Monday, July 20, 2026

𝐆𝐞𝐧𝐞𝐫𝐚𝐥 𝐌𝐮𝐬𝐚 𝐅𝐚𝐚𝐫𝐚𝐱 𝐈𝐠𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐅𝐫𝐚𝐧𝐜𝐞 𝐒𝐰𝐚𝐲𝐧𝐞: 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐀 𝐖𝐨𝐦𝐚𝐧'𝐬 𝐏𝐥𝐞𝐚𝐬𝐮𝐫𝐞 𝐓𝐫𝐢𝐩 𝐢𝐧 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝”

 Frances Swayne oo u dhalatay Ingiriiska, waxa ay Somaliland timid 12-kii Diseembar 1905, iyada oo ka soo degtay dekedda Berbera kadib safar ay markaas kaga timid Cadan (Aden). Ujeeddada socdaalkeedu ma ahayn hawl dawladeed ama cilmi-baadhis, balse waxa ay ahayd booqasho iyo dalxiis ay ku timid iyada oo casuumad ay ka heshay ina-adeerkeed Brigadier-General E. J. E. Swayne, oo xilligaas ahaa Guddoomiyihii (Commissionerkii) British Somaliland Protectorate.

France Swayne waxa ay ka soo jeeday qoys Ingiriis ah, waxa kale oo ay ilma-adeer ahaayeen Colonel H. G. C. Swayne oo ahaa sahamiye iyo qoraa caan ku ahaa socdaalladii uu ku maray Somaliland. Buuggeeda “A woman’s Pleasure Trip in Somaliland” waxay ku sheegtay in ay muddo dheer xiisaynaysay booqashada Somaliland, maadaama ay wax badan ka maqli jirtay labadaas nin ee ay ilma-adeerka ahaayeen oo sannado badan ka shaqaynayey Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland. Markii xaaladda amniga Somaliland si fiican degtay ka dib dagaalladii Daraawiishta, ayay Swaye heshay fursaddii ay Somaliland ku iman lahayd.

Frances Swayne waxay Somaliland joogtay qiyaastii saddex bilood, laga soo bilaabo Diseembar 1905 ilaa Maarso 1906. Inta badan muddadaas waxa ay degganayd Sheekh, oo markaas ahayd xaruntii ugu muhiimsanayd ee Guddoomiye General E.J.E Swayne, hase yeeshee waxay booqatay deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Berbera, Dubar, Lower Sheikh, Waggar, Dara-Ass iyo Hargeysa, halkaas oo ay kula kulantay saraakiil, madax-dhaqameedyo iyo bulshada Soomaaliyeed.

Waayo-aragnimadii ay safarkaas ka heshay ayay markii dambe u beddeshay buugga A Woman's Pleasure Trip in Somaliland, kaas oo ay dhamaystirtay dabayaaqadii sannadkii 1907, isla sannadkaasna lagu daabacay dalka Ingiriiska. Buuggaasi wuxuu noqday mid ka mid ah ilaha taariikheed ee muhiimka ah ee ka warramaya Somaliland horraantii qarnigii labaatanaad iyo wixii ay Somaliland kala kulantay.

Inkasta oo Swayne Buuggeeda A Woman's Pleasure Trip in Somaliland aanay ula jeedin inay ka warranto socdaalkeedii iyo waayo-aragnimadii ay kala kulantay Somaliland, haddana buuggu waxa uu inoo soo bandhigayaa sawirro kooban oo qiimo weyn leh oo ku saabsan qaar ka mid ah haldooradii Somaliland ee waqtigaas. Shaqsiyaadka cajiibka ah ee ay la kulantay waxa ka mid ahaa Ressaldar-Major Musa Farah iyo oday Guuleed Xaaji, oo qoraagu kaga waramay qaybaha ugu xiisaha badan siga ka muuqata sawirada buuggeeda.

Musa Farah ma aha qof buugga loogu qoondeeyey cutub gaar ah ama taariikh nololeed faahfaahsan. Si kastaba ha ahaatee, mar kasta oo magaciisu ka soo buuggan waxa uu la xidhiidhaa dhacdo muhiim ah ama hawl u baahan caqli, xilkasnimo iyo hoggaamin. Taasi waxa ay akhristaha tusaysaa in qoraagu u arkaysay inuu ahaa nin ka duwan saraakiisha kale ee ay la kulantay wakhtigaas. Inkasta oo aanay si toos ah u odhan “Musa Farah waxa uu ahaa hoggaamiye weyn iyo sarkaal noociisu ku yaraa dadkii la shaqeeyay dawladii Ingiriiska,” haddana habka ay uga sheekaynayso dhacdooyinkiisa ayaa si cad u muujinaya qaddarinta ay u haysay iyo sida uu uga caawiyay safarkeedii xeebaha iyo dhulka Somaliland.

Marka la akhriyo dhammaan meelaha uu magaciisu kaga soo muuqdo buugga, waxa muuqata in Ressaldar-Major Musa Faarax uu ahaa nin isku darsaday geesinimo, xikmad, aftahannimo, dulqaad iyo karti uu dadka ugu kasbado hadal wanaagsan. Waxa uu ahaa nin fahamsan dhaqanka Soomaalida, isla markaana awood u lahaa inuu xidhiidh wanaagsan ka dhex abuuro bulshada iyo maamulka Ingiriiska.

Kuma ayuu ahaa Major Musa Faarax Igare?

Buuggu waxa uu Musa Faarax Igare ku soo bandhigayaa isaga oo haya jagada Ressaldar-Major, oo ahayd darajada ugu sarraysay ee uu askari Somaliland gaadhi karo xilligii gumaysiga Ingiriiska. Jagadani ma ahayn mid ciidan oo keliya, balse waxa ay ahayd xil u baahan qof isku darsaday karti hoggaamineed, waayo-aragnimo, daacadnimo iyo kalsoonida bulshada.

Sida qoraagu kaga warantay dhigaalkan, gudoomiyihii markaas ee Maxmiyaddu Ina Igare guddoonsiiyay abaalmarino uga yimid Boqorka Ingiriiska ee wakhtigaas. Komishineerku isaga oo Boqorka ka wakiil ah ka soo qaatay ogolaansho si Igare loogu abaal mariyo saddex qodob: seef sharaf ah, warqad rasmi ah oo si qurxoon loo farshaxameeyay (illuminated address), taas oo laga sameeyay London, oo lagu qoray Ingiriisi iyo Carabi labadaba), iyo tan sadexaad oo ahayd 2,000 rubi oo lacag ah. Abaalmarintan waxa lagu diwaan furan, kulan ka dhacay Berbera, oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan Yurubiyaankii magaalada iyo tiro aad u badan oo ka mid ah bulshada. Musa Farah Igare waxa uu si weyn ugu faanay sumcaddan, oo markii saraakiishu la kaftameen, uu ku tilmaamay "khasaare lacageed," balse sheegay bixin doonin xataa 500 oo ka mid ah.

Qofka haya darajadan waxa uu ahaa Biriijka isku xidha maamulka Ingiriiska iyo bulshada. Waxa uu la shaqayn jiray saraakiisha Ingiriiska, isla markaana waxa uu xidhiidh joogto ah la lahaa salaadiinta, cuqaasha, culimada iyo madax-dhaqameedka. Sidaas darteed, Ressaldar-Major ina-igare waxa uu ahaa nin ay tahay inuu fahmo labada dhinacba, kuna guulaystay inuu si heersare ah ugu kala gudbiyo farriimaha si aan fahan-daro u dhexmaro labada dhinac.

Muuse Faarax Igare waxa uu qaatay darajada sare ee Ressaldar-Major; isaga noqday taliye ka mid ah ciidamada fardooleyda ee la shaqeeya gumeystaha Ingiriiska. Waxa uu ka soo qayb galay ku dhawaad dagaal kasta oo ka dhacay dalka muddo labaatan sano oo uu shaqadan ku jiray. Markii qoraaga buugga yimid magaalada Sheikh, Musa Faarax waxa uu ku sugnaa Burco, isaga oo ilaalinaya amniga guud ee gobolka, laakiin si joogto ah ayuu u iman jiray Waggar isaga oo keeni jiray ciidamadii tababarku uga socday halkaas.

Markii Frances Swayne timid Somaliland, gaar ahaan xaruntii Maxmiyada ee degmada Sheekh, waxa ay la kulantay saraakiil badan oo Ingiriis iyo Somali isugu jiray. Intii ay halkaas joogtay  waxa ay la kulantay madax-dhaqameedyo badan, odayaal, culimo iyo marti kala duwan oo imanaysay xerada. Maadaama aanay af-Soomaaliga aqoon, waxa  ay u baahnayd qof luuqada Ingiriisida yaqaan oo u kala turjuma iyada iyo bulshada. Qofka hawshaas oo muhiim u ahayd qoraaga u qabtay waxa uu ahaa Ressaldar-Major Musa Faarax Igare. Qoraagu mar ay ka hadlaysay heerka luuqadiisa waxa ay tidhi “Ingiriisidiisu ma ahayn mid buuxda, balse waxa uu ahaa nin si fiican u yaqaan sidii isu kaaya fahamsiin lahaa aniga iyo bulshad”.

Si kastaba ha noqotee, Igare waxa uu noqday turjumaan, lataliye iyo qof isku xidha qoraaga iyo bulshada. Hase yeeshee, shaqadiisu kuma koobnayn turjumaad ereyo oo keliya, balse waxa uu ahaa nin si fiican u yaqaan dhaqanka iyo habka dadka loola macaamnilo. Qoraagu waxa ay sheegtay in uu si fiican u fahamsanaa sida loo kasbado kalsoonida madax-dhaqameedka iyo sida loo ilaaliyo sharafta martida, taasina waxa ay ka dhigtay shakhsi muhiim ah oo aan kaliya koobnayn hoggaanka ciimada awrta ee uu u talinayay.

France Swayne waxa ay ku rilmaantay in aanu ahayn nin xoog u adeegsanaya dadka uu maamulayay balse waxa uu ahaa shakhsi adeegsanaya xigmad, dulqaad iyo hadal-togan. Taasi waxa ay ahayd sababta uu ugu guulaystay inuu noqdo qof ay isku mar ku kalsoon yihiin maamulka Ingiriiska iyo madaxda Somaliland ee maxmiyada iyo bulshaduba.

Dhacdadii Caanka ahayd ee Guuleed Xaaji.

Dhacdada ugu caan san ee buuggu kaga warramayo Ressaldar-Major Musa Faarax waxa ay ahayd markii uu yimid Xaaji Guuleed, oo ahaa oday Soomaaliyeed oo la sheegay inuu jiray 101 sano. Guuleed Axmed Sugulle (Guuleed Xaaji) waxa uu ahaa oday dhaqameed, caaqil, iyo hoggaamiye caan ah oo ka tirsan beelaha Burco iyo Oodweyne. Guuleed waxa uu lahaa sheekooyin iyo xigmado caan ah oo ay ugu caansanyd sheekadii dhexmartay isaga iyo Badmareenkii Richard Burton.

Frances Swayne waxa ay aad u jeclayd in ay sawir ka qaaddo oday Guuleed, hase yeeshee waxa la sheegaa inuu ahaa nin da' weyn oo laga yaabo inaanu ogolayn ama jeclayn in sawir laga qaado, sidaas darteed qoraagu waa ay dabin-dhawraysay in ay sawir ka qaado iyada oo cabsi qabtay in dhibaato kaga timaado. Ka dib Majorka Ina Igare ka codsatay in uu arintasa kala hadlo oday Guuleed.

Musa Faarax Igare waxa uu qaatay masuuliyadii codsiga Swayne waxaanu oday Guuleed Xaaji kala hadlay arintii. Waxa uu la qaatay kulan gaar ah, waxaanu ula hadlay si deggan, muddo yar dabadeedna waxa uu helay oggolaanshihii loo baahnaa. Frances Swayne waxa ay sawirkii qaaday, iyada oo aad ugu faraxsan, waana sawirka asalka ah ee ilaa hadda laga hayo Guuleed Xaaji.

Swayne mar danbe ayaa ay ogaatay xeeladdii uu adeegsaday Musa Farah si uu arinta ugu qanciyo odayga. Waxa uu Xaajiga u sheegay in haddii sawirka la qaado, marka ay qoraagu England ku noqoto ay sawirka u tusi doonto Boqorka Ingiriiska. Frances Swayne waxa ay arrintan kaga warrantay si maad leh, iyada oo sheegtay in Igare "uu si weyn ugaga faa'iidaystay mala-awaalka uu u dhisay" si uu u helo oggolaanshaha odayga.

Inkasta oo ay ahayd sheeko gaaban, haddana waxay si qoto dheer u muujinaysaa shakhsiyadda Musa Faarax oo ay ka muuqatay ilbaxnimo. Waxa ay tusaysaa inuu ahaa nin leh garaad degdeg ah, aftahannimo iyo faham bulsho oo aad u sarreeya. Halkii uu adeegsan lahaa amar ama cadaadis isaga oo isticmaalaya awooddiisa ciidan, waxa uu adeegsaday hadal iyo xeelad uu ku gaadho ujeeddadiisa.

Dhacdo kale oo muujinaysa xidhiidhka ka dhexeeyay Frances Swayne iyo Musa Faarax Igare waxay ahayd hadiyad uu u dhiibay. Intii ay booqanaysay goobta loo yaqaan Wagon's Roost oo ahayd xero yar oo nasasho (rest camp) oo ay dawladdii Ingiriisku ka samaysatay jidkii safarka ee u dhexeeyey Berbera iyo Sheekh. Qoraagu waxa ay aad ula dhacday weelal alwaax laga sameeyay oo ay farsamaynayeen rag Soomaaliyeed. Waxa ay sheegtay inay jeclayd inay qaadato, balse culayskooda awgeed aanay safarka ku wadan karin.

Muddo ka dib, iyada oo joogta Berbera, Major General Musa Faarax Igare ayaa u soo diray hadiyad weel la mid ah kuwii ay hore u xiisaynaysay, oo ay qaadan karto. Inkasta oo hadiyaddu ahayd arrin yar, haddana waxa ay muujinaysaa dabeecadda Musa Farah iyo dhaqanka marti-soorka ee Soomaalida. Frances Swayne dhacdan markale ayaa ay ku xustay buugeeda.

Ugu danbayn “A woman’s pleasure Trip in Somaliland” waa buug xiiso badan oo ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee laga kaydiyay taariikhda, dhaqanka, iyo dhacdooyinkii qarnigii 19aad ka dhacay Somaliland. Buuggu kaliya kama waramayo arinta Igare balse waxa uu sidaa xog balaadhan oo wadata cadaymo sawiro iyo taariikh nololeedka gaarka ah oo qoraagu ku kabayso xaqiiqada ku xusan buuggeed. Dhanka kale, rances Swayne si buuxda umay qorin taariikhda Ressaldar-Major Musa Faarax Igare, haddana dhammaan dhacdooyinka ay ku xustay waxa ay sawirayaan nin si weyn uga dhex muuqday waayo-aragnimadeedii iyo safarkeedii 1905 – 1906 ee Somaliland. Si kooban waxa uu turjumaan, hoggaamiye, dhexdhexaadiye iyo qof si heer sare ah u fahmay bulshada habdhaqanka Soomaaliyeed.

Si kooban buuggani waa xusuus-qor safar (travel memoir) ka warramaya booqashadii ay qoraagu ku timid Somaliland intii u dhaxaysay Diseembar 1905 iyo Maarso 1906. Buuggu waxa uu si faahfaahsan u sharraxayaa deegaannadii ay qoraagu booqatay, muuqaalka dabiiciga ah ee dalka, nolosha bulshada, dhaqanka, xoolaha, ugaadha iyo waayo-aragnimadii ay kala kulantay dadka Somaliland oo markaas ahaa Maxmiyad Ingiriisku maamulo. Sidoo kale, waxa uu iftiiminayaa xidhiidhkii ka dhexeeyey maamulka Maxmiyaddii Ingiriiska iyo bulshada Somaliland, isaga oo si gaar ah u xusaya shaqsiyaad door muhiim ah lahaa sida Ressaldar-Major Musa Faarax Igare, oo qoraagu ku ammaantay kartidiisa, aftahannimadiisa iyo kaalintii uu ka qaatay fududaynta socdaalkeeda.

 

𝑼𝒓𝒖𝒓𝒊𝒏 𝒌𝒂 𝒕𝒊𝒎𝒊𝒅 𝑩𝒖𝒖𝒈𝒈𝒂 “𝑨 𝑾𝒐𝒎𝒂𝒏’𝒔 𝑷𝒍𝒆𝒂𝒔𝒖𝒓𝒆 𝑻𝒓𝒊𝒑 𝒊𝒏 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒍𝒂𝒏𝒅”.

𝑭𝒓𝒂𝒏𝒄𝒆 𝑺𝒘𝒂𝒚𝒏𝒆 1907.

 

No comments:

Post a Comment