
Waxa aynnu u
baahanahay in aynnu samayno Tiknoolaji iyo xarumo hal-abuur si aynnu u dhiiri
galino koboca hal-abuurrada Afrikaanka ah,
u gu danbayn waxa ayn u gaadhi karraa madaxbannaani dhanka Tiknoolajiyadda
ah. Waa wakhtigii aynnu joojin lahayn
macdanta iyo agabka qaydhin ee aynnu dibadda u dhoofino isla maakraana aynnu
xoojinlayahayn Afkirkadeena. Aynu
bilawno isticmaalka Kubarta, Birta,
Dahabka iyo Sifarta si aynnu u ga samayno
alaab aynnu dhoofino taasi oo soo saari karta faa’iido ballaadhan. Waa
maxay sababta aynnu khayraadkeena qaydhin u iibinaynaa isla markaana aynnu u iibsanaa alaab laga soo farsameeyay
qalabkeennii wali ba qiimo aad u sarreeya.
Tani waxa ay ka
dhigantahay uun sidii adiga oo jaajuurkaaga siiya qofkale, ka dibna markii uu
aqal ka samaystay, aad wali raadinayso
hoy aad gasho adiga oo jaajuurkana sameeya.
Madaxda Afrikaanka waa doqmo aan shaki igaga jirin, balse kuwa
caqliga u saaxiibka ahi waa in ay midoobaan oo Afrika ka xoreeyaan gumaysiga
dhaqaale/ganacsi. Nagu soo biir si aan
Afrika u ga dhigno mid wayn.
Qoraal aan ka soo qaatay wajahadda Qaramada Midoobay ee Afrika.
Turjumid.
No comments:
Post a Comment