Thursday, April 7, 2016

Isa Seegga Gayaanka Marka Guurku Yimaaddo.

W/Q:- Maxamed M Jaaj.

Maalmahan nolosha iyo fahankeedu wuu fududaaday, oo ballaadhay marka la  barbar dhigo wakhtiyo hore oo dadku  miyiga ku dhaqnaayeen. Sidaas oo kale, nolosha iyo caqabadaheeduna waa ay garab socdaan, oo waxa aad mooddaa in ay intii hore ka duwn yihiin kana casrisan yihiin. Sababtuna ay tahay uun xaddaaradda iyo ilbaxnimada sii fogaanaysa ee cirka ku sii libdhaysa. Sida dhaqamada,dhaqaalaha, siyaasadda, tiknoolajiga iyo hab fikirkuba isu beddelay ayuu guurkuna isu dooriyay. Sida guurka iyo qaab guursiguba isu geddiyay ayaa furriinka iyo burburka qoysaskuna u daba socdaan. Dabeecadda nolosha ayay ka mid tahay in  qoys  dhismi karo, midkalena burburi karo. Taasina waxa ay tusaale u tahay dhammaystir la’aanta Bini aadamka oo ah mid khalad iyo hilmaan u saaxiib ah.  Laakiin su’aashu waxa ay tahay in qoys la  dhiso aad ayaa la isugu hawlaa, oo loogu halgamaa, laakiin maxaa loogu guntan waayay in la xalliyo sababta qoysas badani ugu burburayaan xaalado fudud oo la maarayn karo? wa arrin la in la is waydiiyo u baahan malahayga. In la badbaadiyo jiritaanka qoyska waxa ay lagama maarmaan u tahay quruxda iyo waaridda bulshada, Qaranka iyo Adduunkaba guud ahaan.

Haddii dhaqankii hore ay ka mid ahayd, in gayaanka la isu dooro. Haddii dhaqankii hore awood farabadan siinayay ninka oo aanay gabadho doorasho farabadan lahayn ama waalidkeed gaar ahaan aabbuhu halka uu mariyo uun ay maraysay. Hadda xaaladdaasi waa laga digo rogtay, waxaana looga guuray ammin  gabadhu yeelato dookh iyo rabitaan dhamaystiran oo iyada u khaas ah. 90% iyo wax ka sii badanba gabadha Soomaaliyeed maanta iyada ayaa u madax bannaan sidii ay u soo xulan lahayd ninka ay u aragto in uu hanan karo. Waa fursad ay ahayd in goor horeba haweenku helaan si looga hortago niyad xumo ka dhalata in  gabadha lagu daro qof aan rabitaankeed ahayn, ugu danbaynna si fudud u kala tagaan.

Qaab nololeedka dhaqan dhaqaale ee bulshada ayaa qayb wayn ka ah furfuraanta ama xidhxidhnaanta guurka. Taa tu la mid ah jiritaanka iyo waaritaanka qoysaska waxa door wayn  ka ciyaara wakhtigan danbe dhaqamada la isu gudbiyo, dhaqaalaha iyo hab fikirka ay bulshooyinku isu tebiyaan iyada oo uu sahlay tiknooljigan heerka sare gaadhay maanta.

Inta badan labada qof ee nolol abuurayaa waxa ay u badan tahay in baadhitaanno dhinacyo badan leh midba gaarkiisa u sameeyo si uu u hubiyo qofkani in uu yahay kii isaga ku habboonaa. Arrinta baadhitaanka iyo u kuur galidda dhinaca lammaanaha waa ay ku kala geddisan yihiin labka iyo dheddigu. Kala geddisnaantaasi waxa ay ku dhisan tahay labnimo iyo dhedignimo. Haweenku waxa ay isticmaalaan halbeeg iyo cabbir iyaga u khaas ah, kaasi oo aad uga duwan kan raggu adeegsado. Tusaale ahaan, gabadhaha soomaaliyeed intooda badani waxa ay awoodda saaraan in ay ogaadaan in ninku yahay mid maal haysta. Tani ma aha wax la qariibsan karo, waayo waxa ay gabi ahaanba haweenku neceb yihiin adduun la’aanta iyo  gacan adayga ninka, sifada uu doonaba ha lahaadee. Waana dhaqan ay ka siman yihiin haween waynaha adduunku oo aan la beenin karin. Halka raggu u dhabbo galo sidii uu u hubin lahaa gabadha garashadeeda, gaarinimadeeda, gasiinkeeda iyo guri ogaalkeeda. Guur kasta arrimahan  si fiican loo lafa guraa waxa loo badinayaa in uu burbur ka badbaado.

Aragtida ah “dumarka beenna waa lagu soo xero galiyaa, runna waa lagu dhaqaa” waa aragti beenowday waayadan danbe, in ay beenowdana ay waajib ahayd haddiiba ay jirtay. In been la sheego waa xaaraan, in qof lagusoo afduubana ma bannaana. Runta oo aad sheegto haba qadhaadhaate waa arrinta kali ah ee aad ku hantiyi karto gabadh amma wiil. Aragtidani waxa ay ka mid tahay arrimaha sida tooska ah uga qayb qaata burburka qoyska.  Fikir ahaan, aragtidani waxa ay ka dhalatay baqe uu waagii hore raggu ka baqe qabay in ay guur beelaan wax hayn la’aan dhinaca adduunyada ah awgeed, sidaas ayay xeeladdan ku keeneen. Haddaba, mushkiladaha ku lammaan arrintan waa mid qoyska dumin karta, oo maxsuulkeedu noqon karo in qoyskii noqdo mid is aamini waaya waliba gabadhi ay ka aamin baxdo wiilka maaddaamo oo uu been ku keenay guriga. Taasina waxa ay dhaawacdaa kalsoonida ay isku qabaan lammaanuhu, haddii kalsoonida qoysnimadu dhimatana xaalku waxa uu noqonayaa xero bahal ku jiro xoolo kuma dhaqmaan.

Dhanka kale, haddii lammaanaha midkood leeyahay  iin (weakness), waxa la rabaa in ka kale la yimaaddo dulqaad iyo roonaan, maaddaama oo aanu jirin qof dhammaystiran.  Wayo burburka qoysku waa mid saamayn isku mid ah ku leh labada  qofba gaar ahaanna gabadha oo aanay marnaba u fiicnayn in ay magac kale yeelato marka la furo (macnaha carmal loogu yeedho) ninkuna uu dareemo niyad jab.

Farqiga u dhexeeye heer nololeedka labada lammaane isna waa mid  saamayntiisa leh. Tusaale ahaan, gabadhu haddii ay raaxo kusoo kortay waxa laga yaabaa in ay jeceshahay in ay ku sii jirto nolosheeda hore ee rayraynta badnayd taasina ay ka mashquuliso wajihidda iyo maaraynta nolosha cusub ee ka duwan tii ay ku soo dhaqnayd. Wakhtina ay ku qaadato in ay u bislaato noloshan teedii hore ka adag. Muddo haddii ay sidaas ku jirto waxa suuro gal ah in aakhirka gabadhu furriin dalbato reerkuna sidaa ku allaysto.

Hugun raaca iyo iska guursiga aan ku dhisnayn xulashadu waa sababaaha keeni kara in lammaanuhu wakhti dheer wada joogi waayaan. Gayaan kasta, lab iyo dhedigba waxa loo baahan yahay in uu lahaado xirfad haasaawe oo uu kula macaammilo dhiggiisa uu doonayo in guur la wadaago. Waxa habboon in muddo la siiyo gaadashada lammaanaha. Haasaawaha iyo gaadashada guurku waxa ay kor tagtaa in qofku si fudud oo aan ka fiirsi lahayn u guursado ka dibna  ku  sino ballaadho. Sida horeba loo yidhi “guurku marka hore wuu sino dhuuban yahay, laakiin marka danbe wuu sino ballaadhaa” baytul qasiidka maahmaadani waxa uu daaran yahay in marxaladda qoysnimadu u baahantahay masuuliyad iyo xog ogaalnimo dheeraad ah. deg deg kasta oo qofku ku guursadaana ay sababi karto in gayaanku tahli waayaan maaraynta arrimaha qoysnimo. Tusaale ahaan, dhallinta yaraanta amma jibbada ku guursata ayaa caqabadan oo kale wajaha.

Keli tashinimada ninka amma gabadhu waxa uu keenaa fashil qoysnimo. Talo galinta uu ninku ka talo galiyo haweenaydiisa hawlaha qaar haba adkaadaane  waxa ay kor u qaaddaa jiritaanka qoyska iyo rabitaanka labada qof. Awood daaddejinta uu ninku hawlo badan oo ay gabadho qaban karto ama  wax ka go’aamin karto u dhiibo iyaduna waxa ay dhistaa qoyska oo noqda mid  caqabad kasta kaga gudba wada tashi. Haddaba haddii la waayo wada tashi iyo awood daaddejin amma ninku ku sifoobo kali talisnimo waxa la arkaa in gabadhuna kala hortimaaddo awood caqli oo halkaas ka abuurmo is garbin dhex marta lammaanaha. Ugu danbaynna waxa la arkaa in gabadhu ku gacan sarrayso dagaalka maaddaama oo ay xagga jallaafooyinka dumarku kaga  khatarsan yihiin ragga sida Quraankuba innoo sheegay.

Kalsooni darrada iyo is aaminaad la’aantu iyana waxa ay si fudud u tirtirtaa muxubada qoyska. Labada qof ee guriga ku wada nooli haddii aanay lahayn heer is aaminaaddoodu gaadhsiisantahay  sid uu ilmaha yari xansheerka hooyadii u aaminsan yahay, ee aanu uga cabsi qabin in uu dhulka ku dhaco waxa la arkaa in lammaanuhu tuhun iyo kalsooni darro ku kala irdhoobaan. Ugu danbaynna  waxa  bilaabmanta  in  qallafsanaan ku wada dhaqmaan labada qof iyaga oo midba dhankiisa u raad gadanayo. Tuhun biirayna waxa uu bi’in karaa qoyska.

Dhanka kale, dhaqanka soomaalida qaybtiisa qoysnimada  waxa ku yar in lammaanuhu wadaagaan axwaal kasta oo reerka ku soo biirta. Waxa laga yaabaa in ninku, ninnimo is bido oo dhankiisa isu adkeeyo isaga oo iska waynaynaya in uu afadiisa la xaajoodo ama la wadaago ammuuraha ka fursan waaga ah. Gabadha lafteeduna ay ka dhega adaygto fulinta awaamiirta saygeeda. Lammaanaha waxa la gudboon in ay wajahaan dhib kasta oo ka hortimaadda si wada jir  ah.

Waxa macquul ah, in gabadha ama wiilku leeyahay iimo dabeecadeed oo ay adagtahay in la beddelo, balse lalagula dhaqmi karo sida dhego adkaan  ama talo xumaan xagga ninka ka iman karta. In mushkiladahaas  lammaanuhu iskood u xalliyaan ayaa ka fiican in ay qoyska dumiyaan. Soomaalidii hore marka ay tilmaamayso ninka xaal waaga ah, ee aan talana keenin ta la siiyana ku meel marin iyo gabadha dhegaha adag ama jaariga badan ee aan sayigeeda maqal waxa ay odhan jirtay “rag is giijin wuu ku tala seegaa, dumarna way ku tag seegaan”, Abwaan Cabdi Waaxid oo  maahmaahdaas innoo sii saafayaana waxa uu ku daray labadan bayt ee gabayga ah. waxa uu yidh:  
Sumbo dhega adayggaa diloo saara waligeed
Suburdhana intuu ladan yahuu talada seega.

Maahmaahdan iyo labadan bayt ee gabayga ahiba waxa ay si isku mid ah u iftiiminayaan dabeecadaha fashilin kara qoyska.

Guntii iyo gabo gebadii waxa aan ku soo afmeerayaa qormadan kooban, maaddaama guurka yahay laf dhabarta iyo jiritaanka ummad kasta si loo sii wada abuurka faca danbe waa  in laga  baaraan dego, oo wax badan laga ogaado waxyaabaha keeni kara in qoysku burburo. Markastana lammaanuhu ilaaliyaan ballanta iyo wacadka ay wada galeen ka hor inta aanay noqon marwo iyo mudane is qaba. Waayo furriinka halka la gaadhsiiyay waxa innooga warrantay diinteena suubban oo innoo sheegtay “shayga kali ah ee xalaasha ah, haddana illaahay  cadha galiya ama aanu jeclayni waa furriinka.

Haddaba dhammaan caqabadahan waxa lagaga bixi karaa in gayaanku yeeshaan xog ogaalnimo dheeraad ah inta aanay guursan. Waxa loo baahan yahay in dhallintu la timaaddo baadhid iyo dhugasho dheeri ah oo ku wajahan guurka iyo ammuurihiisa. Iskana ilaaliyaan qiyaas iyo mala awaal kasta oo aan xaqiiqda ku dhisnayn. Waxa kale oo muddan in marka horeba gayaanku isu diyaariyaan masuuliyadda qoysnimo lab iyo dhedigba, si jiritaanka qoyskoodu u  noqdo mid waara, inta ay wada joogaanna ku wada noolaada nolol qurux badan.
Ugu danbayn intaa iyo in kasii badaniba waxa ay sababtaa isa seegga gayaanka marka guurku yimaaddo. Wa billaahi tawfiiq.

Eray bixin:
Suburdhe: Xaal waa, ma tashade, talo kalena ma qaato.
Sumbo: Gabadha dhegaha adag.
Gaadasho: xulasho.

www.fb.com/jaaj120
07.04.2016

No comments:

Post a Comment