Wednesday, September 25, 2024

Warqad loo Diray David Skrbina, Abriil 5, 2005.

“Qormadan waa turjumid ka timid Buugga “Adoonsiga Tiknoolajiyada”. Dhiganuhu waa qoraalo urursan oo uu leeyahay qoraaga Theodore J. Kaczynski. Buugga waxa uu awoodda saarayaa canaanta iyo ka-dayrinta nolosha casriga ee uu hoggaanka u hayo Tiknoolajiga iyo mashiinada caqliga leh, isaga oo cabirka ka qaadanaya nolosha qadiimka ah iyo hal abuurkii hore.”


Horaysaba,  waxa lagu sii dhawaanayaa suuragalnimada  ah in  kombiyuutaradu gaadhi doonaan heerka garashada Bini aadamka marka la gaadho sanadka 2029, taasi oo aan filayo inay ku beegan tahay wakhtigii uu saadaaliyay Ray Kurzweil. In kasta oo aanan lahayn khibrad farsamo  oo aan  ku soo bandhigo aragti  ku saabsan mowduucan, hadana fikir ahaan waxaan qabaa in aan tani dhici doonin ilaa la dhaafayo sanadka 2029. Qiyaastayda badankeedu waxay ku salaysan tahay  xaqiiqda ah in khibaradaha farsamo ay dhayalsanayaan wakhtiga la gaadhayo  horumar arintan la xidhiidha. 

Sanadkii 1970, khubarada Kombiyuutarku waxay saadaaliyeen in Kumbuyuutarradu 15 gudahood ku dhaafi doonaan heerka garashada/caqliga ee aadanaha, waxaana cadaatay in aan taasi dhicin oo saadaashaasi dhicisowday.  Malahayga, waxa suurtogal ah in Mashiinad caqliga ah (Robots) dhaafi doonaan heerka caqliga/garashada ee aadanaha.  Anigu waxa kaliya oo aan walax ahaan u aaminayaa in maskaxda aadanaha ay u shaqeyso oo keliya sida ku xusan shuruucda Fisigiska iyo kimistariga.

 

Si kale haddii loo dhigo, marka  maskaxda Aadanaha looga shidaal qaato mashiinada caqliga leh,  waxa suurtogal ah in iyada lafteeda loo sii badiyo hab dad-samee ah (artificial). Haddaba, haddii maskaxda la badin karo sida maskaxda mashiinada, (kordhinta shaqada maskaxeed ee mashiinada oo kale), waxa hubaal ah in mar walba la sii horumarin karo maskaxdana.

 Paul Ehrlich waxa uu ku qoray buuggiisa "The population Bomb", waxa aan u maleynayaa in ay macquul tahay in nidaamyada Tiknoolajiyadu ay ugu danbayn u socdaan inay sababaan masiibo maaddi ah, balse uma maleynayo inay abuuri karto halis maaddi ah oo  aad u saraysa oo heer caalami ah labaataneeyada sano ee inagu soo fool leh sida dadka qaar rumaysan yihiin. Markale, ma lihi khibrad farsamo oo lagu saleeyo aragtida noocan oo kale ah.

 Dabayaaqadii 1960-yadii waxaa jiray dad aqoon u leh mawduucan Tiknoolajiyada iyo hilaadintiisa oo saadaal aad u xun ka sameeyay mustaqbalka dhow". Kooxdan saadaalintoodu ma ahayn mid ka madhan maandooriye, (waxa laga yaabaa inay adeegsadeen maandooriyee qiyaastii markii ay dhisayeen saadaashan, taas oo keeni karta saadaal la yaab leh oo rumawoda ama mid aan sinaba u rumoobin). Waxay saadaaliyeen saameynta kordhoka heerkulka kawnka ee ay sababaan Gaasaska cagaaran.

 

Waxa kale oo ay saadaaliyeen caabuqyada faafaha, waxaana ina haleelay masiibada HIV AIDS.  Laakiin gebi ahaanba cawaaqibka  ka dhalanaya korodhka tirada dadyawga aduunka iyo isticmaalka aan xisaabta lahayn ee Kheyraadka dabiiciga ah ma gaadhin, mana u dhawayn heerka ay saadaliyeen khabiiradu. 

Sidaas si la mid ah, waxa kale oo jira farqi u dhexeeya khuburadii (Khubarada saadaasha oo ay ula baxeen Nebiyo) saadaashooda ku magacaaban qiyaamaha ee 1960-kii iyo aragtida  dadka kale sida Bill Joy iyo Martin Rees. Paul Ehrlich iyo  qaar badan oo ka mid ah  saadaaliyeyaashii sanadihii 1960-kii waxay ahaayeen kooxo bidixda fog ah, sida aynu ka dheregsanahayna kooxdani waxay mar walba raadiyaan cudurdaar kasta oo lagu canaannayo bulshada wakhtigaas nool iyo horumarkeeda.

 

Sidaas darteed, dhaleecayntoodu waxay u badan tahay mid la buunbuuninayay. Inta aan ogahay Bill Joy iyo Martin Rees ma aha kooxaha bidixda fog ee saadaashan oo kale curin kara, waana farsama-yaqaano ku sifoobay jacaylka Tiknoolajiyada, oo u go'ay inay noqdaan dad ku taxan aqoonteeda. Kooxdan (Technophile) lagama yaabo inay dhiirigaliyaan ama buunbuuniyaan khatarta Tiknoolajiyada.

 

Markaa waxaa laga yaabaa inaan dareemayo garasho-darro aan ka qabo in khatarta masiibada maaddiga ah ee Tiknoolajiyada ee inagu soo aaddan ay ka yar tahay marka loo eego aragtida iyo malaha  ay qabaan Joy iyo Rees.

 

Falcelinta kor ku xusan waxaan ugu talagalay in aan ku caddeeyo arrimaha aan kaga hadlay warqaddaydii 17 April 2005. Hadda waxaan jeclaan lahaa inaan si gaar ah uga hadlo qodobbada lagu sheegay warqadahaaga. Marka hore waxaad wax ka qortaa: "Fanka, Muusiga iyo Diinta, kuwaas oo  dadka intooda badani u arkaan inay yihiin guulo bini aadaminimo oo run ah, oo muhiim ah.  Waxay iila muuqataa inaad hoos u dhigayso guulo kasta oo caynkaas ah oo dadku gaadhayo, taa bedelkeedana aad ku doodayso in la tuuro guulahaas. Sida dad badani qabaan Fanka iyo suugaantu waa wax aan ka badnayn aalad aan dhib lahayn oo lagu kicinayo shucuurta dadka sida .

 

Waxay ila tahay in Ellul arintan wax badan ka yidhi, laakiin weligay ma odhan Fanka iyo Suugaantu kuma filna wax ka badan inta aynu soo sheegnay. Si kastaba ha noqotee  anigu uma ololeeyo tuurista Fanka iyo Suugaanta. Waxaan yaqiinsanahay in luminta farshaxanka, Fanka iyo Suugaanta ay keenayso cawaaqib hoos u dhigaysa  nidaamka Tignoolajiyada. Hadaba, inaga baabi'inta Fanka iyo Suugaantu maaha yoolkeedana.

 

 

Waxa lagu doodi karaa in Fanku uu caafimaad xumo ku hayo bulshada casriga ah, taas bedelkeedana bulshooyinkii hore ee fan-yahanka ahaa ka caafimaad wanaagsanayeen kuwan hadda ee fanka ku falaaday. Waxaad ku andacooneysaa in marka laga hadlayo  bulshadeena "fanka ay dadka intooda badan u arkaan inuu yahay guulo run ah oo muhiim ah oo bini'aadminimo", laakiin immisa jeer ayay dadka intooda badani booqdaan madxafka Farshaxanka, dhagaystaan ​​muusiga qadiimiga ah, ama akhriyaan suugaan xaqiiqo ku dhisan?, waa dhif iyo naadir.

 

Intaas waxaa dheer, xitaa haddii aan ku darno fanka muuqaalada/sawirada gacansiga, telefishinada, sheekooyinka fudud iyo wixii la mid ah oo ka mid ah Farashaxanka,  kaliya tiro yar oo dad ah ayaa maanta si firfircoon uga qaybqaata Fanka, kuwaas oo ay u tahay xirfad  ama hiwaayad ahaan. Dadka intooda badan waxay Fanka iyo Farshaxanka uga qaybgalaan kaliya inay daawadaan, halka kuwa kale quutaan Fanka iyo Farshaxanka.

 

Dadyowga hore laftoodu waxaa laga yaabaa inay leeyihiin khabiiro ku takhasusay Fanka  iyo Farshaxanka qaarkii,  qaybgalkooda firfircoonina waxay u egtahay inay  dhexdooda aad ugu faaftay marka loo eego adduunka casriga ah. Tusaale ahaan; qaar ka mid ah qoomiyadaha pygmiyada  ee Afrika, qof kastaa wuxuu ka qaybqaatay heesaha iyo qoob ka ciyaarka marka la xafladaynayo.

 

Schebesta, ka dib markii uu sharraxay qoob-ka-ciyaarka qolada Mbutipygmies, "angeborene Schauspielkunst" (farshaxan riwaayadeedka hiddo-raaca ah),iyo Muusigooda, waxa uu yidh "Halkan ma geli doono faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan farshaxanka iyo fanka Mbuti, nooc kasta oo u yahay,  sababta oo ah waxaan rabay oo kaliya inaan muujiyo muhiimadda ay waxaas oo dhan u leeyihiin nolol maalmeedkooda.

 

Halkan waxa ka furmay ilo quudiya tamarta nolosha ee  dadkii hore taas oo iftiiminaysa, si wacana u qurxisa noloshooda kaynta, noloshaas oo haddii  fan jirin noqon lahayd mid aad u adag. Taasi waa sababta Fanka Mbuti ugu heellan yahay raaxada nolosha. Bal waxaad tan barbar dhigtaa bulshadan casriga oo dadka intooda badani ay ka qayb qaataan fanka  kaliya iyaga oo daawanaya filimada Hollywood ah, akhrinta joornaalada caanka ah ama buugta sheekooyinka fudud ah, iyaga oo dhegaha ku aadinaya dhawaqa raadiyaha/sameecadaha.

 

 

Run ahaantii, in badan oo ka mid ah Fankii hore waa caydhin, balse maaha dhamaantii. Waxa hubaal ah inaad aragtay sawir-gacmeedyada quruxda badan ee laga helay gidaarada godad ku yaal Galbeedka Yurub, iyo polyphony-ga Afrikaanka ah oo ay aad ula dhacsan yihiin ardayda Muusigu. Dabcan, ma jirin bulsho hore oo casri ah oo lahayd Farshaxan ku habboon baaxadda iyo horumarinta faneed ee bulshada casriga  ee maanta.

 

Doodda aan halkan ku isticmaalayaa waa midda la xidhiidha tusaalahan. Daanyeerka iyo lawska. Markii aan yaraa, aabbahay waxa uu iiga sheekeeyay farsamo lagu soo qabto daayeerka. Waxaad soo qaadanaysaa dhalo quraarad ah oo afkeedu cidhiidhi yahay, taas oo aanu daanyeerku gacantiisa dhaafin karin/galin Karin marka uu gacantiisa duubo, balse ballaadhan  si uu daayeerku gacantiisa oo furan u galin karo.

 

Waxaad ku ridday laac, markan waa laws. Daanyeerku waxa uu soo gaadhi doonaa dhalada, waxaanu gacantiisa ku soo qabanayaa lawskii isaga oo gacantiisa oo si fidsan u galinaya dhalada soo qabanaya lawska, ka dib waxa  uu  ogaanayaa inaanu gacanta ka soo bixin karin dhalada marka uu gacanta ku dhigo lawska. Hunguri aawadii ma sii daynayo lawska, ka dib waxa kuu fudud inaad qabato inta uu halkaas ku xaniban yahay. Sababta qabashadiisa fududaynaysaa waa diidamiisa iyo imaan-xumadiisa ah in uu aqbalo in uu lumiyo xabada lawska ah ee gacantiisa ku xanibtay dhalada, ka dib wakaas wax walba lumiyay ee la qabtay.

 

Ha dheeraato ama ha dhawaatee, haddii aynu sii wadno hab nololeedka casriga ee dhanka Tiknoolajiyada waxay u badan tahay in Kombiyuutaradu ina bedelaan, shaqo ahaan. Maxaad u malaynaysaa in mashiinadu faa'iido u yeelan doonaan Fanka, Suugaanta, iyo Muusigga?. Waa maxay sababta aad u aaminsan tahay in dadka mustaqbalka ay  u dhego nuglaan doonaan fanka, muusigga, iyo suugaantii hore?

 

Durba fankii hore waxa si weyn u bedelay warbaahinta madadaalada ee caanka ah wakhtigan, kuwaas dhirbaaxo aad u daran ku dhuftay fanka iyo farshaxankii hore, noloshii horena ka dhigay mid caajis ah oo wakhtigeedii la dhaafay.

 

Suugaanyahanada Shakespeare iyo Cervantes alifay, "Vermeer and Frans Hals painted" kaas oo ay ugu talagaleen dadka caadiga ah, balse aan khusaynin dadka indheergaradka ee tirada yar. Bal is waydii, wakhtigan imisa qof ayaa weli akhriya dhigaalka ama farshaxanka Shakespeare iyo Cervantes iyaga oo waliba ka mid ah koorsada kulliyaddahooda? Immisa ayaa sudhay darbiyadooda dib u cusboonaysiinta sawir-gacmeedkii hore?

 

Haddii jinsiyadda bini'aadamku ay sii jirto 200 oo sano danbe, ma la heli doonaa dad qadarin doona Farshaxanka, Muusikada, iyo Suugaanta iyo dhaqankii hore? Aad ayaan uga shakisanahay intaas dhici doonto. Markaa haddii aynu hab nololeedkan casriga ah sii wadno ilaa wakhti dheer waxay u badan tahay inaynu lumin doonno dhaqankii faneed ee reer galbeedkii hore, waxaana hubaal ah inaynu lumin doonno wax badan oo ka sii qiimo badan.

 

Dib u gu laabo tusaalihii sheekadii aynu soo qaadanay. Ka soo qaad inaynu ku jirno halka Daanyeerka, waxa inoo fiican inaynu lawska sii dayno intii aynu wax walba lumin lahayn, inaga oo gacanteena ku xanibayna hal xabo oo laws ah.  Haddii nidaamka nololeed  dumo ka hor inta aan xeedho iyo fandhaal kala dhicin, waxa imanaysa inaynu  xejisano dadnimadeena iyo ruuxda aan ku qadarin karno fanka, Suugaanta iyo Muusiga.

 

Waa waajib  in la sii hilaadiyo in dadku ay sii wadi doonaan abuurista fanka, suugaanta, iyo muusikada sidii ay had iyo jeer ahaan jireen waagii hore, iyo in shaqooyinkii tayada sare lahaa ay marar badan oo kale soo ifbaxaan.

 

Fanka, Suugaanta, iyo Muusiga waad ka warantay. Waxa aan aad ula yaabay in aad diinta u aragto wax aynu ku waayi doono burburka ilbaxnimada casriga ah, maadaama oo ilbaxnimada casriga ahi ay caan ku tahay cilmaaniyad. Sahamiyaha iyo dhaqanyaqaan sare Vilhjalmur Stefansson ayaa qoray: "Waxaa marar badan la maqlaa odhaah ah in aan weli la helin dad dunida ku nool oo kuwaas oo nolol ahaan aad u hooseeya oo aan haysan diin.

 

Qaddiyadani waa mid run ah, laakiin fikradd ahaan waxay u badan tahay in la sawiro inay tahay marin habaabin. Run ma aha oo kaliya in aanay jirin dad nolol ahaan aad u hooseeya oo aan diin haysan, balse waxa sida oo kale run ah markasta oo aad hoos u sii dhugato dhaqanka aadanaha aad ogaanayso in dadku diiniyiin yihiin.

 

Natiijada indha-indhaynta ah ee uu sameeyay Stefansson ma ahan mid sax ah, laakiin waxa hubaal ah in  bulshooyinkii hore door diineed oo balaadhan ka ciyaareen nolosha marka la barbardhigo bulshooyinkan casriga ah.

 

Tusaale ahaan; Colin Turnbull waxa uu caddeeyey inta ay leegtahay dareenka diimeed ee lagu dhex daray nolol maalmeedka qoomiyadaha  Mbuti pygmies  iyo Hindida Waqooyiga Ameerika waxay lahaayeen nolol diineed taa la mid oo si qoto dheer oo lagu dhex milay jiritaankooda maalinlaha ah, marka la barbar dhigo nolosha diimeed bulshada casriga ah.

 

Caqligoodu fiqi ahaan iyo xeeldheernimo ahaan waa mid eber ah; waxa laga yaabaa inay tagaan kaniisada maalmaha Axada, laakiin usbuuca intiisa kale waxay isku maamulaan dhaqankooda kaas oo si gaar ah ugu xidhan cilmaaniyada.

 

Waxaynu ugu yeedhi karnaa boos-celin waayo waxaa suurtogal ah in dib-u-soo-nooleynta diintu ay ka dhacdo adduunka casriga ah, laakiin dhab ahaantii waxaan rajeynayaa in nooca diinta kook ee uu maqaalkiisa ku tilmaamay Moyers aanay ahayn nooca diinta ay saaxiibabadu ka shallayn doonaan khasaaraheeda haddii nidaam-nololeedku burburo. Markan astaantaas diintu waa mid aan caqli-gal ahayn, dulqaad la'aan, iyo xitaa nacayb darteed.

 

Waxaa xusid mudan in hadda dhacdadan oo kale dhex curatay  diinta Hinduismka. Dabcan waan wada ognahay waxa ka socda Islaamka dhexdiisa. Midkoodna waa inaanay inaga yaabsan. Mid kasta oo ka mid ah diimaha waaweyn ee adduunka waxay sheeganayaan inay iyagu si  gaar ah u leeyihiin runta, ilaa iyo intii ay diintoodu timidna waxay ahaayeen isha iyo salka khilaafaadkooda, Diimaha waawayn waxa inta badan ka dhex-dhaca khilaafyo khatar ah.  Diimaha qadiimka ah, si ka duwan kuwa hada jira, guud ahaan waxay lahaayeen dulqaad iyo syncretistic (kulminta diimaha, dhaqamada iyo falsafadaha kala asalka ah), ama labadaba. Ma garanayo wax dagaal diimeed ah oo ka dhex jira kuwii hore.

 Markaa haddii saaxiibkaa uu rumaysan yahay in diimaha casriga ahi ku dhex lumayaan burburka nidaamka  nololeed ee casriga ah (waa aragti muujinaysa nasiib darro,  waxaanan u malaynayaa inuu shaki badan qabo qoraagu),  balse aniga iima cadda sababta uu uga qoomameynayo. Waxaad ii akhriday sidii aniga oo u haysta in "in hadda ka gudubnay qaddiyadaas. 

Aniga aragtidayda maaha, laakiin waxay ahayd in la sameeyo dib u habayn wax ku ool ah. Uma malaynayo in dibuhabayntaasi ay weligeed ahayd doorasho ama hawl la heli karo. Kacaankii Warshadaha iyo horumaradii lagu guulaystay waxay ka dhasheen hawlgalkii xoogag taariikhi ah oo ahaa “ujeedo leh” (eeg warqaddaydii 10-kii December 2004), dib-u-habayn iyo kacaan midna kama hor istaagi Karin fulinta. 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa inaan hadda ku soo dhowaaneyno daaqadda fursadda ilaa inta ay suurtoobayso in la dilo nidaamka tiknoolajiyada horumarsan ee wakhtigan. 

Bal Noole fudud oo baahsan xajmi ahaan sida gooryaanka dhulka way adagtahay in si fudud loo dilo. Waxaad u kala goyn kartaa oo qaybo yaryar, qayb kastaana waxay dib ugu abuurmi doontaa dirxi cusub. Naflayda  kakan sida naasleyda oo kale waa ay fududahay in la dilo. Dharbaaxo ama mindi ku dhacda xubin muhiim ah, hoos u dhac daran oo heerkulka jidhka ah haleesha, ama arrimo kale oo badan ayaa dili kara naasleyda. 

Waqooyi-galbeed ee qaarada Yurub qarnigii 18aad waxay u diyaar garoobeen Kacaankii Warshadaha. Dhaqaalaheeda ayaa ahaa mid fudud oo baahsan sida noolaha sare ku xusan ee gooryaanka dhulka oo kale. Xitaa haddii ay dhacdo masiibo wayn sida in dagaal ama kacaankuba baabi'iyo kala badh tirada dadweynaha, sida oo kale burburo kala badh kaabayaashii dhaqaaluhu, dadka inta badbaaday waxay awoodi lahaayeen inay soo ururiyaan qaybaha yaryar noloshooda soo hadha si ay dibu abuuraan wax kasta oo burburay si ay dib ugu helaan dhaqaalahooda.

 

Dhanka kale, nidaamka teknoolojiyadda ayaa sii kordhaya si u abuuro hal xarun dhexe, oo u dhiganta noole caalami ah oo qayb kastaa ay ku tiirsan tahay shaqada guud. Si kale haddii loo dhigo, nidaamku wuxuu u sii ekaanayaa sidii noole adag oo si fudud loo dili karo sida naasleyda oo kale. Haddii nidaamku mar si xun u burburo wuu  dhiman lahaa," dib-u-dhiskiisuna wuxuu noqon lahaa mid aad u adag. Dadka qaar baa aaminsan in dib-u-dhiska nidaamka adagi aanu xataa suurtogal ahayn. Tusaale ahaan, sidan waxa aaminsan cirbixiyeenka caanka ah ee Fred Hoylc. Haddaba fikradayda.

 

 W/T: Maxamed M. Jaaj

Saturday, April 4, 2020

COVID 19 IYO FURSADAHA KARANTIINKA.


“Sideen uga faa’iidaysan karaa maalmaha karantiinka”.

Marka masiibo dhacdo, ee khasaaro nafeed iyo mid maalba yimaaddo waxa dedaal loo galayaa in  marka hore nafta la badbaadiyo, ka dibna maalka la badbaadiyo. Tani waa dariiqa kaliya ee adduunku maanta ku hawlan yahay, markii sadhada caalamiga ah ee Covid-19 dunida ku baahay. Waxa awooddii oo dhan la isugu geeyay in nafta la bixiyo. Haddii marka xanuun darani yimaado dadka cusbitaalada lagula cararayay hadda waxa la soo rogay in qof waliba gurigiisa joogo, si masiibadan looga gaashaanto. Sababtuna waa caabuqa oo noday mid caalamka oo dhan gaadhay. Waxa uu simay dawladihii quwadaha iyo Teknoolajiyadda baarka sare ka gaadhay iyo kuwii xariiqda faqriga ka hooseeyay. Waxaabu si daran u gumaaday dadyawgii dawladaha dunida koowaad. “Waa masiibo caalami” ayay tidhi hay’ada caafimaadka adduunka ee WHO.

Malaayiin shaqaale ah ayaa shaqadii joojiyay, iskuuladii waa la fasaxay, jaamacadihii waa joojiyay, suuqyada saamiyadu waxay wajahayaan hoos u dhac. Dunidu waxay gashay xaalad aan la saadalin karin. Wadamada qaar isu imaatinku lama ogola. Talyaaniga milatarigii dagaalka loo carbinayay ayaa suuqyada lagu sii dayay si ay dadka ugu khasbaan in aanay kaabada guryahooda ka soo bixin. Dadka waa la karantiimeeyay. Dhakhtaradu waxay astaan ka dhigteen odhaahda ah “waxaanu halkan u joognaa in aanu idin badbaadino, idinkuna waxa guriyihiina u joogtaan in aad na badbaadisaan”. Waa masiibo keentay in guri-joognimada dan la moodo oo xalka laga baadho.

Masiiba kasta oo dunida soo foodsaarta ,  waxa garab socda fursado qofku hadaf u bedeli karo. Maalmaha karantiinka, ee dadka guryahooda lagu xareeyay, waxa nolosha ku soo kordhay waji cusub iyo hab fikir cusub. Waayo dadku waa hal abuure joogta ah maskaxdiisuna ma fadhiisan karto ee waa in ay wax qabata. Fikrado badan ayaa dadku dhaliyeen intii ay guryaha ku jireen. Tiknoolajigu waxa uu curiyay adeegyo caawinaya shaqaalaha si ay guryaha ugu shaqeeyaan. Ardayda waxa loo abuuray adeegyo u sahlaya in ay online casharada ku bartaan. Wali fursadi way jirtaa. Su’aasha ugu badani waxay ka timi wixii qofku qaban lahaa saacadaha badan ee uu guriga ku xaraysanyahay. Kuwani waa habab aynu uga faaiidaysan karo maalmaha karantiinka.

1.     RAAC TILMAAMAHA BADBAADADA IYO KA HORTAGA EE COVID 19.

Dunidu waxa y gashay xaalado adag oo aan la saadaalin Karin waxa dhici kara saacadaha soo socda. Caaqubu waxa uu awoodda bini aadamka ka dhigay mid liidata oo aan awoodin in ay caabido sida xawliga ah ee uu u fidayo iyo dhibkiisa. Kaliya waa lala tacaalayaa in laga guulaysto ha joogtee. Sidaas oo ay tahay hadana aadamuhu waxa uu jeexayaa waddooyin lagu yarayn karo ama lagaga hortagi karo. Dawladaha, ururada maxalliga ah iyo hay’adaha caalamiga ah ee qaabislan caafimaadku waxay soo saareen tilmaamo la raacyao si qofku uga gaashaanto sadhada Covid-19. Haddaba, waajibka kowaad ee qof walba  saaran waa in aad fuliyo amaradaas oo si fiican u raaco marka  uu gurigiisa joogo iyo marka kaleba.

Waxa lagu faray in aad ku faraxalato Jeermis-ile ama saabuun. Waxa lagu sheegay in aanad guriga ka soo bixin ama aanad booqan qof caabuqa qaba. Raac tallaabooyinka waliba sida ay yihiin. Waa naf badbaadin. Haddii aad u hogaansanto baaqyada hay’ada caalamiga ah ee caafimaadka aduunka iyo amarada wasaaradaha ku shaqo leh waxa aad samaysay wixii loo baahnaa. Waxa aad ka qayb qaadatay in dadka iyo naftaadaba la badbaadiyo.

2.     BILOW KOORASYO ONLINE AH.

Wakhtiga badan ee aad ku xayirantahay meel isku mid ah, ee aanad gurigaaga dhaafi Karin, waxa aad haysataa fursado badan oo aad wax ku qabsan karto. Isku day in aad xayiraada fursad u bedesho oo aad is diwaangaliso fasalo online ah. Waxa aad heli kartaa boqolaal kun oo galaasyo online ah kuwaasi oo lacag iyo bilaash labadaba ah.  Arintan waa soo jeedinta ugu badan ee la sameeyay intii xayiraadaa guryuhu soo baxday ama Covid-19 dadka guryahooda ku ooday. Maalmahan waxaynu haysanaa fursad aynu isku diwaan galin karo koorasyadaas, isla markaana aynu samayn lahayn shahaadooyin aan tiro lahayn. Booqo Coursera, Udemy, Edx, Khan academy iyo emarketinginstutite, oo ka qaado fasalo online ah si aad saacadahan badan ugu bedesho fursad. Wax baro maalmaha karantiinka.
3.     XIDHIIDHI ASXAABTII HORE.

Nolosha quruxdeeda wax aka mid ah asxaabta iyo dadka noloshu idin kulmiso. Dib u baadh kaydka asxaabta oo xidhiidhi asxaabtii hore ee aad wakhtiga soo wada qaadateen, wakhtigana isu waydeen. Xidhiidhi macnaheedu ma aha booqo, oo waadigan qolalka dhexdooda ku xayiran, balse waa uga baaq baraha bulshada adiga oo fariimo ama waraaqo u qoraya ama taleefan ka wacaya. Asxaabii waxbarashada dib ula xidhiidh waayo waxay qayb ka qaateen samaysanka qofka aad imika tahay. Xidhiidhka dadka muhiimka ah waxa ka mid ehelka iyo dadka kale ee muhiimka u ah jiritaanka noloshaada. La sheekaysiga asxaabtii hore waa nolol la dareemo oo qofka galisa in uu bartay dadkii ay ahayd in uu barto. Xaq bay u leeyihiin in aad la xidhiidho. Maalmaha karantiinka xidhiidh dadki hore ee noloshu ku bartay.


4.      BARO XIRDADAHA GURYAHA.

Raggu kuma badna gurijoognimada, waanay ku adkaataa in ay saacado badan ku negaadaan guriga. Waayo nolosha raggu inta badan waa mid dibadda u badan, oo hawlaha adduun raga ayaa kala wadidooda u badan. Mayee dumarkuna hadda nolosha qaybtooda waa ay haystaan oo karantiinkka waa ay dareemayaan. Mayee cabsida Covid-19 ayaa keentay in rag iyo dumar, carruur iyo cirroolaba guryaha naf la moodo, oo la wada xaroodo. Si kastaba ha ahaatee, qof waliba maalmaha karantiinka ee aan la ogayn dhamaadkooda waa dareemay.  Maalmahan ku qaado aqoon korodhsi la xidhiidha xirfdaha guryaha yaal. Maalmahan waa fursad aad ku baran karto xirfdaha kala duwan ee guryaha sida samaynta qalabka cuntada ee guriga, dayactirka alaabta qalabka kala farnijarka iyo cusboonaysiinta guriga haddii uu duugoobay.

Saacadahan badan ee aynu guryaheena joogno waxaynu ku qaadan karnaa samaynta laydhka guryaheena, iyo barbaarinta ubadka oo ah xirfado muhiim ah. Gabadh ka waramaysay joogidda raga ee guriga ayaa tidhi “joogidda ninkayga guriga waxaan ka helay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin caawinta shaqada guriga, barbaarinta ubadka, hagaajinta qalabka guriga. Caruurtii ayuu wakhti la qaatay, isaga oo wax baraya, la ciyaaraya. Anaga oo hada 10 sano is qabna waxaan u isu helay fursad balaadhan oo aanu kaga sheekaysanyo noloshayada iyo xasuusiihii na soo maray. Waxaanu galay nolol farxad iyo cabsiba leh. Waa nolol cajiib ah.” Maalaha karantiinka waxa la baran karaa xirfadaha guryaha yaal.

5.      AKHRI BUUG.

Wax akhrintu in ay faa’iido iyo aqoon korodhsi tahay waxa u dheer in qofku wehel ka helo. Maalmaha Karantiinka waxa habboon in aad buugta dhaska ka tunto oo aad akhrido dhiganeyaal badan. Ha noqdaan kuwo aad wakhti u wayday oo kaydkaaga ku jiray ama kuwo ccusub oo aad hadda bilaabayso. Akhrisku buugta oo kaliya maha balse waxa muhiim ah in qofku la socdo xogaha darayga ama cusub ee maalin walba ka soo kordhay caabuqan dunida kaga qaylisiiyay si wacyigiisu ugu xidhnaado kolba halka xaalku marayo. Tani waxay u sahlaysaa in qofku noqdo mid wacyi gashan oo naftiisa iyo bulshadiisaba la socodsiin kara hadba waxa socda. Maalmaha karantiinka akhrisku waxaad ka helaysaa wehel iyo kumaanaan dhacdo oo jilayaal kala duwani metelayaan. Marnaba laguma cidloodo akhriska.

Inkasta oo nafta ku badantahay cabsida Covid-19 mararka qaarna naftu maqlayso dhawaaqyo deganaanta ka luminaya hadana akhrisku waa hab qofku fursad ugu bedeli karo maalmaha uu gurigiisa u xeraysan yahay. Cilmibaadheyaashu waxay sheegeen in qofku akhriska kaga baxsan karo warwarka isla markaana uu ka heli karo nolol kale oo xarfo ku qoran. Akhriska buugaagta taariikhaha hoogga ah ee adduunku soo maray iyo sheeko faneeda ayaa aqoonyahanku ku taliyaan in la akkhriyo xiliyada sidan oo kale u adag. Tusaale ahaan; qofka sheeko faneeda akhriyaa waxa uu awoodi karaa in uu saacodo badan akhriyo isla markaana ka mid noqdo nolsoha buugga uu akhriyayo. Buug badan akhri maalmaha karantiinka, waxa aad ka helaysaa wehel iyo wakhtigaaga oo wax macno leh aad ku qaadato.

6.      QOR XASUUS REEB.

Nolosha waa dugsi cajiib ah. Maalmo badan oo kala jawi duwan ayaa ka buuxa. Waxaaba tusaale u ah maalmahan cabsida badan ee dunidu wajahday sadhada Covid-19. Waynagaa guryahay ku xeraysan inaga oo aan saadalin Karin waxa dhici kara 24 saacadood ee soo socda. Maalmahan adag waxa habboon in aad sida filimka dib u daawato noloshaada ka dibna xaashida xasuus reebka ku xariiqdo maalmihii qadhaadhaa, macaanaa iyo dhacdooyinkii noloshaada sameeyey. Waa fursad aynu dhacdooyinka nolosheena ugu bedeli karo xarfo si aad akhrintooda ugu raaxaysato maalinta aad da ahaan waynaato. Xasuus qorku waa waxyaabaha qurxiya nolosha. Sawir iyo hubaag qoran ayaynu nolosheena ka reebaynaa, si aynu maalin uun dib ugu qosolo wixii waayo ina soo maray. Maalmaha karantiinka ayaa ugu fiican in dib loo kaydiyo xasuusaha nolosha.

Xasuus qorku wa muraayad aad nolsohaada ka daawanayso. Qalinka ku kaydi maalmihii caruurnimada, maalmihii iskuulka, maalmihii jaamacada, dhacdooyinkii noloshaada bedelay, shakhsiyaadkii noloshaada saamaynta taban iyo ta togan ba ku lahaa. Joog, xasuus qorka waxa ku jira qaybaha taban ee nolsohaada iyo maalmaha qadhaadh eek u soo maray, kaliya qaybaha quruxda badan ha qorin. Waayo waxa aad ka samaysantahay maalmaha macaan oo lagu daray maalimihii qadhaadhaa ee aad soo martay. Maalmaha karantiinka xasuus badan kaydi oo qalinka buugu isku daali.

7.     U SAFAR MEEL WALBA ADIGA OO AAN GURIGA DHAAFIN.

Dunida isku socodkii waa la xanibay sadhadan Covid 19 awgeed. Wali se xuduuduhu way furan yihiin. Adiga oo aan basaboor qaadan fiisana lagu saarin ayaad u socdaalli kartaa meel walba. Si aad socodkaalkaa u gasho ku xidhnow socdaalayaasha barta Youtube. Waxa aad ka helaysaa boqolaal Youtuber oo dunida ku socdaalay wadan walbna ka soo diyaariyay muuqaalo xiiso badan oo aad  u dareemayso sidii qof isaagu booqday meesan. La safar socdaalayaasha barta youbube. Waa safar aan Basabor lahayn. Maalmaha karantiinka waxa aad ku xidhnaataa socdaalayaasha barta Youtube ka buuxa.  Kuwan Ayaan kugu boorrin lahaa in aad raacdo: Cool vision, Drew Binskey, Vagabrothers, Yes Theory, Nass Daily, Indigo Traveler, PP Peter, Kara and Nate iyo qaar kalel.

8.     BARO LUUQAD QALAAD.

Barashada luuqad qalaad waa fursadaha laga faa’iidaysan karo maalmaha karantiinka. Waxa jira boqolaal degel oo laga heli karo koorsooyin dhinaca luuqadaha kala duwan ah kaasi oo qofku iska diwaan galin karo luuqadda uu rabo in uu barta. Barashada luuqad kale waa badhaadhe wayn, qofka oo luuqado badan bartaana waa qofka oo dunida wacaalkeeda ka war hela. Hadaba maalmaha karantiinka samayso saacado aad barato luuqad kale. Soo dejiso adeega Duolingo adiga oo ku kabaya barta Youtube si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan luuqadda aad baranayso.

Barashada luuqad aan ahayn tan aad u dhalatay waxay kordhinaysaa fursadaada shaqo. Waxa kale oo aad ku xidhmaysaa dadyaw kale oo aad ka korodhsanayso aqoon iyo taariikh. Luuqada cusubi waxay kuu sahlaysaa in aad barato dhaqanno iyo madadaaloooyinka bulshooyinka kale ee dunida. Luuqadaha qalaad barashadooda waxa laga helaa maaweelo iyo ku raaxayso haddii qofku hoos u sii galo. Baro luuqad qalaad maalmaha karantiinka si aad u weelayso saacadaha badan ee aad xaraysantahay.

Qalinkii: Maxamed Jaaj

Wednesday, February 12, 2020

10 Dhaqan oo ay Leeyihiin Dadka Tijaarta ahi.


 Dadka kawnkan ku nooli dhamaantood waxa ay  socod joogto ah iyo dedaal joogta ah u gu jiraan sidii ay u noqon lahaayeen kuwo hantiileyaal ah, oo figta sare ka gaadhay maal adduun.  Darajadan dadka oo dhami ma wada gaadhaan balse waxa hela dad kooban oo sameeyay arrimo gaar ah , isla markaana maray dariiqooyin guul ku hoggaamiyay. Halkan maanta wxa ayu ku soo gudbin doonnaa toban dhaqan oo ay leeyihiin dadka qaniga ah. Dadka tijaarta ah marka aynu leenahay uma jeedno dadka hantida ku helay si lama filaan ah ama dhaxal ahaan ku helay, balse waa dadka dadaal iyo karti ay muujiyeen ku gaadhay heer miyaneernimo .



    1.  Waxa ay kacaan saddex saac ka hor xilliga shaqada.

Sida ay sheegeen cilmi-baadheyaashu, dadka tijaarta ahi waa kuwo goor hore kaca, isla markaana diyaar garaw fiican sameeya ka hor inta aanay tegin goobta shaqada. Taasina waxa ay ka dhigtay kuwo firfircoon. Qofka oo goor hore kacaa waxa uu helayaa firfircooni maskaxeed iyo mid jidheed taasina waxa ay u sahlaysaa in uu noqdo qof tamartiisa ka faa’iidaysta.  


2. Waxa ay ka Hadlaan Fikradaha, Laakiin kama Hadlaan Mushkiladaha.


Dadka gaadhay guulaha maaliyadeed waa dad awoodda saaraha soo shaacbixinta fikrado cusub oo xidhiidh la leh hadafyadooda dhaqaale iyo kuwooda qof ahaaneedba. Kuma mashquulaan wakthina kuma bixiyaan ka hadalka dhibaatooyinka, balse waxa ay awoodda saaraan xallinta dhibka taagaan. Waxaanay hal-abuuraan waddooyin cusub iyo fikrado cusub oo nolosha wax ka bedela.  Waa fikrad ka hadlayaal.

3.Hal Saac Wax Ka Badan Ma Daawadaan TV.

Sida uu xusay qoraaga Thomas Corley ku sheegay  buuggiisa “Rich Habits: The Daily Success Habits Of Wealthy Individuals,” 67% dadka tijaarta ahi ma daawadaan TV hal saac wax ka badan maalintii. Taa bedelkeedana waxby akhriyaan. Halkani waxa ay inna tusaysaa in aanay wakhti badan galinin daawashadii TV, haddii ay daawadaana ay saacado kooban horfadhiyaan muuq-baahiyaha hortiisa. 



     4.Waxa ay sameeyaan jimcsi maalin kasta haba yaraadee.

Inta badan dadka tijaarta ahi waxa ay leeyihiin hiwaayad jimicsi, waxa aanay sameeyaan jimicsiyo kala duwan si naftoodu u hesho deganaansho iyo tayo jidheedba. Jimicsiga waxa ay kaga baxsadaan in ay noqdaan balwadaystaal, dhanka kalena waa fursad ay jidhkooda kaga dhigayaan mid adkaysi u leh hawlah culus ee ay hayaan.

    5. Khatarta Ayaa ay Wajahaan si ay Natiijo u Gaadhaan.

Milyaneerada guulaystaa waa kuwo khatarta wajaha, Adduunkoodana ku aamina badeecado khataro badani ku lammaanyihiin. Tani waxay ka dhigtay kuwo guusha kala soo dhex baxa 50/50  strategy. Xeeladani waa midda ka dhigtay in ay noqdaan kuwa yoolalka nolosha tijaabiya dadkana u jeexa waddooyin ay u maraan guusha. 


6. 86% tijaartu waxa ay akhriyaan  ugu yaraan hal buug bil kasta.
Sida ay xuseen aqoonyahanada dabagalka ku sameeya dabeecadaha dadka guulaysta, 86% tijaartu waxbay akhriyaan. Waxa aanay leeyihiin mawduucyo u gaar ah oo hadafyadooda wax ka taraya ama ganacsiyadooda kaabaya. Sida la sheego ma akhriyaan buugaagta khiyaalka ku dhisan sida NOVELKA. Waxa ay u dhabbagalaan akhrinta buugta khusaysa xaqiiqooyinka nolosha iyo mawduucyada la xidhiidha horumarka. 


   
         7. Waxa ay ku Jiraan Aqoon Korodhsi Joogto ah.


Inkasta oo ay jirta xanta ah “in dadka dunida ugu taajirsan aanay aqoontooda hore wanaagsanayn”, haddana tijaartu waxa ay ku jiraan waxbarasho joogto ah. Tusaalaha nool ee qarnigani waa mulkiilaha Shirkadda Faysbuug oo qalinjabiyay sanadkii 2017 isaga oo markii hore kaga tegay waxbarashada fasalka labaad ee jaamacadda. Tan macnaheedu ma aha in aan dadka guulaha maaliyadeed gaadhay soo marin waxbarasho toos ah, balse waxa ay ku jiraan aqoon korodhsi joogto ah, iyaga oo mar walba isku daya in ay bartaan aqoon cusub.

   8. Waxa ay Leeyihiin Tusmo Hawleed Maalinle ah.

  
Sida ay sheegeen xeeldheerayaal aqoon u leh dhaqamada dadka guusha ka gaadhay dhinaca maaliyadda, dadka tijaarta ahi waxa ay leeyihiin tusmo qoran oo ay ku xardhaan hawlqabadkooda si maalinle ah ama todobaadle ah. tani waxa ay ka dhigtay kuwo tub ku joog ah oo garanaya maalin walba hawsha ay qabanayaan, isla markaasna si hormaysan u kala jajabinaya hawlqabadkooda. Tusmadaas oo ay ku sameeyaan dabadagal si ay u ogaadaan wixii u ga qabsoomay iyo waxa qabyoobay hawlihii ay ku xuseen buugga hawl-qabadka maalinlaha.  Meelahani waa meelaha ay kaga dheereeyeen dadka kale ee caadiga ah.

9. 70%  waxay sameeyaan xidhiidho fiican.


Dadka sameeyay guulaha sare waa kuwo leh xidhiidho fiican isla markaana sameeya shabako isku xidhan oo ay wadaagaan caqabadaha, fursadaha iyo aqoonta kaleba. Sida ay sheegaan culimada ku xeeldheer arrimahani "xidhiidhka fiicani waxa uunka qayb qaataa horumarka qofka iyo in uu helo cid uu wax ka barto isaguna wax baro."



10. Tijaartu waa kuwo Mashquul ah, oo Tub Ku-joog ah.


Tijaarta guulaha sare gaadhay waa kuwo mashquul badan oo mar walba ku hawlan horumarinta yoolashooda nololeed. Waxa ay khabiiradu sheegaan in  ay tobaadkii shaqeeyaan inta u dhaxaysa 65-80 saacadood.  Tani waxa ay sahashay in nay noqdaan kuwa waxsoosaar badan oo aan wakhtigu kaga lumin waxyaabo aan dantooda ahayn.






Haddaba daawade xogahan, ma kuula muuqdaan kuwa wax ka bedelaya noloshaada. Maanta same tallaabooyinkan, si aad noloshaada wax u ga bedesho.


Sources,
www.moneyunder30.com
Galleries. Google.

Qalinkii iyo soo naqlintii: Mohamed M Jaaj. 


Sunday, February 2, 2020

Warqad Ku Socota Ardaydii Fasalka ee aan Niyadjabiyay.


“Waxaan garawsaday halganka aad soo wajahdeen. Waxa aan isku dayay in aan bixiyo (idin baro) wax badan, laakiin ma gaadhsiin heer idinku filan”.

Dhammaan sodonkiinaba waxa aan la kulmay sanadkaygii labaad ee macallinimada dugsiga hoose.  Labaatan jirkaygiiba waan ka daalay rajaynta nolol doorsiga fudud ee ay rajaynayeen bareyaasha kale, waayo marna ma filayn in ay sidan u adkaan doonto.

Sannadkeygii ugu horreeyay si wanaagsan ayuu u dhamaaday,  laakiin markii aan ka soo dalllacay lataliyahaygii hore oo aan u gudbay  koox sannadkan ka sii sarreysa, dildilaaca iyo caqabado  ayaa bilaabmay in ay soo ifbaxaan. Erayo kuma qeexi karo sida aan idin jeclahay, laakiin baahidiinu aad bay u sarraysa, taageerada adeeg wax barasho ee iskuulkuna waa ay hooseysaa; ka dib waxa aan dareemay in aan ahay qofka kaliya ee tahay in uu hawshaa dhexda u xidho.

Markii aan ogaaday halkanka maalinlaha ah ee aad la soo kifaaxdeen waxa aan doonay dhankayga  in aan bixiyo  wax badan, laakiin taasi ma noqon mid idinku filan. Waa aan I haleelay  warwaray xad-dhaaf ah.  waxa aan bilaabay dhamaadka todobaadka, laakiin fasalka uun baan sii dhibay.  Waxdhigistii casharadu waa ay sii xumaatay, taasina waxa ay sii hurisay warwarkaygii. Ciiddii Kirismaska waxa ii yimi mid ka mid ah kuwiina ugu fahamka wanaagsan isaga oo ooyaya. Waxa uu igu yidhi “ Marwo, waxba kama fahmin wixii fasalka ka dhexsocday (casharadii) .  waxa ay iila ahayd qaylo dheer, waanan karhayay.”  Ka dib gurigii ayaan aaday aniga oo ooyaya.

Marka xubin cusub oo murugo la tiicayaa kusoo biiro safka, midkiin kalena  uu  qabo baahi caafimaad oo dhanka maskaxda isla markaana ku sii adkaado xanuunku, waxa aan ka helayay caawimo shakhsi iyo mid xirfadeed ba naftayda iyo qaar idinka mid ah todobaadkii hal mar la taliyeyaasha dugsiga oo caawin jiray in ka badan 700 oo arday.  Waxa aan kala hadlay in aan marka hore wax dhigo, ka dibna aan is diwaan galiyo daawaynta adeega caafimaad ee qaranka.  Arrimahani waxa ay sameeyeen horumar yar, laakiin hawshu waxa ay ahayd gaabis.

Markii sanadku dhamaaday waxa aan si kedis ah idiinku sheegay iin aan joojinayo wax dhigista.  Qaar idinka mid ahi waxa ay la jeesteen oohin.   Halkaas marka ay maraysay, isku kalsoonaantaydu  hoos ayay u dhacday, waxa aan filayay in badankiinu ku farxi doontaan  marka aad I aragtaan aniga oo idinka tegaya, si aad u heshaan idinka caawin kara waxbarashadiina.  Laakiin marka dib loo eego, waxa aan filayaa in aan yaraystay xidhiidhka dareen ee inag adhexeeya.   Ugu danbayntii waxa aan ka mid noqday safka macallimiinta ah ee shaqada uga tegaya daal ay ka qaadeen mushahar yaraan iyo culays saaran.

Wali waxa aan ka fikirayaa in badan oo idinka mid ah.  waxa ii muhiim in aad wanaagsantihiin oo aad wali gaadhaysaan guulo waayay, oo aan hubo in aad gaadhi kartaan.  Waxa aan rajaynayaa in aanay dhaawacayn waxbarashada hal sano oo  tayo xumaani ahi. In kasta oo aan ka shakisanay in qof niyadjabsan iyo macallin noloshiisu liidato ay baahidiinu ka badantahay ama aanu dabooli karin, laakiin waxa aan doonayaa in aad ogaataan in aad adduunka waxa yaalba idin siin lahaa haddii aan awoodo.


W/Q: Sarah Habershon
W/T: Mohamed M Jaaj.

Tuesday, February 26, 2019

Shaqo la’aantu ma qeexna.


Dadku waa shaqo-raadis firfircoon, laakiin markaa ma hayaan shaqo ay qabtaan, markaas ayaa  la odhanaya shaqo la’aan ayaa jirta. Marka dhanka kale laga soo istaago  tirada shaqo ee jirta waxa  ay calaamad lagu aqoonsan karo u noqonaysa tirada dadka ee shaqeeya, marka laga reebo shaqooyinka aanay dadku ku baraarugsanayn ama aan la daahfuran. Shaqo la’aantu waa dhibaato dunida oo dhami la tacaalayso, mana jirto kob adduunka ka mid ah oo aanay ka jirin. Kala duwanaantu se waxa ay noqonaysaa hadba heerka ay leegtahay iyo nooca shaqo la’aaneed ee ka jirta waddankaas. Dawlado dhan ayaa dadku kaga horyimaadaan camal la’aan soo foodsaartay, tusaalaha nool ee qarniganna waa dhacdadii Tuniisiya ka dhacday sanadkii 2010. Wiil dhalinyar ah oo jaamacad ka baxay, qorshe ganacsi oo uu samaystayna dawladdu ka burburisay ayaa isku gubay meel fagaare ah isaga oo naftiisa u halaagay shaqo la’aan. Dhimashadiisii waxa ay sabab u  noqotay in ay  dhacdo dawladdii waddankaa ka talinaysay, halkaana waxa ka bilaabmay  kacdoonka caanka noqday ee Gu’gii Carabta la magac baxay, kaas oo galaaftay boqorro iyo madaxweynayaal. Kacdoonkaas oo illaa maanta halkiisii ka sii socda –u fiiro Suudaan, oo ay wali wacdarihii kacdoonkaasi ka sii bidhaamayaan.  

Bulsho ahaan waxa aynu nahay dad kobocooda dhaqaaleh hooseeyo, kaabayaasha dhaqaalana aan wali sidii la rabay loo dardargalin. Sida oo  kale ma lihin wax soosaar khayraad sida macdan qodis, shidaal, beero iyo mashaariic waaywayn (heavy project) kuwaasi oo dhammaantood si toos ah u ga qayb qaadan lahaa yaraynta shaqo la’aanta.  Waxa aynu nahay bulsho ay ku yaryihiin xirfadaha lagu shaqaysto ee nolol maalmeedku lagu soo saarto. Taasina waxa ay sii kordhisay heerka shaqa la’aanta ee bulshada.  Walina inooma cadda heerka shaqo la’aanta bulshadu la nooshahay iyo waliba noocyada shaqo ee deegaankeenna yaalla. Mawdduucan dunidu aad ayay isaga xil saartaa, waxa aanay samaysaa baadhisyo qoto dheer oo lagu dersayo sababaha dhabta ah ee keena shaqo la’aanta iyo sidii loo dawayn lahaa.

Soomaalidu waa dad bulsho xigaalnimada iyo qaraabnimada aad u tixgalisa, is xidhiidhisa ama wax is tartaba marka qofka xaaladi ku soo baxsato. Ma  jiro wakhti qofku qoyskooda si toos ah uga xoroobo dhaqaale ahaan iyo talo ahaan ba inta aanu u banbixin nolol uu kalidii maamulkeeda leeyahay. Waxa jirta in qofka dhalinta ahi da’ sodon ka badan ku gaadho gurigooda, jeebkiisa maalinlaha ahna ka helo qoyskiisa, halkaasna ay ku lunto tamar iyo fikir badan oo uu galin lahaa in uu samaysto shaqo uu naftiisa ku dabbaro. Waxa uu noqonayaa qof caban oo in shaqo laani hayso aan dhaafin karin hadalkiisa iyo awooddiisa ba, maaddama oo aan qoyskooda dibadda u saarin.  kuwani waa dadka ugu badan ee shaqo laanta ka cawda.

Halkan waa ay inagaga duwan yihiin wadamo badan, kuwa reer galbeedku haba ugu badnaadaane, waayo qofku haddii uu qaangaadho ama uu noqdo qof jidh ahaan iyo maskax ahaan ba dhamaystiran waxa laga lagu dhiirigaliyaa in uu naftiisa bixiyo, oo uu noqdo qof  maaraynta noloshiisa u foof taga. Qofkuna waxa uu  si isku dirqiyid ah u bartaa xirfadaha nolosha taageera, waana sababta keentay in faca dadyawga horumaray wax ku soo kordhiyaan bulshooyinkooda.

Inta badan lama soo saaro xog sax oo ku saabsan heerka shaqo la’ aanta,  in la sameeyo tiro sax oo sheegaysa shaqo la’aanta markaa jirtaana waa ay adagtayahay.  Sababta  waxa aynu u aanayn karraa dadka shaqo la’aantu haysaa oo aan ahayn  kuwo warkooda soo gaadho cidda raadinsaya xogta camal la’aanta.  Dadka qaar ma jeclaba in ay sheegaan shaqo la’aantooda sababo dhaqan ama caadooyin bulsho darteed, kuwa kale waaba ay iska laasimeen shaqo la’aanta oo waxa ay noqdeen kuwa fadhiid ah.

Qodobadani waxa ay ku adkaynayaan  xogbaadhayaasha, dawladaha, ururada maxalliga iyo cid kasta oo ku hawlan in ay helaan xogta shaqo la’aanta gaar ahaan tirada rasmiga ah ee bulshadaas shaqo la’. Taa bedelkeeda  waxa ay qaataan cabbiro ( measurement) ay is diidi karaan xaqiiqada ku saabsan la’aanta jirta, iyaga oo aan samaynin  raadraacyo iyo xogbaadhis dhamaystiran. Natiijada soo baxaysaa waxa ay u dhawdahay mid aan si buuxda u meteli karin heerka shaqo la’aaneed ee wadanka.  Waxa kali ee ah aynu si marag ma doon ah u ognahay waa in shaqo la’aan baahsani jirto, cidda ugu badan ee aan shaqaynina ay dhalinyaro tahay. Taasi waa cabir qofka caadiga ah ee suuq joogga ahiba garan karo, laakiin ma aha  warmurtiyeed si aqoonaysan loo xaqiijiyay tiro ahaanna sugan.

Caqabadaha hortaagan in si dhab ah loo qeexo shaqo la’aanta waxa ka mid ah gorfeynta xalka shaqo la’aanta iyada oo aan awoodda la saarin sidii loo xaqiijin lahaa, loona qeexi lahaa heerka shaqo la’aaneed ee bulshada, cidda ugu badan ee aan shaqo haysan, deegaanada  ay ku badantahay iyo sababaha keenay. Tusaale ahaan; midkee ayay shaqo la’aantu ku badantahay dadka aqoonta leh iyo kuwa aan waxba baran. Halbeegyada aqoonta casriga ahi ku fuudhiso marka ay shaqo la’aanta dersayso waxa ka mid ah dadka waxbartay, oo ah kuwa inta badan ku dhawaaqa in ay shaqo la’ yihiin. Xogaha laga sameeyay  shaqo la’aantana intooda badani waxa ay ku dhisanyihiin  dadkaas wax bartay. Halkaas waxa ka muuqanaysa in cid kali ah xogtooda la darsay, oo xaglin (bias) lagu sameeyay dhammaan shaqodoonada kale ee aan lagu ogaan karin illlaa baadhis la sameeyo.

Dhaqaalaha iyo  khayraadka oo aan saamaxayn in la wada gaadho bulshada shaqo la’  waxa ay keentay in si sax ah loo sugi kari waayo  tirokoobka dalka ee shaqo la’aanta. Dhanka kale ma jiraan machaddo cilmi baadhiseed oo isku hawlay arrintan si loo helo daraasad lagu kalsoonaan karo oo laga tixraaco marka la qeexayo shaqo la’aanta. Sida aynu xusnayna “Dhalintaa waxbaratay” ayaa laga cabbir qaataa marka la dersayo arrintan. Cabir ahaan in dhalinta waxbaratay oo kaliya looga qiysaas qaato shaqo la’aanta jirta ma noqonayso dood sax, mana noqon karaan saami u taagan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee shaqo la’aantu hayso. Waayo nooc kasta oo bulshada ah waxa ay biyo dhigtay qayb shaqo la’aanta ka mid ah, ha noqdaan kuwa aqoont leh, kuwa muqur maalka ah, kuwa guryaha  jooga, kuwa xirfadaha bartay iyo cid kasta oo si uun shaqo la’aani u hayso.

Laba Xogbaadhis oo uu sameeyay xafiiska dawlada Maraykanka u qaabilsan tirokoobka shaqaalaha ayaa qeexay in ay jiraan saddex nooc oo shaqo la’aan ah, kuwaasi oo haysta dhammaan noocyada kala duwan ee bulshada.  Shaqo la’aan kala-guur (Frictional unemployment), taasi oo ah shaqo la’aanta ka timaadda marka shaqaaluhu ka tago shaqadiisa hore si uu u raadsado shaqo kale oo ka fiican tan uu ka tegay.  Shaqo la’aan xirfadeed (Structural unemployment), taasi oo ah marka xirfadda ama aqoonta shaqaaluhu noqon waydo mid ku haboon shaqada markaa jirta. Tusaale ahaan; warshadda roodhida oo marka hore gacanta ku samayn jirtay noocyada kala duwan ee roodhida ayaa soo iibsatay Mishiin roodhida sameeya.  Shaqaalaha markaa joogaa malaha xirfaddii iyo aqoontii mishiinka, markaa waa in ay shaqada ka tagaan si loo helo shaqaale leh aqoonta iyo xirfadaha mishiinkan. Tan waxa keena  tiknoolajiga casriga sida ROBOTS (mishiino sida aadamaha u shaqeeya). Halkaana waxa ka soo baxaysa nooc shaqo la’aan ah.

Tan saddexaad waa    shaqo la’aan ka timaada dhinaca hoos u dhacyada ganacsiyada (cyclical unemployment),  taasi oo ay sababayso marka baahida alaabta iyo adeegyada suuqyadu hoos uu dhacaan, isla markaana shirkadaha ama loo shaqeeyayaashau yareeyaan ama dhimaan shaqaalaha.  Xogtan oo ku timi xog baadhis iyo raadraacyo lagu sameeyay dhammaan suuqyada shaqooyinka waxa aad arkaysaa in ay saamaynayaan noocyo kala duwan oo dad ah, kuwaasi oo kala xirfad ah, kala aqoon ah, kala nolol ah, balse intuba waa shaqo la’aan.

Marka aynu cabirkan ku fuudhino bulshadeena  nooca shaqo la’aaneed ee bulshadeenna ku badani waa midda labaad (structural unemployement). Aqoonta aynnu barannaa inta badan kuma jaan go’na nooca shaqooyinka wadankeenna yaalla. Tusaale ahaa: Huteelada waawayn waxa ka shaqeeya boqolaal shaqaale ah oo la isla yaqaan. Boqolkaas inan ayaa ku dhex wareega. Ma jiraan ama waa ay yaryihiin machadado soo saara dhalinyar baratay xirfadaha hoteelada lagaga shaqeeyo, waxaaba laga yaabaa in ay tahay shaqada ugu badan ee cid loo naadiyo inta badan, cid ka shaqaysana lala baryo.

Su’aalaha aynnu is wayddiin karaaa waxa ka mid ah; inaga bulsho ahaan, shaqo la’aantu ma qeexantahay? Ma jirtaa xog rasmi ah oo lagu jaangoyn karo nooca shaqo la’aanta jirta?  Ma shaqaale la’aan baa jirta oo shaqo waa ay buuxdaa?. Dhammaan su’aalahan jawaabtoodu waxa ay u baahanyihiin xog rasmi ah iyo baadhid dhammaystiran si loo qeexo shaqo la’aanta rasmiga ah ee jirta.

Qalinkii: Maxamed M Jaaj.