo iftiiminayaa in horumarka naftaadu ka horreeyo ka bulshada aad la nooshahay. Taas oo macnaheedu yahay marka aad noqoto qof kusocda dariiq uu jeexay aad  bulshadana ku hoggaamin karto  waddo cusub  oo inna gayn karta  horumarka aynnu maalin waliba ku raad joogno. Dhiganahani waxa uu iila muuqdaa mid furfuran oo si hufan kuula jaanqaadi kara.

Maxamed M. Jaaj

Jaaj993@gmail.com          

No comments:

Post a Comment