Frances Swayne waxay Somaliland joogtay qiyaastii
saddex bilood, laga soo bilaabo Diseembar 1905 ilaa Maarso
1906. Inta badan muddadaas waxa ay degganayd Sheekh, oo markaas
ahayd xaruntii ugu muhiimsanayd ee Guddoomiye General E.J.E Swayne, hase
yeeshee waxay booqatay deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Berbera, Dubar,
Lower Sheikh, Waggar, Dara-Ass iyo Hargeysa, halkaas oo ay kula kulantay
saraakiil, madax-dhaqameedyo iyo bulshada Soomaaliyeed.
Waayo-aragnimadii ay safarkaas ka heshay ayay
markii dambe u beddeshay buugga A Woman's Pleasure Trip in Somaliland,
kaas oo ay dhamaystirtay dabayaaqadii sannadkii 1907, isla
sannadkaasna lagu daabacay dalka Ingiriiska. Buuggaasi wuxuu noqday mid ka mid
ah ilaha taariikheed ee muhiimka ah ee ka warramaya Somaliland horraantii
qarnigii labaatanaad iyo wixii ay Somaliland kala kulantay.
Inkasta
oo Swayne Buuggeeda A Woman's Pleasure Trip in Somaliland aanay ula
jeedin inay ka warranto socdaalkeedii iyo waayo-aragnimadii ay kala kulantay
Somaliland, haddana buuggu waxa uu inoo soo bandhigayaa sawirro kooban oo qiimo
weyn leh oo ku saabsan qaar ka mid ah haldooradii Somaliland ee waqtigaas. Shaqsiyaadka
cajiibka ah ee ay la kulantay waxa ka mid ahaa Ressaldar-Major Musa Farah
iyo oday Guuleed Xaaji, oo qoraagu kaga waramay qaybaha ugu xiisaha badan
siga ka muuqata sawirada buuggeeda.
Musa
Farah ma aha qof buugga loogu qoondeeyey cutub gaar ah ama taariikh nololeed
faahfaahsan. Si kastaba ha ahaatee, mar kasta oo magaciisu ka soo buuggan waxa
uu la xidhiidhaa dhacdo muhiim ah ama hawl u baahan caqli, xilkasnimo iyo
hoggaamin. Taasi waxa ay akhristaha tusaysaa in qoraagu u arkaysay inuu ahaa
nin ka duwan saraakiisha kale ee ay la kulantay wakhtigaas. Inkasta oo aanay si
toos ah u odhan “Musa Farah waxa uu ahaa hoggaamiye weyn iyo sarkaal noociisu
ku yaraa dadkii la shaqeeyay dawladii Ingiriiska,” haddana habka ay uga
sheekaynayso dhacdooyinkiisa ayaa si cad u muujinaya qaddarinta ay u haysay iyo
sida uu uga caawiyay safarkeedii xeebaha iyo dhulka Somaliland.
Marka
la akhriyo dhammaan meelaha uu magaciisu kaga soo muuqdo buugga, waxa muuqata
in Ressaldar-Major Musa Faarax uu ahaa nin isku darsaday geesinimo, xikmad,
aftahannimo, dulqaad iyo karti uu dadka ugu kasbado hadal wanaagsan. Waxa uu
ahaa nin fahamsan dhaqanka Soomaalida, isla markaana awood u lahaa inuu
xidhiidh wanaagsan ka dhex abuuro bulshada iyo maamulka Ingiriiska.
Kuma ayuu ahaa Major Musa Faarax Igare?
Buuggu
waxa uu Musa Faarax Igare ku soo bandhigayaa isaga oo haya jagada Ressaldar-Major,
oo ahayd darajada ugu sarraysay ee uu askari Somaliland gaadhi karo xilligii
gumaysiga Ingiriiska. Jagadani ma ahayn mid ciidan oo keliya, balse waxa ay
ahayd xil u baahan qof isku darsaday karti hoggaamineed, waayo-aragnimo,
daacadnimo iyo kalsoonida bulshada.
Sida qoraagu kaga warantay dhigaalkan,
gudoomiyihii markaas ee Maxmiyaddu Ina Igare guddoonsiiyay abaalmarino uga
yimid Boqorka Ingiriiska ee wakhtigaas. Komishineerku isaga oo Boqorka ka
wakiil ah ka soo qaatay ogolaansho si Igare loogu abaal mariyo saddex qodob: seef
sharaf ah, warqad rasmi ah oo si qurxoon loo farshaxameeyay
(illuminated address), taas oo laga sameeyay London, oo lagu qoray Ingiriisi
iyo Carabi labadaba), iyo tan sadexaad oo ahayd 2,000 rubi oo lacag ah.
Abaalmarintan waxa lagu diwaan furan, kulan ka dhacay Berbera, oo ay ka soo
qeyb galeen dhammaan Yurubiyaankii magaalada iyo tiro aad u badan oo ka mid ah
bulshada. Musa Farah Igare waxa uu si weyn ugu faanay sumcaddan, oo markii saraakiishu
la kaftameen, uu ku tilmaamay "khasaare lacageed," balse sheegay
bixin doonin xataa 500 oo ka mid ah.
Qofka
haya darajadan waxa uu ahaa Biriijka isku xidha maamulka Ingiriiska iyo
bulshada. Waxa uu la shaqayn jiray saraakiisha Ingiriiska, isla markaana waxa
uu xidhiidh joogto ah la lahaa salaadiinta, cuqaasha, culimada iyo
madax-dhaqameedka. Sidaas darteed, Ressaldar-Major ina-igare waxa uu ahaa nin
ay tahay inuu fahmo labada dhinacba, kuna guulaystay inuu si heersare ah ugu
kala gudbiyo farriimaha si aan fahan-daro u dhexmaro labada dhinac.
Muuse Faarax Igare waxa uu qaatay
darajada sare ee Ressaldar-Major; isaga noqday taliye ka mid
ah ciidamada fardooleyda ee la shaqeeya gumeystaha Ingiriiska. Waxa uu ka soo
qayb galay ku dhawaad dagaal kasta oo ka dhacay dalka muddo labaatan sano oo uu
shaqadan ku jiray. Markii qoraaga buugga yimid magaalada Sheikh, Musa Faarax
waxa uu ku sugnaa Burco, isaga oo ilaalinaya amniga guud ee gobolka, laakiin si
joogto ah ayuu u iman jiray Waggar isaga oo keeni jiray ciidamadii tababarku
uga socday halkaas.
Markii
Frances Swayne timid Somaliland, gaar ahaan xaruntii Maxmiyada ee degmada
Sheekh, waxa ay la kulantay saraakiil badan oo Ingiriis iyo Somali isugu jiray.
Intii ay halkaas joogtay waxa ay la
kulantay madax-dhaqameedyo badan, odayaal, culimo iyo marti kala duwan oo
imanaysay xerada. Maadaama aanay af-Soomaaliga aqoon, waxa ay u baahnayd qof luuqada Ingiriisida yaqaan
oo u kala turjuma iyada iyo bulshada. Qofka hawshaas oo muhiim u ahayd qoraaga
u qabtay waxa uu ahaa Ressaldar-Major Musa Faarax Igare. Qoraagu mar ay ka
hadlaysay heerka luuqadiisa waxa ay tidhi “Ingiriisidiisu ma ahayn mid buuxda, balse
waxa uu ahaa nin si fiican u yaqaan sidii isu kaaya fahamsiin lahaa aniga iyo
bulshad”.
Si
kastaba ha noqotee, Igare waxa uu noqday turjumaan, lataliye iyo qof isku xidha
qoraaga iyo bulshada. Hase yeeshee, shaqadiisu kuma koobnayn turjumaad ereyo oo
keliya, balse waxa uu ahaa nin si fiican u yaqaan dhaqanka iyo habka dadka
loola macaamnilo. Qoraagu waxa ay sheegtay in uu si fiican u fahamsanaa sida
loo kasbado kalsoonida madax-dhaqameedka iyo sida loo ilaaliyo sharafta
martida, taasina waxa ay ka dhigtay shakhsi muhiim ah oo aan kaliya koobnayn
hoggaanka ciimada awrta ee uu u talinayay.
France
Swayne waxa ay ku rilmaantay in aanu ahayn nin xoog u adeegsanaya dadka uu
maamulayay balse waxa uu ahaa shakhsi adeegsanaya xigmad, dulqaad iyo
hadal-togan. Taasi waxa ay ahayd sababta uu ugu guulaystay inuu noqdo qof ay
isku mar ku kalsoon yihiin maamulka Ingiriiska iyo madaxda Somaliland ee
maxmiyada iyo bulshaduba.
Dhacdadii
Caanka ahayd ee Guuleed Xaaji.
Dhacdada ugu caan san ee buuggu kaga warramayo Ressaldar-Major Musa Faarax waxa ay ahayd markii uu yimid Xaaji Guuleed, oo ahaa oday Soomaaliyeed oo la sheegay inuu jiray 101 sano. Guuleed Axmed Sugulle (Guuleed Xaaji) waxa uu ahaa oday dhaqameed, caaqil, iyo hoggaamiye caan ah oo ka tirsan beelaha Burco iyo Oodweyne. Guuleed waxa uu lahaa sheekooyin iyo xigmado caan ah oo ay ugu caansanyd sheekadii dhexmartay isaga iyo Badmareenkii Richard Burton.
Frances
Swayne waxa ay aad u jeclayd in ay sawir ka qaaddo oday Guuleed, hase yeeshee
waxa la sheegaa inuu ahaa nin da' weyn oo laga yaabo inaanu ogolayn ama jeclayn
in sawir laga qaado, sidaas darteed qoraagu waa ay dabin-dhawraysay in ay sawir
ka qaado iyada oo cabsi qabtay in dhibaato kaga timaado. Ka dib Majorka Ina
Igare ka codsatay in uu arintasa kala hadlo oday Guuleed.
Musa
Faarax Igare waxa uu qaatay masuuliyadii codsiga Swayne waxaanu oday Guuleed
Xaaji kala hadlay arintii. Waxa uu la qaatay kulan gaar ah, waxaanu ula hadlay
si deggan, muddo yar dabadeedna waxa uu helay oggolaanshihii loo baahnaa.
Frances Swayne waxa ay sawirkii qaaday, iyada oo aad ugu faraxsan, waana
sawirka asalka ah ee ilaa hadda laga hayo Guuleed Xaaji.
Swayne
mar danbe ayaa ay ogaatay xeeladdii uu adeegsaday Musa Farah si uu arinta ugu
qanciyo odayga. Waxa uu Xaajiga u sheegay in haddii sawirka la qaado, marka ay
qoraagu England ku noqoto ay sawirka u tusi doonto Boqorka Ingiriiska. Frances
Swayne waxa ay arrintan kaga warrantay si maad leh, iyada oo sheegtay in Igare
"uu si weyn ugaga faa'iidaystay mala-awaalka uu u dhisay" si uu u
helo oggolaanshaha odayga.
Inkasta
oo ay ahayd sheeko gaaban, haddana waxay si qoto dheer u muujinaysaa
shakhsiyadda Musa Faarax oo ay ka muuqatay ilbaxnimo. Waxa ay tusaysaa inuu
ahaa nin leh garaad degdeg ah, aftahannimo iyo faham bulsho oo aad u sarreeya.
Halkii uu adeegsan lahaa amar ama cadaadis isaga oo isticmaalaya awooddiisa
ciidan, waxa uu adeegsaday hadal iyo xeelad uu ku gaadho ujeeddadiisa.
Dhacdo
kale oo muujinaysa xidhiidhka ka dhexeeyay Frances Swayne iyo Musa Faarax Igare
waxay ahayd hadiyad uu u dhiibay. Intii ay booqanaysay goobta loo yaqaan Wagon's
Roost oo ahayd xero yar oo nasasho (rest
camp) oo ay dawladdii Ingiriisku ka samaysatay jidkii safarka
ee u dhexeeyey Berbera iyo Sheekh.
Qoraagu waxa ay aad ula dhacday
weelal alwaax laga sameeyay oo ay farsamaynayeen rag Soomaaliyeed. Waxa ay
sheegtay inay jeclayd inay qaadato, balse culayskooda awgeed aanay safarka ku
wadan karin.
Muddo
ka dib, iyada oo joogta Berbera, Major General Musa Faarax Igare ayaa u soo
diray hadiyad weel la mid ah kuwii ay hore u xiisaynaysay, oo ay qaadan karto. Inkasta
oo hadiyaddu ahayd arrin yar, haddana waxa ay muujinaysaa dabeecadda Musa Farah
iyo dhaqanka marti-soorka ee Soomaalida. Frances Swayne dhacdan markale ayaa ay
ku xustay buugeeda.
Ugu
danbayn “A woman’s pleasure Trip in Somaliland” waa buug xiiso badan oo ka mid
ah ilaha ugu muhiimsan ee laga kaydiyay taariikhda, dhaqanka, iyo dhacdooyinkii
qarnigii 19aad ka dhacay Somaliland. Buuggu kaliya kama waramayo arinta Igare
balse waxa uu sidaa xog balaadhan oo wadata cadaymo sawiro iyo taariikh
nololeedka gaarka ah oo qoraagu ku kabayso xaqiiqada ku xusan buuggeed. Dhanka kale,
rances Swayne si buuxda umay qorin taariikhda Ressaldar-Major Musa
Faarax Igare, haddana dhammaan dhacdooyinka ay ku xustay waxa ay sawirayaan nin
si weyn uga dhex muuqday waayo-aragnimadeedii iyo safarkeedii 1905 – 1906 ee Somaliland.
Si kooban waxa uu turjumaan, hoggaamiye, dhexdhexaadiye iyo qof si heer sare ah
u fahmay bulshada habdhaqanka Soomaaliyeed.
Si kooban buuggani waa xusuus-qor safar
(travel memoir) ka warramaya booqashadii ay qoraagu ku timid Somaliland intii u
dhaxaysay Diseembar 1905 iyo Maarso 1906. Buuggu waxa uu si faahfaahsan u
sharraxayaa deegaannadii ay qoraagu booqatay, muuqaalka dabiiciga ah ee dalka,
nolosha bulshada, dhaqanka, xoolaha, ugaadha iyo waayo-aragnimadii ay kala
kulantay dadka Somaliland oo markaas ahaa Maxmiyad Ingiriisku maamulo. Sidoo
kale, waxa uu iftiiminayaa xidhiidhkii ka dhexeeyey maamulka Maxmiyaddii
Ingiriiska iyo bulshada Somaliland, isaga oo si gaar ah u xusaya shaqsiyaad
door muhiim ah lahaa sida Ressaldar-Major Musa Faarax Igare,
oo qoraagu ku ammaantay kartidiisa, aftahannimadiisa iyo kaalintii uu ka qaatay
fududaynta socdaalkeeda.
𝑼𝒓𝒖𝒓𝒊𝒏 𝒌𝒂 𝒕𝒊𝒎𝒊𝒅 𝑩𝒖𝒖𝒈𝒈𝒂 “𝑨 𝑾𝒐𝒎𝒂𝒏’𝒔 𝑷𝒍𝒆𝒂𝒔𝒖𝒓𝒆 𝑻𝒓𝒊𝒑 𝒊𝒏 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅”.
𝑭𝒓𝒂𝒏𝒄𝒆 𝑺𝒘𝒂𝒚𝒏𝒆 1907.
No comments:
Post a Comment