Sunday, October 15, 2017

Maxay Qoreyaayadu U Noqdeen Dadka u gu Wahsiga Badan?

"Isirka Saykoolajiyadeed ee Wahsiga “dib u dhigashada Hawlaha.”

Sida qoreyaayada badankooda, waxa aan ahay mid wahsi badan oo waliba wahsiga caadaystay. Intii aan ku jiray hawsha qorista maqaalkan waxa aan hubiyay  sanduuqayga farriimaha ku dhawaad saddex kun oo jeer,  waxaanan sameeyay oo haddana tuuray liisas badan oo raashin ah oo aan xushay. Waxa aan galay dagaal wakhti dheer oo dhinaca Twiter-ka ah oo ku saabsan in hannaanka dahabku yahay kan ugu  xun siyaasadda dhaqaalaha ee abid la hindiso.

Waxa aan barta Faysbuugga farriimo u ga diray ardaydii aannu isku fasalka ahayn kuwaas oo aanan arag dhuwaad  tobanaan sano. Waxa aan abuuray qaacido cusub oo lagu macaanaynayo samaynta Jokolaatka khudaarta ah, sida oo kale waxa aan marar badan magacayga ka raadiyay googlaha si aan u ogaado in qofuun raadiyay qormooyin aan qoray  si uu u akhriyo. Waxaan galay hawlo aan jihaysanayn.

Dabcan dad badan baa wahsada oo hawlaha dib u dhiga, laakiin tani qoreyaasha waxay xirfadooda ku tahay khatar guud. Tifaftire buug ayaan kala hadly oo aan xasuusiyay in uu ii sheego buuggii ugu horreeyay ee loo xilsaaray in uu ka shaqeeyo ama tifaftiro sanadihii 1990-dii, balse waxaan ogaaday in uu qandaraaskaas ku jiray laga soo bilaabo sanadkii 1972-kii.

Markale waxa aan wayddiiyay mid ka mid ah asxaabtayda caqliga badan, oo aad na caan u ah sida ay ugu suurto gashay in uu si joogto ah u soo saaro qormo ka kooban sideed kun oo kelmadeed oo heersare ah?  Waxa uu yidhi “waa si fiicane dhegayso. Ugu horeyn waxa aan dib u dhigaa laba illaa saddex todobaad, ka dibna waan u fadhiistaa si aan u qoro. Halkaas marka ay marayso xaajadu waa marka aan hurdada ka tooso ee aan nadiifiyo geerashkayga. Intaa ka dib wax aan fuulaa jaranjarta, haddana waan ka soo degaa, misana u cawdaa xaaskayga saacado dhawr ah.

Sidaas waxa ku taga maalmo badan, ka dib waxaana naxdin igu abuura in aan hawshaydii ku dhamayn waayay wakhtigeeda.  Ugu danbayntii waan fadhiistaa, ka dib na qoraa qormadii aan qabyeeyay.

Sanado ka hor waxaan iswaydinayay aragtida ku saabsan sababta qorayaashu u yihiin kuwo aad uga wahsada shaqada qoridda (wahsadeyaal daran): ku darsoo aad ayaynu ugu fiicanahay fasalka luuqada Ingiriisida. Waa waalli.

Qoreyaasha intooda badani wakhtiga waxbarashada dugsiyada hoose waxay si fudud u gaadhaan darajada ‘A’ marka la gu jiro fasallada Ingiriisida ama luuqadahaba. Wakhtiga yaraanta ee qofku waxbaranayo,  marka macallinka naxwuhu ku dedaalayo in uu inna baro casharro ku saabsan in dedaalku ahaa furaha guusha waxbarashada ujeedka dedaalkoodu ahaa furaha ugu mudan ee guusha waxbarashada iskuulka, se qoreyaasha mustaqbalku waxa ay si cad u beeniyaan qaddiyadan.  Halka kuwa kale ay si cagajiid ah wax u akhriyaan, sidaana waxa ay ku qaataan akhrinta buug-gacmeedka laba fasal. Kuwani waa carruurta soo jeedisa sheeko fanneed dhammaystiran inta lagu jiro mashaariicda fasalka shanaad. Taa macnaheedu ma aha in aanay waligood dhicin, balse xilliga carruurnimadoodaba aad uma guuldaraystaan  awooddooda maskaxeed ee dabiiciga ah ayaa ku ilaalisa in ay noqdaan kuwa hoggaamiya fasalladooda.

Isku-dirqiyidda hawluhu  inta badan innama diyaariyaan, taas bedelkeeda waxaynu bilawnaa is-hagrasho ama isxakamayn awood-jidheed, waana falidda waxyaabo innagu riixa fashil. Tani waxa ay inna baraysaa cashar been ah, oo aan wanaagsanayn, taas oo ah in guusha shaqadu ku xidhantahay garashada u dhalashada [dabiiciga] ah. Nasiib darro se, marka aad tahay qoraa xirfad yaqaan ah waxa aad la tartamaysaa dhammaan carruurta kale ee ugu sarraysa fasalka luuqadda Ingiriisida ama luuqadahaba.  Laga yaabee in aan xirfadaadu noqon ta ugu fiican. Majaal kasta oo nolosha ahna waa sidaas.

Haddii aad noloshaada inteeda badan ku bixisay in aad hore ugu sii socoto kartida dabiiciga ah, adigoo fulinaya wixii  si fudud oo degdeg kaaga hor yimaada, markaa  kelmad kasta oo aad qorto waxa ay noqonaysaa imtixaan lagu ogaanayo inta ay leegtahay kartida aad leedahay, maqaal kastaana waa afti lagu eegayo sida aad u tahay qoraa wanaagsan. Walina waxa ku hortaalla fursad aad wax kaga qorto arrimo badan sida sheeko faneed, taariikh iyo kuwa kale.

Cabsida isku day la’aanta.

Markasta oo wakhti-dhammaadka hawshu soo dhawaado, Qoraayada intooda badani waxa ay isku dayaan in ay maareeyaan hawlahooda qorista. Fulinta qoristoodu waxay si toos ah u bilaabantaa marka cabsidooda ah in aanay waxba isku dayayn/qorin ay ka badato cabsida ay ka qabaan in ay si khaldan wax u falaan [qoraan]. Waxay doortaan inay qorista bilaabaan, haba noqoto mid tayo ahaan liidata’e.

Waxa aan daawaday oo la yaab I gu noqotay tiro badan oo suxufiyiinta da’ yar ah oo  kharribay mihnaddooda qoraal iyaga ku guuldaraystay in ay sameeyaan  maqaallo tayaysan. Wali kooxdani waa dad ka qalinqortay waxbarashada sare Koolajyada, kuwaasi oo qori kara jumlado ama qoraallo dhamaystiran, iyada oo aan aan dhibtu ahayn inay yihiin kuwo caajis ah oo aan khibrad lahayn. Laakiin waxa xakamaysay aragtidooda ah in ay qorayaan qormo aan wanaagsanayn.

Carol Dweck oo ah macallimad cilmi-nafsiga ka dhigta jaamacadda Stanford waxay  iigu jawaabtay waa “Sax”. Dweck waa mid ka mid ah khabiirada ugu caansan aqoonta cilmi-nafsiga dhiirigalinta.  Dweck waxa ay mihnaddeeda inta badan galisay barashada guuldarada iyo sida ay dadku uga falceliyaan marka fashil soo gaadho. 

Sida aad filan karto guuldaradu ma aha hawlaha ku guuldaraysiga hawlaha caanka ah oo kaliya.  Sida ay ku caddaysay cilmi-baadhisteeda waxa ku ogaatay in aan qof waliba ka falcelin oo aan fashilku dadka wada xanuunjin, halka qaar ka mid ah dadkii ay xog-waraysatay intooda badani aanay jeclayn qabashada hawlaha aanay sida wacan u qabanayan, halka kuwa kale na xujada iyo caqabadaha ku koraan.  Kooxdani waxay ay si togan u gu raaxaystaan  qabashada waxyaabihii aanay ku wanaagsan, iyada  oo sababta runta ah ee ay fashilkaas u sababaynayaana tahay in ay cashar ka baranayeen ee aanay fashilmin oo kali ah.

Dweck waxa xal-xidhaale ku noqday waxa marka hore ba dadka ka dhigay kuwa ka duwan kuwa dhiggooda ah, ama la siman xirfad ahaan. Maalin iyada oo fadhida xafiiska, oo falanqaynaysa natiijada tijaabo uu sameeyay mid ka mid ah ardaydeeda qalinjabinaysa waxa ay u soo baxay: in dadka inta badan neceb tartanka ama is xujaynta ay u maleeyaan in kartida caqligu tahay  shay  xadidan oo kaliya lagu dhasho oo aan si kale lagu heli Karin. Dadka ku raaxaysta tayada garashada waxa ay rumaysan yihiin in  awoodda garashadu  tahay mid la kordhin karo iyada oo la qabanayo waxyaabo aanu qofku ku fiicnayn qabashadooda ama aqoontoodaba.

 “Waxa ay ahayd arrin iga yaabisay”  ayay tidhi Dweck.  Waxa ay ku kala saartay in kooxda hore leedahay maskaxd garasho ahaan meel taagan (Fixed mind-set), isla markaana aamisan in aanay korin karin maskaxdooda, halka kooxda danbe tahay kuwa u saaxiib ah garasho/maskax koraysa (growth mind-set) isla markaana kuwani yihiin kuwa jecel waxkorodhsiga joogtada ah iyo kobcinta garashadooda.

Labada qolo ka aad doonto ahow, heerka aad doontana ka ahow, balse waxa ay kaa caawinaysaa in aad ogaato sida aad ula falgalayso shay kasta oo garashadaada tijaabinaya.  Bal u fiirso; dadka maskaxda furan ee garashadoodu korto (kooxda danbe) xujooyinka iyo tartammadu waxa ay uga dhigan yihiin fursad ay ku sii fogayn karaan kartidooda caqliga laakiin kuwa maankooda meel taagan yahay (kooxda hore) waxa ay fursaddu uga dhigantahay halbeeg ay ku   cabiraan heerka saraynta garashadooda iyo sida aan caqligoodu fursaddan wax uga korodhsan karayn.  In aad aaminto fikirkaaga ah in aanad ugu wanaagssanayn hawl qabashadeedu ma aha fursad ku siin karta horusocod, laakiin waa calaamad ama farriin muujinaysa heerka fildaradaada iyo sida aad u doorbidayso shaqo hoose oo aan u baahnayn xirfad sare sida raadinta shaqada dhul-xaadhis.

Cabsida ah in aan la qarin karin si karti-darradaada, waa dhibaato ku badan bulshada waxaanay leedahay leedahay magac caafimaad: Impostor syndrome [xanuun nafis ah oo qofku ka shakiyo heerka garaadkiisa ama xirfadiisa].  Tiro yaab leh oo dadka guulaysta ah gaar ahaan dumarku waxa ay aaminsanyihiin in aanay gaadhin booskoodii waxa aanay khatar ugu jiraan in dibada timaado dhaliishoodau wakhti kasta.  Tan bedelkeeda dad badani waxa ay si ula kac u raadiyaan shaqooyin  fudud o ay ka soo dhalaali karaan, taas oo  dadka oo dhami ku ammaani karaan halkii ay si adag u waji lahaayeen hawlaha horyaalla ee aan fududayn ama u baahan kartida caqliga iyo tan jidhkaba.

Kooxdani haddii ay wajahaan xujooyin adag waxa ay muujiyaan in aanay u  diyaarsanayn si nafsi ah iyo si maskaxeed ba hawshaas qabashadeeda. Waxa ay nafahooda ku sameeyeen waxa Cilmi-nafsigu u yaqaan “Is-xakamayn shakhisiyadeed” [Self handicapping]: taas oo macnaheedu yahay falidda waxyaabo qalin-daaraya waxqabadkooda si ay u cudurdaar u gu helaan hawlqabad xumadooda ama in aanay si fiican wax u falin.  Is-xakamaynta shakhsiga ahi waxa ay noqon kartaa mid ilaa heer aad u cajiib ah. Aqoon baadhis la sameeyay ayaa la gu sheegay in mararka qaar raggu ay qaataan daroogooyin ka hortegaya ama joojinaya habsami-u-fallidda hawlaha marka ay qabanayaan shaqooyin aanay ku kalsoonayn in ka soo bixi karaan.

Cilmi-nafsiyaqaan Edward Hirt ayaa qormo uu u bixiyay “halkii ay waxbaranlahaayeen” ku yidhi “habeenka imtixaanka ka horeeya ardaydu waxa ay daawadaan Filim.  Haddii uu waxba ka shaqan waayo waxa uu fashilkiisa ugu cudurdaarayaa in aanu waxba akhriyin ama dhiganba, halkii uu u aanayn lahaa awood darradiisa ama kasma-xumadiisa. Dhinaca kale, haddii uu imtixaanka si fiican u ga shaqeeyo, waxa uu ku tookhayaa in uu awood maskaxeed dheeraad ah leeyahay, maxa yeelay waxa uu imtixaanka ku guulaysan karaa isaga oo aan waxba dhigan/akhrisan”

Haddaba, qoreyaasha aan soo saarin nuqul qormo ah ama wakhti dheerba ku qaadato iyaga oo aaminsan in aanay qormo wanaagsan soo saarayn, waa kuwa si iskood ah isu siiya marmarsiiyaha ugu macquulsan ee ah in aanay ku guulaysanayn qormadaas. 

Alain Boton waxa uu yidhi “ugu danbayn qabashada hawshu waxa ay bilaabantaa marka cabsida aad ka qabto in aanad waxba qaban ay ka badato cabsidaada ah in aad six un wax u fasho.” Dadka illaa xad maskaxdoodu xadidantahay [meel taagan tahay], marnaba is bedelka ama xadhka goosiga garashadu agtooda macquul kama aha.

Dweck waxay sii raacisay  “ubadka aad ugu dheereeya akhrisku iyada oo aan si wacan loo hagin ama la kormeerin waxa ay ku mutaan ammaan ”.  “Maxay se baranayaan? Waxa ay baranayaan in aan  caqli badnaantu ahayn in la ga takhaluso xujooyinka, oo si adag loo shaqeeyo.  Waxa ay u arkaan in si fudud loo wax loo qabto.  Marka ay is qoraan koolajyada ama dugsiyada laga qalin-qorto, hawlaha adagna bilaabmaan   ma garanayaan si ay u wajahaan.”

Ku-mitidida Hawlkarnimada.

Qaab-yaalkeenna waxbarasho waa mid loo dejiyay in uu xanaaneeyo ama caawiyo dadka maskaxda xaddidan oo kaliya.  Bal ka fikir mid ka mid ah fasaladii luuqad Ingiriisida ee caadiga ahaa.  Waxa aad akhriysaa “Qormo/shaqo  uu qoraa hore qabtay,  ka dibna waxa la ga doodayaa farriimaha qoraalkiisa iyo waxa ay ku saabsanaayeen,  hab-luuqadeedka uu adeegsaday, dhismaha buugga/qoraalka iyo sawirka uu ku soo gudbiyay.

 

 Si gaar ah waxa aad u xafiday xikmadihii mucda ahaa si aad xillig imtixaanka u soo maan-faqdid adiga oo aan shiilin ama wakhti kale ba u soo xasuusatid.  Badanaa ardayda aad looguma dhiirigaliyo in ay dhugtaan qabyo-qoraalka shaqooyinkooda hore.  Waxa kali ah ee indhahoodu arkayaan waa maxsuulka sida gacaltooyada leh u subkeen qoraayada iyo tifaftireyaashu. Marka baruhu wayddiiyo “halkaa qoruhu muxuu uga jeeday”? ma jiro qof sheegi kara in jawaabtu noqon karto “mid aanu garanayn”  ama “in jumbladani ka mid ahayd qayb muhiim ah oo ka tirsan qabyo-qoraalka hore oo uu ilaaway in uu dib u muraajiceeyo.”

 

Bal u fiirso sahamaddi ee samayn jiray fasalada sayniska. Waxa ay ka koobnaayeen aragtiyo gebi ahaanba u muuqday in ay sax yihiin waagaa, kama hadlayno dadka aaminsan in khuraafaadka falaadhaha-N ay caddeeyeen in bini aadamku leeyahay 48 hidda-side [Chromosome] ama aragtiba ku rumaystay gacamada khiyaaliga ah ee meeraha Mars la innooga soo tebiyay.  

Marka aynu akhrino aragtiyihii been-abuurka sayniska ahaa ee kacaankii Lamarckian---taasi oo sheegaysa [marka nooluhu wax ka bedelo qaabnololeedkiisa si uu ula qabsado deegaanka, in isbedelkaas uu sameeyay u gudbinayo awlaaddiisa qaab dhaxaltooyo ah. waxa uu rumaysnaa in nooluhu isbedelka hiddaha u sameeyo doonis iyo baahi. Feneroloji –barashada aragti cilmi-nafsadeed tibaaxaysa in astaamaha iyo awoodaha garasho ee maskaxda ay qaabeeyaan samayska qalfoof-madaxeedka qofka-- iyo taranka ay samaynayaan facyawga isbedelayaa.    

Dweck waxay tidhi “ma arkaysid khaladaadka iyo halganka. Sida oo kale ma aha wax la la yaabo in ardaydu fahmaan aragtida ah in qoraaga wanaagsan lagu qeexo mid aan waligiiba qorin qormo liidata, taas ka soo horjeedkeeda in qoraagu wacani ka soo gudbo marxaladaha qoraal ee tayo ahaan liita si uu u noqdo qoraan tayaysan”.

Nasiib darro se waxa aad marwalba shaqadaada qoraalka ku wajahaysaa cutubyo adag,  jaantus-muujineed lagu dedaalayo sawiriddiisa iyo sheekooyin aan dhammaad lahayn oo diidaya in aad ujeedada qoraalka gaadho.  Pastor Furtich waxa uu yidhi “sababta kali ah ee aynnu u la halgamaynno dhamaystir la’aanta xirfadeed, waxa aynu barbardhignay muuqaalkeenna daaha-dabadiisa ah,  iyo qof walba heerarkiisa tayeed ee sare.”

Dhalinyaradu raaxo kuma dareemaan aduunkan aan shaqadiisu qorshaynsayn. La yaab ma leh in arday badan oo aqoon leh ay galaan suuqa xirfdaha iyaga oo wata qorsheyaal cadcad sida suuqa maaliyada iyo la-talinta.

Muddo laga joogo lix sano, mufasiriintu [khubarada arrimaha bulshada faalleeya] waxa ay ogaadeen hab-dhaqameed  ku lammaan jiilka danbe ee casrigan ka soo qalin-qoratay jaamacadaha. Ugu danbaynna qoraaga la yidhaa Ron Alsop  waxa uu u bixiyay ‘ubadkii guulaha’ [ubad qurxoon oo guushoodu muunad  u tahay waalidka]. Facan waxa la baray in ay aaminaan in aanay jirin guuleystaal iyo guuldaraystaaltoona ama kala mudnaaniba, waxa ay helayaan abaalmarin haba ahaadaan kuwa aan lahayn hibo-xirfadeed iyo habsami u shaqayn wanaagsane. Waa dad la koolkoolinayo oo mar walba la muunaynayo.  

Marka ubadkani shaqo galaan, maaareeyayaashooda shaqo waxa ay kaga soo cawdaan in qalinjabiyaashan cusubi filnayeen in goobta shaqadu u la mid noqoto ardaagii waxbarashada [iskuulka] ee sida fiican u qaabaysanaa, deganaanta iyo raaxada badnaa. Taas oo gundhaceedu yahay in ay rajaynayeen in hawlaha shaqadu u habaysan yihiin sidii hawlaha waxbarashada dugsigu isugu dubbadhacsanaayeen, iyaga oo aan haabka ku darin in  shaqadu ka duwantahay  oo ay kaaga baahantahay in aad adigu nidaamiso, qorshayso, dhaqaajiso oo isku dubbariddo.  

Waxa ay kaaga baahanyihiin in aad dulsaarto hawlo adag  oo si wanaagsan loo qeexay iyo warcelin joogto ah, sidii iyaga oo wali isku dayaya in ay ogaadaan waxa imtixaanka ku iman doona [baqe-galin shaqo].  Way kugu adkaanaysaa in aad ku celiso warbixin taban oo qeexaysa hoosaynta  heerkooda shaqo haddii aanad burburin islawaynidooda. Waxa ay u fikir-soconayaan sidii ay garanayaan wax ka badan inta garanayaan”, qof loo-shaqeeye ah ayaa sidan u sheegay Bruce Tulgan: qoraaga buugga Qof waliba ma hanto billad—Not Everyone Gets Trophy.  

Waan ka yar shakisnaa markii aan bilaabayay in aan arrinta dadka wax ka wayddiiyo. Isku soo wada duuboo, qarniyo badan ayaa waaya-araggeenna ama dadkeenna waawayni ka murugaysanyihiin waayo-aragnimo la’aanta da’yarta wakhtigan,  balse markasta oo aan mawduucan badka keenaba waxa aan la kulmayay duufaanno cabashooyin oo igaga imanayay dadyaw maamulayay shaqaalaysiinta iyo la macaamilka jiilka danbe tobannaan sano.

Taas oo daaran in marwalba kala duwan yihiin xaaladaha shaqo iyo  marka qofku deegaanka kobcinta garaadk iyo qalwada aqoonta ku jiro.  Maareeyaashani waxa ay awoodayeen in ay is barbardhigaan fasaladii hore ee da’yartan iyo hadda, iyaga oo aan ka  cabir qaadanayn sawir maskaxeedka inagu kaydsan ee innoo sheegaya sida aynnu dhammaanteen u tayo-fiicnayn markii aynnu gedahooda ahayn.  Waxa aanay ku adkaysanayaan in si dhab ah wax isu bedeleen--  isbedelkaas oo aan ku xadidnayn carruurta la koolkooliyo ee la buunbuuniyo  horyaalnimadooda.

Todd: maamulaha Midwest oo ah goob baabuurta lagu kireeyo waxa uu yidhi “waxa aan shaqaalaysiin doonaa qof wanaagsan oo da’diisu tahay 27 jir.  Haddii aan shaqaalaysiiyo qof u dhexeeya 23 ilaa 24 sano jir, waxa uu iga doonayaa in aan wax kasta u sharraxo, oo mar walba dultaagnaado si aan shaqada u gu tilmaamo. Waxa ay ka dhigantahay sidii adiga oo muddo afar sano ah  taabanayay daaraa-damiyaha laydhka.” Facani waa dad xoog-finiin ah, kana taxaddir badan facayga, balse waxa badankooda ka muuqata in aanay la dhacsanayn adduunkan aan shaqadiisu habaysnayn marka la barbardhigo goobaha ay wax ku soo barteen ee sida qurxoon loo habeeyay.

Ma aha wax la la yaabo in arday badan oo hormood  ahayd ayaa ku shaqeeyaan shaqooyinka maamulka maaliyadda iyo la-talinta--waa shaqooyin ay ku urursan yihiin haldooro kale oo jaamacado ka soo qalin-qortay, kuwaas oo ah dad isku-dubadhacsan oo wata qiimayn togan.

Qalinjabiyeyaasha maanta waa ay ka aqoon wanaagsanyihiin marka la barbar dhigo facii ka horreeyay, waanay ka hawl-karsan yihiin laakiin shaqo wanaaggoodu kaliya waxa uu soo baxayaa marka jihayn iyo hagid cad la siiyo.  Waa dad ammaanta iyo muunaynta joogtada ah baahi badan u qaba.  Maaha wax la la yaabo in kuwa badan oo ka mid ah facan oo qaangaadh ah la gu garabtaaganyahay dhankasta oo noloshooda ah? waalidiinta  duruufaysan ee la nool xaalado dhaqaale oo hooseeya waxa ay ubadkooda siiyaan diyaarin  tayaysan yaraantooda si loogu sii diyaariyo higgaamin  ama ba looga dhigaba Dalai Lamas yar [hoggaamiyaha ruuxiga ee diinta Buudhism-ka].  

Tod waxa uu intaas sii raaciyay “sida iska cad dhammaan taageerooyinkani waa kuwo halis firfircoon ku leh  facan danbe. Maalmahan waxa la ii sheegay in dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Newyork si degan oo farsamaysan ula tacaalayaan faafidda mushkilado  yar  oo macalimiinta qaaliga ah ka imanaysa, kuwaas oo iyagu u ga shaqanaya ubadka shaqo-gurigoodii, taasi oo ah waxa aan xataa laga fikiri karin markii aan dhanka waxbarashada ku jiray labaataan sano ka hor.  Waalidiinta waxa ay la shaqeeyaan bareyaasha, laakiin ubadka lama shaqeeyaan, laakiin dhawaanahan waxa ay u muuqataa in arrintaasi is bedeshay.”

Tobanaan sanoba waxa jirtay fursad in laga mahadceliyo mudan, taas oo ah korodhka iyo  balaadhnaanta deegaanka waxbarasho, walina waxa jira ardaa waxbarasho oo uu helayo arday kasta oo doonaya in uu koolajyada iska diwaangaliyo. Laakiin war baa jira. Badi goobaha waxbarasho ee cusub waxa laga sameeyay dugsiyo aan si aad ah loo soo xulin.  Maraykanka  saddexdii meelood, laba ka mid ahi waxa ay iska diwaangaliyaan Koolajyo ujeeddadoodu tahay in ay aqbalaan qofkasta oo soo codsada.  Dugsiyada ugu wanaagsani waxa ay aayar aayar ah ugu kordhiyaan koboca dadwaynnaha tayada leh boqolkiiba toban.  

 

Baahida loo qabo in la buuxiyo  goobahan aad bay u korodhay, maxa yeelay dhaqaaluhu marwalba waxa uu galayaa tartan hor leh,  waalidkuna waxa ay naawilayaan in loo damaanad qaado guusha ubadkooda. Iskuul tayadiisu wanaagsantahayna waa waxa ay marwalba si dhaw uga fikiri karaan.

 

Ugu danbayn waxa aynnu waalidkeen ka helaynaa rabbayn dhug leh:  waxa ay samaynayaan kormeerid  joogto si ay u hubiyaan in ubadkoodu iska tuurin sallaanka guusha ee ay filayaan inuu ku hagayo galidda koolajyada tayada leh, si ay timaadada u gaadhaan nolol wanaagsan. Guud ahaan waa falcelin togan oo ku aaddan nidaamkeenna waxbarasho, kuna taageeraya in uu hore u socdo, waayo surmoseegto kaliya oo aynnu samaynaana waxa ay inaga reebaysaa tartanka.

Laakiin tani ma tahay carbin wanaagsan?  Shahaadooyin dahab ahi inooma damaanad qaadayaan guusha, sidaas si la mid ah habka waalidku u hubinayo ilmahdiisa.  Waalidku  kaliya waxa ay hor istaagayaan waxa ay u baahan yihiin  oo ah ubad aqoon ahaan dhisan iyaga oo  marar badan dariiq adag u maraya. Sidaas oo kale waxa ay halmaansiinyihiin in ay khaladaadkooda casharro ka baranayaan, marka laga reeyo isla markaana dib boodhka isaga tumaan oo halkii halganka ka sii wadaan, ama u guuldaraystaan si sharaf leh [ guuldarro ka soo gaadhay isku daygooda oo waaya aragnimo iyo horusocod u kordhisa].  Tani waa midhka [waaya aragnimada] ugu muhiimsan ee ubadkeennu ka baranayaan dugsiyada, laga yaabaa in kuwa kale taa bedelkeeda yihiin.

W/Q: Megan Mcardle.

W/T: Jaaj

No comments:

Post a Comment