Sanadahan u danbeeyay waxa dunida ku soo batay Tuugada online-ka
wax ku dhacda. Tuugada online-ku (online scammers) ku dhacdaa waa mawduuc
caalami ah oo dunida oo dhan ka jira, sanadkiina waxa hab online ah lagu dhacaa
malaayiin Dollar. Sanadkii 2024 waxa la qiyaasay in lacagaha Tuugada online ku
dhacdaa ay gaadheen hal Tiriliyan. Hadaba, Somaalida waxa sanadahan danbe ka
mid noqotay dhibaneyaasha lacago badan lagaga dhacay barnaamijyo been abuur ah
oo loo ekaysiiyay ganacsi maalgalineed oo sharci ah. Barnaamijyadaasi waa kuwo
been ah, inta badana qofka aqoonta aasaasiga ah ee maaliyada iyo Tiknoolajiyada
wax uun ka yaqaan wuu fahmi karaa in barnaamijyada noocan ahi yihiin kuwo tuugo
leedahay oo xoolaha dadka lagu dhacayo.
Dadka waxa laga qaado lacago horumarin ah (upfront fees), ka
dibna waxa la soo bandhigaa xulashooyin qiimahoodu kala duwan yahay oo qofku
maalgashanayo isaga oo loo balan qaadayo faa’iido badan oo degdeg ah.
Faa’iidadan wakhtiyada hore qofku wuu helayaa ilaa dabinka lagu soo hoobanayana
way bixiyaan lacagaha ay ku sheegeen faa’iidada. Qodobka ugu culus ee ay tahay
inaad ku aaminto waa in laguu sheegayo in raasamaalkaagu faa’iido %100 ah kuu
dhalayo ama ka badan muddo kooban “Overnight return on investment”.
Todabaadkan, Barnaamijka AGA oo dad badani lacago ku
maalgashadeen hawada ka baxay sidaana dadkii lacagahoodii ku waayeen. AGA oo ah
nooc Barnaamij oo dadku lacag ku maalgashadeen si ay faa’iido u helaan. Waxa uu
ka mid yahay noocyada Tuugada online-ka ugu caansan ee loo yaqaan “advance fee
scheme” scams.
Dhanka kale waxay adeegsadaan farsamooyin qofka lagu soo saarayo waxa jeebkiisu ka jira. Tusaale ahaan waxay diyaarinayaan kooxo suuqgayn ah oo sheeganaya inay lacago badan ka sameeyeen oo %100 aamin yahay barnaamijku si dadku ugu soo yaacaan iyo fariimo horumarsan oo lagu sharaxayo sida loo adeegsanayo barnaamijkooda.
2.
Iska
dhigidda Shirkado la aqoonsan yahay (impersonating trusted
institutions).
Marka horeba qorshahooda waxa ku jirta inay iska dhigaan
shirkado suuqa hore ugu jiray ama dadku wada yaqaanaan sida Bangiyo, hayado
maaliyadeed iyo ururo taburaacaad si ay kor ugu qaadaan aaminaadooda.
Waxa kale oo ay soo bandhigaan caddaymo dad kale oo maalgashigan
faa’iido wayn ka helay iyo kuwa tijaar ka noqday. Qodobkan waxay ku kabaan dhukumentiyo been abuur ah, maqaallo laga baahiyay oo been
ah iyo xitaa koontooyin baraha bulshada oo ay ku baahiyaan shaqooyinka ay
qabtaan si dadku ugu qancaan. Halkani waa meelaha ka dhigaya kooxahan in u
muuqdaan shirkad sharci ah (legit firm) aan marnaba laga shakiyi Karin.
3.
Farsamadooda oo heersare ah (Sophisticated
scamming tricks)
Tuugadani waa kuwo aqoontooda iyo
farsamooyinkooduba sareeyaan, oo aqoon buuxda u leh waxa ay samaynayaan. Xeeladahoodu
waxay u sahlayaan in dadku u arkaan shirkad la aamini karo iyaga oo samaynaya
website-yo si fiican u diyaarsan iyo barnaamijyada Mobilada lagu soo dejisto oo
dhamaystiran si dadku halkaas lacagta ugu shubaan. Waxay sameeyaan xaysiisyo
iyo joornaalo ay kaga hadlayaan ujeedooyinkooda iyo himilooyinkooda maaliyadeed
ee wakhtiga fog iyaga oo iska dhigaya in qof waliba faa’iido raasamaalkiisa ka
badan helayo wakhti kooban. Tusaale ahaan; haddii aad $600 dollar maalgashato
24 saacadood waxaad helaysaa $40, wakaas qofku jeebkiisa wixii ku jirayba ku
shubay.
Intaas oo kaliya ma aha, waxay sameeyaan xog
ururin heersare ah iyo baadhis (Sophisticated
Social Engineering tactics) ku saabsan baahida loo qabo barnaamijyada ay abuurayaan iyaga
oo ku dhisaya waxyaabaha ay dadku aamini karaan iyaga oo iska dhigaya shirkad
qof waliba ka dhex arki karo fursadaha u saamaxaysa in uu gaadho yoolkiisa
maaliyadeed.
Waxay kula wadaagayaan fariimo Email ah oo
heerkoodu sarreeyo iyo taleefano iyaga oo xidhiidhkooda ka dhigaya mid heersare
ah mudada ka horaysa inta aanay fulin mashruucooda dhactooyada. Wax waliba
waxay u muuqdaan sharci indhahaaga hortooda (legit and living), waayo haddii aad
ka mid noqoto dadka ugu horeeya ee maalgashada waxaad helaysaa faa’iido.
4.
Aqoondarada aasaaska Maaliyadda; si gaar ah dadkeena
(Financial Literacy Gap).
Fahamka mabaadi’da aasaasiga ah ee maaliyadda,
gaar ahaan faa’iido samayntu waa muhiim marka la joogo maalgalinta suuqyada
maaliyada (investing financial markets). Dad badan ma fahmsana sida maalgelinta
sharciga ah u shaqeyso iyo farqiga u dhexeeya maalgalinta aan sharciga ahayn.
Xeerka koowaad ee ay tahay in qofku ku dhaqmo waa in “faa’iido-soo celinta degdeg ah ee wixii
aad maalgashatay ay ku lamaan tahay khatarta luminta gabi ahaanba wixii aad
maalgashatay - raasamaalka. Marka lagu yidhaa waxaad helaysaa faa’iido %100,
ogow waa khad cas (red flag) oo aad ku fahmi karto in waxani yihiin sharci daro
ama dhactooyo. Hadaba, bulshadeena waxa inta badan hoda aqoon la’aanta ka
haysta aasaasiyaadka maaliyada iyo maalgashiga maadaama oo aynaan lahayn suuqyo
maaliyadeed oo shaqeeya.
5.
Bartilmaadeedka dadka nugul (unstable financial and emotional people).
Haddii aad u fiirsato dadka inta badan lagu
dhaco barnaamijyada online-ka ah boqolkiiba saamiga ugu badan waa dadka aan
dhaqaalahoodu buurnayn. Waa dadka sameeyo dhaqaale kooban oo ka baxsan
noloshooda, ka soo qaad inay haystaan $500
ilaa 10,000 dollar oo kayd ah.
Markaa waad fahmi karta in aanay badanaa dabinkan ku dhicin dadka tujaarta ah
maadaama oo ay heli karaan talo-bixin maaliyadeed ama ay leeyihiin khibrado
maalgashi oo ay fahmi karaan dabeecadaha maalgashiga iyo Tuugada.
Kooxahani (scmmers) waxay beegsadaan dadka caadifadooda
maaliyadeed ay kacayso marka ay arkaan lacag wakhti kooban lagu samaynayo iyo
faa’iido degdeg ah, iyaga oo aan tixgalin maalgashigani ma wax la hubaa mise
waa mashruuc aan la garanayn meel uu ka bilaabmo iyo meel uu ku dhamaado. Si
qofka loogu sheego inuu ka baxayo xaaladan dhaqaale ee adag waxa ay abuurayaan
bandhig indho-sarcaad ah iyaga oo dadka
u sheegaya “ku hel $500 dollar ee aad maalgashato 10,000 dollar.” Wakaas markiiba
qofku faraqiisa furay ee wixii uu hayay ama mudada ururinayay ku shubay
barnaamij tuugo ah oo aanu garanayn cida maamulaysa iyo meesha laga
maamulayaba.
5.
Aqoondarada Tiknoolajiyada (Technological
handicap).
Tiknoolajiyadu waxay ku socotaa xawaare sare, saacad
kastana waxa soo kordha barnaamijyo iyo xirfado tiknoolaji ah oo saameeya hab
nololeedka maalinlaha. Aqoondarada tiknoolajiyadu waxa qodob kale oo qofka ku
riixaysa inuu si indho la’aan ah u galo khalad wayn. Tusaale ahaan, haddii
aanad aqoon u lahayn sida loo aqoonsado website-yada been abuurka ah,
Barnaamijyada been abuurka ah iyo macaamilka maaliyadeed ee habka dhijitaalka
ah loo maamulo, waxaad noqonaysa qof naafo ka ah tiknoolajiyada mana kala garan
kartid xaqiiqada barnaamijyada ay adeegsanayaan tuugada Online-ka wax ku dhacdaa.
Farsamooyinkooda horumarsan waxa ka mid ah
inay dadka ku qanciyaan inay soo dejistaan barnaamij ganacsi oo been abuur ah
kaas oo aan laga helayn madalaha internetka ee la isla yaqaan sida Google play
iyo App store, haddii aanad faham ka haysan farqiga u dhexeeya labadan platform
iyo kuwa kale ee la soo galiyo barnaamijyada waxaad si fudud ugu dhacaysaa
khalad waxaana laga yaabaa inaad soo dejisato barnaamij aan sax ahayn.
Muhiimadda ay leedahay in aad taqaano wax ku
saabsan tiknoolajiyada, gaar ahaan kuwa la xidhiidha maaliyada sida kuwa bixiya
adeegyada lacag la bixidda ama dhigashada waxay ku siinayaan inaad fahmi karto
kaartooyinka tuugada Online-ka. Inta badan waxay adeegsadaan aalado lacag
bixineed oo aan sharci ahayn (illegal payment methods) sida wallets, kuwaas oo
aan ku waydiinayn wax macluumaad xaqiijin ah taasina waxay muujinaysaa in aan
lagu kalsoonaan Karin.
Qaybta ugu darani waa tan; marka barnaamijka
wakthgiisii dhamaadka la gaadho waxay hakiyaan lacagaha dadka ugu jiraa
akoonada ay ku leeyihiin Barnaamijka. Ka dib waxay kaa codsanayaan in aad khasaarahaaga
kharashka kale ku bixiso, macnaha adiga oo dhacan lagu sii dhaco.
Marka la isla besbeelo ee ay fadhiisiyaan lacagtii
dadku maalgashadaan (freezing funds) waxay ku odhanayaan lacagihii waxay u
xaniban yihiin cashuuro ama khidmado Bangi markaa si xanibaada looga qaado
lacagaha taagan ee aanad la bixi Karin fadlan ku shubo lacag, tusaale ahaan $20
ilaa $100 ama ka badan. Qofkii oo kurbada ka badatay oo lacagtiisii ku socoto
jidka dhactooyada ayaa hadana markale si ismaqiiq ah amarkooda u fulinaya isaga
oo rajaynaya haddii uu lacagta kale markale bixiyo in xanibaada laga qaadayo
lacagtiisa.
FG. Qaybta wanaagsan ee maalgashiga
Barnaamijyada tuugada ee nooca loo yaqaan maalgashiga horumarinta (advance fee
scams), waa in dad badani ka faa’iidaan dadka ugu horeeya ka qaybqaata inta ka
horaysa xiliga ay u qorsheeyeen inay suuqa kaga baxaan. Arintani maaha mid hoos
martay tuugadu (scammers), balse waa qorshahooda qaybta ugu muhiimsan ee ay
maalgashadeyaasha ku helayaan. Marka ugu horeysa ee ay suuqa soo galaan
waxay lacagaha u bixiyaan sida ugu
fiican ee ugu dhakhsaha badan.
Maxaa lagu gartaa
Tuugada Online-ka ah si gaar ah (Red flags).
- · Waxay kugu qancinayaan inay yihiin shirkada ugu fiican ee kuu damaanad qaadaysa faa’iido sare oo aan khasaare lahayn.
- · Waxay kuu soo bandhigayaan dalab aanad codsan, iyaga oo fariin kuu soo diraya ama barahooda bulshada kugula wadaagaya xaysiisyo.
- · Waxay culays kugu saarayaan inaad maalgashato barnaamijkooda.
- · Waxay kaa codsanayaan lacag horumarin ah oo kugu sheegayaan hawl socodsiin (Upfront transaction Fees), markaas waxaad fahmi kartaa in shirkad aad maalgashanaysaa aanay lacag kale oo horumarin ah kaa qaadayn.
- · Nidaamo lacag bixineed/dhigasho oo aan la garanayn ama cusub oo aan damaanad lahayn.
No comments:
Post a Comment