
1. Waxa ay kacaan saddex saac ka hor xilliga shaqada.
Sida ay sheegeen cilmi-baadheyaashu, dadka tijaarta ahi waa kuwo goor hore kaca, isla markaana diyaar garaw fiican sameeya ka hor inta aanay tegin goobta shaqada. Taasina waxa ay ka dhigtay kuwo firfircoon. Qofka oo goor hore kacaa waxa uu helayaa firfircooni maskaxeed iyo mid jidheed taasina waxa ay u sahlaysaa in uu noqdo qof tamartiisa ka faa’iidaysta.
2. Waxa ay
ka Hadlaan Fikradaha, Laakiin kama Hadlaan Mushkiladaha.
Dadka gaadhay guulaha maaliyadeed
waa dad awoodda saaraha soo shaacbixinta fikrado cusub oo xidhiidh la leh
hadafyadooda dhaqaale iyo kuwooda qof ahaaneedba. Kuma mashquulaan wakthina
kuma bixiyaan ka hadalka dhibaatooyinka, balse waxa ay awoodda saaraan xallinta
dhibka taagaan. Waxaanay hal-abuuraan waddooyin cusub iyo fikrado cusub oo nolosha wax ka bedela. Waa fikrad ka hadlayaal.
3.Hal Saac Wax Ka Badan Ma Daawadaan TV.
Sida uu xusay qoraaga Thomas Corley ku
sheegay buuggiisa “Rich Habits: The Daily Success Habits Of
Wealthy Individuals,” 67%
dadka tijaarta ahi ma daawadaan TV hal saac wax ka badan maalintii. Taa
bedelkeedana waxby akhriyaan. Halkani waxa ay inna tusaysaa in aanay wakhti
badan galinin daawashadii TV, haddii ay daawadaana ay saacado kooban
horfadhiyaan muuq-baahiyaha hortiisa.
4.Waxa ay sameeyaan jimcsi maalin kasta haba yaraadee.

Inta badan dadka tijaarta ahi waxa ay leeyihiin hiwaayad jimicsi,
waxa aanay sameeyaan jimicsiyo kala duwan si naftoodu u hesho deganaansho iyo
tayo jidheedba. Jimicsiga waxa ay kaga baxsadaan in ay noqdaan balwadaystaal,
dhanka kalena waa fursad ay jidhkooda kaga dhigayaan mid adkaysi u leh hawlah
culus ee ay hayaan.
5. Khatarta Ayaa ay Wajahaan si ay Natiijo u Gaadhaan.
Milyaneerada guulaystaa
waa kuwo khatarta wajaha, Adduunkoodana ku aamina badeecado khataro badani ku
lammaanyihiin. Tani waxay ka dhigtay kuwo guusha kala soo dhex baxa 50/50 strategy. Xeeladani waa midda ka dhigtay in ay noqdaan kuwa yoolalka nolosha tijaabiya dadkana u jeexa waddooyin ay u maraan guusha.
6. 86% tijaartu waxa ay akhriyaan ugu
yaraan hal buug bil kasta.
Sida ay xuseen
aqoonyahanada dabagalka ku sameeya dabeecadaha dadka guulaysta, 86% tijaartu
waxbay akhriyaan. Waxa aanay leeyihiin mawduucyo u gaar ah oo hadafyadooda wax
ka taraya ama ganacsiyadooda kaabaya. Sida la sheego ma akhriyaan buugaagta
khiyaalka ku dhisan sida NOVELKA. Waxa ay u dhabbagalaan akhrinta buugta
khusaysa xaqiiqooyinka nolosha iyo mawduucyada la xidhiidha horumarka.
7. Waxa ay ku Jiraan Aqoon Korodhsi Joogto ah.

Inkasta oo ay jirta xanta ah “in dadka dunida
ugu taajirsan aanay aqoontooda hore wanaagsanayn”, haddana tijaartu waxa ay ku
jiraan waxbarasho joogto ah. Tusaalaha nool ee qarnigani waa mulkiilaha
Shirkadda Faysbuug oo qalinjabiyay sanadkii 2017 isaga oo markii hore kaga
tegay waxbarashada fasalka labaad ee jaamacadda. Tan macnaheedu ma aha in aan dadka guulaha maaliyadeed gaadhay soo marin waxbarasho toos ah, balse waxa ay ku jiraan aqoon korodhsi joogto ah, iyaga oo mar walba isku daya in ay bartaan aqoon cusub.
8. Waxa ay Leeyihiin Tusmo Hawleed Maalinle ah.

Sida ay sheegeen
xeeldheerayaal aqoon u leh dhaqamada dadka guusha ka gaadhay dhinaca
maaliyadda, dadka tijaarta ahi waxa ay leeyihiin tusmo qoran oo ay ku xardhaan
hawlqabadkooda si maalinle ah ama todobaadle ah. tani waxa ay ka dhigtay kuwo
tub ku joog ah oo garanaya maalin walba hawsha ay qabanayaan, isla markaasna si
hormaysan u kala jajabinaya hawlqabadkooda. Tusmadaas oo ay ku sameeyaan dabadagal si ay u ogaadaan wixii u ga qabsoomay iyo waxa qabyoobay hawlihii ay ku xuseen buugga hawl-qabadka maalinlaha. Meelahani waa meelaha ay kaga
dheereeyeen dadka kale ee caadiga ah.
9. 70% waxay sameeyaan xidhiidho fiican.

Dadka sameeyay guulaha sare waa kuwo leh
xidhiidho fiican isla markaana sameeya shabako isku xidhan oo ay wadaagaan
caqabadaha, fursadaha iyo aqoonta kaleba. Sida ay sheegaan culimada ku xeeldheer
arrimahani "xidhiidhka fiicani waxa uunka qayb qaataa horumarka qofka iyo in uu
helo cid uu wax ka barto isaguna wax baro."
10. Tijaartu
waa kuwo Mashquul ah, oo Tub Ku-joog ah.

Tijaarta
guulaha sare gaadhay waa kuwo mashquul badan oo mar walba ku hawlan horumarinta
yoolashooda nololeed. Waxa ay khabiiradu sheegaan in ay tobaadkii
shaqeeyaan inta u dhaxaysa 65-80 saacadood. Tani waxa ay sahashay in
nay noqdaan kuwa waxsoosaar badan oo aan wakhtigu kaga lumin waxyaabo aan
dantooda ahayn.
Haddaba daawade xogahan, ma kuula muuqdaan
kuwa wax ka bedelaya noloshaada. Maanta same tallaabooyinkan, si aad noloshaada
wax u ga bedesho.
Sources,
www.moneyunder30.com
Galleries. Google.
Qalinkii iyo soo naqlintii: Mohamed M Jaaj.
No comments:
Post a Comment