
Mararka qaar nafteena waxa
aynu ku aragnaa dhammaadka fashilka iyo guuldarrada. Markan waxa aynu xidhanaa muraayad ina
tusaysa in aynaan waxba qaban karin, ama aad tahayba qof hawl waliba isaga ku
adagtahay. Humaag-beenaadkaasina waxa uu ku gayaysiinayaa in aad khalad ka
fahanto awooddaada qofeed, sidaana isku dhiibto. Dadka ku takhasusay aqoonta xikmad-nafeeddu
[psychology] waxa ay qabaan in qofka iyo habfikirkiisu qaybta koowaad ka yahay dib-u-dhaciisa,
sida uu qaybta u gu mudan u ga yahay horumarkiisa, taasina ay ka
imanayso kolba sida uu ka aaminsanyahay awooddiisa qofeed ee uu ku beegayo
waajibadada ama hawlaha horyaalla. Hore-u-socodka qofka waxa door muhiim ah ka
ciyaaraya kolba sida uu u falo hawlaha joogtaada ah ee horyaalla, kuwaasi oo uu
fulintooda dhiirigalin ka helayo, fashilkoodana niyad jab ka soo gaadhi karo.
labadaas dhexdooda ayaa ay ka soo baxaysaa hal-adagynimada ah in aad aqbasho kakanaanta
hawlaha iskana reebto bahaqa aad ka qabto in aad hawl ku fashilanto ama
fulinteedu ku gu adkaato. Fahamkan
tabani waxa uu ka been abuuraa
awooddeena kaydsan.
Markale waxa aynu isku
aragnaa dhammaadka tabardaradda. Fikradani waxa ay ku tusaysaa in aad tahay qof
ka u gu tamarta liita, ee aan hawl loo diray waligii ku guulaysanayn ama aan ku
dhamaystirayn wakthigii loo qoondeeyay in ay ku dhammaato. Inta badan ma isku
aragtaa adiga oo qawadaya wakhtiga la gu siiyay si aad hawl u soo dhamayso?,
haddii ay tahay waxa aad abuuraysaa
boqolaal cudur daar oo aad kalidaa arkayso. Cudurdaarradani waxa ay kaa
dhigayaan mid ka takhalusi kari waayay xujada hortaalla ee ah in uu hawl
hortaalla wakhtigeedii ku qabto. Marka
aad aragtidan qabto waxa uu qofku ka
runsheegaysaa laba arrimood midkood,
in aanu lahayn xirfaddii hawsha hortaalla uu ku qaban lahaa, isla jeerkaasna uu
ka cabsiqabo in uu ku fashilmo ama in
aanu lahayn awoodda wax abaabusha [inspiration] taasi oo qofka u sahli karta in
xataa hawsha aanu xirfadeeda lahayn isku dayo isla jeerkaasna barto sidii uu u
fulin lahaa, fashillo badan ka dib.
Mar kale waxa aynu
istaagnaa fagaaraha hawl-adagynimada iyo hawlkarnimada, inaga oo arkayna guulo
iyo barwaaqooyin ka dhalanaya fulinta joogtada ah ee hawl maalmeedkeeena iyo
ku-dhiirashada fulinta hawlaha kakan ee nolosheenna qurxiya. Dhiirranaantan iyo
ku dhaca waxa aynnu ku kasbannaa tijaabooyinka joogtada ah ee aynu nafteenna ku
hoggaaminayno, inaga oo fulinta hawlaha inna horyaalla ku jeesjeesnnay, waliba
si kalsooni leh oo wakhtiyaysan u fulinayna. Awooddeenna iyo garashadeenna waxa aynu isugu
gaynna gudashada hawl-qabadada nafteena horumarinaya, inaga oo laba shay aad u
ilaalinayna; wakhtiga iyo si togan u-adeegsiga walxaha [Resource] aynu
haysanno. Tani waxa ay ka soo horjeeddaa
ta hore ee aynnu xagga sare ka ga warrannay.
Waana labada arrimood ee qofka u sahla in uu shaqooyinkiisa u qabto si
tayaysan.
Waajib ma aha in bini
aadamku markaliya ka wada fikiro
mustaqbalka iyo waxa dhici doona, waayo mustaqbalku waxa uu ka samaysan yahay
isugaynta waxqabado kala danbeeya , xilliyo kala danbeeya. Dib-u-dhac, farxad, horuamar iyo fursado la
mideeyay ayaa timaadadu ka unkantaa. Laakiin waxa inna horyaalla hawlo yaryar
oo gudashadoodu sida jaajuurka u dhamaystirayso dhismaha guusha ee aynu
rajaynayno. hawsha u gu muhiimsan ee
timaada kaa sugaysaa waa in aad rajayso qorshahaagana ku darto in aad waxa
imika kuu yaala ku gaadho timaaddo wanagsan [macnaha in aad hawl walba
wakhtigeeda ku dhammayso, adiga oo tashiilanaya walxaha [resource] aad haysato],
hadda ha fikirn ma aha, se waa fikirkaaga ku xidh hawlqabadka maalinlaha iyo
qorshayntooda. Markaas ayaa timaadadu noqonaysaa wax si togan loo ga fikiri
karo. tani waxa ay meesha ka saaraysaa in aad iska
fadhiisato, ka dibna ku hammido in aad cirkaa gaadhayso, hawlina waa bartii aad
dhigtay oo aanad wali ka qaadin. Waa waddo kale oo kuu sahlaysa in aad hawl
walba isugu diyaariso aminta loo baahanyahay in la bilaabo.
Inta aynnaan ka jawaabin
goorma ayaa hawl la qabtaa aynu hawlaha la qabanayo laba u kala qaadno,hawl waajib
ah oo dib-u-dhaceeda iyo gudasha la’aanteedaba ciqaab ama abaalmarin tabani
inaga soo gaadhi karto. Tusaale ahaan in aad maalintii shaqo tagto waa wajib,
in aad xilliga la guu asteeayay shaqadaada ku gudato oo hawlaha aad u
astaysantahay amintooda ku fuliso iyana waa waajib kale. fashilka shaqadaada
waxa ka dhalanaya dhibaatooyin badan oo ay u gu horrayso in aad kasban waydo
wixii aad u timi goobta shaqada oo ah “gunno” ama “mushahar.” Waxa kale oo ka
mid ah in aad ciqaab kale la kulanto sida shaqo-ka-saarid, hoos-u –dhigid ama niyad jab kale oo ku gu riixi kara in aad
naftaada u aragto qof aan haba yaraatee
waxba qaban karin sida aynu qormada bilawgeeda ku sheegnay.
Dhanka kale hawsha la
qabanayaa waxa aynu u qaadan karraa in ay tahay mid “tabarruc” ama qurxin ah.
Waa hawl aan waajib ku gu ahayn, balse fulinteeda aad si uun dheef dadban u ga
helayso, haddii aad qabanwaydo aanad kala kulmayn, arrimaha aynu qodobka hore ku
xusnay. Qabashada hawlaha qurxiya
nolosha waxa ay dhisaan qofka iyo qofnimadiisa, aqoontiisa iyo fahamkiisa, waxa
aanu dareemaa sarrayn iyo kalsooni uu ka qabo qofnimadiisa, taasi oo markalena
ka caawinaysa in aanu biyo u kaban hawlihiisa waajibka ah, ee noloshiisa iyo
hourmarkeedu ku dhisan yahay. Tusaale
ahaan in aad toban buug bishii akhridaa waa hawl ka baxsan kuwa waajibka ku gu
ah. Kaliya waxa aad dhisaysaa maankaaga iyo fahamkaaga aqooneed ee dunida
maskaxdaada ka baxsan. Inta badan dadka ka takhalusay hawlahaooda waajibka ah
ayaa ku tookha ama gaadha heer ay kuwa tabaruc ahna qabtaan si naftooda u gu
dhisaan, bulshadana u tusaan tayoooyinkooda qaybta togan.
Haddaba Jawaabta su’aasha
aynu maqaalka saarnay waa la gu kala duwanaan karaa. Mayee waaba la gu kala duwanyahay oo aqoonyahanno badan ayaa siyaabo kala duwan u
ga hadlay ama u ga jawaabay. Goorta saxda ah ee hawl la qabto waxa maamula
duruufo kala duwan balse aminta u gu habboon ee la bilaabayo hawl waxa qeexid
maangal ah saaray Alian Boton. Alian
Boton waa aqoonyahan
Filasoofar ah oo reer Switzerlan ah. Waa qoraa qoray dhiganeyaal dhawr ah oo u
gu caansanyihiin Essays in Love and How Proust Can Change Your Life. Alian
waxa isku hawlay in uu si la fahmi karo inoo baro wakhtiga qofku hawl
wakhti-dhammaad leh bilaabi karo isaga oo qaadanaya laba shay “cabsida fallidda
hawsha iyo si xun u falidda hawsha.” Waxa uu yidhi “hawshu waxa ay bilaabantaa marka cabsida
aad ka qabto in aanad waxba qaban karin ka badato cabsidaada ah in aad six un
wax u fasho/qabato.” Waxa kale oo xog la xidhiidha kala duwanaansha hawl
qabadashada iyo maskaxda dadka ka ga bogan karraa qormo luuqada Ingiriisida la
ga soo haltebiyay oo loo bixiyay Maxay qoreyaashu noqdeen dadka u gu wahsiga
badan. Qormadani waxa
kala oo ina baraysaa sida ay isugu lammaanyihiin wahsiga, hawlqabadka iyo kala duwanaanshaha
maskaxda dadka.
Fahamka weedhan uu ku
qeexay Alian xiliga hawl fulinteeda qofku bilaabo waxa uu ka soo
dhiraandihiriyay dhinaca dareenka nafsiga ah ee qofka oo ah “baqaha”, waliba
baqaha fashilka hawl-fulinta. Baqahaaga
ayaa qayb wayn ka ah fulinta iyo fulin la’aanta hawl ku hortaalla. Si aynu u fahanno tibaaxda Boton aynu soo
qaadano tusaale nololeed. Waxa aad tahay
arday wax ka dhiganaya kuliyad jaamacadeed. Waxa la guu dirya layli aqooneed heer jaamacadeed ah, oo
la gaa rabo in aad ku soo fuliso 100 saacadood ka dib. Nooca layligani waa mid isugu jira waxa aad
soo dhigatay iyo wax u baahan in aad baadho, oo aad boqolka saacadood ku gaadhi
karto wali ba si fiican. Saacaduhu waa
ay soconayaan adiguna waxa aad maanka ku haysaa in hawshaa qabashadeedu laba
arrimood dhextaalo, cabsidaaad ah in aad laylilga garanwaydo oo aanad qaban karin iyo cabsi la’aantaad ah
in aad si aan la qaadan karin [qalad] u
qabato. Halkaana aad kala kula kulanto yasid aqoontaada la soo gudboonaata
maaddaama oo aad layligii sida la rabay u ga soo shaqayn wayday.
Muddo marka aad
labalabayntaas [hesitation] ku jirto waxa aad gaadhaysaa amin
wakhti-dhammaadkii [deadline] hawshaba la gaadhay ama waxyari ka dhimanyihiin.
Markan go’aanka ku horyaallaa waa in aad
wax qabato, haba qaldanaato hawsha aad qabanaysaa waayo, waxa aad ku
qanacday in aad ka cabsanayso in aad waxba qaban kari waydo, adiga oo aan ka
cabsanayn in aad layligan si aan sax ahayn u qabato. Markan ayaad xaqiiqsatay xiliga aad hawl
bilaabaysaa in ay tahay goorta aad labadan ammuuurooda kala dooratay. Cabsidaada
ah in aad layligan qabankari waydo ayaa ka badatay in aad si aan sax ahayn u
qabato. Muhiimadda waxa aad saartay in
aad wax qabato haba khaldanaadaane, si aad hawsha wakhtigeedii u gu dhammayso.
“Waa in aad qabtaa wax aan suurto gal ahayn si
aad u gaadho wax aan suurogal ahayn” odhaahdan sare oo aan ka soo dheegay afka
Ingiriisida waxa ay inna baraysaa in isku dayga shayga ay adagtahay ama dabci
ahaan loo yaqaan wax aan la gaadhi karin, qabashadiisa la gu gaadhi karo guul
ay adagtahay in la ga fikiro, mayee guul
wayn. Xikmadani waxa ay inaga saaraysaa
in aynu adeegsanno weedha ah “suurogal ma ah ama lama samayn karo”. Xikmadaha nafsiga ah ee halkan la ga dareemyo
waxa dhabarka kale ka ga gudban wahsi,
caajis, iyo is-dhigasho taasi oo marka danbe ku baraysa in carrabkaagu laasimo
halhayskan dib-u-dhaca ah ee aynu xagga sare ku xusnay. Marka se aad weedha aynu soo turjunay dul
istaagno waxa kaa baxaya khuraafaadka beenta ah iyo humaagga aad istusayso ee
ah in hawl ku hortaaalla tahay ama u egtahay mid aan la qaban karin. In aad hawl kasta oo ku horaalla bilawdo ayaad
beegsanaysaa.
Waxyaabo badan oo aad
aragtay ayaa kuu gu muuqanaya kuwo ay
adagtahay in la qabto, taasina waxa ay inta badan abuurtaa baqe ah in aanad
hawshaa ka soo bixi karin. In hawli ku
gu adkaagto macnaheedu ma aha in aanay suurogal ahayn in la qabto hawshaas,
balse waxa ay u baahantahay kaliya isku day iyo joogtayn.
Badheedhaha ayaa qofka ka
saara shakiga uu ka qabo awoodihiisa kaydsan, isla markaana u tababara hawlo
aanu hore u gu dhiirran jirin. Markasta oo aad isku daydo in aad wax qabato,
haba xumaadaan sida aad u qabanaysaaye waxa la ga yaabaa in aad iska jabiso
quful adag oo aanay jirin cid ku gu xidhay. Mayee dabeecadda ayaa ku fartay in
waxaasi adag yihiin ama ay ka awood sarreeyaan tamartaada kaydsan. Si haddaba qofku u ga gudbo dayrka horyaalla
ah ee ah cabsi beenaadda ku tidhi “waxaasi waa ay adagyihiin ama la ma fali
karo” qofka waxa uu baahida koowaad qabaa in uu lahaado laba arrimood oo u
baahan in uu is baro; badheedha ama
kudhac ah in uu hawl isku dayo iyo dhisidda
kalsoonida qofeed si amarku ruuxdaa u ga soo fulo oo naftaadu amar kama danbays
ah kuu siin karto si aad hawl aanad hore u qaban jirin ama baqe kaaga jiray
fulinteeda culayskeeda naftu kuu
dareensiisyo.
“hadduu
dhiciyo yoolkaad lahayd looma dhaco hoose
Dhexdaa
loo xidhaa maalintuu dheelli kaa galo”
Labadan bayt oo uu leeyahay
abwaan da’yar oo la yidhaa Kayse Galaydh waxa ay si wanaagsan inooga
caawinayanaan in aynu sii joogtayno hawlaha aynu qabanayno oo aynnaan u isu
dhiibin dheeliga iyo caqabadaha kolba wadada u sii galaya socdaalkeena aynu u
gu jirro xaqiijinta yoolalka nolosha. Si aynaan dhibaneyaal u gu noqon
jidgooyooyinka iyo istabaha xoogaga iskacaabinta ah ee ka hor imanaya halka
aynu geediga ku nahay waxa aynu ku adkaysanaynaa in aynu sii wadno oo hawl
kasta oo adkaata ku celcelinteeda la qabsanno si wakhtiyasanna u bilawno u na
dhammayno oo aynu dheelitiro janheedh kasta oo
ku yimaado hawl-qabadada inna horyaalla.
Qofka soomaaliga waxa uu
duruufta kala siman yahay dadkyawga kale ee dunida, kuwana wuu kaga duwan
yahay. La ga yaabee in qofka Soomaalilga ah ee meeli u calaamadsantahay aanu
helin fursado badan oo taageera si uu halkaa u gaadho taa bedelkeedana uu la
kulmo duruufo jallaafeeya oo Soomaalida u gaar ah sida faqriga, dagaalada iyo
dhaqaale xumaanta, hoosaynta tiknoolajiyadda. Sidaasi oo ay tahay haddana
jidka hawl qabadku waa waddo kurtimo
badan una baahan in marwalba waxa suurto gal ah la qabto. Si aynu u rumaysano
in aynaan caqabadaha hawlqabadka kalideed la noolayan waxa aynu u baahanahay in
aynu derisno dunida inagu xeeran iyo sida ay u noolyihiin bulshooyinkoodu. Tani
waxa ay innaga cawinaysaa in aynu fahamno kala duwanaanta duruufaha iyo halka
aynu bulsho ahaan kaga jirro. Waa tii
Soomaalidu ku maahmaahday “ninba ceesaantii ceel keentay”, maahmaahdan meelo
badan ayaa loo adeegsan karaa, laakin halka aynu ka qaadanynaa waa in qof
waliba duruuftiisa, awooddiisa iyo waxa uu qabanayaa isku miisaamanyihiin.
Hawl wakhti-dhamaad leh
waxa la gu qaban karaa u-diyaar garaw, jajabin, dhiiranaan iyo kala doorashada
labada cabsiyood ee aynu kor ku xusnay. Qormadani waa aragti wadaag, balse ma
aha qaacido xidhan, taas oo macnaheedu yahay jawaab kasta oo ka ga macquulsan
su’aasha ay ka jawaabayso waa la qaadan karaa.
W/Q: Maxamed M Jaaj.
No comments:
Post a Comment